Luukos 1:33

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Weligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub, boqornimadiisuna ma idlaan doonto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 2:44 : 44 Oo wakhtiga boqorradaas ayaa Ilaaha samadu dhisi doonaa boqortooyo aan weligeed la baabbi'inayn, ama dowladnimadeedu aanay dad kale uga wareegayn, laakiinse way jejebin doontaa oo baabbi'in doontaa boqortooyooyinkaas oo dhan, markaasay weligeed taagnaan doontaa.
  • Daan 7:13-14 : 13 Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay. 14 Oo waxaa la siiyey dowladnimo iyo ammaan iyo boqortooyo, inay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahu u wada adeegaan. Dowladnimadiisu waa dowladnimo weligeed jiraysa, oo aan dhammaanayn, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in doonin.
  • Daan 7:27 : 27 Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan.
  • Cib 1:8 : 8 Laakiin Wiilka wuxuu ka yidhi, Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis; Oo usha qummanaantuna waa usha boqortooyadaada.
  • 2 Sam 7:16 : 16 Oo reerkaaga iyo boqortooyadaadaba waxaa laga dhigi doonaa kuwo weligood hortaada ku raaga, oo carshigaaguna weligiis wuu dhisnaan doonaa.
  • Sab 89:35-37 : 35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda, Oo Daa'uud been uma sheegi doono, 36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa. 37 Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
  • Muj 11:15 : 15 ¶ Markaasaa waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii toddobaad, oo waxaa samada ka yeedhay codad waaweyn, oo waxay yidhaahdeen, Boqortooyadii dunidu waxay noqotay boqortooyadii Rabbigeenna iyo Masiixiisa, oo isna boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiis.
  • Mat 28:18 : 18 Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey.
  • Gal 3:29 : 29 Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.
  • Sab 45:6 : 6 Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis, Oo ul caddaaladdeedna waa usha boqortooyadaada.
  • Miik 4:7 : 7 Oo kuwii dhutin jiray waxaan ka dhigi doonaa kuwa hadhay, oo kuwa meesha fog lagu tuurayna waxaan ka dhigi doonaa quruun xoog badan, oo Rabbigu iyaguu ugu talin doonaa Buur Siyoon hadda dabadeed iyo tan iyo weligeedba.
  • Mat 1:1 : 1 ¶ Kanu waa kitaabkii abtirsiinyada Ciise Masiix, ina Daa'uud, ina Ibraahim.
  • Daan 7:18 : 18 Laakiinse Ka ugu Sarreeya quduusiintiisa ayaa boqortooyada qaadan doonta, oo waxay yeelan doonaan boqortooyada weligood iyo xataa weligood iyo weligoodba.
  • Gal 6:16 : 16 In alla intii qaynuunkan ku socota, iyo Israa'iilka Ilaahba, nabad iyo naxariisuba dushooda ha ahaadeen.
  • Fil 3:3 : 3 waayo, innagu waxaynu nahay kuwa gudan oo Ruuxa Ilaah ku caabuda, oo Ciise Masiix ku faana, oo aan jidhkana ku kalsoonayn,
  • Room 9:6 : 6 ¶ Laakiin mana aha sidii iyadoo ereygii Ilaah dhacay. Waayo, kuwa Israa'iil ka dhashay kulligood reer binu Israa'iil ma wada aha.
  • 1 Kor 15:24-25 : 24 Markaasaa dhammaadku iman doonaa, markuu isagu boqortooyada u dhiibi doono Ilaaha Aabbaha ah, markuu baabbi'iyo madax walba iyo amar walba iyo xoog walba dabadeed. 25 Waayo, waa inuu wax xukumo ilaa uu cadaawayaashiisa oo dhan cagihiisa hoostooda geliyo.
  • Muj 22:3-5 : 3 Oo mar dambena naclad ma jiri doonto, oo waxaa halkaas ku jiri doona Ilaah iyo Wanka carshigooda; oo addoommadiisuna way u adeegi doonaan, 4 oo wejigiisay arki doonaan, oo magiciisuna wuxuu ugu oolli doonaa wejigooda. 5 Oo mar dambe habeen ma jiri doono, oo iyana uma baahnaan doonaan laambad iftiinkeed iyo iftiinka qorraxda toona; waayo, waxaa iyaga iftiimin doona Rabbiga Ilaaha ah, oo iyana waxay talin doonaan weligood iyo weligood.
  • Muj 20:4-6 : 4 ¶ Oo markaasaan arkay carshiyo, oo waxaa kuwa ku fadhiyey la siiyey amar ay ku xukumaan; oo haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa looga jaray markhaatigii ay Ciise u fureen aawadiis, iyo eraygii Ilaah aawadiis, iyo kuwii aan caabudin bahalkii iyo sanamkiisa toona, oo aan aqbalin in sumaddii lagaga dhigo wejigooda iyo gacantooda; way soo noolaadeen oo kun sannadood ayay Masiix wax la xukumeen. 5 Oo dadkii dhintay intoodii kalena sooma ay noolaan ilamaa ay kunkii sannadood dhammaadeen. Kanu waa sarakicidda kowaad. 6 Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.
  • Coba 1:21 : 21 Oo badbaadiyayaaluna waa iman doonaan Buur Siyoon, si ay buurta Ceesaw u xukumaan, oo boqortooyadana waxaa lahaan doona Rabbiga.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 1:30-32
    3 aayado
    87%

    30Malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay.

    31Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise.

    32Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud.

  • Ish 9:6-7
    2 aayado
    82%

    6Waayo, waxaa inoo dhashay ilmo, waxaa layna siiyey wiil, oo boqornimadu garbihiisay saarmi doontaa, oo magiciisana waxaa loo bixin doonaa Ka Yaabkaleh, iyo Lataliye, iyo Ilaaha Xoogga leh, iyo Aabbaha Daa'imka ah, iyo Amiirka Nabadda.

    7Oo boqornimadiisa iyo nabaddu way badnaan doonaan, dhammaadna uma lahaan doonaan carshiga Daa'uud iyo boqortooyadiisa, in la sii adkeeyo, oo caddaalad iyo xaqnimo lagu sii hayo haatan iyo tan iyo weligeedba. Oo tan waxaa samayn doona qiirada Rabbiga ciidammada.

  • 55Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay).

  • 75%

    12Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad la seexato awowayaashaa, farcankaaga kaa dambeeya oo kaa soo bixi doona ayaan sara kicin doonaa, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.

    13Oo isna guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshiga boqortooyadiisa weligiis.

  • 17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Daa'uud marnaba ma waayi doono nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista.

  • 75%

    11Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad awowayaashaa la jiri doonto sida waajibka ah, ayaan sara kicin doonaa farcankaaga kaa dambeeya oo wiilashaada midkood ahaan doona, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.

    12Oo isna guri buu ii dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshigiisa weligiis.

    13Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo anna naxariistayda kama fogayn doono, sidii aan uga fogeeyey kii kaa horreeyey,

    14laakiinse waxaan isaga dhex taagi doonaa weligiisba gurigayga iyo boqortooyadayda, oo carshigiisuna weligiis wuu dhisnaan doonaa.

  • Luuk 1:34-37
    4 aayado
    74%

    34Kolkaasaa Maryan waxay malaa'igtii ku tidhi, Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo.

    35Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah.

    36Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad.

    37Waayo, wax aan Ilaah kari doonin ma jiro.

  • 25Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa.

  • 36Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa.

  • Luuk 1:13-15
    3 aayado
    73%

    13Laakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa.

    14Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan,

    15waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa.

  • Mat 1:21-23
    3 aayado
    73%

    21Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.

    22Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,

    23Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.

  • Sab 89:28-29
    2 aayado
    73%

    28Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona.

    29Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara, Carshigiisana sida wakhtiga samada.

  • 10Oo guri buu magacayga u dhisi doonaa, oo wuxuu ahaan doonaa wiilkaygii, oo anna waxaan u ahaan doonaa aabbihiis, oo waxaan carshiga boqortooyadiisa u xoogayn doonaa inuu weligiis u taliyo reer binu Israa'iil.

  • 16Oo reerkaaga iyo boqortooyadaadaba waxaa laga dhigi doonaa kuwo weligood hortaada ku raaga, oo carshigaaguna weligiis wuu dhisnaan doonaa.

  • 14Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel.

  • 11Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

  • 8Laakiin Wiilka wuxuu ka yidhi, Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis; Oo usha qummanaantuna waa usha boqortooyadaada.

  • 69Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,

  • 2¶ Laakiinse adigu Beytlaxam Efraataahay in kastoo aad ku yar tahay kumanyaalka reer Yahuudah, waxaa adiga iiga kaa soo bixi doona mid dalka Israa'iil taliye ka noqon doona, kaasoo bixitinkiisu ahaa waa hore, iyo tan iyo weligiis.

  • 30Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaad ninkan ku qortaan sidii madhalays oo kale iyo nin aan cimrigiis liibaanayn, waayo, isaga farcankiisa ninna ka liibaani maayo inuu carshigii Daa'uud ku dul fadhiisto, oo uu dalka Yahuudah mar dambe ka dhex taliyo.

  • 27ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan.

  • Mat 1:15-16
    2 aayado
    71%

    15Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub,

    16Yacquubna wuxuu dhalay Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, tii Ciise, kan Masiix la yidhaahdo, ka dhashay.

  • 8Oo isagu wuxuu u talin doonaa bad ilaa ka bad, Iyo tan iyo Webiga iyo ilaa dhulka darfihiisa.

  • 13Isaga qudhiisa ayaa dhisi doona macbudka Rabbiga, oo isagu ammaantuu sidan doonaa, oo carshiga ayuu ku dul fadhiyi doonaa oo ku talin doonaa. Wuxuu ahaan doonaa wadaad carshigiisa ku dul fadhiya, oo labadoodaba waxaa u dhaxayn doona taladii nabaadiinada.

  • 5de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.

  • 76Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya, Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;

  • 23Oo waxaan isaga u dhuujin doonaa sida dhidib meel adag haysta, oo isna wuxuu reerka aabbihiis u noqon doonaa carshi sharaf badan.

  • 18markaasaan dhisi doonaa carshiga boqortooyadaada, sidaan axdi kula dhigtay aabbahaa Daa'uud markaan ku idhi, Lagaa waayi maayo nin reer binu Israa'iil u taliya.

  • 4Oo isagu wuu istaagi doonaa, oo wuxuu adhigiisa ku daajin doonaa xoogga Rabbiga iyo haybadda magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, oo iyana ammaan bay ku joogi doonaan, waayo, isagu haatan mid weyn buu ku ahaan doonaa tan iyo dhulka darfihiisa.

  • 13Boqortooyadaadu waa boqortooyo daa'imis ah, Oo dawladnimadaaduna way sii waartaa tan iyo ab ka ab.

  • 6Adigu Beytlaxam, oo dhulka Yahuudah ahay, Kuma aad yaridba caaqillada Yahuudah dhexdooda, Waayo, waxaa adiga kaa soo bixi doona taliye, Kan dadkayga Israa'iil u talin doona.

  • 18Rabbigu boqor buu ahaan doonaa weligiis iyo weligiisba.

  • 1¶ Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta,

  • 7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.