Laawiyiintii 7:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo foorno lagu dubo, iyo wax alla wixii birdaawe ama digsi lagu sameeyo waxaa iska leh wadaadka bixiya.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 18:9 : 9 Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan.
  • Yex 44:29 : 29 Oo iyagu waxay iska cuni doonaan qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil nidraanba iyagaa iska lahaan doona.
  • Laaw 2:10 : 10 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.
  • Laaw 5:13 : 13 Oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeya dembigiisii uu ku dembaabay wax kasta oo waxyaalahan ka mid ah, oo isna waa la cafiyi doonaa, oo inta kalena waxaa iska leh wadaadka, sidii qurbaankii hadhuudhka.
  • Laaw 6:16-18 : 16 Oo wixii qurbaankaas ka hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka. 17 Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka. 18 Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.
  • Laaw 2:3-7 : 3 Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo. 4 ¶ Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray, ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay. 5 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray. 6 Waa inaad cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah. 7 Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray.
  • 1 Kor 9:7 : 7 Askarigee baa qarashkiisa weligiis iska bixiya? Yaa beer canab ah beera oo aan midhaheeda cunin? Ama yaa adhi daajiya oo aan caanaha adhiga dhamin?
  • 1 Kor 9:13 : 13 Miyeydnaan ogayn kuwa waxyaalaha quduuska ah ka shaqeeyaa inay macbudka wax ka cunaan, kuwa meesha allabariga ka adeegaana inay meesha allabariga qayb ku leeyihiin?
  • Gal 6:6 : 6 ¶ Kan hadalka la baraa wax walba oo wanaagsan qayb ha ka siiyo kan wax bara.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Laaw 7:5-8
    4 aayado
    85%

    5Oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, waayo, kaasu waa qurbaankii xadgudubka.

    6Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, oo waa in lagu cunaa meel quduus ah, waayo, kaasu waa kan ugu wada quduusan.

    7Oo qurbaanka xadgudubku waa sidii qurbaanka dembiga oo kale. Oo iyagu isku sharci ayay leeyihiin, oo wadaadkii kafaaraggudka ku sameeyaa ha lahaado.

    8Oo wadaadkii qof qurbaan la gubo u bixiyaa ha iska qaato haragga qurbaanka la gubo oo uu bixiyey.

  • Laaw 2:2-10
    9 aayado
    84%

    2Oo isagu ha u keeno wadaaddada wiilasha Haaruun ah, oo cantoobo muggeed ha ka qaato burka, iyo saliidda, iyo fooxa oo dhan, oo wadaadku xusuus ahaan meesha allabariga dusheeda ha ugu gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

    3Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadhana waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa; oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

    4¶ Oo markaad bixinaysid qurbaan hadhuudh ah oo foorno lagu dubay, ha ahaado moofo aan khamiir lahayn oo laga sameeyo bur saliid lagu daray, ama canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay.

    5Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo digsi lagu dubay, ha ahaado bur aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray.

    6Waa inaad cad cad u kala jejebisid oo aad saliid ku shubtid, waayo, waa qurbaan hadhuudh ah.

    7Oo haddii qurbaankaagu yahay qurbaan hadhuudh ah oo birdaawe lagu dubay, markaas ha laga sameeyo bur saliid lagu daray.

    8Oo qurbaanka hadhuudhka ah oo waxyaalahaas laga sameeyey waa inaad Rabbiga u keentaa, oo waa in wadaadka loo dhiibaa, oo isna meesha allabariga ha keeno.

    9Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

    10Oo wixii qurbaanka hadhuudhka ah ka hadho waa in Haaruun iyo wiilashiisu iska lahaadaan, oo waa wax ugu wada quduusan qurbaannada Rabbiga ee dab lagu sameeyo.

  • Laaw 7:10-12
    3 aayado
    82%

    10Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo saliid lagu daray amase engeg ah waa inay wiilasha Haaruun oo dhammu lahaadaan, oo sidii mid u cuno kan kalena ha u cuno.

    11¶ Oo kanuna waa sharciga ku saabsan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo Rabbiga loo bixiyo.

    12Oo hadduu mahadnaqid aawadeed u bixinayo, waa inuu allabariga mahadnaqidda la bixiyaa moofo aan khamiir lahayn oo saliid lagu daray, iyo canjeero aan khamiir lahayn oo saliidu marsan tahay, iyo moofo saliid lagu daray oo bur la qoyay laga sameeyey.

  • Tir 5:9-10
    2 aayado
    82%

    9Oo qurbaan kasta oo sare loo qaado oo ah waxyaalaha quduuska ah oo dhan ee ay reer binu Israa'iil wadaadka u keenaan waa in isagu lahaadaa.

    10Oo nin walba waxyaalihiisa quduuska ah waa in wadaadku lahaadaa, oo wax alla wixii nin wadaadka siiyana isagu waa inuu lahaadaa.

  • Laaw 6:21-23
    3 aayado
    81%

    21Oo waa in lagu sameeyo digsi oo saliid lagu sameeyo, oo markii la isku qooshay waa inaad gudaha soo gelisaa. Xabbad xabbad la dubay waa inaad u bixisaa qurbaanka hadhuudhka oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

    22Oo waxaa bixin doona wadaadka subkan oo reer Haaruun oo isaga meeshiisa joogi doono, oo qaynuun weligiis ah waa in dhammaan Rabbiga loogu gubaa.

    23Oo qurbaan kasta oo hadhuudh ah oo wadaadku bixiyoba waa in dhammaantiis la wada guba, oo waa inaan la cunin.

  • 29Oo wadaaddada intooda laboodka ah oo dhammu waa inay wax ka cunaan, waayo, waa kan ugu wada quduusan.

  • 11Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.

  • 16Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh.

  • 14Oo qurbaan kastana waa inuu ka bixiyaa xabbad ah qurbaanka sare loo qaado oo Rabbiga loo bixiyo, oo waxaa iska lahaanaya wadaadka saydhsaydha dhiigga qurbaannada nabaadiinada.

  • 9Kulli waxyaalaha aad u quduuska ah oo dabka laga reebay oo aad lahaan doonto waa kuwan: mid kasta oo qurbaankooda ah, xataa qurbaankooda kasta ee hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda kasta ee dembiga, iyo qurbaankooda kasta ee xadgudubka, oo ay ii bixinayaan, adiga iyo wiilashaadaba ayay aad u quduus idiin ahaan doonaan.

  • Yex 44:29-30
    2 aayado
    77%

    29Oo iyagu waxay iska cuni doonaan qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, oo wax kasta oo ay reer binu Israa'iil nidraanba iyagaa iska lahaan doona.

    30Oo wax kasta oo midhaha ugu horreeya cayn kastaba, iyo qurbaannadiinna oo dhan cayn kasta oo ay yihiinba waxaa iska leh wadaaddada. Oo cajiinkiinna cadka ugu horreeyana waa inaad wadaadka siisaan si ay barako reerkiinna ugu soo degto.

  • 20Oo wuxuu igu yidhi, Tanu waa meesha ay wadaaddadu qurbaanka xadgudubka iyo qurbaanka dembiga ku karin doonaan, oo ay qurbaanka hadhuudhka ku dubi doonaan, si ayan barxadda dibadda ugu bixin oo ayan dadka quduus uga dhigin.

  • Laaw 7:30-31
    2 aayado
    76%

    30Waa inuu gacmihiisa ku keenaa qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; waa inuu keenaa baruurta iyo sakaarka in sakaarka Rabbiga hortiisa lagu ruxruxo sidii qurbaanka la ruxruxo.

    31Oo wadaadku waa inuu baruurta ku dul gubaa meesha allabariga, laakiinse sakaarka waxaa iska leh Haaruun iyo wiilashiisa.

  • Laaw 6:14-18
    5 aayado
    76%

    14¶ Oo kanuna waa sharciga qurbaanka hadhuudhka ku saabsan: Wiilashii Haaruun waa inay ku hor bixiyaan meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa ah.

    15Oo isagu waa inuu cantoobadiisa muggeed ka qaadaa burka wanaagsan ee qurbaanka hadhuudhka ah iyo saliiddiisa, iyo kulli fooxa saaran qurbaanka hadhuudhka oo dhan, oo waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa caraf udgoon ee xusuus u ah Rabbiga.

    16Oo wixii qurbaankaas ka hadhayna Haaruun iyo wiilashiisu ha cuneen. Iyadoo aan khamiir lahayn waa in meel quduus ah lagu cunaa; oo iyagu waa inay ku cunaan barxadda teendhada shirka.

    17Waa inaan khamiir lagu dubin. Anigu taas waxaan iyaga u siiyey qaybtoodii ay ka heli lahaayeen qurbaannadayda dabka lagu sameeyo. Iyadu waa ugu quduusan tahay oo waa sidii qurbaankii dembiga iyo sidii qurbaankii xadgudubka.

    18Oo qof kasta oo lab ah oo reer Haaruun ka mid ahu waa inuu wax ka cunaa, oo tan iyo ab ka ab intaasaa looga amray qurbaannada Rabbiga oo dabka lagu sameeyo; oo ku alla kii taabtaana quduus buu ahaan doonaa.

  • 26Oo wadaadka dembiga aawadiis u bixiyaa waa inuu cunaa, waana in lagu cunaa meel quduus ah oo ah barxadda teendhada shirka.

  • 29Oo weliba waxay kala hagaajin jireen kibistii tusniinta iyo burkii laga dhigi jiray qurbaan jidhiidh ah, hadduu ahaa kibis aan khamiir lahayn ama tii digsiga lagu dubi jiray, amase tii la qoyn jiray, iyo cayn kasta oo ah qiyaas iyo miisaan,

  • 9Oo kibistaas waxaa iska yeelan doona Haaruun iyo wiilashiisa, oo waa inay meel daahir ah ku cunaan, waayo, taasu isaga waa ugu wada quduusan tahay qurbaannada Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo qaynuun weligiis ah loo amray.

  • 16Oo wadaadku waa inuu gubaa intii xusuusta ahayd, oo qaarkeed ha ahaado hadhuudhka tuman, qaarkeedna ha ahaado saliiddeeda, iyo fooxeeda oo dhan, waayo, taasu waa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

  • 16Oo markaas wadaadku waa inuu iyaga Rabbiga hortiisa keenaa, oo waa inuu bixiyaa qurbaankiisa dembiga iyo qurbaankiisa la gubo.

  • 75%

    14oo wuxuu ku dhex mudi jiray daawihii, ama kidhligii, ama digsigii, ama dherigii, oo kulli wixii qabatadu ay soo qaaddoba wadaadku wuu qaadan jiray. Oo saasay reer binu Israa'iilkii Shiiloh yimid oo dhan ku sameeyeen.

    15Oo weliba intaan baruurta la gubin ayaa midiidinkii wadaadku iman jiray, oo wuxuu ku odhan jiray ninkii alla baryayay, Hilib wadaadka loo dubo keen, waayo, isagu kaa dooni maayo hilib karsan, mid ceedhin ah mooyaane.

  • 14Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

  • 10sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.

  • 37Haddaba kanu waa sharciga ku saabsan qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka xadgudubka, iyo kan quduuskadhigidda, iyo kan allabariga qurbaannada nabaadiinada ah,

  • 17Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.

  • 3Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

  • 9laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 13Inta waddaniga ah oo dhammu waxyaalahan sidaas ha u sameeyeen markay bixinayaan qurbaan dab lagu sameeyo oo caraf udgoon Rabbiga u ah.