Luukos 24:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dumarkii iyagoo cabsanaya ayay wejigooda hoos ugu foororiyeen dhulka. Markaasay ku yidhaahdeen iyaga, Maxaad kan nool uga dhex doondoonaysaan kuwii dhintay?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Daan 8:17-18 : 17 Sidaas daraaddeed ayuu u soo dhowaaday meeshii aan taagnaa, oo markuu yimid waan baqay, wejigaanna u dhacay, laakiinse wuxuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, garo, waayo, riyada waxaa leh wakhtiga ugudambaysta. 18 Oo intuu ila hadlayay ayaan hurdo aad u weyn la dhacay anigoo wejiga dhulka ku hayo, laakiinse isagii baa i taabtay oo i sara joojiyey.
  • Daan 10:7-9 : 7 Oo anigaan Daanyeel ah oo keliya ayaa wixii lay tusay arkay, waayo, nimankii ila socday ma ay arkin wixii lay tusay, maxaa yeelay, aad bay u gariireen, wayna carareen si ay u dhuuntaan. 8 Oo sidaasaa keligay layga tegey, oo waxaan arkay waxan weyn ee lay tusay, oo xoogna iguma hadhin, quruxdaydiina waxay u rogmatay qudhun, markaasaan xoog iska waayay. 9 Oo codkiisiina waan maqlay, oo markaan maqlay codkiisii ayaan hurdo culus wejiga ula dhacay, wejigana dhulkaan saaray. 10 Oo bal eeg, markaasaa gacanu i taabatay, oo jilbaha iyo calaacalaha igu joojisay. 11 Oo wuxuu igu yidhi, Daanyeelow, ninka aad loo jecelyahayow, bal garo erayada aan kugula hadlayo, oo istaag, waayo, hadda adaa lay soo kaa diray, oo markuu hadalkaas igula hadlay ayaan istaagay anigoo gariiraya. 12 Markaasuu igu yidhi, Ha cabsan, Daanyeelow, waayo, maalintii ugu horraysay oo aad qalbigaaga gelisay inaad wax garato oo aad isku hoosaysiiso Ilaah hortiis ayaa erayadaadii la maqlay, oo anigu waxaan u imid erayadaadii aawadood.
  • Daan 10:16 : 16 Oo bal eeg, mid binu-aadmiga u ekaa ayaa bushimahayga taabtay: markaasaan afka kala qaaday, oo hadlay, oo waxaan ku idhi kii hor taagnaa, Sayidkaygiiyow, riyada sababteeda aawadeed ayaa caloolxumadaydii igu soo noqotay, xoogna waan iska waayay.
  • Daan 10:19 : 19 Markaasuu igu yidhi, Ninkii aad loo jeclaayow, ha cabsan, nabadu ha kuu ahaato, xoog yeelo, oo xoog yeelo. Oo markuu ila hadlay ayaan xoogaystay, oo waxaan idhi, Sayidkaygiiyow, hadal, waayo, waad i xoogaysay.
  • Mat 28:3-5 : 3 Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad. 4 Oo cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad. 5 ¶ Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutallaabta lagu qodbay.
  • Mark 16:5-6 : 5 Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen. 6 Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.
  • Luuk 1:12-13 : 12 Goortuu Sakariyas arkay ayuu naxay, wuuna cabsaday. 13 Laakiin malaa'igtii baa ku tidhi, Ha baqin, Sakariyasow, waayo, baryadaadii waa la maqlay; afadaada Elisabedna wiil bay kuu dhali doontaa, magiciisana waxaad u bixin doontaa Yooxanaa.
  • Luuk 1:29 : 29 Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan?
  • Fal 10:3-4 : 3 Abbaaraha sagaalka saacadood oo maalmeed wuxuu riyo bayaan ugu arkay malaa'igtii Ilaah oo u soo gelaysa oo ku leh isaga, Korneeliyosow. 4 Markaasuu aad u fiiriyey isagoo cabsanaya oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay, Rabbiyow? Markaasay ku tidhi, Baryooyinkaaga iyo sadaqooyinkaaga waxay Ilaah hortiisa u baxeen xusuus.
  • Cib 7:8 : 8 Oo halkan waxaa meeltobnaadyada qaata dadka dhinta, laakiin halkaas mid loo markhaati furay inuu nool yahay.
  • Muj 1:18 : 18 iyo kan nool. Anigu waan dhintay, oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba, oo waxaan haystaa furayaasha dhimashada iyo Haadees.
  • Muj 2:8 : 8 ¶ Kiniisadda Simurna ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan ugu horreeyey oo ugu dambeeya, oo dhintay, oo soo noolaaday, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 24:1-4
    4 aayado
    83%

    1¶ Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, goortii waagii beryayay, ayay xabaashii yimaadeen, iyagoo wada dhirtii udgoonayd oo ay diyaargareeyeen.

    2Oo waxay arkeen dhagixii oo xabaashii laga giringiriyey.

    3Markaasay galeen, laakiin kama ay helin meydkii Rabbi Ciise.

    4Waxaa dhacay, intay waxaas ka sii welwelsanaayeen, in laba nin oo dhar dhalaalaya sitaa ag taagnaayeen.

  • Mark 16:2-8
    7 aayado
    82%

    2Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday.

    3Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya?

    4Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa.

    5Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen.

    6Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay.

    7Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi.

    8Markaasay dhaqso u soo baxeen oo xabaasha ka soo carareen, waayo, way gariireen oo yaabeen. Ninnana waxba kuma ay odhan, maxaa yeelay, way baqeen.

  • Mat 28:1-11
    11 aayado
    82%

    1¶ Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan.

    2Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay.

    3Midabkeedu wuxuu u ekaa hillaac, dharkeeduna wuxuu u caddaa sida baraf cad.

    4Oo cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad.

    5¶ Malaa'igtii ayaa u jawaabtay oo naagihii ku tidhi, Ha baqina, waayo, waxaan ogahay inaad doonaysaan Ciise, kan iskutallaabta lagu qodbay.

    6Halkan ma joogo, waayo, wuu sara kacay siduu yidhi. Bal kaalaya oo arka meeshii Rabbigu jiifay.

    7Dhaqso u taga, oo waxaad xertiisii ku tidhaahdaan, Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, oo wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan. Bal eega, waan idiin sheegaye.

    8Dhaqsoba waxay xabaashii kala tageen baqdin iyo farxad weyn, oo waxay u ordeen inay xertiisa u warramaan.

    9Kolkaasaa Ciise ka hor yimid oo ku yidhi, Nabad. Markaasay u dhowaadeen oo intay cagihiisa qabteen ayay caabudeen.

    10Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ha baqina. Taga oo walaalahay u sheega inay Galili tagaan, oo halkaasay igu arki doonaan.

    11¶ Intay sii socdeen ayaa waardiyayaashii qaarkood magaaladii yimid, oo waxay wadaaddadii sare uga warrameen wixii dhacay oo dhan.

  • Luuk 24:6-9
    4 aayado
    81%

    6Isagu halkan ma joogo, laakiinse waa sara kacay. Xusuusta siduu idiinla hadlay intuu Galili weli joogay,

    7isagoo leh, Wiilka Aadanaha waa in loo gacangeliyo dembilayaasha, oo iskutallaabta lagu qodbo, oo maalinta saddexaad uu soo sara kaco.

    8Markaasay hadalladiisii xusuusteen.

    9Wayna ka soo noqdeen xabaashii, oo waxaas oo dhan ayay u sheegeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii kale oo dhan.

  • 79%

    36¶ Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto.

    37Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen.

    38Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan?

  • 79%

    22Weliba dumar annaga naga mid ah ayaa naga yaabsiiyey, kuwii aroortii hore xabaashii tegey.

    23Goortii ay meydkiisii waayeen ayay yimaadeen iyagoo leh, Waxaannu weliba aragnay muuqad malaa'igo kuwa yidhi, Wuu nool yahay.

    24Qaarkood oo nala joogay ayaa xabaashii tegey, oo waxay arkeen sidii dumarku yidhi, laakiin isagase ma ay arkin.

    25Markaasuu ku yidhi, Nacasyo yahow oo qalbigoodu ka raagay inuu rumaysto wixii nebiyada oo dhammi ay ka hadleen.

  • 76%

    11¶ Laakiin Maryan ayaa xabaashii dibaddeeda taagnayd iyadoo ooyaysa. Haddaba intay ooyaysay bay xabaashii ku foororsatay.

    12Waxayna aragtay laba malaa'igood oo dhar cadcad xidhan oo fadhiya meesha meydka Ciise oolli jiray, mid madaxa, midna cagaha.

    13Oo waxay ku yidhaahdeen, Haweenay yahay, maxaad u ooyaysaa? Markaasay ku tidhi, Waxaan u ooyayaa, Sayidkaygii bay qaadeen, oo garanna maayo meeshay dhigeen.

  • Mat 17:6-7
    2 aayado
    75%

    6Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen.

    7Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina.

  • 75%

    11Hadalladaas waxay la noqdeen wax aan micne lahayn, wayna rumaysan waayeen.

    12Laakiin Butros ayaa kacay oo xabaashii u orday, markaasuu foororsaday oo wuxuu arkay maryihii keligood oo meel yaal; markaasuu ka tegey oo gurigiis ku noqday isagoo ka yaabban wixii dhacay.

  • 10Dhexdoodii ayay hadalkii haysteen oo iska weyddiinayeen, Waa maxay ka soo sara kiciddii kuwii dhintay?

  • 15Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye.

  • 73%

    33Saacaddaas qudheeda ayay kaceen oo Yeruusaalem ku noqdeen, waxayna arkeen koob-iyo-tobankii iyo kuwii la jiray oo isu ururay,

    34iyagoo leh, Hubaal Sayidku waa sara kacay, oo wuxuu u muuqday Simoon.

  • 9Waayo, weli Qorniinka ma ay garan inay tahay inuu kuwa dhintay ka soo sara kaco.

  • 5Markaasuu foororsaday, oo wuxuu arkay maryihii oo yaal, laakiinse ma uu gelin.

  • 13oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay.

  • 17Markaasuu ku yidhi, Maxay yihiin hadalladan aad isku haysaan intaad socotaan? Wayna istaageen iyagoo fool qulubsan.

  • 53Sarakiciddiisa dabadeed ayay xabaalaha ka soo baxeen, oo waxay galeen magaalada quduuska ah, oo waxay u muuqdeen dad badan.

  • 2Sidaa daraaddeed way orodday oo u tagtay Simoon Butros iyo kii kale oo xerta ahaa oo Ciise jeclaa, waxayna ku tidhi, Sayidkii ayay xabaashii kala baxeen, oo garan mayno meeshay dhigeen.