Laawiyiintii 27:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Habase yeeshee wixii gooni loo sooco, oo qof waxyaalihiisa oo dhan Rabbiga uga sooco, hadday waxaasu yihiin qof, ama neef, ama beerta hantidiisa ah, waa inaan innaba la iibin ama la furan, waayo, wax kasta oo gooni loo sooco waa wax Rabbiga ugu wada quduusan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yash 6:17-19 : 17 Oo magaalada waa inay xaaraan ka noqoto cid kale Rabbiga mooyaane, iyada iyo waxa gudaheeda ku jiraba; waxaa keliyahoo ka noolaanaya dhillada la yidhaahdo Raxab iyo inta guriga kula jirta oo dhan, maxaa yeelay, waxay qarisay basaasyadii aannu dirnay. 18 Oo idinku waa inaad si walba isaga dhawrtaan waxa la xarrimay, waayo, waaba intaasoo markii aad xarrintaan, aad haddana wax ka qaadataan alaabtii la xarrimay. Sidaas haddaad yeeshaan waxaad xaaraan ka dhigi doontaan oo aad dhibi doontaan xerada reer binu Israa'iil. 19 Laakiinse lacagta, iyo dahabka, iyo alaabta naxaasta iyo birta ah oo dhammu waxay quduus u yihiin Rabbiga, oo iyaga waa in la soo geliyaa khasnadda Rabbiga.
  • Bax 22:20 : 20 ¶ Kii wax u bixiya ilaah kale oo aan Rabbiga keligiis ah ahayn, kaas waa in dhammaantiis la baabbi'iyaa.
  • Laaw 27:21 : 21 laakiin beertu markay wareegto sannadda yubilii ah, waxay quduus u ahaan doontaa Rabbiga sidii beer isaga loo soocay, hantideedana waxaa yeelan doona wadaadka.
  • Sharc 20:16-17 : 16 Laakiinse magaalooyinka dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siiyey waa inaydaan wax nool oo neefsada dhexdooda ku reebin, 17 illowse waa inaad dhammaantood u wada baabbi'isaan, kuwaasoo ah reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba, siduu Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray,
  • Sharc 25:19 : 19 Sidaas daraaddeed markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinka nasiyo cadaawayaashiinna hareerahiinna ku wareegsan oo dhan, idinkoo jooga dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxal idiin siinayo inaad hantidaan aawadeed, waa inaad reer Camaaleq ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo taas ha illoobina.
  • Tir 18:14 : 14 Oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil gooni u soocaan waa inay kuwaaga ahaadaan.
  • Tir 21:2-3 : 2 Markaasay reer binu Israa'iil Rabbiga nidar u nidreen oo waxay yidhaahdeen, Hubaal haddaad dadkan gacantayada soo gelisid markaas magaalooyinkooda oo dhan waannu wada baabbi'inaynaa. 3 Oo Rabbigu wuu dhegaystay codkii reer binu Israa'iil, oo gacantooda buu soo geliyey reer Kancaan, oo iyana iyagii iyo magaalooyinkoodiiba way wada baabbi'iyeen, oo meeshaas magaceediina waxaa loo bixiyey Xormaah.
  • Sharc 7:1-2 : 1 ¶ Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan, 2 oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.
  • Sharc 13:15-16 : 15 markaas dadka magaaladaas deggan hubaal waa inaad seef ku laysaan, oo dhammaanteed waa inaad wada baabbi'isaan, oo kulli waxa magaaladaas ku jira iyo xoolaheedaba seef ku laaya. 16 Oo alaabteeda dhaca ah oo dhanna waxaad ku soo ururisaan jidka dhexdiisa, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u gubtaan magaalada iyo alaabteeda oo dhanba, oo weligeed waxay ahaan doontaa tuulmo, oo mar dambena lama dhisi doono.
