Luukos 1:48

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, wuxuu eegay hoosaysnimada addoontiisa, Bal eeg, tan iyo hadhow qarniyada oo dhammu waxay iigu yeedhi doonaan tan barakaysan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 138:6 : 6 Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.
  • Luuk 11:27 : 27 ¶ Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.
  • Mal 3:12 : 12 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Quruumaha oo dhammu waxay idiinku yeedhi doonaan, Kuwa barakaysan, waayo, idinku waxaad ahaan doontaan dal aad u faraxsan.
  • Luuk 1:28 : 28 Malaa'igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira.
  • 1 Sam 1:11 : 11 Markaasay nidar nidartay, oo waxay tidhi, Rabbiga Ciidammadow, haddaad fiirisid dhibta aan anoo addoontaada ah qabo, oo aad i soo xusuusatid, ee aadan i illoobin anoo addoontaada ah, laakiinse aad i siiso wiil, de markaas cimrigiisa oo dhan waan ku siinayaa, Rabbiyow, oo madaxiisana mandiil lama marin doono.
  • 1 Sam 2:8 : 8 Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa, Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa, Si uu amiirrada ula fadhiisiyo, Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan; Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh, Oo dunidana iyaguu saaray.
  • 2 Sam 7:8 : 8 Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
  • 2 Sam 7:18-19 : 18 ¶ Markaasaa Boqor Daa'uud gudaha galay oo Rabbiga hor fadhiistay, oo wuxuu yidhi, Sayidow, Rabbow, bal yaan ahay? Reerkayguna waa maxay oo aad halkan ii soo gaadhsiisay? 19 Oo weliba waxanu hortaada wuu ku yaraa, Sayidow, Rabbow, laakiinse waxaad kaloo ka sii hadashay reerkaygu wuxuu wakhti dheer noqon doono, oo Sayidow, Rabbow, taasu ma caadada dadkaa?
  • Ish 66:2 : 2 Waayo, waxyaalahan oo dhan gacantaydaa samaysay, oo waxyaalahan oo dhammuna way wada ahaadeen, ayaa Rabbigu leeyahay, laakiinse ninkan waan fiirinayaa kaasoo ah miskiin, ruuxiisuna jaban yahay, eraygaygana ka gariira.
  • Sab 113:7-8 : 7 Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda, Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada, 8 Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro, Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa.
  • Sab 136:23 : 23 Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa.
  • Luuk 1:42 : 42 Markaasay cod dheer ku qaylisay oo tidhi, Dumarka dhexdooda waad ku barakaysan tahay, oo midhaha uurkaaga waa barakaysan yahay.
  • 1 Kor 1:26-28 : 26 ¶ U fiirsada waxa laydiinku yeedhay, walaalayaalow, sidaan loogu yeedhin qaar badan oo xigmad leh xagga jidhka, ama qaar badan oo xoog leh, ama qaar badan oo gob ah, 27 laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh. 28 Waxyaalaha hoose iyo waxyaalaha la fududaystana Ilaah baa doortay, xataa waxyaalaha aan jirin, inuu waxyaalaha jira wax aan wax tarin ka dhigo,
  • Yac 2:5-6 : 5 I dhegaysta, walaalahayga aan jeclahayow. Miyaan Ilaah u dooran kuwa ah masaakiinta xagga dunida inay ahaadaan kuwa hodan ku ah rumaysadka oo dhaxla boqortooyaduu u ballanqaaday kuwa isaga jecel? 6 Laakiin idinku waad maamuus jebiseen miskiinkii. Taajiriintu miyaanay idin dulmin oo miyaanay idiin jiidin maxkamadda?
  • Bil 30:13 : 13 Oo Lee'ahna waxay tidhi, Waan faraxsanahay! waayo, naaguhu waxay iigu yeedhi doonaan tan faraxsan. Magiciisiina waxay u bixisay Aasheer.
  • Sab 102:17 : 17 Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii, Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 1:49-55
    7 aayado
    89%

    49Waayo, kan xoogga leh ayaa waxyaalo waaweyn ii sameeyey; Magiciisuna waa Quduus,

    50Tan iyo ab ka ab naxariistiisu waxay gaadhaa Kuwa isaga ka cabsada.

    51Wuxuu xoog ku sameeyey gacantiisa, Oo kuwii fikirradii qalbigoodii ku kibray ayuu kala firdhiyey.

    52Kuwii xoogga lahaa ayuu carshiyadoodii ka soo dejiyey Oo kuwii hooseeyey ayuu sarraysiiyey.

    53Kuwii gaajaysnaa ayuu wax wanaagsan ka dhergiyey, Kuwii hodanka ahaana iyagoo madhan ayuu diray.

    54Midiidinkiisii Israa'iil ayuu caawiyey Inuu xusuusto inuu u naxariisto

    55Ibraahim iyo farcankiisii weligoodba (Siduu awowayaasheennii ula hadlay).

  • Luuk 1:41-47
    7 aayado
    82%

    41Oo waxaa dhacay goortii Elisabed salaantii Maryan maqashay in ilmihii uurkeeda ku boodbooday; Elisabedna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah.

    42Markaasay cod dheer ku qaylisay oo tidhi, Dumarka dhexdooda waad ku barakaysan tahay, oo midhaha uurkaaga waa barakaysan yahay.

    43Xaggee waxanu iiga yimaadeen in Sayidkayga hooyadiis iigu timaado?

    44Bal eeg, markii codkii salaantaadu dhegahayga ku dhacay, ilmaha uurkayga ku jira ayaa farxad la boodbooday.

    45Waxaa barakaysan tii rumaysatay; waayo, waxyaalihii xagga Rabbiga looga sheegay ayay dhici doonaan.

    46Maryanna waxay tidhi, Naftaydu Rabbigay weynaynaysaa,

    47Ruuxayguna wuxuu ku reyreeyey Ilaaha Badbaadiyahayga ah.

  • Luuk 1:24-39
    16 aayado
    80%

    24¶ Maalmahaas dabadeed afadiisa Elisabed ayaa uuraysatay, oo shan bilood ayay isqarisay iyadoo leh.

    25Sidaasaa Rabbigu iigu sameeyey maalmihii uu i eegay inuu ceebtayda dadka dhexdooda iiga qaado.

    26¶ Bishii lixaad Ilaah baa malaa'ig Jibriil u soo diray magaalada Galili oo Naasared la odhan jiray

    27ilaa gabadh bikrad ah oo u doonanayd nin la odhan jiray Yuusuf oo dhashii Daa'uud ahaa; gabadhana waxaa la odhan jiray Maryan.

    28Malaa'igtii baa u soo gashay, oo waxay ku tidhi, Nabad, adigoo nimcaysan, Rabbiga ayaa kula jira.

    29Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan?

    30Malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Maryamay, waayo, nimco ayaad Ilaah ka heshay.

    31Bal eeg, waad uuraysan doontaa, oo wiil baad umuli doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Ciise.

    32Nin weyn buu ahaan doonaa, waxaana loogu yeedhi doonaa Wiilka Kan ugu sarreeya, Rabbiga Ilaaha ahuna wuxuu siin doonaa carshigii awowgiis Daa'uud.

    33Weligiiba wuxuu boqor u ahaan doonaa dadkii Yacquub, boqornimadiisuna ma idlaan doonto.

    34Kolkaasaa Maryan waxay malaa'igtii ku tidhi, Sidee baa waxanu ku noqon doonaan? Anigu ninna garan maayo.

    35Malaa'igtii waa u jawaabtay oo ku tidhi, Ruuxa Quduuska ah ayaa kugu soo degi doona, oo xooggii Kan ugu sarreeya ayaa hoosiis kuu noqon doona, sidaa darteed kan quduuska ah oo kaa dhalan doona waxaa loogu yeedhi doonaa Wiilka Ilaah.

    36Bal eeg, ina-adeertaa Elisabedna wiil bay uuraysatay iyadoo da'weyn; oo tanuna waxay tii madhalays loogu yeedhi jiray u tahay bisheedii lixaad.

    37Waayo, wax aan Ilaah kari doonin ma jiro.

    38Maryan ayaa tidhi, Waa i kan, waxaan ahay addoontii Rabbiga. Sidaad u hadashay ha ii noqoto. Markaasaa malaa'igtii ka tagtay.

    39¶ Maalmahaas Maryan baa kacday, oo waxay dhaqso u tagtay dhulkii buuraha lahaa ilaa magaalo ka mid ah reer Yahuudah,

  • Luuk 2:30-31
    2 aayado
    74%

    30Waayo, indhahaygu waxay arkeen badbaadintaada,

    31Tan aad dadka oo dhan hortiis hagaajisay,

  • Luuk 1:66-69
    4 aayado
    74%

    66Kuwa waxyaalahaas maqlay oo dhan ayaa qalbigooda geliyey oo waxay yidhaahdeen, Haddaba ilmahanu muxuu noqon doonaa? Waayo, gacantii Rabbiga ayaa la jirtay isaga.

    67¶ Markaasaa aabbihiis Sakariyas waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, waxna wuu sii sheegay isagoo leh,

    68Ha ammaanmo Rabbiga ah Ilaaha Israa'iil, Waayo, dadkiisii ayuu soo booqday oo furtay.

    69Badbaadiye xoog leh ayuu inoogu kiciyey Gurigii midiidinkiisa Daa'uud,

  • 58Derisyadeedii iyo xigaalkeedii ayay maqleen siduu Rabbigu naxariistiisii ugu weyneeyey iyada, wayna la farxeen.

  • Luuk 1:13-14
    2 aayado
    71%

    13Laakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa.

    14Waxaad heli doontaa farxad iyo rayrayn; dad badanna dhalashadiisa ayay ku farxi doonaan,

  • Mat 1:22-23
    2 aayado
    71%

    22Waxaas oo dhan waxay u dhaceen in la arko wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh,

    23Gabadh bikrad ah baa uuraysan doonta oo wiil umuli doonta, Magiciisana waxaa loo bixin doonaa, Cimmaanuu'eel; kan micnihiisu yahay, Ilaah baa inala jooga.

  • 78Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna, Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta,

  • 27¶ Waxaa dhacay goortuu waxyaalahaas yidhi, in qof dumar ah oo dadka ka mid ah codkeeda kor u qaadday oo ku tidhi, Waxaa barakaysan uurka ku siday iyo naasihii aad nuugtay.

  • Luuk 1:18-19
    2 aayado
    70%

    18Sakariyas wuxuu malaa'igtii ku yidhi, Sidee baan waxan u garan doonaa? Waayo, anigu oday baan ahay, afadayduna waa da'weynaatay.

    19Malaa'igtii baa u jawaabtay oo ku tidhi, Anigu waxaan ahay Jibriil oo Ilaah hortiisa istaaga. Waxaa la ii soo diray inaan kula hadlo oo aan warkan wanaagsan kuu keeno.

  • 28markaasuu gacmihiisa ku qaaday, oo Ilaah ammaanay, oo yidhi,

  • 2Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.

  • 6Waayo, in kastoo Rabbigu sarreeyo, haddana wuu fiiriyaa kuwa hooseeya, Laakiinse kan kibra meel fog buu ka yaqaan.

  • 76Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya, Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid;

  • 19Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah, Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,