Luukos 1:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 1:18 : 18 ¶ Dhalashadii Ciise Masiix sidanay ahayd. Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Quduuskaa ka uuraysatay.
  • Luuk 1:27 : 27 ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan.
  • Mat 1:20 : 20 Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid.
  • Luuk 1:31-32 : 31 Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise. 32 Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud.
  • Yoox 1:49 : 49 Kolkaasaa Nataana'el u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaad tahay Wiilka Ilaah, oo waxaad tahay boqorkii Israa'iil.
  • Yoox 20:31 : 31 Laakiin waxyaalahan waxaa loo qoray inaad rumaysataan inuu Ciise yahay Masiixa, Wiilka Ilaah, iyo inaad nolosha ku lahaataan magiciisa idinkoo rumaysanaya.
  • Yoox 1:34 : 34 Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.
  • Sab 2:7 : 7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
  • Mat 14:33 : 33 Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.
  • Cib 4:15 : 15 Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.
  • Cib 7:26-28 : 26 ¶ Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey, 27 kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey. 28 Waayo, sharcigu niman itaaldaran ayuu wadaaddo sare ka dhigaa, laakiin hadalka dhaarta oo sharciga ka dambeeyey wuxuu ka dhigaa Wiil weligiis kaamil ah.
  • Mat 26:63-64 : 63 Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah, iyo in kale. 64 Ciise ayaa ku yidhi, Waad tidhi. Hase ahaatee waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka.
  • Mat 27:54 : 54 Boqol-u-taliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.
  • Mark 1:1 : 1 ¶ Bilowgii injiilkii Ciise Masiix, oo ah Wiilka Ilaah.
  • Mark 1:24 : 24 Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah.
  • Sab 51:5 : 5 Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
  • Ayuub 14:4 : 4 Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro.
  • Ayuub 15:16 : 16 Haddaba bal sidee buu u daahir ahaanayaa nin karaahiyo iyo wasakhaan ah, Oo dembiga sida biyo u cabbaa!
  • Ayuub 25:4 : 4 Balse sidee baa nin u kari karaa inuu Ilaah hortiisa xaq ku ahaado? Mid naagu dhashayse sidee buu u karaa inuu nadiif ahaado?
  • Mat 4:3 : 3 Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda.
  • Fal 8:36 : 36 Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?
  • Room 1:4 : 4 oo sarakiciddii uu ka sara kacay kuwii dhintay ay ku caddaysay inuu xagga ruuxa quduusnimada yahay Wiilka Ilaah oo xoog leh oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix,
  • Gal 2:20 : 20 Waxaa iskutallaabta laygula qodbay Masiixa, laakiin weli waan noolahay. Aniga ma aha kan nooli, laakiin Masiix ayaa igu dhex nool, oo nolosha aan haatan jidhka ku dhex noolahay waxaan ku noolahay rumaysadka xagga Wiilka Ilaah, kan i jeclaaday oo naftiisa u bixiyey daraadday.
  • Ef 2:3 : 3 Iyaga dhexdooda mar baynu dhammaanteen ku dhaqmi jirnay damacyada jidhkeenna, innagoo samaynayna waxyaalaha jidhka iyo maanku ay doonayaan, oo innaguna xagga dabiicadda waxaynu ka ahayn carruurtii cadhada sida dadka kale.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 1:24-34
    11 aayado
    87%

    24¶ Maalmahaas dabadeed afadiisa Elisabed ayaa uuraysatay, oo shan bilood ayay isqarisay iyadoo leh.

    25Sidaasaa Rabbigu iigu sameeyey maalmihii uu i eegay inuu ceebtayda dadka dhexdooda iiga qaado.

    26¶ Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray

    27ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan.

    28Malaa'igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira.

    29Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan?

    30Malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay.

    31Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise.

    32Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud.

    33Weligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub, boqornimadiisuna ma idlaan doonto.

    34Kolkaasaa Maryan waxay malaa'igtii ku tidhi, Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo.

  • Luuk 1:36-39
    4 aayado
    81%

    36Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad.

    37Waayo, wax aan Ilaah kari doonin ma jiro.

    38Maryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto. Markaasaa malaa'igtii ka tagtay.

    39¶ Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah,

  • Mat 1:20-25
    6 aayado
    79%

    20Laakiin intuu waxan ka fiirsanayay ayaa malaa'igtii Rabbigu riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Yuusuf ina Daa'uudow, ha ka baqin inaad naagtaada Maryan qaadatid, waayo, waxa ay uuraysatay ayaa Ruuxa Quduuskaa ka yimid.

    21Oo waxay umuli doontaa wiil, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise, waayo, dadkiisa ayuu dembiyadooda ka badbaadin doonaa.

    22Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,

    23Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.

    24Markaasaa Yuusuf hurdadii ka kacay oo yeelay sidii malaa'igtii Rabbigu ku amartay, oo naagtiisii ayuu qaatay;

    25uma uuse tegin iyada ilaa ay wiil umushay, oo wuxuu magiciisa u baxshay Ciise.

  • 18¶ Dhalashadii Ciise Masiix sidanay ahayd. Kolkii hooyadiis Maryan u doonanayd Yuusuf, intaanay isu iman, waxaa la arkay iyadoo Ruuxa Quduuskaa ka uuraysatay.

  • Luuk 1:41-49
    9 aayado
    77%

    41Oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah.

    42Markaasay cod dheer ku qaylisay oo tidhi, Dumarka dhexdooda waad ku barakaysan tahay, oo midhaha uurkaaga waa barakaysan yahay.

    43Xaggee waxanu iiga yimaadeen in Sayidkayga hooyadiis iigu timaado?

    44Bal eeg, markii codkii salaantaadu dhegahayga ku dhacay, ilmaha uurkayga ku jira ayaa farxad la boodbooday.

    45Waxaa barakaysan tii rumaysatay; waayo, waxyaalihii xagga Rabbiga looga sheegay ayay dhici doonaan.

    46Maryanna waxay tidhi, Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,

    47Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.

    48Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa, Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.

    49Waayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey; Magiciisuna waa Quduus,

  • Luuk 1:12-15
    4 aayado
    76%

    12Goortuu Sakariyas arkay ayuu naxay, wuuna cabsaday.

    13Laakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa.

    14Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan,

    15waayo, Rabbiga hortiisa nin weyn buu ku ahaan doonaa, mana cabbi doono khamri ama wax lagu sakhraamo. Waxaana xataa uurka hooyadiis kaga buuxsami doona Ruuxa Quduuskaa.

  • Luuk 1:18-20
    3 aayado
    75%

    18Sakariyas wuxuu malaa'igtii ku yidhi, Sidee baan waxan u garan doonaa? Waayo, anigu oday baan ahay, afadayduna waa da'weynaatay.

    19Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno.

    20Bal eeg, waad aamusnaan doontaa, mana hadli kari doonto, ilaa maalinta waxyaalahan dhici doonaan, waayo, waad rumaysan weyday hadalladayda wakhtigooda la oofin doono.

  • 14Haddaba Rabbiga qudhiisa ayaa calaamad idin siin doona. Bal ogaada, gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta, oo waxay dhali doontaa wiil, oo magiciisana waxay u bixin doontaa Cimmaanuu'eel.

  • 3Markaasay malaa'igtii Rabbigu naagtii u muuqatay, oo ku tidhi, Bal eeg, haatan waxaad tahay madhalays, oo waxba ma aad dhashid; laakiinse waad uuraysan doontaa, oo waxaad dhali doontaa wiil.

  • Luuk 1:66-67
    2 aayado
    73%

    66Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.

    67¶ Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh,

  • 76Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya, Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;

  • 57¶ Hadda Elisabed wakhtigii ay umuli lahayd ayaa la joogay, oo wiil bay dhashay.

  • 27Oo wuxuu Ruuxii ku galay macbudka, oo goortii waalidkii keeneen wiilkii Ciise ahaa inay caadadii sharciga ku sameeyaan,

  • Luuk 2:11-13
    3 aayado
    70%

    11Waayo, maanta waxaa magaalada Daa'uud idiinku dhashay Badbaadiye oo ah Masiixa Rabbiga ah.

    12Oo waxaa calaamo idiin ahaan tan, waxaad heli doontaan ilmo maro ku duudduuban oo ku jiifa qabaal.

    13Dhaqsoba waxaa malaa'igtii la jirtay guuto fara badan oo jannada ka timid, wayna ammaanayeen Ilaah oo lahaayeen,

  • 9Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.

  • 33Markaasaa aabbihiis iyo hooyadiis ka yaabeen waxyaalihii lagaga hadlay isaga.