Luukos 8:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 44:23 : 23 Toos, maxaad u huruddaa, Sayidow? Sara joogso, oo ha na xoorin weligaa.
  • Sab 93:3-4 : 3 Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen, Webiyadii codkooday kor u qaadeen, Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii. 4 Biyaha badan codkooda, Iyo mawjadaha badda oo waaweynba Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
  • Sab 107:23-30 : 23 Kuwa badda doonniyaha ku mara, Oo shuqulkooda ku sameeya biyaha badan, 24 Kuwaasu waxay arkaan Rabbiga shuqulladiisa, Iyo yaababkiisa moolka ku jira. 25 Waayo, wuxuu amraa oo kiciyaa dabaysha duufaanka, Taas oo kor u qaadda hirarka badda. 26 Waxay u kacaan xagga samada, oo haddana waxay hoos ugu soo dhacaan moolalka, Naftoodiina waxay ku dhalaashay dhibaato daraaddeed. 27 Hore iyo dib bay isaga daba noqdaan, oo sida nin sakhraan ah bay dhacdhacaan, Oo waxay sameeyaan ayay garan waayaan. 28 Markaasay Rabbiga u qayshadaan iyagoo dhibban, Oo isna wuxuu ka soo bixiyaa dhibaatooyinkooda. 29 Wuxuu dejiyaa duufaanka, Si ay hirarkiisu u xasillaan. 30 Way farxaan, maxaa yeelay, way xasilloon yihiin, Oo sidaasuu iyaga ku keenaa marsada ay doonayaan.
  • Sab 124:2-4 : 2 Haddaan Rabbigu inala jirin, Markii dadku inagu kacay, 3 Kolkaasay innagoo noolnool ina wada liqliqi lahaayeen, Markay aad inoogu cadhoodeen, 4 Kolkaasay biyuhu ina qarqin lahaayeen, Durdurna nafteennuu dul mari lahaa,
  • Sab 148:8 : 8 Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow,
  • Ish 51:9-9 : 9 ¶ Gacanta Rabbigoy, toos oo toos, oo xoog yeelo, oo u toos sidii waayihii hore, iyo sidii qarniyadii hore. Miyaadan ahayn tii Rahab googooysay oo bahalbadeeddii mudday? 10 Miyaadan ahayn tii engejisay baddii ahayd biyihii moolka dheeraa? Sow ma aad tihid tii badda moolkeeda jidka ka samaysay in kuwa la soo furtay ay ku gudbaan?
  • Ish 54:11 : 11 ¶ Taada dhibaataysan, oo duufaanku rogrogay, oo aan la qalbi qabowjinay, bal eeg, dhagaxyadaada waxaan ku qurxin doonaa midabyo kala cayncayn ah, oo aasaaskaagana waxaan ka samayn doonaa dhagaxyo safayr la yidhaahdo.
  • Luuk 8:22 : 22 ¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen.
  • Fal 27:14-20 : 14 Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon; 15 oo markii doonnidii la qabsaday oo ay wejiga siin kari weyday dabaysha, ayaannu iska dhiibnay, kolkaasay na kaxaysatay. 16 Oo waxaannu ku orodnay gasiirad yar oo Kalawda la yidhaahdo dugsigeed, oo annagoo aad u dhibtoonnay ayaan waxaan awood u helnay inaan huurigii aad u xidhno; 17 Oo kolkii ay kor u soo bixiyeen ayay waxay ku isticmaaleen xadhko wax tara oo doonnidiina way adkeeyeen, oo iyagoo ka cabsanaya inay Surtis oo bacaad ah ku dhacaan, ayay waxay dejiyeen shiraaqii, oo sidaasaa loo kaxaystay. 18 Oo sidii aannu duufaankii aad ugu hawshoonaynay, ayay maalintii dambe shixnaddii badda ku tuureen. 19 Oo maalintii saddexaadna waxay gacmahoodii ku tuureen alaabtii doonnida. 20 Oo markii intii maalmo badan ah ayan qorraxdii iyo xiddigihii toona ifin, oo duufaan aan yaraynuna uu nagu dhacayay, ayaa rajadii aannu badbaado ku rajaynaynay oo dhan nalaga qaaday.
  • Cib 4:15 : 15 Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 8:23-27
    5 aayado
    89%

    23¶ Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday.

    24Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday.

    25Markaasaa xertiisii u timid oo toosisay, iyagoo leh, Sayidow, na badbaadi, waannu lumaynaaye.

    26Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday.

    27Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

  • Luuk 8:24-26
    3 aayado
    88%

    24Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday.

    25Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan?

    26¶ Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili.

  • 22¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen.

  • Mark 4:35-41
    7 aayado
    87%

    35¶ Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee.

    36Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen.

    37Waxaa kacay duufaan weyn oo dabayl ah, hirarkiina doonniday ku dhaceen ilaa ay doonnidii buuxsamaysay.

    38Isaguna wuxuu joogay xaggii dambe ee doonnida isagoo barkin ku hurda. Markaasay toosiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, miyaanay waxba kula ahayn inaynu lunno?

    39Kolkaasuu kacay oo dabayshii canaantay, oo badduu ku yidhi, Aamus oo xasil. Markaasaa dabayshii degtay oo xawaal weyn baa dhacday.

    40Goortaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Maxaad sidaa ugu baqaysaan? Sidee baydnaan weli rumaysad u lahayn?

    41Aad bay u baqeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan?

  • Mat 14:24-26
    3 aayado
    82%

    24Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd.

    25Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda.

    26Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen.