  • Yash 6:26 : 26 Markaasaa Yashuuca dhaariyey, oo wuxuu iyagii ku amray, oo ku yidhi, Kii kaca oo dhisa magaalada Yerixoo Rabbiga hortiisa inkaaru ha ku dhacdo. Markuu aasaaskeeda dhigo curadkiisuu waayi doonaa, markuu irdaheeda dhisona wiilkiisa ugu yar.
  • Yash 7:1 : 1 ¶ Laakiinse reer binu Israa'iil waxay ku xadgudbeen alaabtii la xarrimay, waayo, waxaa alaabtii la xarrimay qaar qaatay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax, oo ahaa qabiilka Yahuudah; oo markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday reer binu Israa'iil.
  • Yash 7:11-13 : 11 Reer binu Israa'iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii. 12 Oo sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil cadaawayaashooda isma hor taagi karaan, oo cadaawayaashooday dhabarka u jeediyeen, maxaa yeelay, waxay noqdeen wax la xarrimay. Anigu mar dambe idinla jiri maayo, inaad alaabtii la xarrimay dhexdiinna ka baabbi'isaan mooyaane. 13 Kac, oo dadka quduus ka dhig, oo waxaad ku tidhaahdaa, Berri quduus iska dhiga, waayo, Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, waxaa idinku dhex jira alaab la xarrimay, oo isma aad hor taagi kartaan cadaawayaashiinna, ilaa aad dhexdiinna ka fogaysaan alaabtii la xarrimay.
  • Yash 7:25 : 25 Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, War maxaad noo dhibtay? Rabbiguna maantuu ku dhibi doonaaye. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu waxay isaga la dheceen dhagaxyo; oo haddana waxay iyaga ku gubeen dab, oo dhagaxyona way la dheceen.
  • Xaak 11:30-31 : 30 Markaasaa Yeftaah wuxuu Rabbiga u nidray nidar, oo wuxuu yidhi, Hubaal haddaad reer Cammoon gacantayda soo geliso, 31 markaasaa wax alla wixii irdaha gurigayga ka soo baxo inuu ila kulmo markaan reer Cammoon nabad kaga soo noqdo, waxaa lahaan doona Rabbiga, oo waxaan u bixin doonaa allabari la gubo.
  • Xaak 21:5 : 5 Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, Qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan yaa ka maqan oo aan iman shirka Ilaah? Waayo, waxay ku dhaarteen dhaar weyn oo ku saabsan kii aan Misfaah Rabbiga ugu soo shirin, oo waxay yidhaahdeen, Hubaal kaas waa in la dilaa.
  • Xaak 21:11 : 11 Oo waa inaad sidatan yeeshaan, oo aad inta lab oo dhan wada baabbi'isaan, iyo naag kasta oo nin la seexdayba.
  • Xaak 21:18 : 18 Habase ahaatee waa inaynaan gabdhaheenna iyaga u guurin; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, oo yidhaahdeen, Inkaaru ha ku dhacdo kii gabadh u guuriya reer Benyaamiin.
  • 1 Sam 14:24-28 : 24 ¶ Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba. 25 Oo dadkii oo dhammu waxay soo galeen duurkii, dhulkana waxaa yiil malab. 26 Oo markii dadkii soo galay duurkii ayaa malabkii soo dareeray, laakiinse ninna gacanta afka ma saarin, waayo, dadku waxay ka cabsadeen dhaartii. 27 Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen. 28 Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen.
