Laawiyiintii 21:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waa inuusan isnijaasayn isagoo dadkiisa madax u ah, yuusan nijaas iska dhigin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yex 24:16-17 : 16 Wiilka Aadamow, bal ogow, waxaan darbad qudha kaaga qaadayaa tii ay indhahaagu jecel yihiin, laakiinse ha u barooran, hana u ooyin, oo ilmadaaduna innaba yaanay u daadan. 17 Taah, laakiin si aamusan u taah, oo baroorasho kuwii dhintay loo baroorto ha u barooran. Duubkaaga madaxa ku duubo, oo kabaha gasho, oo bushimahaagana ha daboolin, oo kibista dadkana innaba ha cunin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 21:1-3
    3 aayado
    81%

    1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,

    2xigaalkiisa u dhow mooyaane, kuwaasoo ah hooyadiis, ama aabbihiis, ama wiilkiisa, ama gabadhiisa, ama walaalkiis,

    3ama walaashiisa bikradda ah oo isaga u dhow, oo aan weli nin guursan; taas wuu isu nijaasayn karaa.

  • Tir 6:5-9
    5 aayado
    80%

    5Maalmaha uu nidarka isa-soociddiisa qabo oo dhan waa inaan mandiil madaxiisa la marin. Ilamaa uu dhammaystiro maalmihii uu Rabbiga goonida isugu soocay waa inuu quduus ahaadaa oo timaha madaxiisana waa inuu daystaa.

    6Oo maalmaha uu Rabbiga gooni isugu sooco oo dhan waa inuusan meyd u soo dhowaan.

    7Oo waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis ama hooyadiis ama walaalkiis ama walaashiis markay dhintaan; waayo, waxaa isaga saaran soociddii uu Ilaah isu soocay.

    8Oo maalmaha isa-soociddiisa oo dhan ayuu quduus u yahay Rabbiga.

    9Oo haddii nin agtiisa kedis ugu dhinto oo uu isagu nijaaseeyo madaxiisii uu gooni u soocay, markaas waa inuu madaxiisa xiiraa maalinta daahirintiisa; maalinta toddobaad waa inuu xiiraa.

  • 80%

    10¶ Oo kii wadaadka sare walaalihiis ka dhex ah, oo madaxiisa lagu shubay saliiddii subkidda, oo ah kan loo daahiriyey inuu xidho dharka quduuska ah waa inaanay timaha madaxiisu arbushnaan ama uusan dharkiisa dildillaacin.

    11Oo weliba waa inuusan meyd gudaha ugu gelin, oo xataa waa inuusan isu nijaasayn aabbihiis iyo hooyadiis toona.

    12Oo waa inuusan dibadda uga bixin meesha quduuska ah, waana inuusan nijaasayn meesha quduuska ah ee Ilaahiisa, waayo, isaga waxaa kor saaran taajkii saliidda subkidda ee Ilaahiisa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    13Oo isagu waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah.

    14Waa inuusan marnaba guursan carmal, ama naag la furay, ama naag nijaasowday oo dhillo ah, laakiinse waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah oo dadkiisa ka dhalatay.

    15Oo waa inuusan dhashiisa ku dhex nijaasayn dadkiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga isaga quduus ka dhiga.

    16¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Laaw 21:5-8
    4 aayado
    77%

    5Oo waa inaan ninkoodna madaxa xiiran, oo waa inayan gadhkooda xiirin, ama ayan jidhkooda gooyn.

    6Iyagu waa inay Ilaahooda quduus u ahaadaan, oo ayan wax nijaas ah ka sheegin magaca Ilaahooda, waayo, iyagu waxay bixiyaan qurbaannadii Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo ah cuntada Ilaahooda, oo sidaas daraaddeed waa inay quduus ahaadaan.

    7Waa inayan guursan naag dhillo ah ama mid la nijaaseeyey, oo waa inayan guursan naag la furay, waayo, wadaadku quduus buu Ilaahiis u yahay.

    8Haddaba sidaas daraaddeed waa inaad isaga quduus ka dhigtaa, waayo, isagu wuxuu bixiyaa cuntada Ilaahaaga, oo isagu waa inuu quduus kuu ahaadaa, waayo, anba quduus baan ahay, anigoo ah Rabbiga quduus idinka dhiga.

  • Yex 44:25-26
    2 aayado
    76%

    25Oo waa inayan qof meyd ah u dhowaan si ayan isu nijaasayn, laakiinse waxay keliyahoo isu nijaasayn karaan aabbe daraaddiis, ama hooyo daraaddeed, ama wiil, ama gabadh, ama walaal, amase gabadh walaashood ah oo aan nin lahayn.

    26Oo markii la nadiifiyo dabadeed waa inay toddoba maalmood u tiriyaan.

  • 74%

    21Wadaadka Haaruun ah nin alla ninkii farcankiisa ka mid ahu isagoo iin leh waa inuusan u soo dhowaan inuu bixiyo qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo, waayo, isagu iin buu leeyahay, oo waa inuusan u soo dhowaan inuu cuntada Ilaahiisa bixiyo.

    22Isagu waa inuu cunaa cuntada Ilaahiisa, tan quduuska ah iyo tan ugu wada quduusanba.

    23Laakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.

  • Laaw 22:3-6
    4 aayado
    73%

    3Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Ku alla kii ka mid ah farcankiinna oo dhan tan iyo ab ka ab, hadduu isagoo nijaas qaba u soo dhowaado waxyaalaha quduuska ah oo reer binu Israa'iil ay Rabbiga u daahiriyeen, qofkaas hortayda waa in laga gooyaa, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

    4Oo ku alla kii farcanka Haaruun ka mid ah oo baras qaba, ama dheecaan ka daadanayaa, waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah jeeruu daahir noqdo. Oo ku alla kii taabta wax meyd ku nijaasoobay, ama uu taabta nin shahwaddiisu ka daadatay,

    5ama ku alla kii taabta wax gurguurta oo uu isagu ku nijaasoobo, amase qof isaga nijaaso qabadsiin kara, wax kastoo ay nijaastiisu tahayba,

    6qof alla qofkii waxyaalaha caynkaas ah taabtaa wuxuu nijaas ahaan doonaa tan iyo fiidkii, oo waa inuusan wax ka cunin waxyaalaha quduuska ah, inuu jidhkiisa biyo ku maydho mooyaane.

  • 20Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.

  • 6oo uusan buuraha wax ku cunin, ama uusan indhihiisa sanamyada reer binu Israa'iil kor ugu taagin, ama uusan naagta deriskiisa nijaasayn, ama uusan naag xayl qabta u dhowaan,

  • 31¶ Oo sidaas waa inaad reer binu Israa'iil nijaastooda uga soocdaan, si ayan nijaastooda ugu dhex dhiman markay nijaaseeyaan taambuuggayga dhexdooda ku yaal.

  • 19Waa inaadan naag u dhowaan si aad cawradeeda u qaawisid, in alla intay xaylka ku nijaasaysan tahay.

  • 15Oo iyagu waa inayan nijaasayn waxyaalaha quduuska ah ee reer binu Israa'iil oo ay Rabbiga u bixiyaan,

  • 24¶ Idinku waxyaalahaas midkoodna nafsaddiinna ha ku nijaasaynina, waayo, quruumihii aan hortiinna ka eryay oo dhammu waxyaalahaas bay ku nijaasoobeen,

  • Tir 19:11-13
    3 aayado
    69%

    11Oo kii qof meyd ah taabta intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.

    12Oo kaasu waa inuu maalinta saddexaad isku daahiriyaa, oo maalinta toddobaad isagu daahir buu ahaan doonaa; laakiinse haddaanu maalinta saddexaad isdaahirin, markaas maalinta toddobaad daahir ma uu ahaan doono.

    13Oo ku alla kii qof dhintay meydkiis taabta oo aan isdaahirin, kaasu wuxuu nijaaseeyaa Rabbiga taambuuggiisa, oo qofkaasu wuu ka go'i doonaa reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, isaga laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya, oo isagu nijaas buu ahaan doonaa, oo nijaasnimadiisa ayaa weli saaran.

  • 16Laakiinse hadduusan dharkiisa maydhin ama uusan jidhkiisa maydhin, markaasuu dembigiisa qaadan doonaa.

  • 21Oo haddii nin kaxaysto naagta walaalkiis, taasu waa nijaas, waayo, wuxuu qaawiyey cawradii walaalkiis, oo iyagu waxay ahaan doonaan gablan.

  • 18Waayo, nin alla ninkuu yahayba, kii iin lahu waa inuusan u soo dhowaan, kaasoo ah ninkii indha la' ama curyaan ah, ama kii sankiisu faruuran yahay, ama jidhkiisu leeyahay wax dheeraad ah,

  • Yex 44:22-23
    2 aayado
    69%

    22Oo waa inayan guursan carmal laga dhintay ama la furay, laakiinse waa inay guursadaan bikrado reer binu Israa'iil farcankooda ah amase carmal wadaad qabi jiray.

    23Oo waa inay dadkayga baraan waxa quduuska ah iyo waxa aan quduuska ahayn waxay ku kala duwan yihiin, oo waxay ka dhigi doonaan inay kala gartaan waxa nijaasta ah iyo waxa nadiifta ah.

  • 30Ninna waa inuusan qaadan naagtii aabbihiis, oo waa inuusan aabbihiis marada ka bannayn.

  • 20Oo waa inayan madaxooda xiirin ama ayan timahoodu inay dheeraadaan u oggolaan, waase inay timahooda jaraan.

  • 22¶ Markii qof madax ahu dembaabo oo uu kama' u sameeyo mid ka mid ah waxyaalihii Rabbiga Ilaahiisa ahu uu amray inaan la samayn, oo uu saas eed ku leeyahay,

  • 44isagu waa nin baras qaba, oo waa nijaasaysan yahay, oo sida xaqiiqada ah wadaadku waa inuu yidhaahdaa, Ninkanu waa nijaasaysan yahay; oo cudur buu madaxa ka qabaa.

  • 19Oo waa inaadan qaawin habaryartaa, ama eeddadaa, waayo, kii saas yeelaa wuxuu qaawiyey xigaalkiisa u dhow, oo iyagu waxay qaadan doonaan dembigooda.

  • 21Oo qof hadduu taabto wax nijaas ah, hadday tahay qof nijaastiis ama bahal nijaas ah amase karaahiyo nijaas ah, oo uu wax ka cuno hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay, qofkaas waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 4Waa inuu gashadaa jubbadda quduuska ah oo dhar linen ah laga sameeyey, oo waa inuu jidhkiisa u lebbisaa sirwaalka linenka ah, oo dhexdana waa inuu ku xidhaa dhex-xidhka linenka ah, oo duubka linenka ahna waa inuu madaxa ku duubtaa, waayo, iyagu waa dharka quduuska ah oo intuu jidhkiisa biyo ku maydho waa inuu dharkaas lebbistaa.

  • 13Oo iyagu iima ay soo dhowaan doonaan inay ii sameeyaan shuqulkii wadaadnimada, oo waxyaalahayga quduuska ahna uma ay soo dhowaan doonaan kuwaasoo ah waxyaalaha ugu quduusan, laakiinse iyagaa sidan doona ceebtoodii iyo waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen.