Luukos 16:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu u yeedhay oo ku yidhi, Waa maxay waxan kugu saabsan ee aan maqlayo? I sii xisaabtii wakiilnimadaada, waayo, hadda ka dib wakiil sii ahaan kari maysid.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 3:9-9 : 9 Oo Rabbiga Ilaah ahu wuu u yeedhay ninkii, oo wuxuu ku yidhi, Xaggee baad joogtaa? 10 Isagiina wuxuu yidhi, Codkaagaan beerta ka dhex maqlay, waanan cabsaday, maxaa yeelay, waan qaawanaa; oo waan isqariyey. 11 Kolkaasuu ku yidhi, Yaa kuu sheegay inaad qaawan tahay? Miyaad wax ka cuntay geedkii aan kugu amray inaadan wax ka cunin?
  • Bil 4:9-9 : 9 Rabbiguna wuxuu Qaabiil ku yidhi, Walaalkaa Haabiil meeh? Kolkaasuu yidhi, Ma aqaan: ma anigaa ah walaalkay ilaaliyihiisa? 10 Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye.
  • Bil 18:20-21 : 20 Rabbiguna wuxuu yidhi, Qaylada Sodom iyo Gomora way badatay, dembigooduna aad buu u weynaaday. 21 Haddaba waan degi doonaa, oo waxaan arki doonaa inay wada sameeyeen sida qayladu ii soo gaadhay iyo in kale; haddaanay wada samaynna, waan ogaan doonaa.
  • 1 Sam 2:23-24 : 23 Markaasuu wuxuu ku yidhi iyagii, War maxaad waxyaalaha caynkaas ah u samaysaan? Waayo, waxaan dadkan oo dhan ka maqlay macaamilooyinkiinna xunxun. 24 Maya, wiilashaydiiyow, waayo, warkaan maqlay ma wanaagsana, maxaa yeelay, idinku dadka Rabbiga waad xadgudbisaan.
  • Wacd 11:9-9 : 9 ¶ Barbaarkow, barbaarnimadaada ku farax, oo wakhtiga dhallinyaranimadaadana qalbigaagu ha ku istareexiyo, oo sida qalbigaagu doonayo oo ay indhahaagu arkaanba u soco, laakiinse waxaad ogaataa in Ilaah waxyaalahaas aawadood oo dhan kuu xukumi doono. 10 Haddaba sidaa daraaddeed qalbigaaga murugta ka durki, oo jidhkaagana xumaanta ka fogee, waayo, carruurnimada iyo dhallinyaranimaduba waa wax aan waxba tarayn.
  • Wacd 12:14 : 14 Waayo, Ilaah wuu xukumi doonaa shuqul kasta, iyo wax kasta oo qarsoon, ha fiicnaadeen ama ha xumaadeene.
  • Mat 12:36 : 36 Waxaan idinku leeyahay, Eray kasta oo aan waxtar lahayn oo dadku ku hadlo, maalinta xisaabta xisaab bay ka bixin doonaan.
  • Luuk 12:20 : 20 Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa?
  • Luuk 12:42 : 42 Sayidkuna wuxuu yidhi, Haddaba yuu yahay wakiilka aaminka ah oo caqliga leh, kan uu sayidkiisu u sarraysiin doona dadka gurigiisa, inuu qaybtooda oo cuntada ah siiyo wakhtigeeda?
  • Luuk 19:21-26 : 21 Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran. 22 Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran. 23 Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba? 24 Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya. 25 Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, toban mina ayuu hayaa. 26 Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.
  • Room 14:12 : 12 Sidaasaa midkeen kastaba Ilaah ula xisaabtami doonaa.
  • 1 Kor 1:11 : 11 Walaalahayow, dadkii Khalo'ee ayaa iiga kiin warramay in ilaaqi idin dhex taal.
  • 1 Kor 4:2 : 2 Haddaba waxaa laga doonayaa wakiillada in aamin laga helo.
  • 1 Kor 4:5 : 5 Taa aawadeed wakhtiga hortiisa waxba ha xukumina ilaa Rabbigu imanayo, kan waxyaalaha qarsoon ee gudcurka iftiimin doona oo muujin doona tashiyada qalbiga, oo markaas nin kastaaba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Ilaah.
  • 2 Kor 5:10 : 10 Waayo, dhammaanteen waa in layna wada muujiyo kursiga xukumaadda ee Masiix hortiisa, in qof kastaa helo siday ahaayeen waxyaalihii uu jidhka ku falay, ha ahaadeen wanaag ama share.
  • 1 Tim 4:14 : 14 Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen.
  • 1 Tim 5:24 : 24 Dadka qarkood dembiyadoodu waa bayaan, oo waxay u hor marayaan xukunka, dadka qaarkoodna kuwoodu way daba socdaan.
  • 1 But 4:5 : 5 Iyagu waxay faleen waxay kala xisaabtami doonaan kan diyaarka u ah inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
  • 1 But 4:10 : 10 Sida mid waluba u helay hadiyad, idinku isu adeega, sida wakiillo wanaagsan oo helay nimcada Ilaah ee badan ee kala cayncaynka ah.
  • Muj 20:12 : 12 Oo markaasaan arkay kuwii dhintay, yar iyo weynba, iyagoo taagan carshiga hortiisii, markaasaa waxaa la furay kitaabbadii; oo haddana waxaa la furay kitaab kale oo ah kii nolosha; oo kuwii dhintay waxaa lagu xukumay waxyaalihii kitaabbadii ku qornaa, sidii ay shuqulladoodii ahaayeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Haddana wuxuu xertii ku yidhi, Waxaa jiri jiray nin hodan ah oo wakiil lahaa, kan loogu ashtakeeyey inuu alaabtiisa khasaarinayay.

