Luukos 10:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Ha qaadanina kiish, ama qandi, ama kabo, ninnaba jidka ha ku nabdaadinina.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 4:29 : 29 Oo isna wuxuu Geexasii ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo ushayda gacanta ku qabso oo tag, oo haddaad qof la kulantid, ha salaamin, oo haddii qof ku salaamana, ha u jawaabin, oo ushayda waxaad saartaa wiilka wejigiisa.
  • Luuk 22:35 : 35 ¶ Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishadla'aan iyo qandila'aan iyo kabola'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba.
  • Maah 4:25 : 25 Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen.
  • Mat 10:9-9 : 9 Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina, 10 qandina jidka ha u qaadanina, ama laba khamiis, ama kabo, ama ul, waayo, shaqaaluhu cuntadiisa ayuu istaahilaa. 11 Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan. 12 Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya, 13 oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto, laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto. 14 Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba.
  • Mark 6:8-9 : 8 Wuxuuna ku amray, Waxba safarka ha u qaadanina ul maahee. Kibis iyo qandi iyo lacag kiishad ku jirta ha qaadanina. 9 Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina. 10 Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan. 11 Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.
  • Luuk 9:3-6 : 3 Wuxuuna ku yidhi, Waxba safarka ha u qaadanina, ama ul, ama qandi, ama kibis, ama lacag. Laba khamiisna ha qaadanina. 4 Guri alla gurigaad gashaan jooga, meeshaasna ka baxa. 5 Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato. 6 Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.
  • Luuk 9:59-60 : 59 Mid kalena ayuu ku yidhi, I soo raac. Laakiin isagu wuxuu ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso. 60 Laakiin wuxuu ku yidhi, Iska daa, meydadku ha aaseen meydadkooda, laakiin adigu bax oo boqortooyadii Ilaah ku naadi.
  • Luuk 10:4-9 : 4 Ha qaadanina kiish, ama qandi, ama kabo, ninnaba jidka ha ku nabdaadinina. 5 Guri alla gurigaad gashaan, horta waxaad ku tidhaahdaan, Gurigan nabad ha u ahaato. 6 Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa. 7 Gurigaas qudhiisa jooga, idinkoo cunaya oo cabbaya waxay haystaan, waayo, shaqaaluhu waa istaahilaa abaalgudkiisa. Guriba guri ha u dhaafina. 8 Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna. 9 Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay. 10 Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha, 11 Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay. 12 Waxaan idinku leeyahay, Maalintaas Sodom ayaa ka xisaab fududaan doonta magaaldaas.
  • Bil 24:33 : 33 Cuntona waa la hor dhigay inuu cuno: laakiinse wuxuu yidhi, Cuni maayo ilaa aan sheego farriintayda. Kolkaasuu yidhi, Sheeg.
  • Bil 24:56 : 56 Markaasuu ku yidhi iyagii, Rabbigu waa igu liibaaniyey jidkaygii, sidaas daraaddeed ha i raajinina, ee i dira inaan sayidkaygii u tago.
  • 1 Sam 21:8 : 8 Markaasaa Daa'uud wuxuu Axiimeleg ku yidhi, Waxba miyaanad haynin waran amase seef? Waayo, sooma aan qaadan seeftaydii iyo hubkaygii toona, maxaa yeelay, waxaa i soo deddejiyey muraadkii boqorku ii soo diray.
  • 2 Boq 4:24 : 24 Markaasay dameer kooraysatay, oo midiidinkeedii waxay ku tidhi, Igu kaxee oo hore u soco, oo anigoo kugu amra mooyaane ha i raajin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 9:3-5
    3 aayado
    83%

    3Wuxuuna ku yidhi, Waxba safarka ha u qaadanina, ama ul, ama qandi, ama kibis, ama lacag. Laba khamiisna ha qaadanina.

    4Guri alla gurigaad gashaan jooga, meeshaasna ka baxa.

    5Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.

  • Mat 10:5-14
    10 aayado
    83%

    5¶ Laba-iyo-tobankan Ciise ayaa diray oo amray isagoo leh, Jid ka mid ah jidadka dadka aan Yuhuudda ahayn ha marina, magaalo ka mid ah magaalooyinka reer Samaariyana ha gelina,

    6laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.

    7Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

    8Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya.

    9Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina,

    10qandina jidka ha u qaadanina, ama laba khamiis, ama kabo, ama ul, waayo, shaqaaluhu cuntadiisa ayuu istaahilaa.

    11Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.

    12Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya,

    13oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto, laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto.

    14Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba.

  • Mark 6:8-11
    4 aayado
    83%

    8Wuxuuna ku amray, Waxba safarka ha u qaadanina ul maahee. Kibis iyo qandi iyo lacag kiishad ku jirta ha qaadanina.

    9Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina.

    10Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.

    11Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.

  • 79%

    35¶ Wuxuuna ku yidhi, Goortaan idin diray kiishadla'aan iyo qandila'aan iyo kabola'aan, wax ma u baahnaydeen? Waxay yidhaahdeen, Maya, waxba.

    36Markaasuu ku yidhi, Laakiin haddeer kii kiishad qabaa ha qaato, sidaas oo kalena qandi ha qaato. Kii aan midna qabinna, dharkiisa ha iibiyo, oo seef ha iibsado.

  • 3Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira.

  • Luuk 10:5-11
    7 aayado
    75%

    5Guri alla gurigaad gashaan, horta waxaad ku tidhaahdaan, Gurigan nabad ha u ahaato.

    6Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa.

    7Gurigaas qudhiisa jooga, idinkoo cunaya oo cabbaya waxay haystaan, waayo, shaqaaluhu waa istaahilaa abaalgudkiisa. Guriba guri ha u dhaafina.

    8Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna.

    9Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay.

    10Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha,

    11Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay.

  • 70%

    15Kii guri fuushanuna yaanu guriga u soo degin oo gelin inuu wax ka soo qaato.

    16Kii beer joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.

  • 18Kii beerta joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.

  • Mat 5:40-41
    2 aayado
    69%

    40oo kii doonaya inuu ku ashtakeeyo oo khamiiskaaga kaa qaato, maradaadana u daa,

    41oo ku alla kii kugu qasba inaad mayl la socotid, laba la soco.

  • Luuk 6:29-30
    2 aayado
    69%

    29Kii dhabanka kaa dhirbaaxa, kan kalena u du; oo kii maradaada kaa qaata, khamiiskaagana ha ka celin.

    30Mid walba oo wax kaa barya, sii; kii waxaaga qaatana, ha ka baryin.

  • 16¶ Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo.

  • 29Oo isna wuxuu Geexasii ku yidhi, War guntiga isku giiji, oo ushayda gacanta ku qabso oo tag, oo haddaad qof la kulantid, ha salaamin, oo haddii qof ku salaamana, ha u jawaabin, oo ushayda waxaad saartaa wiilka wejigiisa.

  • 4Way ku salaami doonaan, oo waxay ku siin doonaan laba xabbadood oo kibis ah, oo aad gacantooda ka guddoomi doonto.

  • 23Waxaana laydinku odhan doonaa, Waa taas! Waa tan! Ha bixina, hana raacina.

  • 6¶ Waxa quduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.

  • 15Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin; Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;

  • 12inaad sida idiin eg ugu socotaan xagga kuwa dibadda jooga, oo aydnaan waxba u baahnaan.

  • 10Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina,

  • 15oo cagahana gashan isu-diyaarinta injiilka nabadda,

  • 35Maalintii dambe wuxuu soo bixiyey laba dinaar, oo siiyey ninkii hudheelkii lahaa, oo ku yidhi, U dadaal, oo wixii dambe oo kaaga baxa, soo noqodkayga ayaan kuu celin doonaa.

  • 57¶ Oo intay jidka ku socdeen nin baa ku yidhi isaga, Waan ku raacayaa meel alla meeshaad tagtidba.

  • 33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.

  • 22¶ Markaasuu xertiisii ku yidhi, Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, jidhkiinnana waxaad huwin doontaan.

  • 14Waddada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin.

  • 36Oo intuu socday, dharkoodii ayay jidka ku gogleen.

  • 33Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo.