Laawiyiintii 14:37

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu ku yaal guriga derbiyadiisa oo ay leeyihiin meelo godgodan oo ah cagaar iyo guduud, iyo haddii muuqashadiisu ay derbiga sare hoos u sii dhaafsiisan tahay,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 13:3 : 3 oo wadaadku waa inuu fiiriyaa cudurka jidhka ku yaal, oo haddii meesha cudurka leh timaheedu ay caddaadeen, oo cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, markaas waa cudurkii baraska, oo wadaadku waa inuu fiiriyaa oo yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay.
  • Laaw 13:19-20 : 19 oo kasoobaxa meeshuu ku yaal haddii lagu arko barar cad ama bar dhalaalaysa oo ah guduud caddaan ku jiro, markaas waa in wadaadka la tusaa. 20 Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu hoos u sii dhaafsiisan tahay dubka sare oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cudurkii baraska oo soo baxay.
  • Laaw 13:42 : 42 Laakiinse madaxa bidaarta leh ama foodda bidaarta leh haddii lagu arko cudur guduudan oo caddaan ku jiro, markaas waa baras ka soo baxay madaxiisii bidaarta lahaa ama fooddiisii bidaarta lahayd.
  • Laaw 13:49 : 49 haddii cudurku ka cagaaran yahay ama ka guduudan yahay dharka ama haragga ama dunta fidsan ama tan gudubsan ama waxa alla wixii harag laga sameeyo, kaasu waa cudurkii baraska oo waa in wadaadka la tusaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 89%

    38markaas waa in wadaadku gurigaas ka baxo oo albaabka istaagaa, oo waa inuu gurigaas intii toddoba maalmood ah xidhaa.

    39Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku soo noqdaa oo fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurku ku sii faafay guriga derbiyadiisa,

    40markaas wadaadku waa inuu amraa in guriga laga bixiyo dhagaxyada cudurka qaba, oo lagu xooraa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.

    41Oo markaas waa inuu ka dhigaa in guriga gudihiisa oo dhan la wada xoqo, oo malaasta guriga laga xoqayna waa in lagu soo daadiyaa meel nijaas ah oo magaalada dibaddeeda ah.

    42Oo waa in dhagaxyo kale la soo qaadaa, oo la geliyaa meeshii ay dhagaxyadaas laga bixiyey, oo malaas kale waa inuu keenaa oo guriga ku malaasaa.

    43Oo haddii cudurku mar kale guriga ku soo noqdo oo uu ka soo dhex baxo, markii dhagaxyada laga bixiyey oo guriga oo dhan la xoqay oo la malaasay dabadeed,

    44markaas wadaadku waa inuu soo galaa, oo fiiriyaa, oo bal eeg, cudurku hadduu guriga ku faafay, waa baras wax xagta oo guriga ku jira, oo markaas gurigu waa nijaasaysan yahay.

    45Oo isagu waa inuu guriga dumiyaa kulli dhagxantiisa, iyo alwaaxdiisa, iyo malaastiisa oo dhanba, oo waa inuu magaalada dibaddeeda u bixiyaa, oo meel nijaas ah ku daadiyaa.

  • 87%

    47Oo qofkii guriga seexdaaba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii guriga wax ku cunaana waa inuu dharkiisa maydhaa.

    48Oo haddii wadaadku guriga soo galo, oo uu fiiriyo, oo uu arko inaan cudurkii guriga ku dhex faafin markii guriga la malaasay dabadeed, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Gurigu waa daahir, maxaa yeelay, cudurkii wuu ka bogsaday.

    49Oo isna si uu guriga u daahiriyo aawadeed waa inuu qaadaa laba shimbirrood, iyo qori kedar ah, iyo wax casaan ah, iyo geed husob la yidhaahdo.

  • 86%

    34Idinku markaad gashaan dalka reer Kancaan oo aan hantida idiin siinayo, haddaan cudurka baraska ah ku rido guri ku yaal dalka hantidiinna ah,

    35markaas qofka guriga lahu waa inuu wadaadka u yimaadaa oo u sheegaa isagoo leh, Waxay ila tahay in cuduru guriga ku jiro.

    36Oo wadaadku waa inuu amraa in guriga mid madhan laga dhigo, intaan wadaadku soo gelin markuu cudurka fiirinayo, si aan waxa guriga ku jira oo dhan nijaas looga dhigin, oo dabadeedna wadaadku waa inuu galaa si uu guriga u fiiriyo.

  • 82%

    49haddii cudurku ka cagaaran yahay ama ka guduudan yahay dharka ama haragga ama dunta fidsan ama tan gudubsan ama waxa alla wixii harag laga sameeyo, kaasu waa cudurkii baraska oo waa in wadaadka la tusaa.

    50Oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa cudurkaas, oo waxaas cudurka qabana waa inuu meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood ah.

    51Oo haddana maalinta toddobaad waa inuu cudurka fiiriyaa, oo haddii cudurku dharka kaga sii faafay dunta fidsan ama tan gudubsan, ama haragga dhexdiisa, haraggaas hawl kasta oo loogu isticmaalaba, markaas cudurku waa baras wax xaganaya oo waxaasu waa nijaasaysan yahay.

  • 82%

    16Oo boogta xumu hadday mar kale beddelanto oo caddaato, markaas isagu waa inuu wadaadka u yimaadaa,

    17oo wadaadkuna waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii caddaaday, markaas wadaadku kan cudurka qabi jiray ha ku yidhaahdo, Waa daahir, isagu waa daahir.

  • 81%

    53Oo haddii wadaadku fiiriyo, oo markaa cudurkii uusan dharka kaga sii faafin dunta fidsan ama tan gudubsan toona, ama wax harag laga sameeyey,

    54markaas wadaadku waa inuu ku amraa in la maydhaa waxaas cudurka qaba, oo isagu haddana waa inuu waxaas meel ku xereeyaa intii toddoba maalmood oo kale ah.

    55Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, markii cudurka laga maydho dabadeed, oo bal eeg, cudurka midabkiisu hadduusan beddelmin, iyo haddii cudurku uusan faafinba, waxaasu waa nijaas, oo waa inaad dab ku gubtaa, oo haddii meeshii xumayd kaga taal hoosta ama dushaba, taasu waa wax xaganaya.

    56Oo haddii wadaadku fiiriyo, oo bal eeg, cudurku hadduu yaraaday markii la maydhay dabadeed, markaas isagu waa inuu intaas ka dillaaciyaa dharka ama haragga ama dunta fidsan ama tan gudubsan.

    57Oo haddii cudurkii weli dharkii kaga sii muuqdo dunta fidsan ama tan gudubsan ama wax kasta oo harag laga sameeyey markaas waa inaad dab ku gubtaa waxa cudurku ku yaal, maxaa yeelay, cudurku waa soo faafayaa.

  • Laaw 13:3-13
    11 aayado
    80%

    3oo wadaadku waa inuu fiiriyaa cudurka jidhka ku yaal, oo haddii meesha cudurka leh timaheedu ay caddaadeen, oo cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, markaas waa cudurkii baraska, oo wadaadku waa inuu fiiriyaa oo yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay.

    4Laakiinse haddii barta dhalaalaysaa ay jidhka sare ka cad dahay, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo meeshaas timaheeduna ayan caddaan, markaas waa in wadaadku qofkaas cudurka qaba karantiilaa intii toddoba maalmood ah.

    5Oo haddana wadaadku maalinta toddobaad waa inuu isaga fiiriyaa, oo bal eeg, hadduu indhihiisa ku arko in cudurku joogsaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas waa in wadaadku qofkaas sii karantiilaa toddoba maalmood oo kale.

    6Oo haddana maalinta toddobaad waa in wadaadku fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurkii yaraaday oo uusan dubka sare ku sii faafin, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa daahir, oo meeshu waa qolof keliya, oo isna dharkiisa ha maydho oo daahir ha ahaado.

    7Laakiinse qoloftu hadday jidhka ku sii faafto markii u daahirintiisa aawadeed wadaadka isu tuso dabadeed, waa inuu wadaadka mar kale istusaa.

    8Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii qoloftu ay jidhka ku faafto, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa baras.

    9¶ Oo haddii nin cudurka baraska qabo waa in wadaadka loo keenaa,

    10oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii dubka sare barar cadu ku yaal, oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, oo bararkana haddii boog xun ku dhex taal,

    11kaasu waa baras gaboobay oo dubka jidhka ku dhex jira, oo wadaadku kaas waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, oo isaga waa inuusan karantiilin, waayo, isagu waa nijaas.

    12Oo haddii barasku dubka ku faafo, oo uu barasku kan cudurka qaba dubkiisa oo dhan qariyo tan iyo madaxiisa iyo ilaa cagihiisa, in alla intii wadaadka u muuqata,

    13markaas wadaadku waa inuu qofkaas fiiriyaa, oo bal eeg, haddii barasku jidhkiisa oo dhan ku faafay, markaas isagu kan cudurka qaba waa inuu ku yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, waayo, isagu wuu wada caddaaday oo waa daahir.

  • 79%

    25markaas wadaadku waa inuu meeshaas fiiriyaa, oo bal eeg, barta dhalaalaysa timaheedu hadday caddaadeen oo nabarka muuqashadiisuna ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, waa baras kaasu, oo wuxuu ka soo dhex baxay meeshii gubatay, oo wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

    26Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo barta dhalaalaysa laga waayo timo cad, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn laakiinse uu yaraaday, markaas wadaadku waa inuu qofkaas karantiilaa intii toddoba maalmood ah.

    27Oo maalinta toddobaad waa in wadaadku qofkaas fiiriyaa, oo haddii nabarku dubka sare ku faafay, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudurkii baraska.

  • 3Oo wadaadku waa inuu xerada dibadda uga baxaa, oo waa inuu qofkaa fiiriyaa, oo bal eeg, cudurkii barasku hadduu ka bogsaday qofkii baraska qabay,

  • 78%

    30markaas wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cudurka muuqashadiisu ay dubka sare hoos u sii dhaafsiisan tahay, oo meeshaasna ay ku yaalliin timo casuur ah oo khafiif ah, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cambaar oo waa baraskii madaxa iyo gadhka.

    31Oo wadaadku hadduu fiiriyo cudurka cambaarta ah, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, oo aan timo madoobu meeshaas ku oollin, markaas wadaadku waa inuu karantiilaa kan cudurka cambaarta ah qaba intii toddoba maalmood ah.

    32Oo maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cudurka fiiriyaa, oo bal eeg, haddii cambaartii ayan sii faafin, oo aan lagu arag timo casuur ah, oo cambaarta muuqashadeedu ayan dubka sare ka sii dhaafsiisnayn,

  • 78%

    20Oo wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii muuqashadeedu hoos u sii dhaafsiisan tahay dubka sare oo meeshaas timaheeduna ay caddaadeen, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, taasu waa cudurkii baraska oo soo baxay.

    21Laakiinse haddii wadaadku fiiriyo, oo meeshaas timo cad laga waayo, oo nabarkuna uusan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, illowse uu sii yaraaday, markaas waa in wadaadku karantiilaa intii toddoba maalmood ah,

    22oo haddii cudurku dubka sare ku sii faafo, markaas wadaadku ha yidhaahdo, Ninkanu waa nijaasaysan yahay, waayo, kaasu waa cudur.

  • 55iyo weliba baraska dharka gala iyo kan guriga galaba,

  • 39markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, haddii baraha dhaldhalaalaya oo dubka jidhkooda ku yaallaa ay yihiin caddaan khafiif ah, taasu waa xaajiin jidhka ka soo baxday, oo qofkaasu waa daahir.

  • 43Markaas wadaadku waa inuu fiiriyaa, oo bal eeg, cudurka bararkiisu hadduu yahay mid guduudan oo caddaan ku jiro, oo ku yaal madaxiisa bidaarta leh, ama fooddiisa bidaarta leh, sidii ay tahay muuqashada baraska oo dubka jidhkiisa ku taal,

  • 77%

    34Oo haddana maalinta toddobaad wadaadku waa inuu cambaartii fiiriyaa, oo bal eeg, cambaartu haddii ayan dubka sare ku sii faafin, oo muuqashadeeduna ayan dubka sare hoos u sii dhaafsiisnayn, markaas wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa daahir, oo isna waa inuu dharkiisa maydhaa oo uu daahir ahaadaa.

    35Laakiinse cambaartii haddii ay dubka sare ku sii faafto daahirintiisa dabadeed,