  • 1 Sam 14:38-45 : 38 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Madaxda reer binu Israa'iil oo dhammay, soo dhowaada, oo maanta dembiganu wuxuu ku jiray bal soo ogaada oo soo eega. 39 Waayo, Rabbiga reer binu Israa'iil badbaadiya noloshiisaan ku dhaartaye, xataa hadduu ku jiray wiilkayga Yoonaataan, hubaal kaasu wuu dhiman doonaa. Laakiinse dadkii oo dhan laguma arag nin u jawaabay. 40 Markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Idinku dhan joogsada, aniga iyo wiilkayga Yoonaataanna dhanka kale ayaannu joogsanaynaa. Dadkiina waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Wixii kula wanaagsan samee. 41 Sidaas daraaddeed Saa'uul wuxuu ku yidhi Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, Saamiga runta ah na tus. Oo wuxuu saamigii ku dhacay Yoonaataan iyo Saa'uul, laakiinse dadkii way baxeen. 42 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Noo saami rida aniga iyo wiilkayga Yoonaataan. Dabadeedna saamigii wuxuu ku dhacay Yoonaataan. 43 Kolkaasaa Saa'uul wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Bal ii sheeg waxaad samaysay. Oo Yoonaataan wuu u sheegay oo ku yidhi, Xaqiiqa in yar oo malab ah ayaan ku dhadhamiyey ushii gacanta iigu jirtay caaraddeedii; haddaba waa inaan dhintaa. 44 Markaasaa Saa'uul wuxuu ku yidhi, Ilaah saas iyo si ka sii daran ha sameeyo, waayo, Yoonaataan, hubaal waa inaad dhimataa. 45 Oo dadkii waxay Saa'uul ku yidhaahdeen, Yoonaataan oo badbaadadan weyn ku dhex sameeyey reer binu Israa'iil, ma inuu dhintaa? Yaanay noqon; Rabbiga noloshiisaan ku dhaarannay ee waa inaan tin keliya oo madaxiisu dhulka ku dhicin; waayo, isagu wuxuu maanta la shaqeeyey Ilaah. Sidaasay dadkii u samatabbixiyeen Yoonaataan inuusan dhiman.
  • 1 Sam 15:3 : 3 Haddaba tag oo reer Camaaleq laa, oo waxay haystaan oo dhan wada baabbi'i, oo iyaga innaba ha u tudhin, laakiinse wada laa nin iyo naag, iyo dhallaan iyo caanonuugba, iyo dibi iyo ido, iyo geel iyo dameerroba.
  • 1 Sam 15:18 : 18 oo Rabbigu sodcaal buu kuu diray, oo kugu yidhi, Tag oo wada baabbi'i dembilayaasha reer Camaaleq, oo la dirir ilaa ay baabba'aan.
  • 1 Sam 15:32-33 : 32 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, Halkan iigu keena boqorka reer Camaaleq ee Agag ah. Kolkaasaa Agag u yimid isagoo qalbi san. Oo wuxuu yidhi, Hubaal geerida qadhaadhkeedii waa i dhaafay. 33 Oo Samuu'eelna wuxuu ku yidhi, Sida seeftaadu dumarka u ilmo tirtay, saasoo kalay hooyadaana dumarka dhexdiisa ugu ilmola'aan doontaa. Oo Samuu'eelna Agag ayuu cad cad ugu jarjaray Gilgaal dhexdeeda Rabbiga hortiisa.
  • Mat 25:41 : 41 ¶ Markaasuu kuwa bidixdiisa jooga ku odhan doonaa, Kuwa yahow inkaaranu, iga taga oo gala dabka weligiis ah kan Ibliiska iyo malaa'igihiisa loo diyaargareeyey.
  • Fal 23:12-14 : 12 ¶ Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane. 13 Kuwa isku dhaartayna waxay ka badnaayeen afartan. 14 Markaasay u yimaadeen wadaaddadii sare iyo waayeelladii, oo waxay ku yidhaahdeen, Nidar weyn ayaannu wada galnay, oo waxaannu isku dhaarsannay inaannan waxba dhadhamin ilaa aannu Bawlos dilno.
  • Room 9:3 : 3 Waayo, waxaan jeclaan lahaa inaan aniga qudhaydu ka inkaarnaado Masiixa walaalahay aawadood oo ah xigaalkayga aannu isku jidhka nahay,
  • 1 Kor 16:22 : 22 Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa.
  • Gal 3:10 : 10 In alla intii shuqullada sharciga isku hallaysaa, inkaar bay ku hoos jiraan; waayo, waxaa qoran, Waa inkaaran yahay ku kasta oo aan ku sii soconin inuu sameeyo wax kasta oo ku qoran kitaabka sharciga.
  • Gal 3:13 : 13 Masiix wuxuu inaga furtay inkaartii sharciga, isagoo inkaar inoo noqday, waayo, waxaa qoran, Mid kasta oo geed ka soo deldelanu wuu inkaaran yahay,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 88%