  • Mark 6:47-51
    5 aayado
    80%

    47Goortii makhribkii la gaadhay, doonnidii waxay joogtay badda dhexdeeda, isaguna keligiis ayuu dhulka joogay.

    48Wuxuu arkay iyagoo wadidda ku dhibtoonaya, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd. Wakhtigii gaadhka afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda, wuuna iska dhaafi lahaa.

    49Laakiin goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, waxay moodeen inuu muuqasho yahay, markaasay qayliyeen.

    50Waayo, way wada arkeen, wayna nexeen. Markiiba wuu la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.

    51Markaasuu doonnidii iyaga ugu tegey, dabayshuna waa joogsatay. Aad iyo aad bay u nexeen oo ula yaabeen.

  • Yoox 6:16-21
    6 aayado
    79%

    16¶ Markii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii badda u baxday.

    17Waxayna fuuleen doonni, oo badday ka tallaabayeen ilaa Kafarna'um. Oo markiiba gudcur bay ahayd, Ciisena weli uma uu iman.

    18Badduna way isku kacday, dabayl weyn oo dhacday aawadeed.

    19Haddaba markay seeb ku wadeen qiyaas shan iyo labaatan ama soddon istaadiyon, waxay arkeen Ciise oo badda ku dul socda oo doonnida u soo dhowaanaya, wayna baqeen.

    20Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina.

    21Sidaa aawadeed waxay doonayeen inay doonnida ku qaadaan, oo markiiba doonnidu waxay joogtay dhulkay u socdeen.

  • Yoon 1:11-13
    3 aayado
    79%

    11¶ Markaasay ku yidhaahdeen, Si baddu noogu degto aawadeed haddaba bal maxaannu kugu samaynaa? Waayo, badda duufaankeedii aad iyo aad buu u sii weynaaday.

    12Oo isna wuxuu ku yidhi, Kor ii qaada oo badda igu dhex tuura, sidaasay baddu idiinku degi doontaaye, waayo, waxaan ogahay in duufaankan weynu daraadday idiinku soo kacay.

    13Habase yeeshee nimankii aad bay seeb doonnidii ugu wadeen oo ugu dadaaleen inay xeebtii ku soo noqdaan, laakiinse way kari waayeen, maxaa yeelay, badda duufaankeedii oo ka gees ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday.

  • Mat 14:32-34
    3 aayado
    79%

    32Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay.

    33Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.

    34¶ Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared.

  • 30Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi, Sayidow, i badbaadi,

  • Fal 27:17-18
    2 aayado
    76%

    17Oo kolkii ay kor u soo bixiyeen ayay waxay ku isticmaaleen xadhko wax tara oo doonnidiina way adkeeyeen, oo iyagoo ka cabsanaya inay Surtis oo bacaad ah ku dhacaan, ayay waxay dejiyeen shiraaqii, oo sidaasaa loo kaxaystay.

    18Oo sidii aannu duufaankii aad ugu hawshoonaynay, ayay maalintii dambe shixnaddii badda ku tuureen.

  • Luuk 5:6-7
    2 aayado
    76%

    6Goortay waxaas yeeleen waxay ku qabteen kalluun tiro badan, shabagyadooduna way kala dillaaci gaadheen.

    7Markaasay u gacan haadiyeen wehelladoodii doonnida kale ku jiray inay yimaadaan oo caawiyaan. Wayna yimaadeen, oo waxay buuxiyeen labadii doonniyood, sidaa darteed ayay u dhowaadeen inay degaan.

  • 41Laakiin waxay ku dhaceen meel laba badood isaga darmadaan, markaasaa doonnidii dhulka ku dhufatay; oo dhankeedii hore ayaa meel ku liimbaaday oo waxay noqotay wax aan la dhaqdhaqaajin karin, laakiin dhankii dambe wuxuu bilaabay inuu ku burburo mawjadihii xooggooda.

  • Mark 8:13-14
    2 aayado
    75%

    13Markaasuu ka tegey oo haddana doonniduu fuulay oo dhanka kale u kacay.

    14¶ Xertii waxay illoobeen inay kibis soo qaataan, oo doonnida kibis kuma ay haysan mid keliya maahane.

  • Yoon 1:4-5
    2 aayado
    74%

    4¶ Laakiinse Rabbigu wuxuu baddii ku soo daayay dabayl weyn, kolkaasaa waxaa baddii ka dhex kacay duufaan xoog leh, doonnidiina waxay ku dhowaatay inay burburto.

    5Markaasay raggii baxriyiinta ahaa aad u baqeen, oo mid waluba wuxuu u qayshaday ilaahiisii. Alaabtii doonnida ku jirtayna badday ku dhex tuureen, si ay doonnidu iyaga ugu fududaato. Laakiinse wuxuu Yoonis mar hore u dhaadhacay doonnida meesha ugu hoosaysa, oo halkaasuu seexday, wuxuuna ku jiray hurdo weyn.

  • 39¶ Oo markii waagii beryay, ayay dhulkii garan waayeen; laakiin waxay arkeen marso xeeb leh, oo waxay doonayeen inay doonnidii halkaas ku kaxeeyaan hadday karaan.

  • 3Markaasuu fuulay doonniyihii middood oo Simoon lahaa, wuxuuna ka baryay inuu in yar dhulka ka durkiyo. Markaasuu fadhiistay oo dadkii wax ka dhex baray doonnidii.

  • 14Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon;

  • 29Waxay ka cabsadeen inaannu ku dhacno meelo dhagaxyo leh, markaasay waxay doonnida xaggeeda dambe ka tuureen afar barroosin, oo waxay aad u jeclaysteen in maalin noqoto.