Luukos 23:53

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu soo dejiyey oo kafan ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, meel aan weligeed ninna la dhigin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 53:9 : 9 Xabaashiisiina waxaa lagu daray kuwii sharka lahaa, dhimashadiisiina mid taajir ahaa, in kastoo uusan dulmi samayn, khiyaanona aanay afkiisa ku jirin.
  • Mat 27:59-60 : 59 Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay, 60 oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.
  • Mark 15:46 : 46 Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    42¶ Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, taas oo ah maalinta sabtida ka horraysa, oo markii makhribkii la gaadhay,

    43waxaa yimid Yuusuf kii reer Arimataya oo ahaa taliye murwad leh, oo isna boqortooyadii Ilaah ayuu sugayay. Isagu wuxuu dhiranaan ugu galay Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.

    44Bilaatos waa yaabay inuu hadda dhintay. Markaasuu wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyihii oo weyddiiyey, Durba miyuu dhintay?

    45Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey.

    46Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.

    47Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

  • 83%

    38¶ Waxyaalahaas dabadeed, Yuusuf kii ahaa reer Arimataya, isagoo xer u ah Ciise laakiinse si qarsoon cabsidii uu ka cabsaday Yuhuudda aawadeed, wuxuu Bilaatos ka baryay inuu meydka Ciise qaado. Bilaatosna waa u fasaxay. Sidaa daraaddeed wuu yimid oo meydkiisii qaaday.

    39Oo waxaa kaloo yimid Nikodemos kii markii hore habeennimada u yimid, wuxuuna keenay malmal iyo cuud isku qasan oo qiyaastii boqol rodol ah.

    40Haddaba waxay qaadeen meydkii Ciise oo ku duudduubeen maryo iyo dhir udgoon siday caadada aasniinta Yuhuuddu ahayd.

    41Meeshii isaga iskutallaabta lagu qodbay waxaa ku tiil beer, beerta dhexdeedana waxaa ku tiil xabaal cusub oo aan ninna weli la dhigin.

    42Haddaba Maalintii Diyaargarayska oo Yuhuudda aawadeed ayay meeshaas Ciise u dhigeen, waayo, xabaashii waa dhowayd.

  • Mat 27:57-61
    5 aayado
    82%

    57¶ Goortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xertiisa ahaa.

    58Kaasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo.

    59Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay,

    60oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.

    61Oo halkaas waxaa joogay Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale, oo waxay fadhiyeen meel xabaashii ka soo hor jeedda.

  • 81%

    51(isaguna raalli kama ahayn waanidoodii iyo falniinkoodii), wuxuuna ahaa reer Arimataya oo ahayd magaalo Yuhuudda, kan boqortooyada Ilaah sugayay.

    52Kanu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.

  • 80%

    54Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, sabtidiina waa soo dhowaanaysay.

    55Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay.

    56Markaasay noqdeen, oo dhir udgoon iyo cadar soo diyargareeyeen. Sabtidiina way nasteen sida qaynuunka u ahaa.

  • Fal 13:29-30
    2 aayado
    80%

    29Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.

    30Laakiin Ilaah baa ka sara kiciyey kuwii dhintay,

  • Yoox 20:5-7
    3 aayado
    75%

    5Markaasuu foororsaday, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal, laakiinse ma uu gelin.

    6Haddana Simoon Butros oo daba socday baa yimid, markaasuu xabaashii galay, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal

    7iyo maradii madaxiisa saarnayd oo aan la oollin maryihii, laakiin meel keligeed ku duudduubnayd.

  • 29Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.

  • Luuk 24:1-3
    3 aayado
    71%

    1¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen.

    2Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey.

    3Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise.

  • 12Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

  • 66Markaasay tageen, iyaga iyo waardiyayaashii, oo xabaashay soo adkeeyeen, dhagixiina way shaabadeeyeen.

  • 38¶ Sidaa daraaddeed Ciise oo mar kale qalbi xumaaday ayaa xabaashii yimid. Waxay ahayd god, dhagax baana saarnaa.

  • 3Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya?

  • Mat 27:63-64
    2 aayado
    70%

    63oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa.

    64Haddaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadin oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore.

  • 12Laakiin Butros ayaa kacay oo xabaashii u orday, markaasuu foororsaday oo wuxuu arkay maryihii keligood oo meel yaal; markaasuu ka tegey oo gurigiis ku noqday isagoo ka yaabban wixii dhacay.

  • Mark 16:5-6
    2 aayado
    70%

    5Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen.

    6Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.

  • 17¶ Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.

  • 6Markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa, intay kaceen, isagay duudduubeen, markaasay qaadeen oo soo aaseen.

  • 44Markaasaa kii dhintay soo baxay, isagoo gacmaha iyo cagaha ay kafan kaga xidhan tahay, wejigana maro kaga xidhan tahay. Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi iyaga, Fura oo daaya, ha socdee.

  • 69%

    12Waxayna aragtay laba malaa'igood oo dhar cadcad xidhan oo fadhiya meesha meydka Ciise oolli jiray, mid madaxa, midna cagaha.

    13Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen.

  • 9Xabaashiisiina waxaa lagu daray kuwii sharka lahaa, dhimashadiisiina mid taajir ahaa, in kastoo uusan dulmi samayn, khiyaanona aanay afkiisa ku jirin.

  • 1¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka Maryan tii reer Magdala ayaa aroortii hore xabaashii timid, intay weli gudcur ahayd, oo waxay aragtay dhagaxii oo xabaashii laga qaaday.

  • 34Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.

  • 51¶ Waxaa daba socday nin dhallinyaro ah oo qaawanaantiisa maro jilicsan ka huwaday; wayna qabteen.

  • 31¶ Sidaa daraaddeed Yuhuuddii, inaan meydadku sabtida iskutallaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydadka la qaado, waayo, waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn.

  • 30Oo xabaashiisii uu isagu lahaa ayuu meydkiisii geliyey, wayna u baroorteen, oo yidhaahdeen, Hoognay, walaalkayow!