    29Oo qof alla qofkii gooni loo sooco oo dadka laga sooco oo dhan waa inaan innaba la soo furan, laakiinse hubaal waa in la dilaa.

    30¶ Oo meeltobnaadka waxa dalka ka baxa oo dhan hadday yihiin dhulka iniinihiisa ama hadday yihiin midhaha dhirtaba, Rabbigaa iska leh, oo waa wax Rabbiga quduus u ah.

    31Oo haddii qof doonayo inuu wax meeltobnaadkiisii ah furto waa inuu ku daraa waxaas oo shan meelood loo dhigay meeshood.

    32Oo kulli meeltobnaadka lo'da ah ama kan adhiga ah oo dhan, wax alla wixii lagu tiriyo ee hoos maro usha adhijirka, meeltobnaadku waa inuu Rabbiga quduus u ahaadaa.

    33Oo neefkaasu inuu xun yahay iyo inuu fiican yahay, isagu waa inuusan kala hubsan, waana inuusan beddelin, oo kolnaba hadduu beddelo, markaas isagii iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan ee aan la soo furan.

  • 81%

    26¶ Laakiinse xayawaanka curadkooda Rabbiga gooni ahaanta loogu soocay ninna waa inuusan quduus ka dhigin, hadduu dibi yahay iyo hadduu ido yahayba, waayo, waxaa iska leh Rabbiga.

    27Oo hadduu yahay neef nijaas ah markaas isagu waa inuu ku furtaa intii aad ku qiimayso, oo weliba waa inuu ku sii daraa intaas oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo haddaan la soo furanna waa in lagu iibiyaa intii aad ku qiimayso.

  • Laaw 27:9-11
    3 aayado
    79%

    9¶ Oo neef Rabbiga qurbaan loogu bixiyo hadduu yahayna, wax alla wixii qofi Rabbiga saas ugu bixiyaa quduus bay ahaan doonaan.

    10Oo isagu waa inuusan doorin, ama waa inuusan neef fiican mid xun ku beddelin, ama neef xun mid fiican ku beddelin, oo hadduu neef neef kale ku beddelo, markaas neefkii hore iyo kii lagu beddelayba waa inay quduus wada ahaadaan.

    11Oo neefku hadduu yahay neef nijaas ah oo aan Rabbiga qurbaan loogu bixin, markaas isagu neefka ha soo taago wadaadka hortiisa,

  • 78%

    17Oo beertiisa hadduu quduus ka dhigo oo uu ka bilaabo sannadda yubilii ah, markaas intaad ku qiimaysay ha ahaato.

    18Laakiinse hadduu beertiisa quduus ka dhigo sannadda yubilii ah dabadeed, markaas wadaadku waa inuu lacagta u xisaabaa intay yihiin sannadaha ka dhiman sannadda yubilii ah, oo intaad ku qiimaysayna waa in wax laga sii dhimaa.

    19Oo kii beerta quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu soo furto markaas waa inuu ku sii daraa lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, oo dabadeedna mar labaad buu mulkin doonaa.

    20Laakiinse hadduusan doonayn inuu beerta soo furto, ama hadduu beerta nin kale ka iibiyey, markaas mar dambe waa inaan la soo furan,

    21laakiin beertu markay wareegto sannadda yubilii ah, waxay quduus u ahaan doontaa Rabbiga sidii beer isaga loo soocay, hantideedana waxaa yeelan doona wadaadka.

