Baroorashadii 3:47

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa noo yimid cabsi iyo yamays, iyo halligaad iyo baabbi'in.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 24:17-18 : 17 Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yamays iyo dabin. 18 Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa.
  • Ish 51:19 : 19 Labadan waxyaalood ayaa kugu dhacay. Bal yaa kuu barooran doona? Baabba' iyo halaag, iyo abaar iyo seef. Haddaba bal sidee baan kuu qalbi qabowjin doonaa?
  • Yer 48:43-44 : 43 Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yamays, iyo dabin. 44 Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yamayska, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda.
  • Bar 1:4 : 4 Jidadkii Siyoon way baroortaan, maxaa yeelay, ninna iidaha uma yimaado. Irdaheedii oo dhammu waa cidla, wadaaddadeeduna way wada taahaan, Hablaheeda bikradaha ahuna way dhibaataysan yihiin, oo iyada qudheedana dhib qadhaadh baa haya.
  • Bar 1:13 : 13 Xagga sare ayuu lafahayga uga soo daayay dab iyaga ka xoog badnaaday. Cagahayga ayuu shabag u kala bixiyey, oo dib buu ii celiyey. Maalintii oo dhan cidla buu iga dhigay, wuuna i taag gabiyey.
  • Bar 2:1-9 : 1 Sayidku sidee buu xanaaqiisii magaalada Siyoon daruur ugu daboolay! Quruxdii dadka Israa'iilna samaduu ka soo tuuray oo dhulkuu ku soo xooray, Oo maalintii cadhadiisa meeshuu cagaha dhigan jiray sooma uu xusuusan. 2 Sayidku wuxuu liqay rugihii dadka Yacquub oo dhan, umana uu tudhin. Wuxuu cadhadiisii ku dumiyey qalcadihii dadka Yahuudah, Oo dhulkuu ku soo xooray iyagii, Oo boqortooyadii iyo amiirradeediiba nijaas buu ku tiriyey. 3 Wuxuu cadhadiisii kululayd ku gooyay geeskii dadka Israa'iil oo dhan. Oo gacantiisii midigna wuu ka soo ceshaday cadowga hortiisii, Dadka Yacquubna wuxuu u gubay sidii dab ololaya oo baabbi'iya waxaa hareerihiisa yaal oo dhan. 4 Wuxuu qaansadiisii u xootay sidii cadow oo kale, oo gacantiisii midigna wuu u taagay sidii nacab oo kale, Oo wixii isha u roonaa ayuu wada laayay, Oo taambuuggii magaalada Siyoonna cadhadiisuu ugu soo daadiyey sidii dab oo kale. 5 Sayidku wuxuu noqday sidii cadow oo kale, oo dadka Israa'iilna wuu liqay, Daarahoodii waaweynaana wuu wada liqay, oo qalcadahoodiina wuu wada burburiyey, Oo dalka Yahuudahna wuxuu ku badiyey baroor iyo oohin. 6 Taambuuggiisii wuxuu u dumiyey sidii waab beer ku yaal, Oo meeshii shirkiisana wuu baabbi'iyey. Rabbigu wuxuu ka dhigay in Siyoon lagu dhex illoobo iiddii iyo sabtidiiba, Oo dhirifkii cadhadiisa ayuu ku quudhsaday boqorkii iyo wadaadkiiba. 7 Sayidku wuu xooray meeshiisii allabariga, oo meeshiisii quduuska ahaydna wuu karhay, Derbiyadii daaraheeda waaweynna gacanta cadowga buu u geliyey. Oo gurigii Rabbigana way ku dhex qayliyeen sidii maalin iid ah. 8 Rabbigu wuu u qasdiyey inuu baabbi'iyo derbigii magaalada Siyoon. Xadhig buu ku kala fidiyey, oo gacantiisiina kama celin baabbi'inteedii. Wuxuu ka dhigay dhufays iyo derbi inay baroortaan, oo dhammaantoodna way wada jilceen. 9 Irdaheedii dhulkay ku tiimbadeen, oo qataarradeediina wuu wada burburiyey oo jejebiyey. Boqorkeedii iyo amiirradeediiba waxay dhex joogaan quruumaha, sharcigiina innaba ma jiro, Oo nebiyadeediina xagga Rabbiga waxba loogama muujin.
  • Luuk 21:35 : 35 Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 24:17-18
    2 aayado
    80%

    17Kan dhulka degganow, waxaa ku hor yaal cabsi iyo yamays iyo dabin.

    18Oo kii qaylada cabsida ka cararaa yamayskuu ku dhici doonaa, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, waxaa la furay daaqadihii xagga sare, oo aasaaskii dhulkuna wuu gariirayaa.

  • 46Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen.

  • 48Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed.

  • 10Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno, Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,

  • 27Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale, Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah; Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.

  • Yer 48:43-44
    2 aayado
    76%

    43Rabbigu wuxuu leeyahay, Kan Moo'aab degganow, waxaa ku hor yaal cabsi, iyo yamays, iyo dabin.

    44Kii cabsida ka cararaa wuxuu ku dhici doonaa yamayska, oo kii yamayska ka soo baxana waxaa qaban doona dabinka, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan reer Moo'aab ku soo dul dejin doonaa sannaddii ciqaabiddooda.

  • 25Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega, Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.

  • Yer 6:24-26
    3 aayado
    74%

    24Waxaannu maqalnay warkoodii, oo gacmahayagii way taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa noo qabtay sida naag foolanaysa oo kale.

    25Berrinka ha u bixina, oo jidkana ha marina, waayo, seeftii cadowga iyo cabsi baa dhan kasta idinka jirta.

    26Dadkaygow, joonyad xidho, oo dambas ku galgalo, oo waxaad u baroorataa sida wiil madi ah loogu baroorto, oo waxaad ku ooydaa baroor aad u qadhaadh, waayo, waxbaabbi'iyihii dhaqsuu inoogu soo degi doonaa.

  • Sab 55:4-5
    2 aayado
    74%

    4Wadnuhu aad buu ii xanuunayaa, Oo waxaa igu dhacday cabsida dhimashada.

    5Baqdin iyo gariir ayaa igu soo degay, Oo naxdin baa i dabooshay.

  • 20Belaayo baa belaayay ku soo kor dhacday, ayaa lagu dhawaaqay, waayo, dalkii oo dhan waa baabba'ay. Teendhooyinkaygii haddiiba way baabbe'een, oo daahyadaydiina daqiiqad qudha ayay dhammaadeen.

  • 18Way na raadraadiyaan, oo jidadkayagana ma mari karno. Ugudambaystayadii way soo dhowaatay. Cimrigayagii wuu dhammaaday, waayo, ugudambaystayadii way timid.

  • 19Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah! Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.

  • 14Jabniin ballaadhan ayay ka soo dusaan, Oo burburka dhexdiisa ayay igaga soo dhacaan.

  • Yer 9:18-19
    2 aayado
    73%

    18Oo iyagu ha soo dhaqsadeen, oo aad ha noogu baroorteen, si ay indhahayaga ilmo uga soo daadato oo ay biyona uga soo butaacaan.

    19Waayo, waxaa Siyoon ka yeedhaya cod baroor ah oo leh, Sidee baannu u baabba'nay! Aad iyo aad baannu u ceebownay, maxaa yeelay, dalkii waannu ka tagnay, oo hoyaashayadiina waa nalaga dumiyey.

  • 16Jidadkooda waxaa yaal hoog iyo ba';

  • 16Cadaawayaashaadii oo dhammu afkay kugu kala qaadeen, Intay foodhyaan oo ilko jirriqsadaan ayay waxay yidhaahdaan, Waannu liqnay. Sida xaqiiqada ah tanu waa maalintii aannu sugaynay, Waannu helnay oo waannu aragnay.

  • 22Dalka waxaa dhex yaal dagaal iyo halligaad weyn sanqadhood.

  • 8Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.

  • 15Waxaa hoogtay maalintaas! Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay, oo waxay u imanaysaa sida halligaad ka timid xagga Ilaaha Qaadirka ah.

  • 72%

    10Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin.

    11Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa.

  • 15Innagu nabad baynu sugaynay, laakiinse wanaag inooma iman, oo waxaynu sugaynay wakhti caafimaad leh, oo bal eega naxdin baa inoo timid!

  • 11Oo haatan waxay cidhiidhiyeen tallaabooyinkayagii, Oo waxay noogu dhaygageen inay dhulka nagu tuuraan aawadeed.

  • 25Halligaad baa imanaysa, oo iyagu nabad bay doondooni doonaan, laakiinse innaba ma ay jiri doonto.

  • 11Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay.

  • 3Oo waxaa Xoronayim laga maqli doonaa oohin qayladeed, kharribaad iyo baabba' weyn aawadood.

  • 12Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale, Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca;

  • 71%

    8Oo taas daraaddeed ayaa cadhada Rabbigu ugu soo degtay dadka Yahuudah iyo Yeruusaalemba, oo Rabbiguna wuxuu iyagii geliyey rabshad iyo in laga yaabo oo lagu foodhyo, sida aad idinkuba indhihiinna ugu aragtaan.

    9Waayo, bal eega, awowayaasheen seef bay ku le'deen, oo wiilasheennii iyo gabdhaheennii iyo dumarkeenniiba waxaa loo haystaa maxaabiis, waana taas daraaddeed.

  • 25Ha ka baqin cabsi kedis ah, Iyo baabbi'inta kuwa sharka leh toona markii ay timaado.

  • Bar 5:16-17
    2 aayado
    71%

    16Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!

    17Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.

  • 22Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin, Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay.

  • 8Taas aawadeed dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo qayliya, waayo, cadhadii Rabbiga oo kululayd nagama noqon.

  • 37Oo xeryihii nabaadiinada waa la wada baabbi'iyey Rabbiga xanaaqiisa kulul aawadiis.

  • 12Magaaladii waxaa lagaga dhex tegey baabba', oo albaabkiina intii la jebiyey, ayaa la baabbi'iyey.

  • 22Markaad col sii dhaqsiya ugu soo daysid, qaylo ha ka dhex yeedho guryahooda, waayo, god bay ii qodeen, oo shirqool bay cagahayga u qariyeen.

  • 21Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso.

  • 35Waayo, sidaas oo kale ayaa ku dhacaysa kulli kuwa dunida oo dhan jooga.

  • 5Sayidku wuxuu noqday sidii cadow oo kale, oo dadka Israa'iilna wuu liqay, Daarahoodii waaweynaana wuu wada liqay, oo qalcadahoodiina wuu wada burburiyey, Oo dalka Yahuudahna wuxuu ku badiyey baroor iyo oohin.

  • 10Way madhan tahay, oo waa baabba', oo waa cidla, oo qalbigu waa dhalaalayaa, lowyuhuna way isgaraacayaan, oo qof kasta dhexdiisa xanuun baa ku jira, oo kulligoodna wejigooda cabsi baa ka muuqanaysa.

  • 24Laakiinse tan iyo yaraantayadii waxa ceebta ah ayaa baabba' ka dhigtay wixii awowayaashayo ku hawshoodeen oo dhan, xataa adhyahoodii iyo ishkinkoodii, iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba.

  • 6Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid.

  • 30¶ Wax baas oo yaab miidhan ah ayaa dalka lagu dhex sameeyey.