  • Luuk 16:3-13
    11 aayado
    86%

    3Markaasaa wakiilkii isku yidhi, Maxaan sameeyaa, waayo, sayidkayga ayaa wakiilnimadii iga qaadaya? Itaal aan wax ku qodo ma lihi, inaan dawarsadona waan ka xishoonayaa.

    4Waan garanayaa waxaan samaynayo, in goortii wakiilnimada layga saaro ay dadku guryahooda iigu dhowayn doonaan.

    5Markaasuu u yeedhay mid walba oo sayidkiisu dayn ku lahaa. Kii hore ayuu ku yidhi, Sayidkaygu immisuu kugu leeyahay?

    6Wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo saliid ah. Markaasuu ku yidhi, Wixii laguu qoray soo qaad, oo dhaqso u fadhiiso oo qor, Konton.

    7Markaasuu wuxuu mid kale ku yidhi, Immisuu kugu leeyahay? Isaguna wuxuu yidhi, Boqol qiyaasood oo sarreen ah. Markaasuu ku yidhi. Wixii laguu qoray soo qaad, oo qor, Siddeetan.

    8Sayidkiisii ayaa wakiilkii xaqa darnaa faaniyey, waayo, si caqli leh ayuu u sameeyey, waayo, wiilashii wakhtigan waxay wiilasha iftiinka kaga caqli badan yihiin waxa qarnigooda ku saabsan.

    9¶ Oo waxaan idinku leeyahay, Saaxiibbo ku samaysta maalka xaqdarrada in goortuu dhammaado ay idiinku dhoweeyaan degmooyinka weligood ah.

    10Kan waxa u yar aamin ku ah, ayaa weliba wax badan aamin ku ah. Kan waxa u yar ku xaqdaran, ayaa waxa badanna ku xaqdaran.

    11Haddii aydnaan maalka xaqdaran aamin ku ahayn, waxa run ah yaa idinku aaminaya?

    12Haddii aydnaan wixii qof kale leeyahay aamin ku ahayn, yaa idin siinaya wixiinna?

    13Midiidinna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.

  • 79%

    42Sayidkuna wuxuu yidhi, Haddaba yuu yahay wakiilka aaminka ah oo caqliga leh, kan uu sayidkiisu u sarraysiin doona dadka gurigiisa, inuu qaybtooda oo cuntada ah siiyo wakhtigeeda?

    43Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya.

    44Runtii waxaan idinku leeyahay. Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarraysiin doonaa isaga.

  • 76%

    19Kaasna wuxuu ku yidhi, Adna shan magaalo u sarree.

    20Kii kalena waa yimid isagoo leh, Sayidow, waa kaa minahaagii aan maro yar ku guntay oo meel dhigay.

    21Waayo, waan kaa baqay, maxaa yeelay, nin ba'an baad tahay; waxaad qaadataa waxaanad dhigan, oo waxaad gurataa waxaanad beeran.

    22Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran.

    23Maxaad haddaba lacagtaydii baangiga u dhigi weyday, si, markaan imaado, aan u soo qaato lacagtaydii iyo faa'iidadeediiba?

    24Markaasuu ku yidhi kuwii ag taagnaa, Minaha ka qaada oo u dhiiba kan tobanka mina haya.

  • 76%

    15Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii.

    16Kii hore ayaa u yimid oo ku yidhi, Sayidow, minahaagii ayaa toban kale laga faa'iiday.

    17Markaasuu ku yidhi, Si wanaagsan baad yeeshay, addoon yahow wanaagsan. Wax yar ayaad aamin ku ahayd, ee toban magaalo u sarree.

  • 2Haddaba waxaa laga doonayaa wakiillada in aamin laga helo.

  • Mat 25:26-28
    3 aayado
    74%

    26Markaasaa sayidkiisii u jawaabay oo ku yidhi, Addoon yahow sharka leh oo caajiska ahu, waad ogayd inaan wax ka gurto meel aanan wax ku beeran, oo aan wax ka urursado meel aanan wax ku firdhin.

    27Haddaba waxaad lahayd inaad lacagtayda u dhiibto kuwa baangiga jooga, oo goortaan soo noqdo, waxayga iyo faa'iido ayaan qaadan lahaa.

    28Haddaba talantigii ka qaada oo u dhiiba kan tobanka talanti haya.

  • 74%

    12Sidaa darteed wuxuu yidhi, Nin sharaf leh ayaa dal fog tegey inuu boqortooyo soo helo oo soo noqdo.

    13Wuxuu u yeedhay tobankiisa addoon, oo wuxuu u dhiibay toban mina, oo ku yidhi, Ku baayacmushtara ilaa aan soo noqdo.

  • Mat 25:18-19
    2 aayado
    74%

    18Kii midka helayse, wuu baxay oo dhulka qoday oo lacagtii sayidkiisii ayuu ku qariyey.

    19Wakhti dheer dabadeed sayidkii addoommadaas ayaa yimid oo ka xisaab qaatay.

  • 23Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.

  • 26Markaasuu midiidinyada midkood u yeedhay oo weyddiiyey, Waa maxay waxaas?

  • 47Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga.

  • Luuk 17:7-8
    2 aayado
    73%

    7Laakiin kiinnee baa leh addoon dhulka jaraya ama adhi jiraya, oo ku odhan doona goortuu beerta ka yimaado, Dhaqso u kaalay oo cunto u fadhiiso?

    8Laakiin miyaanu ku odhan doonin, Diyaari waxaan ku casheeyo, oo gunto, oo ii adeeg intaan wax cunayo oo cabbayo, kolkaa dabadeed ayaad wax cuni oo cabbi?

  • 14¶ Maxaa yeelay, waa sidii nin dal kale tegaya, oo addoommadiisii u yeedhay oo xoolihiisii u dhiibay.

  • 11¶ Wuxuuna yidhi, Nin baa laba wiil lahaa.

  • 21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

  • 26Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 46addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn.

  • 30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 2Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado.

  • Mat 18:31-32
    2 aayado
    72%

    31Haddaba kuwii la shaqayn jiray, goortay arkeen wixii dhacay, aad bay u calool xumaadeen, oo intay sayidkooda u yimaadeen, ayay u sheegeen wixii dhacay oo dhan.

    32Markaasaa sayidkiisii u yeedhay oo ku yidhi, Addoon yahow sharkaluhu! Waxaan kugu lahaa oo dhan waan kuu dhaafay, waayo, waad i bariday.

  • 25Laakiin wuxuu ku bixiyo ma uu haysan. Markaasaa sayidkii wuxuu ku amray in la iibiyo isaga iyo naagtiisa iyo carruurtiisa iyo wuxuu lahaa oo dhan, oo lagu bixiyo.

  • 20Laakiin Ilaah wuxuu ku yidhi, Kaaga doqonka ahow, caawa naftaada waa lagu weyddiisan doonaa, wixii aad diyaarsatayna yaa lahaan doonaa?

  • 3¶ Markaasuu masaalkan kula hadlay, oo ku yidhi,