Laawiyiintii 8:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse intaasuu ku dul gubay meesha allabariga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 29:13 : 13 Oo waxaad qaaddaa xaydha gudaha ku jirta oo dhan, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo meesha allabariga ku dul gub.
  • Laaw 3:3-5 : 3 Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 4 iyo labada kelyood iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado. 5 Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.
  • Laaw 4:8-9 : 8 Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan, 9 iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bax 29:13-14
    2 aayado
    91%

    13Oo waxaad qaaddaa xaydha gudaha ku jirta oo dhan, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo meesha allabariga ku dul gub.

    14Laakiinse dibiga hilibkiisa iyo haraggiisa iyo uuskiisaba waxaad ku gubtaa xerada dibaddeeda; waayo, waa qurbaan dembi loo bixiyey.

  • Laaw 9:10-11
    2 aayado
    89%

    10Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    11Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah.

  • 25Markaasuu soo qaaday baruurtii, iyo badhidii, iyo xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku yiil, iyo labadii kelyood, iyo xaydhoodii, iyo bowdadii midig.

  • Laaw 9:19-20
    2 aayado
    88%

    19Markaasay keeneen baruurtii dibiga iyo tii wanka, iyo badhidii, iyo xaydhii gudaha ku duubnayd, iyo kelyihii, iyo xuubkii beerka.

    20Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu ku dul gubay meeshii allabariga.

  • Laaw 4:8-12
    5 aayado
    87%

    8Oo dibiga qurbaanka dembiga loo bixinayo xaydhiisa oo dhan waa inuu ka bixiyaa, waana xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

    9iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado,

    10sida dibiga allabariga qurbaannada nabaadiinada ah looga qaado oo kale, oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga ee qurbaanka la gubo.

    11Oo dibiga haraggiisa iyo hilibkiisa oo dhan, iyo madaxiisa, iyo addimmadiisa, iyo uurkujirtiisa, iyo uuskiisa,

    12iyo xataa dibiga oo dhan waa inuu xerada dibadda uga bixiyaa oo uu geeyaa meel daahirsan, taasoo ah meesha dambaska lagu soo daadiyo, oo intuu qoryo saaro waa inuu dab ku gubaa. Meesha dambaska lagu soo daadiyo waa in lagu gubaa.

  • Laaw 3:3-5
    3 aayado
    87%

    3Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

    4iyo labada kelyood iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.

    5Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • Laaw 3:14-16
    3 aayado
    87%

    14Oo isagu ha bixiyo qurbaankiisii, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo oo ah xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

    15iyo labada kelyood, iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.

    16Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaankii dabka loogu sameeyo caraf udgoon. Xaydha oo dhan Rabbigaa iska leh.

  • 19Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa.

  • Laaw 8:17-21
    5 aayado
    86%

    17Laakiinse dibigii iyo haraggiisii, iyo hilibkiisii, iyo uuskiisiiba wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah sidii Rabbigu Muuse ku amray.

    18Oo haddana wuxuu keenay wankii ahaa qurbaanka la gubo, oo Haaruun iyo wiilashiisiina gacmahooday madaxa ka saareen wankii.

    19Oo isna wankii wuu gowracay, markaasaa Muuse dhiiggii ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

    20Oo wankii xubin xubin buu u kala googooyay, markaasaa Muuse wuxuu gubay madaxii iyo xubnihii iyo xaydhii,

    21oo isna uurkujirtii iyo addimmadii ayuu biyo ku maydhay, markaasaa Muuse wankii oo dhan ku dul gubay meesha allabariga, waayo, kaasu wuxuu ahaa qurbaan la gubo oo caraf udgoon loo bixiyo, wuxuuna ahaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Laaw 7:3-5
    3 aayado
    86%

    3Oo isagu waa inuu bixiyaa baruurta taasoo ah badhida, iyo xaydha gudaha ku duuban,

    4iyo labada kelyood iyo xaydha ku dul taal oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, waa inuu kelyaha la qaadaa.

    5Oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ugu dul gubaa qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo, waayo, kaasu waa qurbaankii xadgudubka.

  • Laaw 3:9-11
    3 aayado
    86%

    9Oo allabariga qurbaannada nabaadiinada ah waa inuu Rabbiga qurbaan dab loogu sameeyo uga bixiyaa xaydhiisa iyo badhidiisa oo dhan, taasoo uu ka gooyo meesha ay lafta dhabarka ka haysato, iyo xaydha gudaha ku duuban, iyo xaydha neefka uurkiisa ku jirta oo dhan,

    10iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo xanjaadka u dhow, iyo xuubka beerka ku dul yaal, dhammaantood kelyaha ha la qaado.

    11Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.

  • Laaw 1:12-13
    2 aayado
    83%

    12Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

    13laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku dhammaantiis ha bixiyo, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo, oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • Laaw 9:13-14
    2 aayado
    83%

    13Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga.

    14Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa.

  • 22Oo waxaad kaloo qaaddaa wanka baruurtiisa, iyo badhidiisa, iyo xaydhiisa gudaha ku duuban, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labadiisa kelyood iyo xaydhooda, iyo bowdada midigta ah; waayo, waa wanka quduuskadhigidda.

  • Laaw 8:28-29
    2 aayado
    82%

    28Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

    29Kolkaasaa Muuse qaaday sakaarkii, oo Rabbiga hortiisa ayuu ugu ruxruxay qurbaan la ruxruxo aawadiis, oo kaasu wuxuu ahaa qaybtii Muuse ku lahaa wankii quduuskadhigidda sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Laaw 1:8-9
    2 aayado
    81%

    8oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

    9laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 25Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa.

  • 15Markaasuu dibigii gowracay, oo Muuse wuxuu soo qaaday dhiiggii, oo farta ku mariyey geesihii meesha allabariga, oo meesha allabarigana sidaasuu ku daahiriyey, kolkaasuu dhiigga ku ag shubay salkii meesha allabariga, quduus buuna ka dhigay, si uu kafaaraggud ugu sameeyo.

  • 18Oo wanka oo dhan waa inaad ku dul gubtaa meesha allabariga, waayo, waa qurbaan Rabbiga loo gubo; oo waa caraf udgoon oo waa qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga.

  • 31Oo xaydhiisa oo dhanna waa in laga bixiyaa sidii xaydha looga bixiyo allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa, si ay Rabbiga ugu ahaato caraf udgoon; oo wadaadku waa inuu isaga kafaaraggud u sameeyaa, oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • 6Oo neefka qurbaanka la gubayo waa inuu haragga ka bixiyaa, oo haddana waa inuu xubin xubin u googooyaa.

  • 17Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.

  • 35Oo xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa sidii xaydhii laga qaado wanka yara oo ahaa allabarigii qurbaannada nabaadiinada ah, oo wadaadku waa inuu ku dul gubaa meesha allabariga, sidii qurbaannadii Rabbiga dabka loogu sameeyo, oo wadaadku waa inuu kafaaraggud u sameeyaa dembigiisii uu dembaabay, oo isna waa la cafiyi doonaa.

  • 32Oo hilibka iyo kibista wixii ka hadhana waa inaad dab ku gubtaan.

  • 2oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

  • 5Oo waa in qaalinta hortiisa lagu gubaa. Haraggeeda, iyo hilibkeeda, iyo dhiiggeeda, iyo uuskeedaba waa in la wada gubaa.