Luukos 12:43

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 24:42-51
    10 aayado
    92%

    42Haddaba soo jeeda, waayo, ma aad ogidin maalinta Rabbigiinnu imanayo.

    43Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa wakhtiga tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo ma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.

    44Sidaa darteed idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

    45¶ Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda?

    46Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya.

    47Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga.

    48Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay,

    49oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah,

    50addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn,

    51oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 87%

    36Idinkuna ahaada sida niman sayidkooda sugaya, goortuu arooska ka soo noqdo, inay markiiba ka furaan markuu yimaado oo garaaco.

    37Waxaa barakaysan addoommadaas, kuwa sayidku goortuu yimaado, uu helo iyagoo soo jeeda. Runtii waxaan idinku leeyahay, Isagu waa guntan doonaa, oo cunto ayuu u fadhiisan doonaa, oo intuu iyaga u dhowaado ayuu u adeegi doonaa.

    38Hadduu yimaado wakhtigii gaadhka labaad ama kan saddexaad oo uu helo iyagoo sidaas ah, kuwaas ayaa barakaysan.

    39Laakiin tan ogaada, odayga reerku hadduu ogaan lahaa saacadda tuuggu imanayo, wuu soo jeedi lahaa, oo uma uu daayeen in gurigiisa la jebiyo.

    40Idinkuna diyaar ahaada, waayo, saacad aydnaan u malaynaynin ayaa Wiilka Aadanahu imanayaa.

    41¶ Butros ayaa ku yidhi, Sayidow, ma annaga ayaad masaalkan nagula hadlaysaa ama dadka oo dhan?

    42Sayidkuna wuxuu yidhi, Haddaba yuu yahay wakiilka aaminka ah oo caqliga leh, kan uu sayidkiisu u sarraysiin doona dadka gurigiisa, inuu qaybtooda oo cuntada ah siiyo wakhtigeeda?

  • 82%

    44Runtii waxaan idinku leeyahay. Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarraysiin doonaa isaga.

    45Laakiin haddii addoonkaas qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkayga imaatinkiisii waa raagay, oo uu bilaabo inuu garaaco midiidinyada ragga iyo dumarka ahaa, iyo inuu wax cuno oo wax cabbo oo sakhraamo,

    46addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn.

    47Addoonkaas ogaa doonista sayidkiisa, oo aan diyaargarayn, oo aan yeelin sidii doonistiisu ahayd, wax badan waa la garaaci doonaa.

    48Laakiin kii aan ogayn oo yeelayse wixii garaacid istaahila, wax yar baa la garaaci doonaa. Mid kasta oo wax badan la siiyey, wax badan ayaa laga dooni doonaa, oo kan wax badan loo sii dhiibtay, wax ka badan ayaa la weyddiisan doonaa.

  • 19Wakhti dheer dabadeed sayidkii addoommadaas ayaa yimid oo ka xisaab qaatay.

  • Luuk 17:7-9
    3 aayado
    75%

    7Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso?

    8Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?

    9Miyuu addoonkii u mahadnaqayaa, waayo, wuxuu sameeyey wixii la amray?

  • 23Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.

  • 21Sayidkiisii ayaa ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan oo aaminka ahu. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, wax badan baan madax kaaga dhigayaa. Farxadda sayidkaaga gal.

  • 73%

    12Sidaa darteed wuxuu yidhi, Nin sharaf leh ayaa dal fog tegey inuu boqortooyo soo helo oo soo noqdo.

    13Wuxuu u yeedhay tobankiisa addoon, oo wuxuu u dhiibay toban mina, oo ku yidhi, Ku baayacmushtara ilaa aan soo noqdo.

  • 73%

    15Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii.

    16Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday.

    17Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree.

  • 40Haddaba sayidkii beerta canabka ah goortuu yimaado, muxuu beerreydaas ku samayn doonaa?

  • Mat 25:26-27
    2 aayado
    72%

    26Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin.

    27Haddaba waxaad lahayd inaad lacagtayda u dhiibto kuwa baangiga jooga, oo goortaan soo noqdo, waxayga iyo faa'iido ayaan qaadan lahaa.

  • 72%

    21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

    22Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan.

  • 72%

    34Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo.

    35Soo jeeda haddaba, waayo, idinku ma ogidin sayidkii guriga lahaa goortuu imanayo, inay tahay makhrib, ama habeenbadhkii, ama goortii diiqu ciyo, ama aroortiiba,

    36waayo, waaba intaasuu idinku soo kediyaa oo uu idin helaa idinkoo hurda.

  • Luuk 16:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.

    2Markaasuu u yeedhay oo ku yidhi, Waa maxay waxan kugu saabsan ee aan maqlayo? I sii xisaabtii wakiilnimadaada, waayo, hadda ka dib wakiil sii ahaan kari maysid.

    3Markaasaa wakiilkii isku yidhi, Maxaan sameeyaa, waayo, sayidkayga ayaa wakiilnimadii iga qaadaya? Itaal aan wax ku qodo ma lihi, inaan dawarsadona waan ka xishoonayaa.

  • 23Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.

  • 2Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado.

  • 17Haddaad waxyaalahan garanaysaan, waad barakaysan tihiin haddaad yeeshaan.

  • 30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 26Qof uun hadduu ii adeego, ha i soo raaco, meeshaan joogona, midiidinkayguna wuu joogi doonaa. Qof uun hadduu ii adeego, Aabbuhu waa murwayn doonaa isaga.

  • 9Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu samayn doonaa? Wuu iman doonaa oo beerreyda dili doonaa, dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa.