Laawiyiintii 20:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Weliba waxaad ku tidhaahdaa reer binu Israa'iil, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama shisheeyayaasha idin dhex deggan ka mid ah, oo carruurtiisa Moleg siiya, sida xaqiiqada ah kaas waa in la dilaa, oo dadka dalka degganu waa inay dhagax la dhacaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 21:21 : 21 Oo markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan.
  • Laaw 18:21 : 21 Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.
  • Laaw 20:27 : 27 ¶ Oo weliba sida xaqiiqada ah waa in la dilaa ninkii ama naagtii ruuxaan leh, ama ku alla kii saaxir ah, oo iyaga waa in dhagax la dhacaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.
  • Laaw 24:14 : 14 Kii caytamay xerada ka soo bixi, oo intii isaga maqashay oo dhammu gacmahooda madaxiisa ha kor saareen, oo dabadeedna ururka oo dhammu ha dhagxiyeen.
  • Laaw 24:23 : 23 Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil, oo iyana waxay xerada ka soo bixiyeen kii caytamay, oo way dhagxiyeen. Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.
  • Tir 15:35-36 : 35 Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ninka hubaal waa in la dilaa, oo shirka oo dhammu waa inay isaga xerada dibaddeeda ku dhagxiyaan. 36 Markaasaa shirkii oo dhammu waxay isagii keeneen xerada dibaddeedii, kolkaasay dhagxiyeen oo wuu dhintay, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
  • Sharc 12:31 : 31 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn, maxaa yeelay, wax kasta oo Rabbigu karahsado oo uu neceb yahay ayay iyagu ilaahyadooda ku sameeyaan, oo xataa wiilashooda iyo gabdhahooda bay u gubaan ilaahyadooda.
  • Sharc 13:10-11 : 10 Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga. 11 Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale.
  • Sharc 17:5-7 : 5 kolkaas waa inaad irdihiinna keentaan ninkaa ama naagtaa waxan sharka ah sameeyey, oo qofkaasu nin ama naag ha ahaadee waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan. 6 Oo kii la dilayo, markii laba ama saddex qof ku markhaati furaan waa in la dilo, laakiinse qof keliya markhaatigiisa waa inaan lagu dilin. 7 Oo markhaatiyaashu waa inay marka hore u gacan qaadaan qofkaas, dabadeedna dadka oo dhammu waa inay u gacan qaadaan. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan.
  • Sharc 18:10 : 10 Oo dhexdiinna waa inaan laga helin mid wiilkiisa ama gabadhiisa dab dhex mariya, ama mid faal ku isticmaala, ama mid xiddigaha ku faaliya, ama qumay, ama mid wax fala,
  • Laaw 17:8 : 8 ¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,
  • Laaw 17:13 : 13 ¶ Oo nin alla ninkii ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan hadduu ugaadhsasho ku helo neef amase haad ugaadh ah oo la cuno, waa inuu dhiiggiisa daadiyaa oo ciid ku daboolaa.
  • Laaw 17:15 : 15 Oo qof kasta oo cuna neef iska bakhtiyey amase neef dugaagu bakhtiistay, hadduu yahay waddani iyo hadduu shisheeye yahayba waa inuu dharkiisa maydhaa, oo isna biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkana nijaas buu ahaanayaa, oo dabadeedna daahir buu ahaan doonaa.
  • 2 Boq 17:17 : 17 Oo wiilashoodii iyo gabdhahoodii ayay dab dhex marin jireen, oo waxay u tegi jireen waxsheegyo iyo falanfallowyo, oo waxay nafsaddoodii u iibin jireen inay sameeyaan wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, oo ay kaga xanaajiyeen.
  • 2 Boq 23:10 : 10 Oo wuxuu nijaaseeyey Tofed oo ku taal dooxadii reer Xinnom, si uusan ninna wiilkiisa ama gabadhiisa dabkii u dhex marin Moleg.
  • 2 Taar 28:3 : 3 Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
  • 2 Taar 33:6 : 6 Oo weliba carruurtiisiina dab buu ku dhex mariyey dooxadii ina Xinnom dhexdiisa, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, sixirna wuu ku noqnoqday, oo wuxuu la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.
  • Sab 106:38 : 38 Oo waxay daadiyeen dhiig aan eed lahayn, kaasoo ah dhiiggii wiilashooda iyo kii gabdhahooda Oo ay allabari ahaan ugu qaleen sanamyadii reer Kancaan, Oo dalkiina wuxuu ku nijaasoobay dhiig.
  • Ish 57:5-6 : 5 idinkoo geedaha dhexdooda iyo geed kasta oo cagaar ah hoostiisa iskula kacsada, oo carruurta dooxooyinka iyo meelaha dhagaxyada dillaacsan ka hooseeya ku gowraca. 6 Qaybtaadu waxay dhex taallaa dhagaxyada siman oo dooxada dhex yaal, oo iyaga qudhoodu waa qaybtaada, waayo, iyagaad qurbaan cabniin ah u daadisay, oo iyagaad qurbaan u bixisay. Haddaba bal miyaan waxyaalahaas raalli ka noqon doonaa?
  • Yer 7:31 : 31 Oo waxay dhisteen meelaha sarsare ee Tofed oo ku dhex yaal dooxada ina Xinnom, si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab ugu dhex gubaan, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin.
  • Yer 32:35 : 35 Oo weliba waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal oo ku dhex yaal dhooxada ina Xinnom si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab u dhex marsiiyaan Moleg aawadiis, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin, inay karaahiyadan sameeyaan oo ay dadka Yahuudah dembaajiyaan.
  • Yex 16:20-21 : 20 Oo weliba wiilashaadii iyo gabdhahaagii aad ii dhashayna allabari ahaan baad iyaga ugu bixisay in la cuno aawadeed. Dhillanimadaadu ma wax yar bay ahayd 21 inaad carruurtayda gowracdid, oo aad iyaga u bixisid in dab loo dhex marsiiyo sanamyadaada aawadood?
  • Yex 20:26 : 26 oo waxaan iyagii ku nijaaseeyey hadiyadahoodii, maxaa yeelay, dab bay u dhex marsiiyeen wixii maxal fura oo dhan, si aan iyaga cidla uga dhigo, si ay u ogaadaan inaan anigu Rabbiga ahay.
  • Yex 20:31 : 31 Oo markaad hadiyadihiinna bixisaan, oo aad wiilashiinna dabka dhex marsiisaan ma waxaad isku nijaasaysaan sanamyadiinna oo dhan ilaa maantadan la joogo? Haddaba reer binu Israa'iilow, miyaan maqlaa waxaad i weyddiisanaysaan? Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartaye, Maqli maayo waxaad i weyddiisataan.
  • Yex 23:37 : 37 Waayo, way sinaysteen, oo dhiig baa gacmahooda ku jira, oo sanamyadoodana way ka sinaysteen, oo wiilashoodii ay ii dhaleenna dab bay u dhex marsiiyeen si ay u baabba'aan aawadeed.
  • Yex 23:39 : 39 Waayo, markay carruurtoodii sanamyadooda u qaleen ayay isla maalintaasba meeshaydii quduuska ahayd u soo galeen inay nijaaseeyaan, oo bal eeg, waxaas ayay gurigayga dhexdiisa ku sameeyeen.
  • Fal 7:43 : 43 Weliba waxaad qaadateen taambuuggii Molokh Iyo xiddigtii ilaaha Remfan, Oo ah waxyaalihii aad u samaysateen inaad caabuddaan. Haddaba waxaan idiin kaxayn doonaa Baabuloon shishadeeda.
  • Fal 7:58-59 : 58 Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos. 59 Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 20:3-6
    4 aayado
    87%

