Luukos 23:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Wuuna sii daayay kii fallaagada iyo dilidda xabsiga loogu riday oo ay weyddiisteen, laakiin Ciise buu u dhiibay iyaga siday doonayeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 12:13 : 13 Haddaba bal eega boqorkii aad doorateen oo aad i weyddiisateen, oo hadda bal eega, Rabbigu wuxuu idiin yeelay boqor idiin taliya.
  • Mat 27:26 : 26 Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
  • Mark 15:6-7 : 6 ¶ Iiddaas wuxuu iyaga u sii dayn jiray maxbuuskay doonayeen. 7 Markaasaa waxaa jiray nin Baraabbas la odhan jiray oo ahaa mid lala xidhay kuwii kula kacay oo wax dilay markii fidmaddu dhacday.
  • Mark 15:15 : 15 Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.
  • Luuk 23:2 : 2 Kolkaasay bilaabeen inay ku ashtakeeyaan iyagoo leh, Waxaannu aragnay ninkan oo quruuntayada rogaya, oo diidaya in Kaysar cashuur la siiyo, oo odhanaya inuu qudhiisu yahay Masiix oo boqor ah.
  • Luuk 23:5 : 5 Laakiin way ku sii adkeeyeen iyagoo leh, Dadkuu kiciyaa, oo dalka Yahuudiya oo dhan ayuu wax baraa; dalka Galili ayuu ka soo bilaabay ilaa halkan.
  • Yoox 18:40 : 40 Kolkaasay dhammaan mar kale qayliyeen iyagoo leh, Ninkan ma aha, laakiin Baraabbas. Baraabbas wuxuu ahaa waxdhace.
  • Fal 3:14 : 14 Laakiin idinku waxaad diideen Kan Quduuska iyo Xaqaba ah, oo waxaad weyddiisateen nin dhiig qaba in laydiin sii daayo,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 23:14-24
    11 aayado
    86%

    14Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkan waxaad iigu keenteen sidii mid dadka rogaya. Bal ogaada, hortiinna ayaan wax ku weyddiiyey, oo ninkan kuma aan helin eed ku saabsan waxaad ku ashtakaynaysaan.

    15Herodosna kuma uu helin, wuuna noo soo celiyey, oo ma jiro wax dhimasho istaahila oo uu sameeyey.

    16Taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.

    17Waayo, waajib bay ahayd inuu iidda mid u sii daayo iyaga.

    18Markaasay wada qayliyeen, iyagoo leh, Wad kan, Baraabbas noo sii daa,

    19kan xabsiga loogu riday fallaagaduu magaalada ka riday iyo dilid aawadeed.

    20Mar kale Bilaatos ayaa iyaga la hadlay isagoo doonaya inuu Ciise sii daayo.

    21Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.

    22Markaasuu wuxuu kolkii saddexaad ku yidhi, Waayo? Waa maxay sharka kanu sameeyey? Kuma aan helin sabab lagu dilo, taas aawadeed waan edbinayaa oo sii daynayaa.

    23Laakiin cod weyn ayay ku adkaysteen iyagoo weyddiisanaya in iskutallaabta lagu qodbo, oo waxaa xoog batay codadkoodii iyo codadkii wadaaddada sare.

    24Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen.

  • Mark 15:6-16
    11 aayado
    83%

    6¶ Iiddaas wuxuu iyaga u sii dayn jiray maxbuuskay doonayeen.

    7Markaasaa waxaa jiray nin Baraabbas la odhan jiray oo ahaa mid lala xidhay kuwii kula kacay oo wax dilay markii fidmaddu dhacday.

    8Dadkii badnaa ayaa Bilaatos u kacay oo bilaabay inay doonaan inuu u sameeyo siduu u samayn jiray.

    9Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda?

    10Waayo, wuxuu ogaa wadaaddadii sare inay hinaaso ugu soo dhiibeen.

    11Laakiin wadaaddadii sare ayaa dadka kiciyey, oo waxay yidhaahdeen inay u roon tahay inuu Baraabbas u sii daayo iyaga.

    12Bilaatos baa mar kale u jawaabay oo ku yidhi, Haddaba maxaad doonaysaan inaan ku sameeyo kan aad ugu yeedhaan Boqorka Yuhuudda?

    13Iyaguna mar kale ayay ku qayliyeen, Iskutallaabta ku qodob.

    14Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob.

    15Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

    16¶ Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan.

  • Mat 27:15-18
    4 aayado
    81%

    15¶ Taliyihii waxaa caadadiisu ahayd inuu iidda dadka u sii daayo maxbuuskay doonayaan.

    16Markaasay waxay lahaayeen maxbuus caan ah oo la odhan jiray Baraabbas.

    17Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo?

    18Waayo, wuxuu ogaa inay hinaaso ugu soo dhiibeen.

  • 26Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

  • 78%

    15Sidaa daraaddeed waxay ku qayliyeen, Kaxee, kaxee, iskutallaabta ku qodob. Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Boqorkiinna miyaan iskutallaabta ku qodbaa? Wadaaddadii sare ayaa ugu jawaabay, Boqor ma lihin Kaysar maahee.

    16¶ Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

  • 77%

    39¶ Laakiin waxaad leedihiin caado inaan mid idiin sii daayo Iidda Kormaridda. Haddaba ma doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorkii Yuhuudda?

    40Kolkaasay dhammaan mar kale qayliyeen iyagoo leh, Ninkan ma aha, laakiin Baraabbas. Baraabbas wuxuu ahaa waxdhace.

  • Mat 27:20-23
    4 aayado
    77%

    20¶ Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo.

    21Laakiin taliyihii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labadooda kee baad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Waxay yidhaahdeen, Baraabbas.

    22Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

    23Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

  • 2Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.

  • 20iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.

  • 73%

    11Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn.

    12Taas dabadeed Bilaatos wuxuu doonayay inuu sii daayo, laakiin Yuhuuddii ayaa qaylisay iyagoo leh, Haddaad ninkan sii daysid, Kaysar saaxiibkiis ma ihid. Nin kasta oo boqor iska dhigaba, wuxuu ku caasiyaa Kaysar.

  • 26¶ Kolkay wadeen, waxay qabteen Simoon reer Kuranaya ah isagoo beeraha ka soo socda, waxayna saareen iskutallaabtii inuu Ciise ka daba qaado.

  • 1¶ Markaasaa dadkoodii oo dhan kacay, oo waxay isagii hor geeyeen Bilaatos.

  • 73%

    29Bilaatos haddaba ayaa u soo baxay iyagii oo ku yidhi, Maxaad ku ashtakaynaysaan ninkan?

    30Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacangelinneen.

    31Haddaba Bilaatos wuxuu ku yidhi, Idinku qaata, oo sharcigiinna ku xukuma. Yuhuuddu waxay ku yidhaahdeen, Xalaal nooma aha inaannu nin dillo,

  • 1¶ Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.

  • 28Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.

  • 23markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen.

  • 7Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas.

  • 14Laakiin idinku waxaad diideen Kan Quduuska iyo Xaqaba ah, oo waxaad weyddiisateen nin dhiig qaba in laydiin sii daayo,

  • 35Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacangeliyeye. Maxaad samaysay?