Laawiyiintii 7:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse haddii allabariga qurbaankiisu uu yahay nidar amase qurbaan uu ikhtiyaar u bixiyo, waa in la cunaa maalinta uu bixiyo allabarigiisa, oo wixii ka hadhana maalinta ku xigta ha la cuno.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sharc 12:6 : 6 Oo waa inaad halkaas keentaan qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meel tobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo waxyaalaha aad nidartaan, iyo qurbaannada aad ikhtiyaarka u bixisaan, iyo curadyada lo'diinna iyo adhigiinna.
  • Laaw 19:5-8 : 5 Oo markaad allabari qurbaanno nabaadiino ah Rabbiga u bixinaysaan waa inaad bixisaan si laydiin aqbalo. 6 Oo waa in dhammaantiis la wada cunaa maalinta aad bixisaan iyo maalinta ku xigta, oo haddii wax ka hadhaan oo ay gaadhaan maalinta saddexaad waa in dab lagu gubaa. 7 Oo innaba haddii maalinta saddexaad la cuno waa karaahiyo, oo la aqbali maayo, 8 ku alla kii cunaase dembigiisuu qaadanayaa, maxaa yeelay, nijaas buu ka dhigay Rabbiga wixiisii quduuska ahaa, oo qofkaasna dadkiisa waa laga gooyn doonaa.
  • Laaw 22:18-21 : 18 Waxaad la hadashaa Haaruun iyo wiilashiisa iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii reer binu Israa'iil ka mid ah, ama dadka shisheeyayaasha ah ee reer binu Israa'iil dhex deggan, markay keenaan qurbaankooda ay Rabbiga ugu bixinayaan qurbaan la gubo aawadiis, hadduu yahay nidarradooda midkood amase qurbaannadooda ikhtiyaarka ah, 19 si laydiinka aqbalo aawadeed waa inaad bixisaan neef lab oo aan iin lahayn, kaasoo ka mid ah lo'da, ama idaha, ama orgida. 20 Laakiinse waa inaydaan bixin wax alla wixii iin leh, waayo, waxaas laydinka aqbali maayo. 21 Oo ku alla kii Rabbiga u bixiyo allabari qurbaanno nabaadiino ah, si uu ku oofiyo nidar amase qurbaan ikhtiyaar ah, si looga aqbalo aawadeed waa inuu ka bixiyaa lo'da ama idaha neef dhan oo aan innaba iin lahayn.
  • Laaw 22:23 : 23 Oo dibi yar ama wan yar miduu yahayba neefkii jidhkiisu wax dheeraad ah leeyahay ama xubnihiisa wax ka dhiman yihiin, kaas qurbaan ikhtiyaar ah waad u bixin kartaa, laakiinse nidar daraaddiis loo aqbali maayo.
  • Laaw 22:29 : 29 Oo markaad Rabbiga u bixinaysaan allabari mahadnaqid ah, waa inaad kaas u bixisaan si laydiinka aqbalo.
  • Laaw 23:38 : 38 Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan.
  • Tir 15:3 : 3 haddaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,
  • Sharc 12:11 : 11 de markaas meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu u dooranayo in magiciisu ku jiro waa inaad wada keentaan wixii aan idinku amrayo oo dhan, kuwaas oo ah qurbaannadiinna la gubo, iyo allabaryadiinna, iyo meeltobnaadyadiinna, iyo qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan, iyo wax walba oo wanaagsan oo aad Rabbiga u nidartaan.
  • Sharc 12:17 : 17 Laakiin idiinma bannaana inaad irdihiinna gudahooda ku cuntaan meeltobnaadka hadhuudhkiinna, ama kan khamrigiinna, ama kan saliiddiinna, ama curadyada lo'diinna iyo adhigiinna, ama wax alla wixii aad nidartaan, amase qurbaannada aad ikhtiyaarkiinna u bixisaan, amase qurbaanka aad gacanta sare ugu qaaddaan,
  • Sharc 12:26 : 26 Laakiinse waxyaalihiinna quduuska ah oo aad haysataan iyo waxyaalihii aad nidartaanba waa inaad qaaddaan oo aad geeysaan meesha Rabbigu dooranayo,
  • Sab 66:13 : 13 Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
  • Sab 116:14 : 14 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda.
  • Sab 116:18 : 18 Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,
  • Yex 46:12 : 12 Haddaba amiirku markuu diyaariyo qurbaan ikhtiyaar ah ha ahaatee qurbaan la gubo amase qurbaanno nabaadiino oo Rabbiga ikhtiyaar loo siiyo, waa in iridda xagga bari u sii jeedda loo furaa, oo isagana waa inuu qurbaankiisa la gubo iyo qurbaannadiisa nabaadiino u diyaariyaa siduu maalinta sabtida yeelo oo kale, oo markaas waa inuu baxaa, oo markuu baxo dabadeed waa in iridda la soo xidhaa.
  • Nax 1:15 : 15 Bal eega kan warka wanaagsan keenaya oo nabadda faafinaya cagihiisa oo buuraha dul socda! Dadka Yahuudahow, iidihiinna dhawra, oo nidarradiinna oofiya, waayo, kii sharka ahaa mar dambe idinma soo dhex mari doono, waayo, isagii waa la wada baabbi'iyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 7:14-15
    2 aayado
    88%

    14Oo qurbaan kastana waa inuu ka bixiyaa xabbad ah qurbaanka sare loo qaado oo Rabbiga loo bixiyo, oo waxaa iska lahaanaya wadaadka saydhsaydha dhiigga qurbaannada nabaadiinada.

    15Oo hilibka allabarigiisa qurbaannadiisa nabaadiinada ah oo uu mahadnaqidda u bixiyo waa in dhammaantiis la cunaa maalinta uu qurbaankiisa bixiyo, oo waa inuusan waxba ka gaadhsiin tan iyo subaxda dambe.

  • Laaw 19:5-7
    3 aayado
    86%

    5Oo markaad allabari qurbaanno nabaadiino ah Rabbiga u bixinaysaan waa inaad bixisaan si laydiin aqbalo.

    6Oo waa in dhammaantiis la wada cunaa maalinta aad bixisaan iyo maalinta ku xigta, oo haddii wax ka hadhaan oo ay gaadhaan maalinta saddexaad waa in dab lagu gubaa.

    7Oo innaba haddii maalinta saddexaad la cuno waa karaahiyo, oo la aqbali maayo,

  • Laaw 7:17-20
    4 aayado
    85%

    17Laakiinse hilibka allabariga wixii ka hadha oo maalinta saddexaad gaadha waa in dab lagu gubaa.

    18Oo haddii hilibka allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah la cuno maalinta saddexaad, markaas la aqbali maayo, oo kii bixiyeyna loo xisaabi maayo, laakiin taasu waxay ahaan doontaa karaahiyo, oo qofkii cunaana isagaa dembigiisa qaadanaya.

    19Oo hilibkii taabta wax nijaas ahna waa inaan la cunin; waase in dab lagu gubaa. Oo hilibkana qof kasta oo daahir ahu wax ha ka cuno.

    20Laakiinse hilibka allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbigu iska leeyahay qofkii cuna isagoo nijaastiisii ku taal waa in dadkiisii laga gooyaa.

  • 80%

    29Oo markaad Rabbiga u bixinaysaan allabari mahadnaqid ah, waa inaad kaas u bixisaan si laydiinka aqbalo.

    30Oo isla maalintaas waa in la wada cunaa, oo waa inaydaan waxba ka reebin tan iyo subaxda dambe, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah.

  • 34Oo haddii hilibka quduuskadhigidda iyo kibista wax ka hadhaan oo ay gaadhaan ilaa subaxda, de markaas waa inaad intii hadhay dab ku gubtaa, oo waa inaan la cunin, maxaa yeelay, waa quduus.

  • Laaw 6:16-17
    2 aayado
    75%

    16Oo wixii qurbaankaas ka hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka.

    17Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka.

  • 3haddaad doonaysaan inaad Rabbiga qurbaan dab ugu bixisaan, kaasoo ah qurbaan la gubo, amase allabari aad nidar ku samaynaysaan, amase qurbaan aad ikhtiyaar ku bixisaan, amase iidihiinna joogtada ah inaad caraf udgoon Rabbiga uga bixisaan lo'da ama idaha,

  • Laaw 7:11-12
    2 aayado
    73%

    11¶ Oo kanuna waa sharciga ku saabsan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbiga loo bixiyo.

    12Oo hadduu mahadnaqid aawadeed u bixinayo, waa inuu allabariga mahadnaqidda la bixiyaa moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo moofo saliid lagu daray oo bur la qoyay laga sameeyey.

  • Tir 28:23-24
    2 aayado
    73%

    23Kuwaas waa inaad bixisaan iyadoo uusan ku jirin qurbaanka la gubo oo subaxnimada, kaasoo ah qurbaan la gubo oo joogto ah.

    24Sidan waa inaad maalin kasta intii toddoba maalmood ah u bixisaan cuntada ah qurbaanka dabka lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah. Taas waa in la bixiyaa iyadoo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin.

  • 18¶ Oo waa inaadan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh; baruurta iiddayduna waa inaanay hadhin habeenka oo dhan ilaa subaxda.

  • 7Oo isna markii qorraxdu dhacdo ayuu daahir noqon doonaa, oo markaas dabadeedna isagu wax ha ka cuno waxyaalaha quduuska ah, maxaa yeelay, taasu waa cuntadiisii.

  • 11Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.

  • Laaw 7:8-9
    2 aayado
    72%

    8Oo wadaadkii qof qurbaan la gubo u bixiyaa ha iska qaato haragga qurbaanka la gubo oo uu bixiyey.

    9Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo foorno lagu dubo, iyo wax alla wixii birdaawe ama digsi lagu sameeyo waxaa iska leh wadaadka bixiya.

  • 25Waayo, qofkii cuna baruurtii neefka dadku u bixiyo qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga, qofka kaas cuna waa in dadkiisa laga gooyaa.

  • 10Oo waa inaydnaan waxba ka reebin ilaa subaxda, laakiin waxa ka hadha markuu waagu beryo waa inaad dab ku gubtaan.

  • 26Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka.

  • 23Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo wadaadku bixiyoba waa in dhammaantiis la wada guba, oo waa inaan la cunin.

  • 4Oo intii toddoba maalmood ah soohdimihiinna gudahooda oo dhan waa inaan khamiir lagu arag, oo allabariga aad fiidka maalinta kowaad bixisaan hilibkiisu waa inuusan habeenkii oo dhan oollin oo subaxdii gaadhin.

  • 21¶ Rabbiga ciidammada oo Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu leeyahay, Qurbaannadiinna la gubo allabaryadiinna ku darsada, oo hilibkana iska cuna.

  • 6Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

  • 25Waa inaydnaan dhiigga allabarigayga la bixin kibis khamiir leh, oo waa inaan allabariga Iidda Kormaridda ilaa subaxda la gaadhsiin.

  • 23Oo dibi yar ama wan yar miduu yahayba neefkii jidhkiisu wax dheeraad ah leeyahay ama xubnihiisa wax ka dhiman yihiin, kaas qurbaan ikhtiyaar ah waad u bixin kartaa, laakiinse nidar daraaddiis loo aqbali maayo.

  • 7Hilibka waa inaad dubtaan oo ku cuntaan meesha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dooranayo, oo subaxdii waa inaad noqotaan oo teendhooyinkiinna tagtaan.

  • 37Haddaba kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, iyo kan quduuskadhigidda, iyo kan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah,

  • 37¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo.

  • Laaw 3:6-7
    2 aayado
    71%

    6¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay allabari qurbaanno nabaadiino ah oo uu adhiga ka bixinayo, lab iyo dhaddig miduu yahayba, waa inuu bixiyaa neef aan iin lahayn.

    7Oo hadduu qurbaankiisa wan yar ku bixinayo, Rabbiga hortiisa ha ku bixiyo.

  • 18Oo hilibkoodana waa inuu kaaga ahaadaa, oo sidii sakaarkii la ruxruxo iyo bowdadii midig adigaa iska leh.

  • 30Oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa dibiyadaada iyo idahaaga; toddoba maalmood waa inuu hooyadiis la joogaa, maalinta siddeedaadna waa inaad ii bixisaa.

  • 3¶ Oo haddii qurbaankiisu yahay qurbaan la gubo oo lo' ah, waa inuu bixiyaa neef lab oo aan iin lahayn, oo waa inuu ku bixiyaa teendhada shirka iriddeeda, si isaga Rabbiga hortiisa loogu aqbalo.

  • 29Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Kii Rabbiga u bixiyaa allabarigiisa qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaankiisa uga keenaa allabariga qurbaannadiisa nabaadiinada ah.

  • 32Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.

  • 3Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

  • 10Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

  • 14Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

  • 23Kolkaasuu wuxuu iyagii ku yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu ku hadlay, Berri waa maalin weyn oo nasasho ah, oo waa sabti quduus u ah Rabbiga. Wixii aad duban lahaydeen dubta, oo wixii aad karin lahaydeen kariya, oo wax alla wixii idiin hadha meel dhigta oo ha idiin yaalleen ilaa subaxda.

  • 3Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

  • 6oo ayan ku jirin qurbaanka la gubo ee bisha cusub, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, sidii qaynuunkoodu ahaa, kuwaasoo wada ah caraf udgoon ee ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.