    3Oo anna qofkaas ayaan ka gees noqon doonaa, oo isagaan dadkiisa ka dhex gooyn doonaa, maxaa yeelay, wuxuu carruurtiisii siiyey Moleg, oo sidaasuu meeshayda quduuska ah ku nijaaseeyey oo uu magacayga quduuska ahna wax nijaas ah kaga sheegay.

    4Oo haddii dadka dalka degganu ay ninkaas indhahooda ka qarsadaan oo ayan isaga dilin markuu carruurtiisa Moleg siiyo,

    5markaas aniga ayaa ninkaas iyo reerkiisaba ka gees noqon doonaa, oo isaga iyo in alla intii raacda inay Moleg u daba galaan sida naagu ninkeeda uga dhillowdo, waxaan ka dhex gooyn doonaa dadkooda.

    6Oo qof alla qofkii u jeesta xagga kuwa ruuxaanta leh iyo saaxiriinta, oo iyaga u daba gala sida naagu ninkeeda uga dhillowdo, sida xaqiiqada ah anigu qofkaas ayaan ka gees noqon doonaa oo isagaan dadkiisa ka dhex gooyn doonaa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 21Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 27¶ Oo weliba sida xaqiiqada ah waa in la dilaa ninkii ama naagtii ruuxaan leh, ama ku alla kii saaxir ah, oo iyaga waa in dhagax la dhacaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

  • 75%

    16Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa.

    17Oo ku alla kii qof kale dila, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa.

  • 5kolkaas waa inaad irdihiinna keentaan ninkaa ama naagtaa waxan sharka ah sameeyey, oo qofkaasu nin ama naag ha ahaadee waa inaad dhagxisaan si ay u dhintaan.

  • 10Oo wuxuu nijaaseeyey Tofed oo ku taal dooxadii reer Xinnom, si uusan ninna wiilkiisa ama gabadhiisa dabkii u dhex marin Moleg.

  • 74%

    9laakiinse kaas hubaal waa inaad dishaa, oo gacantaadu ha ahaato tan ugu horraysa oo isaga disha, dabadeedna dadka oo dhammu ha u gacan qaadeen.

    10Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.

    11Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale.

  • Tir 15:35-37
    3 aayado
    74%

    35Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Ninka hubaal waa in la dilaa, oo shirka oo dhammu waa inay isaga xerada dibaddeeda ku dhagxiyaan.

    36Markaasaa shirkii oo dhammu waxay isagii keeneen xerada dibaddeedii, kolkaasay dhagxiyeen oo wuu dhintay, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    37¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 74%

    13Oo haddii nin nin kaleeto ula seexdo sida dumarka loola seexdo oo kale, labadooduba waxay sameeyeen karaahiyo oo sida xaqiiqada ah waa in iyaga la dilaa, oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

    14Oo haddii nin wada guursado naag iyo hooyadeed, taasu waa shar, oo isaga iyo labadoodaba waa in dhammaantood dab lagu gubaa, si aan sharu idiinku dhex jirin.

    15Oo haddii nin neef xayawaan ah kudo, sida xaqiiqada ah waa in ninkaas la dilaa, oo neefkana waa inaad gowracdaan.

    16Oo naaguna hadday u dhowaato neef xayawaan ah, oo ay u jiifsato, naagta iyo neefkaba waa inaad dishaan, sida xaqiiqada ah waa in labadoodaba la dilaa; oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

  • 21Oo markaas nimanka magaaladiisa oo dhammu waa inay isaga dhagxiyaan si uu u dhinto. Oo sidaas waa inaad sharka dhexdiinna uga saartaan, oo reer binu Israa'iil oo dhammu taas way maqli doonaan, markaasay cabsan doonaan.

  • Laaw 20:9-11
    3 aayado
    73%

    9Oo ku alla kii caaya aabbihiis ama hooyadiis, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa, waayo, wuxuu caayay aabbihiis ama hooyadiis, oo dhiiggiisuna isaguu dul saarnaan doonaa.

    10Oo nin alla ninkii ka sinaysta nin kale naagtiis, kaasoo ah kii ka sinaysta naagta deriskiisa, sida xaqiiqada ah dhillayga iyo dhilladaba waa in la dilaa.

    11Oo ninkii naagta aabbihiis la seexdaana wuxuu qaawiyey cawradii aabbihiis, oo sida xaqiiqada ah labadoodaba waa in la dilaa; oo dhiiggooduna iyaguu dul saarnaan doonaa.

  • 23Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil, oo iyana waxay xerada ka soo bixiyeen kii caytamay, oo way dhagxiyeen. Oo reer binu Israa'iil waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Bax 21:15-17
    3 aayado
    72%

    15¶ Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.

    16¶ Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.

    17¶ Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.

  • 8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

  • 3Oo haddana foox buu ku shiday dooxadii ina Hinnom, oo carruurtiisiina dab buu ku dhex gubay, sidii ay ahayd karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.

  • 14Haddaba waa inaad dhawrtaan sabtida, waayo, waa idiin quduus, oo mid kasta oo ka dhiga wax aan quduus ahayn hubaal waa in la dilaa, waayo, ku alla kii maalintaas shaqeeya, de qofkaas waa in laga gooyaa dadkiisa.

  • Bax 22:19-20
    2 aayado
    71%

    19¶ Ku alla kii neef u galmooda, hubaal waa in la dilaa.

    20¶ Kii wax u bixiya ilaah kale oo aan Rabbiga keligiis ah ahayn, kaas waa in dhammaantiis la baabbi'iyaa.

  • 29Waayo, ku alla kii sameeya waxyaalahaas karaahiyada ah, xataa nafihii waxyaalahaas sameeya dadkooda waa laga gooyn doonaa.

  • 12Oo waa inaad soohdin dadka kaga wareejisaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Iska jira, oo buurta ha fuulina, hana taabanina xuduudkeeda; waayo, ku alla kii buurta taabta hubaal waa la dili doonaa.

  • 70%

    13¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    14Kii caytamay xerada ka soo bixi, oo intii isaga maqashay oo dhammu gacmahooda madaxiisa ha kor saareen, oo dabadeedna ururka oo dhammu ha dhagxiyeen.

  • 2Lix maalmood waa in la shaqeeyaa, laakiinse maalinta toddobaad waa inay maalin quduus ah idiin ahaataa oo waa sabti nasasho oo Rabbiga loo nasto, oo ku alla kii maalintaas shuqul qabta waa in nafta laga qaadaa.

  • 35Oo weliba waxay dhiseen meelaha sarsare ee Bacal oo ku dhex yaal dhooxada ina Xinnom si ay wiilashooda iyo gabdhahoodaba dab u dhex marsiiyaan Moleg aawadiis, taasoo aanan iyaga ku amrin, oo aan innaba qalbigayga soo gelin, inay karaahiyadan sameeyaan oo ay dadka Yahuudah dembaajiyaan.

  • 31Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah saas ku samayn, maxaa yeelay, wax kasta oo Rabbigu karahsado oo uu neceb yahay ayay iyagu ilaahyadooda ku sameeyaan, oo xataa wiilashooda iyo gabdhahooda bay u gubaan ilaahyadooda.

  • 38Oo kuwa teendhooyinkooda ka dhistaa taambuugga xaggiisa bari iyo teendhada shirka horteeda xagga qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxay reer binu Israa'iil ugu talinayaan meesha quduuska ah; oo shisheeyaha u soo dhowaadana waa in la dilaa.

  • 12Oo ninkii kibra oo diidaa inuu maqlo wadaadka Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa u taagan inuu u adeego, amase xaakinka, ninkaas waa in la dilaa, oo sharka waa inaad reer binu Israa'iil ka saartaan.

  • 17Oo hadduu ku dhufto dhagax uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.

  • 17¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 33Oo ku alla kii taas oo kale sameeya, ama ku alla kii qof qalaad mariya, dadkiisa waa laga gooyn doonaa.