Luukos 8:37

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Dadkii oo dhan oo dalka Gadareni ku wareegsanaa ayaa baryay inuu ka noqdo iyaga, waayo, baqdin weyn ayay baqeen. Markaasuu doonni fuulay, waana noqday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 16:39 : 39 Markaasay yimaadeen oo cafi ka baryeen; oo kolkay dibadda u soo saareenna, waxay weyddiisteen inay magaalada ka tagaan.
  • Luuk 5:8 : 8 Laakiin Simoon Butros goortuu waxaas arkay, ayuu Ciise jilbihiisa isku tuuray, oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, waxaan ahay nin dembi leh, ee iga tag.
  • Luuk 8:28 : 28 Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin.
  • Luuk 9:5 : 5 Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.
  • Luuk 9:56 : 56 Markaasay waxay aadeen tuulo kale.
  • Luuk 10:10-11 : 10 Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha, 11 Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay.
  • Luuk 10:16 : 16 Kan idin maqlaa waa i maqlaa, kan idin diidaana, waa i diidaa, kan i diidaana, wuxuu diidaa kii i soo diray.
  • Sharc 5:25 : 25 Haddaba bal maxaynu u leennahay inaynu dhimanno? Waayo, dabkan weyn baa ina baabbi'inaya, oo haddaynu sii maqalno codka Rabbiga Ilaaheenna ah waynu dhimanaynaa.
  • 1 Sam 6:20 : 20 Markaasaa dadkii Beytshemesh waxay yidhaahdeen, Bal yaa awooda inuu hor istaago Rabbiga ah Ilaahan quduuska ah? Oo bal yuu nooga tegayaa?
  • 2 Sam 6:8-9 : 8 Oo Daa'uudna taas buu ka xumaaday, maxaa yeelay, Rabbigu degdeg buu u qabtay Cuusaah, oo meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Feres Cuusaah, oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa. 9 Oo Daa'uudna Rabbiga wuu ka baqay maalintaas, oo wuxuu isyidhi, Sanduuqa Rabbigu sidee buu iigu imanayaa?
  • 1 Boq 17:18 : 18 Markaasay Eliiyaah ku tidhi, War nin yahow Ilaah, maxaa inoo dhexeeya? War ma waxaad iigu timid inaad dembigayga i soo xusuusisid oo aad wiilkayga dishid?
  • Ayuub 21:14-15 : 14 Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga. 15 Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno? Balse maxaa faa'iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno?
  • Mat 8:34 : 34 Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.
  • Mark 5:17 : 17 Markaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 8:28-34
    7 aayado
    87%

    28¶ Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin.

    29Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso?

    30Waxaa iyaga ka fogaa daaqsin doofaarro badan ah oo daaqaysa.

    31Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah,

    32oo wuxuu ku yidhi, Baxa. Markaasay baxeen oo galeen doofaarradii, oo daaqsinta oo dhammu jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, oo biyaha ku bakhtiday.

    33Kolkaasay kuwii daajin jiray carareen oo magaalada galeen, wax walbana way u sheegeen iyo wixii ku dhacay kuwii jinniyada qabi jiray.

    34Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.

  • Luuk 8:38-39
    2 aayado
    86%

    38Laakiin ninkii jinniyadii ka baxeen ayaa ka baryay isaga inuu raaco, laakiin wuu diray isagoo ku leh,

    39Gurigaaga ku noqo oo dadka ogeysii waxa weyn oo Ilaah kuu sameeyey. Markaasuu tegey oo wuxuu magaalada oo dhan ku naadiyey waxa weyn oo Ciise u sameeyey.

  • Mark 5:12-21
    10 aayado
    85%

    12Jinniyadii oo dhan baa baryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Noo dir doofaarrada inaannu galno.

    13Kolkiiba Ciise baa u fasaxay. Markaasaa jinniyadii wasakhda lahayd baxeen, oo waxay galeen doofaarrada, daaqsintiina jarka hoos bay uga yacday ilaa badda, baddayna ku bakhtiyeen, waxayna ahaayeen abbaaraha laba kun.

    14¶ Markaasaa kuwii daajin jiray carareen, oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay.

    15Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen jinnoolihii isagoo fadhiya oo dhar sita oo miyir qaba, wayna baqeen.

    16Kolkaasaa kuwii arkay waxay u sheegeen sidii ay u dhacday jinnoolihii iyo warkii doofaarrada.

    17Markaasay bilaabeen inay baryaan inuu soohdintooda ka noqdo.

    18¶ Intuu doonnida fuulayay, kii jinniyada qabi jiray ayaa baryay inuu raaco.

    19Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.

    20Kolkaasuu tegey oo bilaabay inuu Dekabolis ku naadiyo waxa weyn oo Ciise u sameeyey, oo dhammaan bay la wada yaabeen.

    21¶ Markii Ciise haddana dhanka kale doonnida ugu gudbay ayaa dad faro badan u soo ururay, isaguna badda agteeda ayuu joogay.

  • Luuk 8:26-36
    11 aayado
    83%

    26¶ Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili.

    27Goortuu dhulka u degay waxaa la kulmay nin magaalada ka yimid oo jinniyo qaba. Wakhti dheer dhar ma sidan jirin, gurina ma joogi jirin, laakiin xabaalaha ayuu dhex joogi jiray.

    28Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin.

    29Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray.

    30Markaasaa Ciise weyddiiyey oo ku yidhi, Magacaa? Oo wuxuu ku yidhi, Liijon; waayo, jinniyo badan ayaa galay.

    31Markaasay ka baryeen inaanu amrin inay yamayska tagaan.

    32Halkaa waxaa joogay daaqsin doofaarro badan ah oo buurta daaqaysa. Waxayna ka baryeen inuu u fasaxo inay kuwaas galaan. Kolkaasuu u fasaxay.

    33Markaasay jinniyadii ninkii ka baxeen oo doofaarradii galeen. Daqsintiina jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, wayna ku bakhtiyeen.

    34Kuwii daajin jiray markay arkeen waxa dhacay, ayay carareen oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen.

    35Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen ninkii jinniyadu ka baxeen, isagoo ag fadhiya Ciise cagihiisa oo dhar sita oo miyir qaba; wayna baqeen.

    36Kolkaasaa kuwii arkay waxay iyaga u sheegeen sida jinnoolihii loo bogsiiyey.

  • Mark 5:1-2
    2 aayado
    81%

    1¶ Waxay yimaadeen dhanka kale oo badda ilaa dalkii Gadareni.

    2Goortuu doonnidii ka degay, kolkiiba waxaa la kulmay nin xabaalaha ka soo baxay oo jinni wasakh leh qaba.

  • 18¶ Goortuu Ciise dad badan oo ku wareegsan arkay, ayuu amray inay dhinaca kale tagaan.

  • 10Aad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin.

  • 13Markaasuu ka tegey oo haddana doonniduu fuulay oo dhanka kale u kacay.

  • 34¶ Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared.

  • 36Goortay dadkii badnaa direen, isagay wadeen intuu doonnidii ku jiray, oo doonniyo yaryar oo kalena way la jireen.

  • 39Kolkuu dadkii badnaa diray dabadeed ayuu doonni fuulay, oo wuxuu galay soohdimaha Magadan.

  • 7¶ Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,

  • 13¶ Ciise goortuu taas maqlay, ayuu halkaas doonni kaga soo noqday, oo meel cidla ah ayuu keligiis tegey. Dadkii badnaana goortay warkaas maqleen, ayay magaalooyinka lug kaga soo raaceen.

  • 22¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen.

  • 42¶ Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin.

  • 22¶ Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale, intuu dadkii badnaa dirayo.

  • 34Oo wuxuu bogsiiyey dad badan oo cudurro kala cayncayn ah qabay, dadkana jinniyo badan buu ka saaray, oo uma oggolaanin jinniyadu inay hadlaan, waayo, isagay garanayeen.

  • Mark 6:32-33
    2 aayado
    74%

    32Kolkaasay keli ahaantooda doonni raaceen oo meel cidla' ah tageen.

    33Dadkii baase arkay iyagoo tegaya, qaar badanna way garteen, oo magaalooyinka oo dhan ayay ka soo ordeen, wayna ka dheereeyeen.

  • 31¶ Mar kale ayuu soohdimaha Turos ka soo tegey oo Siidoon maray oo badda Galili yimid, soohdimaha Dekabolisna ayuu soo dhex maray.

  • 2oo waxaa u soo ururay dad faro badan, sidaa darteed doonni ayuu fuulay oo fadhiistay, dadkii badnaa oo dhammuna xeebtay taagnaayeen.

  • 31Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.

  • 46Goortuu kala diray, ayuu buurta tegey inuu ku tukado.