Laawiyiintii 11:20

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Oo wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waa idinka karaahiyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 11:23 : 23 Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta cagood lahu, waa idinka karaahiyo.
  • Laaw 11:27 : 27 Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
  • Sharc 14:19 : 19 Oo wax baalal leh oo gurguurta oo dhammu waa idinka nijaas, oo iyaga waa inaan la cunin.
  • 2 Boq 17:28-41 : 28 Haddaba wadaaddadii ay Samaariya ka soo kaxeeyeen midkood ayaa yimid, oo wuxuu degay Beytel, oo wuxuu dadkii baray siday Rabbiga uga cabsan lahaayeen. 29 Habase yeeshee quruun waluba waxay samaysatay ilaahyo ay iyagu leeyihiin, oo waxay dhex dhigteen guryihii meelaha sarsare oo ay reer Samaariya samaysteen, oo quruun waluba waxay dhex dhigteen magaalooyinkii ay iyagu degganaayeen. 30 Oo dadkii reer Baabuloon waxay samaysteen Sukood Benood, dadkii reer Kuudna waxay samaysteen Neergal, dadkii reer Xamaadna waxay samaysteen Ashiimaa, 31 oo reer Cawaana waxay samaysteen Nibxas iyo Tartaq, oo reer Sefarwayiimna waxay carruurtoodii dab ugu gubeen Adrammeleg iyo Canammeleg oo ahaa ilaahyadii reer Sefarwayiim. 32 Rabbiga way ka cabsan jireen oo waxay dadkooda ka dooran jireen wadaaddadii meelaha sarsare, kuwaasoo ugu allabaryi jiray guryihii meelaha sarsare. 33 Rabbiga way ka cabsan jireen, isla markaasna waxay u adeegi jireen ilaahyadoodii sidii quruumihii iyaga laga soo dhex kaxeeyey ay yeeli jireen. 34 Oo ilaa maantadan waxay sameeyaan sidii caadooyinkoodii hore ay ahaayeen, oo Rabbiga kama cabsadaan, mana ay sameeyaan qaynuunnadoodii, iyo xukummadoodii, iyo sharcigii iyo amarkii uu Rabbigu amray reer Yacquub, kii uu Israa'iil u bixiyey, 35 kuwaasoo uu Rabbigu axdi la dhigtay, oo uu ku amray, isagoo leh, Idinku ilaahyo kale ha ka cabsanina, hana u sujuudina, hana u adeegina, allabarina ha u bixinina; 36 laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbigii dalkii Masar idinkaga soo bixiyey xoogga weyn iyo cudud fidsan, isagana u sujuuda oo allabari u bixiya; 37 oo qaynuunnadii, iyo xukummadii, iyo sharcigii, iyo amarkii uu idiin qoray waa inaad dhawrtaan oo aad weligiinba samaysaan, oo waa inaydnaan ka cabsan ilaahyo kale. 38 Oo axdigii aan idinla dhigtayna waa inaydnaan illoobin, oo aydnaan ilaahyo kale ka cabsan; 39 laakiinse waxaad ka cabsataan Rabbiga Ilaahiinna ah, oo isna wuxuu idinka samatabbixin doonaa gacanta cadaawayaashiinna oo dhan. 40 Habase yeeshee iyagu ma ayan dhegaysan, laakiinse waxay sameeyeen sidii caadadoodii hore ay ahayd. 41 Quruumahaasu waxay ka cabsan jireen Rabbiga, isla markaasna waxay u adeegi jireen sanamyadoodii xardhanaa, oo carruurtoodiina saasoo kalay yeeleen, oo carruurtii carruurtooduna saasoo kalay yeeleen, oo sidii awowayaashood samayn jireen ayay iyaguna sameeyaan ilaa maantadan la joogo.
  • Sab 17:14 : 14 Rabbiyow, waxaad dadka igaga samatabbixisaa gacantaada, Kuwaas oo ah dadka dunida, oo qaybtoodu ku jirto nolosha adduunkan, Oo aad calooshooda ka buuxisaa khasnaddaada, Iyagu waxay ka dhergeen carruur, Oo maalkooda hadhayna waxay uga tagaan dhallaankooda.
  • Mat 6:24 : 24 ¶ Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.
  • Fil 3:18-19 : 18 ¶ Waayo, waxaa jira kuwa badan oo socda oo aan marar badan wax idiinka sheegay, oo aan haddana anigoo ooyaya idiin sheegayo inay yihiin cadaawayaasha iskutallaabta Masiixa, 19 oo kuwaas dhammaadkoodu waa halligaad, ilaahooduna waa caloosha, ammaantooduna waxay ku jirtaa ceebtooda, oo waxay ka fikiraan waxyaalaha dunida.
  • 2 Tim 4:10 : 10 waayo, Deemaas intuu dunidan haatan la joogo jeclaaday ayuu iga tegey, oo wuxuu aaday Tesaloniika; Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya; Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya.
  • 1 Yoox 2:15-17 : 15 Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga. 16 Maxaa yeelay, waxaa dunida ku jira oo dhan oo ah damaca jidhka, iyo damaca indhaha, iyo faanka nolosha, xagga Aabbaha kama yimaadaan ee waxay ka yimaadaan xagga dunida. 17 Oo duniduna way idlaanaysaa, iyo damaceeduba; laakiin kan doonista Ilaah yeelaa wuu jirayaa weligiis.
  • Yuud 1:10 : 10 Laakiin kuwanu wax kastoo ayan garanaynba way caayaan, oo waxay ku baabba'aan waxay abuuristooda ku garanayaan sida xayawaanka aan caqliga lahayn.
  • Yuud 1:19 : 19 Kuwanu waa kuwa dadka kala erya, oo nafta dunida u nool iyagoo aan Ruuxa lahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 92%

    21Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,

    22iyaga waxaad ka cuntaan kuwa caynkan ah oo ah ayaxa iyo caynkiisa, iyo kabajaanka iyo caynkiisa, iyo jiriqsiga iyo caynkiisa, iyo koronkorrada iyo caynkeeda.

    23Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta cagood lahu, waa idinka karaahiyo.

    24¶ Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,

  • 87%

    41¶ Oo wax kasta oo dhulka ku gurguurtaaba waa karaahiyo, oo waa inaan la cunin.

    42Wax alla wixii bogga ku socda, iyo wax alla wixii afar addin ku socda, amase wax alla wixii addimmo badan leh, kuwaas oo ah waxyaalaha dhulka ku gurguurta oo dhan, waa inaydaan cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo.

    43Idinku waa inaydaan karaahiyo iskaga dhigin waxa dhulka ku gurguurta oo dhan, oo waa inaydaan iyaga isku nijaasayn si aydaan iyaga ugu nijaasoobin.

    44Waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah, haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, maxaa yeelay, anigu quduus baan ahay. Oo waa inaydaan isku nijaasayn cayn kasta oo ah waxa gurguurta oo dhulka ku kor dhaqdhaqaaqa.

  • 87%

    18iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelaljoogta, iyo fiidmeerta.

    19Oo wax baalal leh oo gurguurta oo dhammu waa idinka nijaas, oo iyaga waa inaan la cunin.

    20Laakiinse haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.

  • 82%

    18iyo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga, iyo gorgorka,

    19iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.

  • 81%

    10Laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn oo ku dhex jira badaha iyo webiyada, iyo waxa biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa oo dhan, iyo kulli waxyaalaha noolnool oo biyaha ku dhex jira oo dhammu waa idinka karaahiyo.

    11Haddaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.

    12Wax alla wixii biyaha ku dhex jira oo aan lahayn baalal iyo qolfo waa idinka karaahiyo.

    13¶ Oo haaddana waxaa idinka karaahiyo ah kuwan, oo iyaga waa inaan la cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo, waana baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,

    14iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,

  • 78%

    10laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn waa inaydaan cunin, maxaa yeelay, waa idinka nijaas.

    11¶ Haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.

    12Laakiinse ha cunina haadda caynkan ah: baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,

    13iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,

  • 3¶ Waa inaydaan cunin innaba wax karaahiyo ah.

  • 76%

    26Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.

    27Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.

    28Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.

    29¶ Oo waxa dhulka ku gurguurta oo dhan kuwanu waa kuwa idinka nijaas ah, waana fadhanfadhka, iyo jiirka, iyo amuurka iyo caynkiisa oo dhan,

    30iyo ilweynta iyo maansalugaleyda, iyo qorratada, iyo mulaca, iyo jirjirroolaha.

    31Oo waxa gurguurta oo dhan kuwaasu waa kuwa idinka nijaas ah, oo ku alla kii taabtaa markay dhintaan nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.

  • Laaw 11:7-8
    2 aayado
    76%

    7Oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, oo qanjaafiluu leeyahay, laakiinse calyanaqsiga ma raamsado, sidaas daraaddeed isagu waa idinka nijaas.

    8Haddaba kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, oo baqtigoodana waa inaydaan taaban, maxaa yeelay, iyagu waa idinka nijaas.

  • 75%

    17ama u eg dugaagga dhulka jooga, ama u eg haadda cirka dhex duusha,

    18ama u eg wax dhulka gurguurta, ama u eg wax kalluun ah oo ku jira biyaha dhulka ka hooseeya.

  • 75%

    46¶ Haddaba intaasu waa sharciga ku saabsan xayawaanka, iyo haadda, iyo wax kasta oo nool oo biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa, iyo wax kasta oo dhulka ku gurguurta;

    47si loo kala duwo waxa nijaasta ah iyo waxa daahirka ah, iyo waxa nool oo la cuni karo iyo waxa nool ee aan la cuni karin.

  • 10Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow,

  • 25Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad kala soocdaan xayawaanka daahirka ah iyo kan nijaasta ah, iyo haadda daahirka ah iyo tan nijaasta ah, oo waa inaydaan nafihiinna wax karaahiyo ah kaga dhigin xayawaan ama haad ama waxa dhulka ku gurguurta oo aan idinka soocay oo aan idhi, Waa nijaas.

  • 12oo waxaana ku jiray jinsi kasta oo xayawaan afar lugood leh iyo waxa dhulka gurguurta iyo haadda cirka.

  • Laaw 11:2-5
    4 aayado
    73%

    2Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Kuwanu waa waxyaalaha noolnool oo aad ka cunaysaan xayawaanka dhulka jooga oo dhan,

    3Wax alla wixii xayawaan ah oo raafkoodu kala jeexan yahay, oo qanjaafilo leeyahay, oo calyanaqsiga raamsado waa inaad cuntaan.

    4Habase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.

    5Oo waladana ha cunina, maxaa yeelay, iyadu calyanaqsiga way raamsataa, laakiinse raafkeedu ma kala jeexna, haddaba iyadu waa idinka nijaas.

  • 26Oo meydkiinnu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka hawada oo dhan iyo dugaagga dhulka, oo mid iyaga ka eryana lama arki doono.

  • Sharc 14:6-7
    2 aayado
    71%

    6Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo calyanaqsiga raamsado oo xayawaanka ka mid ah kaas waa inaad cuntaan.

    7Habase yeeshee kuwa caynkan ah oo calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela iyo bakaylaha iyo walada, maxaa yeelay, calyanaqsiga way raamsadaan laakiinse raafkoodu ma kala jeexna, oo iyagu waa idinka nijaas,

  • 16iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag,

  • 12Waayo, ku alla kii waxyaalahaas sameeyaa waa u karaahiyo Rabbiga, oo waxyaalahan karaahiyada ah daraaddood ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga hortiinna uga eryayaa.

  • 71%

    34Oo waxa la cuno oo ku jira oo biyo gaadhaanba way nijaasoobi doonaan, oo weelka caynkaas ah waxa la cabbo oo ku jira oo dhammuna way nijaasoobi doonaan.

    35Oo wax alla wixii wax baqtigooda ahu ku dhacaanba way nijaasoobi doonaan, hadday yihiin foorno ama sholad, waa in la burburiyaa, waayo, iyagu waa nijaas, waana inay nijaas idinka ahaadaan.

  • 8Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba