Luukos 4:41

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Jinniyona dad badan ayay ka soo baxeen, iyagoo qaylinaya oo leh, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah. Isaguse waa canaantay oo uma oggolaanin inay hadlaan, waayo, waxay garanayeen inuu Masiixa yahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 1:34 : 34 Oo wuxuu bogsiiyey dad badan oo cudurro kala cayncayn ah qabay, dadkana jinniyo badan buu ka saaray, oo uma oggolaanin jinniyadu inay hadlaan, waayo, isagay garanayeen.
  • Mark 3:11 : 11 Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.
  • Mat 4:3 : 3 Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda.
  • Fal 16:17-18 : 17 Taasaa Bawlos iyo annaga na soo raacday, wayna qaylisay iyadoo leh, Nimankanu waa addoommadii Ilaaha ugu sarreeya, kuwaasoo idinku wacdiyaya jidka badbaadada. 18 Sidaasna maalmo badan ayay yeelaysay. Laakiin Bawlos oo ka xumaaday ayaa u jeestay oo jinnigii ku yidhi, Magaca Ciise Masiix ayaan kugu amrayaa inaad iyada ka soo baxdid. Markaasuu saacaddiiba ka soo baxay.
  • Yac 2:19 : 19 Waad rumaysan tahay in Ilaah yahay mid keliya. Taas waad ku wanaagsan tahay. Xataa jinniyaduna sidaas way rumaysan yihiin, wayna gariiraan.
  • Mat 8:29 : 29 Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso?
  • Mat 26:63 : 63 Laakiin Ciise waa iska aamusay. Kolkaasaa wadaadkii sare wuxuu ku yidhi, Ilaaha nool ayaan kugu dhaarinayaa ee noo sheeg inaad tahay Masiixa oo ah Wiilka Ilaah, iyo in kale.
  • Mark 1:25 : 25 Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax.
  • Luuk 4:34-35 : 34 Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Quduuska ah ee Ilaah. 35 Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.
  • Yoox 20:31 : 31 Laakiin waxyaalahan waxaa loo qoray inaad rumaysataan inuu Ciise yahay Masiixa, Wiilka Ilaah, iyo inaad nolosha ku lahaataan magiciisa idinkoo rumaysanaya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 34Oo wuxuu bogsiiyey dad badan oo cudurro kala cayncayn ah qabay, dadkana jinniyo badan buu ka saaray, oo uma oggolaanin jinniyadu inay hadlaan, waayo, isagay garanayeen.

  • Mark 3:10-12
    3 aayado
    83%

    10Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.

    11Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.

    12Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.

  • 42¶ Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin.

  • Luuk 4:33-36
    4 aayado
    80%

    33Waxaana sunagogga joogay nin jinni wasakh leh qaba. Cod weyn ayuu ku qayliyey, oo wuxuu yidhi,

    34Na daa! Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay, Kan Quduuska ah ee Ilaah.

    35Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.

    36Yaab weyn ayaa ku wada dhacay; wayna isla wada hadleen oo yidhaahdeen, Waa maxay hadalkan? waayo, jinniyada wasakhda leh ayuu amar iyo xoog ku xukumaa, wayna ka baxaan.

  • Mark 1:23-27
    5 aayado
    79%

    23Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi,

    24Maxaa inoo dhexaya, Ciise reer Naasaredow? Ma waxaad u timid inaad na baabbi'iso? Anigu waa ku garanayaa kii aad tahay Kan Quduuska ah ee Ilaah.

    25Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax.

    26Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay.

    27Kulligoodba ayay la wada yaabeen, sidaa aawadeed iyaga dhexdooda way isweyddiiyeen oo yidhaahdeen, Waa maxay waxani? Ma wax barid cusub baa? Xataa jinniyadii wasakhda lahayd amar buu ku amraa, wayna yeelaan.

  • Luuk 8:27-31
    5 aayado
    77%

    27Goortuu dhulka u degay waxaa la kulmay nin magaalada ka yimid oo jinniyo qaba. Wakhti dheer dhar ma sidan jirin, gurina ma joogi jirin, laakiin xabaalaha ayuu dhex joogi jiray.

    28Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin.

    29Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray.

    30Markaasaa Ciise weyddiiyey oo ku yidhi, Magacaa? Oo wuxuu ku yidhi, Liijon; waayo, jinniyo badan ayaa galay.

    31Markaasay ka baryeen inaanu amrin inay yamayska tagaan.

  • 40¶ Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey.

  • 39Wuxuu galay sunagogyadoodii Galili ku yiil oo dhan; dadkana ayuu ka wacdiyey, jinniyadiina ayuu dadka ka saaray.

  • Mark 5:7-8
    2 aayado
    76%

    7Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin.

    8Waayo, wuxuu ku yidhi, Ka soo bax ninka, jinni wasakh lahow.

  • Mat 8:28-29
    2 aayado
    76%

    28¶ Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin.

    29Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso?

  • 16Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey,

  • 18Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.

  • Luuk 8:35-36
    2 aayado
    76%

    35Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen ninkii jinniyadu ka baxeen, isagoo ag fadhiya Ciise cagihiisa oo dhar sita oo miyir qaba; wayna baqeen.

    36Kolkaasaa kuwii arkay waxay iyaga u sheegeen sida jinnoolihii loo bogsiiyey.

  • 42Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay, wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey.

  • Mark 9:25-26
    2 aayado
    75%

    25¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.

    26Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.

  • 38Laakiin ninkii jinniyadii ka baxeen ayaa ka baryay isaga inuu raaco, laakiin wuu diray isagoo ku leh,

  • 34Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.

  • 22Culimmadii Yeruusaalem ka soo degeenna waxay yidhaahdeen, Wuxuu qabaa Be'elsebul, oo madaxda jinniyada ayuu jinniyada ku saaraa.

  • 32¶ Makhribkii goortay qorraxdii dhacday, waxay u keeneen kuwa buka oo dhan iyo kuwa jinniyo qaba.

  • Luuk 9:39-40
    2 aayado
    74%

    39oo bal eeg, jinni baa qabsada, oo dhaqsiba wiilkaa qayliya, jinniguna waa gilgilaa, oo wiilku afkuu ka xumbeeyaa; dhib ayaa jinnigu kaga baxaa, isagoo aad u burburinaya.

    40Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

  • Mark 5:17-19
    3 aayado
    73%

    17Markaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo.

    18¶ Intuu doonnida fuulayay, kii jinniyada qabi jiray ayaa baryay inuu raaco.

    19Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.

  • 31Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah,

  • 14¶ Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.

  • 39Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.

  • 48Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.

  • 24Laakiin Farrisiintu goortay maqleen, waxay yidhaahdeen, Kanu jinniyada wax kale kuma saaro Be'elsebul oo ah madaxda jinniyada maahee.

  • 21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.

  • 31Dadkii badnaa ayaa canaantay si ay u aamusaan, laakiin si ka badan ayay u qayliyeen iyagoo leh, Sayidow, ina Daa'uudow, noo naxariiso.

  • 34Laakiin Farrisiintii waxay yidhaahdeen, Wuxuu jinniyada ku eryaa madaxda jinniyada.

  • 20Badidood waxay yidhaahdeen, Jinni buu qabaa, wuuna waalan yahay, ee maxaad u maqlaysaan?