Laawiyiintii 21:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waa inuusan dhashiisa ku dhex nijaasayn dadkiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga isaga quduus ka dhiga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 18:19 : 19 Waayo, waan garanayaa isaga, inuu carruurtiisa iyo kuwa gurigiisa jooga ku amri doono, inay jidka Rabbiga xajiyaan inay sameeyaan xaqnimo iyo caaddilnimo; si uu Rabbigu Ibraahim ugu soo dejiyo wixii uu kaga hadlay.
  • Laaw 21:8 : 8 Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.
  • Cesr 2:62 : 62 Kuwanu magacyadoodii waxay ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah.
  • Cesr 9:2 : 2 Waayo, iyaga iyo wiilashoodiiba waxay guursadeen gabdhahoodii, oo sidaasuu farcankii quduuska ahaa ugu qasmay dadyowgii dalka degganaa; oo weliba xadgudubkaas waxaa madax u ahaa amiirrada iyo taliyayaasha.
  • Nex 13:23-29 : 23 ¶ Oo waagaas waxaan kaloo arkay Yuhuuddii oo guursatay naago ah reer Ashdood, iyo reer Cammoon, iyo reer Moo'aab. 24 Oo carruurtoodii badhkoodna waxay ku hadli jireen afkii reer Ashdood, oo afkii Yuhuuddana kuma ay hadli karin, laakiinse waxay ku hadli jireen sidii afkii dadyow kasta. 25 Oo anna iyagii waan la diriray, waanan caayay, oo qaarkoodna waan dilay, oo timahoodiina waan ka rifay, waanan ku dhaarshay Ilaah, oo ku idhi, Waa inaydnaan gabdhihiinna u guurin wiilashooda, gabdhahoodana ha u guurinina wiilashiinna, idinkuna ha guursanina. 26 War Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil sow isba waxyaalahan kuma dembaabin? In kastoo aan quruumo badan dhexdooda boqor isagoo kala ah laga heli karin, oo uu Ilaahiisuna jeclaa, oo uu Ilaah ka dhigay boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan, haddana xataa isagii waxaa dembaajiyey naago qalaad. 27 Haddaba miyaannu idin dhegaysannaa si aannu sharkan oo dhan u samayno oo intaan naago qalaad guursanno miyaannu Ilaahayaga ku xadgudubnaa? 28 Oo Eliyaashiib oo ahaa wadaadkii sare wiilashiisii midkood oo Yooyaadaac ahaa waxaa soddog u ahaa Sanballad oo ahaa reer Xoron; oo sidaas daraaddeed ayaan isaga eryay. 29 Ilaahayow, iyaga xusuuso, maxaa yeelay, waxay nijaaseeyeen wadaadnimadii, iyo axdigii wadaadnimada iyo kii reer Laawi.
  • Mal 2:11 : 11 Dadka dalka Yahuudah khiyaano bay ku macaamiloodeen, oo dalka Israa'iil iyo Yeruusaalemna waxaa lagu sameeyey wax karaahiyo ah, waayo, dadka dalka Yahuudah waxay nijaaseeyeen meeshii quduuska ahayd ee Rabbiga oo uu jecelyahay, oo waxay guursadeen gabdho ilaahoodu qalaad yahay.
  • Mal 2:15 : 15 Oo miyuusan mid ka dhigin in kastoo uu lahaa waxa ruuxa ka hadhay? Oo muxuu mid uga dhigay? Isagu wuxuu doonayay farcan Ilaah caabuda. Sidaas daraaddeed iska jira, oo midkiinna yuusan khiyaano kula macaamiloon naagtii uu dhallinyaraanta ku guursaday.
  • Room 11:16 : 16 Inta ugu horraysa oo cajiinku hadday quduus tahay, de cajiinkuna wuu yahay, haddii xididku quduus yahayna, de laamahuna way yihiin.
  • 1 Kor 7:14 : 14 Waayo, ninka aan rumaysanayni wuxuu quduus ku noqdaa xagga naagta, oo naagta aan rumaysanaynina waxay quduus ku noqotaa xagga ninka rumaysan, haddii kale carruurtiinna wasakh bay ahaan lahaayeen, laakiin haatan waa quduus.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    11Oo weliba waa inuusan meyd gudaha ugu gelin, oo xataa waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis iyo hooyadiis toona.

    12Oo waa inuusan dibadda uga bixin meesha quduuska ah, waana inuusan nijaasayn meesha quduuska ah ee Ilaahiisa, waayo, isaga waxaa kor saaran taajkii saliidda subkidda ee Ilaahiisa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    13Oo isagu waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah.

    14Waa inuusan marnaba guursan carmal, ama naag la furay, ama naag nijaasowday oo dhillo ah, laakiinse waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah oo dadkiisa ka dhalatay.

  • Laaw 21:1-9
    9 aayado
    85%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,

    2xigaalkiisa u dhow mooyaane, kuwaasoo ah hooyadiis, ama aabbihiis, ama wiilkiisa, ama gabadhiisa, ama walaalkiis,

    3ama walaashiisa bikradda ah oo isaga u dhow, oo aan weli nin guursan; taas wuu isu nijaasayn karaa.

    4Waa inuusan isnijaasayn isagoo dadkiisa madax u ah, yuusan nijaas iska dhigin.

    5Oo waa inaan ninkoodna madaxa xiiran, oo waa inayan gadhkooda xiirin, ama ayan jidhkooda gooyn.

    6Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.

    7Waa inayan guursan naag dhillo ah ama mid la nijaaseeyey, oo waa inayan guursan naag la furay, waayo, wadaadku quduus buu Ilaahiis u yahay.

    8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.

    9Oo wadaad kasta haddii ay gabadhiisu isnijaasayso oo ay dhillowdo, iyadu nijaas bay ka dhigaysaa aabbaheed, oo waa in dab lagu gubaa.

  • 16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 22Oo waa inayan guursan carmal laga dhintay ama la furay, laakiinse waa inay guursadaan bikrado reer binu Israa'iil farcankooda ah amase carmal wadaad qabi jiray.

  • 77%

    21Wadaadka Haaruun ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay, oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

    22Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.

    23Laakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

  • 77%

    15Oo iyagu waa inayan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah ee reer binu Israa'iil oo ay Rabbiga u bixiyaan,

    16si ayan uga dhigin inay iyagu qaataan xumaanta eedda keenta, markay cunaan waxyaalahooda quduuska ah, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

  • 32Waa inaydaan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, laakiinse quduus baan ku dhex ahaan doonaa dadka reer binu Israa'iil, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga,

  • Laaw 22:1-4
    4 aayado
    75%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    2La hadal Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxaad iyaga u sheegtaa inay iska soocaan waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil, oo ay ii daahiriyaan, iyo inayan wax nijaas ah ka sheegin magacayga quduuska ah, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    3Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Ku alla kii ka mid ah farcankiinna oo dhan tan iyo ab ka ab, hadduu isagoo nijaas qaba u soo dhowaado waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil ay Rabbiga u daahiriyeen, qofkaas hortayda waa in laga gooyaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    4Oo ku alla kii farcanka Haaruun ka mid ah oo baras qaba, ama dheecaan ka daadanayaa, waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah jeeruu daahir noqdo. Oo ku alla kii taabta wax meyd ku nijaasoobay, ama uu taabta nin shahwaddiisu ka daadatay,

  • 74%

    19Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay.

    20Waa inaadan la jiifsan naagta deriskaaga, si aadan iyada ugu nijaasoobin.

    21Waa inaadan carruurtaada Moleg siin oo aadan iyaga innaba dab u dhex marsiin, oo weliba waa inaadan magaca Ilaahaaga hadal nijaas ah ka sheegin, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • Tir 6:6-8
    3 aayado
    74%

    6Oo maalmaha uu Rabbiga gooni isugu sooco oo dhan waa inuusan meyd u soo dhowaan.

    7Oo waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis ama hooyadiis ama walaalkiis ama walaashiis markay dhintaan; waayo, waxaa isaga saaran soociddii uu Ilaah isu soocay.

    8Oo maalmaha isa-soociddiisa oo dhan ayuu quduus u yahay Rabbiga.

  • 9Oo sidaas daraaddeed iyagu waa inay amarkayga xajiyaan, waaba intaasoo ay dembi u qaataan taas aawadeed oo ay ku dhintaan haddii ay nijaaseeyaan, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

  • Laaw 20:7-8
    2 aayado
    73%

    7Haddaba isdaahiriya oo quduus ahaada, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

    8Oo waa inaad qaynuunnadayda dhawrtaan oo yeeshaan, waayo, anigu waxaan ahay Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • 72%

    29Waa inaadan gabadhaada nijaasayn oo aadan dhillo ka dhigin, waaba intaasoo uu dalku noqdaa sino miidhan oo uu shar ka buuxsamaa.

    30Waa inaad maalmahayga sabtida ah dhawrtaan, oo aad meeshayda quduuska ah maamuustaan, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 30Ninna waa inuusan qaadan naagtii aabbihiis, oo waa inuusan aabbihiis marada ka bannayn.

  • 6oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, ama uusan naagta deriskiisa nijaasayn, ama uusan naag xayl qabta u dhowaan,

  • 26Waa inaad quduus ii ahaataan, waayo, anigoo Rabbiga ahuba quduus baan ahay, oo dadyowgii baan idinka soocay, si aad kuwaygii u ahaataan.

  • 31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

  • 21Oo haddii nin kaxaysto naagta walaalkiis, taasu waa nijaas, waayo, wuxuu qaawiyey cawradii walaalkiis, oo iyagu waxay ahaan doonaan gablan.

  • 15oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, oo uusan naagta deriskiisa nijaasayn,

  • 24¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen,

  • 20Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.

  • 16¶ Haddii nin shahwaddiisu ka timaada waa inuu jidhkiisa oo dhan biyo ku maydhaa, oo tan iyo fiidkii nijaas buu ahaanayaa.

  • 3Oo anna qofkaas ayaan ka gees noqon doonaa, oo isagaan dadkiisa ka dhex gooyn doonaa, maxaa yeelay, wuxuu carruurtiisii siiyey Moleg, oo sidaasuu meeshayda quduuska ah ku nijaaseeyey oo uu magacayga quduuska ahna wax nijaas ah kaga sheegay.

  • 25Oo waa inayan qof meyd ah u dhowaan si ayan isu nijaasayn, laakiinse waxay keliyahoo isu nijaasayn karaan aabbe daraaddiis, ama hooyo daraaddeed, ama wiil, ama gabadh, ama walaal, amase gabadh walaashood ah oo aan nin lahayn.

  • 3Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.

  • 30Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad amarkayga xajisaan si aydaan u samayn oo aydaan ugu nijaasoobin caadooyinkaas karaahiyada ah oo dadkii idinka horreeyey ay samayn jireen, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 22Oo weliba wadaaddada Rabbiga u soo dhowaanaya quduus ha iska dhigeen, waaba intaasoo Rabbigu uu halligaaye.