Luukos 3:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 7:19 : 19 Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa.
  • Luuk 13:9 : 9 Dabadeed hadduu midhaysto, wanaag; haddii kalese waad jari doontaa.
  • Luuk 13:7 : 7 Wuxuu beer-ka-shaqeeyihii ku yidhi, Bal eeg, saddex sannadood ayaan imanayay oo berdahan midho ka doonayay, kamana helin. Jar, muxuu dhulka u khasaarinayaa?
  • Yoox 15:6 : 6 Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.
  • Mat 3:10 : 10 Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa.
  • Cib 10:28 : 28 Ninkii diida sharciga Muuse kolkii laba ama saddex nin ku markhaati furaan ayuu naxariisla'aan dhintaa.
  • Cib 12:29 : 29 waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.
  • Ish 10:33-34 : 33 ¶ Bal eega, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu laamaha u gooyn doonaa si aad loogaga cabsado, oo kuwa waaweynna waa la jari doonaa, oo kuwa dhaadheerna waa la ridi doonaa. 34 Oo jiqda duuddana bir buu ku jari doonaa, oo Lubnaanna waxay ku dhici doontaa mid xoog badan gacantiis.
  • Yex 15:2-4 : 2 Wiilka Aadamow, geedka canabku bal muxuu dhirta kale dheer yahay, amase laanta canabku maxay dhirta kaynta ku taal dheer tahay? 3 Ma qoryaa laga goostaa in shuqul lagu samaysto? Miyaase dadku qodob ka goostaa si ay weel u sudhaan? 4 Bal eeg, xaabo ahaan baa dabka loogu dhex tuuraa, oo dabka ayaa labadiisa madaxba dhammeeya, oo dhexdiisuna way gubataa. Miyuu in shuqul lagu qabsado wax u taraa?
  • Yex 31:18 : 18 ¶ Haddaba dhirta Ceeden ku dhex taal bal midkee baad sharafta iyo weynaanta kala mid tahay? Laakiinse adiga waxaa hoos laguula dhaadhicin doonaa dhirta Ceeden ku dhex taal, oo waxaad geli doontaa dhulka meelaha ugu hooseeya. Oo kuwa seefta lagu laayay ayaad buuryaqabyada la dhex jiifi doontaa. Waana Fircoon iyo dadkiisa badan oo dhan, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.
  • Daan 4:14 : 14 Markaasuu intuu aad u qayliyey yidhi, Geedka gooya, laamihiisana ka jara, caleemihiisana ka daadiya, midhihiisana kala firdhiyaa; xayawaanku hoostiisa ha ka fogaadeen, haadkuna laamihiisa.
  • Daan 4:23 : 23 Oo waxaad aragtay mid wax dhawra oo quduus ah oo samada ka soo degaya, isagoo leh, Geedka gooya, oo baabbi'iya; habase yeeshee jiridda iyo xididdadiisa dhulka ku daaya, iyagoo ku xidhan xadhig bir iyo naxaas ah, doogga jilicsan oo berrinka dhexdiisa, oo dharabka samadu ha qoyo, qaybtiisuna ha la jirto xayawaanka duurka, jeeray toddoba wakhti gudbaan,
  • Luuk 23:29-31 : 29 waayo, bal eega, wakhtigu waa imanayaa goortay odhan doonaan, Waxaa barakaysan madhashada iyo uurarka aan weligood dhalin iyo naasaha aan weligood la nuugin. 30 Markaasay bilaabi doonaan inay buuraha ku yidhaahdaan, Nagu soo dhaca, oo ay gumburahana ku yidhaahdaan, Na qariya. 31 Waayo, hadday geedka qoyan waxaas ku sameeyaan, maxaa ku dhici doona kan engegan?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 3:7-12
    6 aayado
    97%

    7¶ Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?

    8Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya,

    9hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim.

    10Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa.

    11Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.

    12Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.

  • Mat 7:16-20
    5 aayado
    89%

    16Midhahooda ayaad ku garan doontaan. Canab ma laga guraa geed qodxan leh? Berdena ma laga guraa yamaarugga?

    17Sidaasaa geed kasta oo wanaagsanu midho wanaagsan u dhalaa, geedkii xumina midho xun u dhalaa.

    18Geed wanaagsanu midho xun ma dhali karo, geed xumina midho wanaagsan ma dhali karo.

    19Geed kasta oo aan midho wanaagsan dhalin waa la jaraa oo dabka lagu tuuraa.

    20Sidaa darteed waxaad iyaga ku garanaysaan midhahooda.

  • 9Dabadeed hadduu midhaysto, wanaag; haddii kalese waad jari doontaa.

  • Luuk 3:7-8
    2 aayado
    80%

    7Haddaba wuxuu ku yidhi dadkii badnaa oo u soo baxay inuu baabtiiso iyaga, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa?

    8Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, hana bilaabina inaad isku tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim.

  • 10Markaasaa dadkii badnaa weyddiiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba maxaannu samaynaa?

  • 33¶ Ama geedka wanaajiya iyo midhihiisaba, ama geedka xumeeya iyo midhihiisaba, waayo, geedka waxaa lagu gartaa midhihiisa.

  • Luuk 6:43-44
    2 aayado
    78%

    43Waayo, ma jiro geed wanaagsan oo midho xun dhalaa, welibana ma jiro geed xun oo midho wanaagsan dhalaa.

    44Maxaa yeelay, geed kasta waxaa laga garanayaa midhihiisa. Waayo, berde lagama guro qudhac, canabkana lagama guro geed qodxan leh.

  • Luuk 13:5-7
    3 aayado
    78%

    5Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiin haddaydnan toobadkeenin, kulligiin sidaas oo kale ayaad u lumi doontaan.

    6¶ Markaasuu masaalkan ku hadlay, Nin baa wuxuu lahaa geed berde ah oo beertiisii canabka ahayd lagu beeray. Waa u yimid isagoo midho ka doonaya, waxbana kama uu helin.

    7Wuxuu beer-ka-shaqeeyihii ku yidhi, Bal eeg, saddex sannadood ayaan imanayay oo berdahan midho ka doonayay, kamana helin. Jar, muxuu dhulka u khasaarinayaa?

  • Yoox 15:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Anigu waxaan ahay geedka canabka ah oo runta ah; Aabbahayna waa beerfalaha.

    2Laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho.

  • Yoox 15:4-6
    3 aayado
    77%

    4Igu jira, anna aan idinku jiree. Sida laantu keligeed aanay midho u dhali karin haddaanay geedka canabka ah ku oollin, sidaas oo kale idinkuna ma dhali kartaan haddaydnan igu jirin.

    5Anaa ah geedka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la'aantay waxba ma samayn kartaan.

    6Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.

  • 13Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Geed walba oo aan Aabbahayga jannada ku jiraa abuurin waa la rujin doonaa.

  • 19Oo wuxuu arkay geed berde ah oo jidka ku ag yaal, kolkaasuu u yimid, waxbana kama uu helin, caleemo keliya maahee. Oo wuxuu ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa midho yaanay kaa bixin, oo kolkiiba geedkii berdaha ahaa waa engegay.

  • 5Waayo, beergoosadka ka hor markuu ubaxu dhammaado, oo uu ubaxu canab bislaanaya noqdo ayuu manjo laamaha yaryar ku gooyn doonaa, oo laamaha waaweyn ee sii faafayana wuu gooyn doonaa oo fogayn doonaa.

  • 17Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa inuu goobtiisa wax lagu tumo aad u safeeyo oo sarreenkana maqsinkiisa ku soo ururiyo, laakiin buunshaha ayuu dab aan demeyn ku gubi doonaa.

  • 8laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugudambaystiisana waa in la gubaa.

  • 43Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya.

  • 29¶ Markaasuu masaal kula hadlay, Bal eega berdaha iyo dhirta oo dhan;

  • 2Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

  • 29Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa, waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid.

  • 31Waayo, hadday geedka qoyan waxaas ku sameeyaan, maxaa ku dhici doona kan engegan?

  • 18¶ Waayo, xumaantu waxay wax u gubtaa sida dabka oo kale, oo waxay dam ka dhigtaa yamaarugga iyo qodxanta, oo jiqda duuddana way ololisaa, oo waxaa kor uga baxa daruur qiiq ah.

  • 9Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu samayn doonaa? Wuu iman doonaa oo beerreyda dili doonaa, dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa.

  • 42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 6Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sidii geedka canabka ah oo ku dhex yaal dhirta kaynta, oo aan xaabo ahaan dabka u siiyey, sidaas oo kale ayaan dadka Yeruusaalem deggan u siin doonaa.

  • 16Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa.

  • 14Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan idiin ciqaabi doonaa siday midhaha falimihiinnu ahaayeen, oo dab baan kaynta oo dhan ku dayn doonaa, oo wuxuu baabbi'in doonaa waxyaalaha hareeraha ku yaal oo dhan.

  • 14Markaasuu intuu aad u qayliyey yidhi, Geedka gooya, laamihiisana ka jara, caleemihiisana ka daadiya, midhihiisana kala firdhiyaa; xayawaanku hoostiisa ha ka fogaadeen, haadkuna laamihiisa.

  • 20¶ Subaxdii goortay ag marayeen, waxay arkeen geedkii berdaha ahaa oo xididdada ka engegay.

  • 10Markaasay dhirtii ku yidhaahdeen geedberde, Kaalay oo boqor noo noqo.

  • 45Cagtaaduna hadday ku xumayso, iska jar. Waxaa kuu wanaagsan inaad lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada

  • 7Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay, oo midho ma ay dhalin.

  • 3Waayo, dadyowga caadooyinkoodu waxtar ma leh, maxaa yeelay, mid baa kaynta geed ka soo jara, waana wax ay nin saanac ah gacmihiisu faas ku sameeyaan.

  • 7Geedahaygii canabka ahaa way baabbi'iyeen, oo dhirtaydii berdaha ahaydna way diirteen, wayna mudhxiyeen oo kala tuurtuureen, oo laamahoodiina waa qayax cad.

  • 50oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.