    22Oo hadduu Rabbiga quduus uga dhigo beer uu soo iibsaday oo aan ahayn beerta hantidiisa ah,

    23markaas wadaadku waa inuu xisaabaa qiimihii aad ku qiimaysay tan iyo sannadda yubilii ah, oo isla maalintaas isagu waa inuu wixii aad beerta ku qiimaysay u bixiyaa sida wax Rabbiga quduus u ah.

    24Oo sannadda yubilii ahna beertu waxay u noqon doontaa kii laga soo iibsaday, kaasoo ah kii dhulka hanti u leh.

  • Tir 18:14-15
    2 aayado
    76%

    14Oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil gooni u soocaan waa inay kuwaaga ahaadaan.

    15Oo wax kasta oo maxal furo oo Rabbiga loo bixiyo, dad iyo duunyoba, waa inay kuwaaga ahaadaan, habase yeeshee dadka curadkiisa kolleyba waa inaad madax furtaa, oo xoolaha aan daahirka ahayn curadyadoodana waa inaad madax furtaa.

  • 74%

    23Oo dalkana waa inaydaan hanti weligeed ah u iibin, waayo, dalka anigaa iska leh, oo idinna waxaad tihiin shisheeyayaal iyo socoto ila jooga.

    24Oo dalka aad hantida u leedihiin oo dhan waxaad dhulka uga oggolaataan furasho.

  • 14Oo iyagu waa inayan innaba iibsan, ama ayan beddelan, ama ayan dalka midhihiisa hore innaba shisheeye u gudbin, waayo, dhulkaasu Rabbiguu quduus u yahay.

  • 72%

    26Oo nin hadduusan lahayn qof isaga u furta, laakiinse uu mar dambe helo wax ku filan inuu dhulkiisii ku soo furto,

    27markaas ha tiriyo sannadaha la iibiyey, oo waxa dheeraadka ah ha u celiyo ninkii uu ka iibiyey; oo hantidiisii ha ku noqdo.

    28Laakiinse hadduusan soo ceshan karin, markaas wixii uu iibiyey waxay ku sii jiri doonaan kii ka iibsaday gacantiisa tan iyo sannadda yubilii ah, oo sannadda yubiliiga ah ayaa waxaasu gacantiisa ka bixi doonaan, oo isna markaasuu hantidiisii ku noqon doonaa.

    29¶ Oo qof hadduu iibiyo guri lagu hoydo oo magaalo deyr leh ku yaal, markaas intii sannad dhan ah wuu soo furan karaa gurigiisii uu iibiyey, waayo, sannad dhan ah wuxuu xaq u leeyahay inuu soo furto.

    30Oo haddaan la soo furan intii sannad dhan ah, markaas gurigii magaalada deyran ku yiil waa inuu weligii hanti u ahaadaa qofkii iibsaday, oo tan iyo ab ka ab isagaa iska leh, oo sannadda yubilii ahna gacantiisa ka bixi maayo.

    31Laakiinse guryaha ku dhex yaal tuulooyinka aan lahayn deyr ku wareegsan ha lagu tiriyo beeraha duurka ku yaal, oo iyaga waa la soo furan karaa, oo sannadda yubilii ahna gacanta kii iibsaday way ka bixi doonaan.

    32Habase yeeshee magaalooyinka reer Laawi saas ma aha, oo reer Laawi mar kasta way soo furan karaan guryaha ku dhex yaal magaalooyinka ay iyagu hantida u leeyihiin.

    33Oo mid reer Laawi ahu hadduu soo furto, markaas gurigii la iibiyey iyo magaaladii hantidiisa ahaydba waxay bixi doonaan wakhtiga yubilii ah, waayo, guryaha ku dhex yaal magaalooyinka reer Laawi waa hantidooda oo ku dhex jirta reer binu Israa'iil.

    34Laakiinse waa inaan la iibin beertii ku taal agagaarka magaalooyinkooda, waayo, taasu waa hantidooda weligeed ah.

  • 17Laakiinse dibigii curad ah, iyo curadka idaha, iyo curadka riyaha midnaba yaan la madax furin, iyagu waa quduus; haddaba dhiiggooda waa inaad meesha allabariga ku rushaysaa, oo baruurtoodana waa inaad u gubtaa qurbaan dab lagu gubo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 15Oo kii quduus ka dhigay hadduu doonayo inuu gurigiisii soo furto, markaas ha ku sii daro lacagtii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed, markaas isagaa lahaan doona.

  • 20¶ Kii wax u bixiya ilaah kale oo aan Rabbiga keligiis ah ahayn, kaas waa in dhammaantiis la baabbi'iyaa.

  • Bax 13:12-13
    2 aayado
    71%

    12de markaas waa inaad Rabbiga gooni ugu soocdaa kulli intii maxal furta oo dhan iyo intii xoolaha curad ah, mid kasta oo lab ah Rabbigu waa iska lahaan doonaa.

    13Oo curad kasta oo dameer ah waa inaad ku madax furtaa wan yar; oo haddii aadan doonaynin inaad madax furto, de markaas waa inaad luqunta ka jebisaa, oo dadkaaga curadyadiisa oo dhan waa inaad wax ku madax furtaa.

  • 2Curadyada oo dhan quduus iiga dhig; wax alla wixii maxal fura oo ku dhex jira reer binu Israa'iil, dad iyo duunyoba, anigaa iska leh.

  • 23Oo dibi yar ama wan yar miduu yahayba neefkii jidhkiisu wax dheeraad ah leeyahay ama xubnihiisa wax ka dhiman yihiin, kaas qurbaan ikhtiyaar ah waad u bixin kartaa, laakiinse nidar daraaddiis loo aqbali maayo.

  • 10Oo nin walba waxyaalihiisa quduuska ah waa in wadaadku lahaadaa, oo wax alla wixii nin wadaadka siiyana isagu waa inuu lahaadaa.

  • 13Laakiinse isagu hadduu doonayo inuu furto, waa inuu ku sii daraa intii aad ku qiimaysay oo shan meelood loo dhigay meesheed.

  • 2Dadka reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin nidar galo, qofafka waa inay Rabbiga ugu ahaadaan sidaad ugu qiimaysa.

  • Bax 22:30-31
    2 aayado
    70%

    30Oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa dibiyadaada iyo idahaaga; toddoba maalmood waa inuu hooyadiis la joogaa, maalinta siddeedaadna waa inaad ii bixisaa.

    31Oo waa inaad dad quduus ah ii ahaataan, oo sidaas daraaddeed waa inaydnaan cunin hilib neef oo dugaag berrinka ku bakhtiistay, laakiinse waa inaad eeyaha u tuurtaan.

  • 1¶ Rabbiga Ilaahiinna ah waa inaydaan allabari ugu bixin dibi ama wan ay ku yaallaan iin ama wax xun oo kale, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.

  • 20Oo dameerka curadka ah waa inaad wan yar ku furataa, oo haddaanad furanin, de waa inaad qoorta ka jebisaa. Oo dadkaaga curadyadiisa oo dhan waa inaad furataa. Oo hortayda midna yuusan iman isagoo faro madhan.

  • 31Dibigaaga ayaa hortaada lagu gowrici doono, idahaagana waxaa la siin doonaa cadaawayaashaada, oo mid ku badbaadiyana lama arki doono.

  • 26Laakiinse waxyaalihiinna quduuska ah oo aad haysataan iyo waxyaalihii aad nidartaanba waa inaad qaaddaan oo aad geeysaan meesha Rabbigu dooranayo,

  • 20Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo.

  • 17Laakiin idiinma bannaana inaad irdihiinna gudahooda ku cuntaan meeltobnaadka hadhuudhkiinna, ama kan khamrigiinna, ama kan saliiddiinna, ama curadyada lo'diinna iyo adhigiinna, ama wax alla wixii aad nidartaan, amase qurbaannada aad ikhtiyaarkiinna u bixisaan, amase qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan,