Luukos 9:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Intuu waxaas lahaa, waxaa timid daruur oo iyagay hadhaysay, wayna baqeen kolkay daruurtii galeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bax 14:19-20 : 19 Markaasaa malaa'igtii Ilaah oo hor socotay reer binu Israa'iil soo wareegtay oo daba martay iyagii, markaasaa tiirkii daruurta ahaa ka soo hor wareegay oo uu daba maray iyagii; 20 oo wuxuu kala dhex galay reer Masar iyo reer binu Israa'iil; oo waxaa jiray daruur iyo gudcur, laakiinse weliba habeennimadii wuu iftiimay; oo habeenkii oo dhan midna uma soo dhowaan ka kale.
  • Bax 40:34-38 : 34 ¶ Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay. 35 Oo Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday. 36 Oo markii daruurtii taambuuggii kor ahayd laga qaaday ayaa reer binu Israa'iil hore u sii wadeen sodcaalladoodii oo dhan, 37 laakiinse haddii aan daruurtii kor loo qaadin, ma ay socon jirin ilaa maalinta kor loo qaado. 38 Waayo, daruurtii Rabbigu maalintii taambuuggay dul joogi jirtay, habeenkiina waxaa daruurtii ku jiri jiray dab, reer binu Israa'iil oo dhammuna waxyaalahaas ayay arki jireen sodcaalladoodii oo dhan.
  • Xaak 6:22 : 22 Markaasaa Gidcoon arkay inuu yahay malaggii Rabbiga, oo Gidcoon wuxuu yidhi, Waa ii hoog, Sayidow, Rabbiyow, waayo, malaggii Rabbiga ayaan fool ka fool u arkay.
  • Xaak 13:22 : 22 Oo Maanoo'axna wuxuu afadiisii ku yidhi, Hubaal waynu dhimanaynaa, maxaa yeelay, waxaynu aragnay Ilaah.
  • Sab 18:9-9 : 9 Oo weliba samooyinka wuu soo foorarshay, oo hoos buu u soo degay, Oo cagihiisana waxaa hoos yiil gudcur weyn. 10 Oo wuxuu fuulay keruub, wuuna duulay, Haah, oo wuxuu si dheeraysa ugu duulay oo fuulay dabaysha baalasheeda. 11 Wuxuu gudcurka ka dhigtay meeshiisii dhuumashada, iyo taambuuggiisa hareerihiisa ku wareegsan, Iyo biyo gudcur ah, iyo daruuraha qarada waaweyn oo cirka.
  • Ish 19:1 : 1 ¶ Kanu waa warka culus ee Masar ku saabsan. Bal eega, Rabbigu wuxuu fuushan yahay daruur dheeraysa oo wuxuu u socdaa Masar, oo sanamyada Masarna waxay ku gariiri doonaan hortiisa, oo Masriyiinta qalbigooduna cabsi buu kula dhex dhalaali doonaa.
  • Daan 10:8 : 8 Oo sidaasaa keligay layga tegey, oo waxaan arkay waxan weyn ee lay tusay, oo xoogna iguma hadhin, quruxdaydiina waxay u rogmatay qudhun, markaasaan xoog iska waayay.
  • Mat 17:5-7 : 5 Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga. 6 Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen. 7 Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina.
  • Mark 9:7-8 : 7 Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga. 8 Dhaqsiba goortii ay hareerahooda fiiriyeen, mar dambe ma ay arkin cid kale oo iyaga la joogta Ciise keliya maahee.
  • Muj 1:17 : 17 Oo markii aan arkay ayaan ku hor dhacay sidii mid dhintay. Oo markaasuu gacantiisii midigta ahayd i saaray, oo wuxuu igu yidhi, Ha cabsan. Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 9:1-9
    9 aayado
    84%

    1¶ Wuxuu iyaga ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwa halkan taagan qaarkood sinaba dhimasho uma dhadhamin doonaan ilaa ay arkaan boqortooyada Ilaah oo xoog ku imanaysa.

    2¶ Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa; oo wuxuu keligood geeyey buur dheer, hortoodana ayuu ku beddelmay.

    3Dharkiisu aad buu caddaan ula dhalaalay sidii midka dhulka wax ku caddeeya aanu u caddayn karin.

    4Markaasaa waxaa iyaga u muuqday Eliyaas iyo Muuseba, waxayna la hadlayeen Ciise.

    5Markaasaa Butros la hadlay oo Ciise ku yidhi, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan kuu dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas.

    6Waayo, ma uu garanaynin wuxuu ku jawaabo, maxaa yeelay, aad bay u baqeen.

    7Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.

    8Dhaqsiba goortii ay hareerahooda fiiriyeen, mar dambe ma ay arkin cid kale oo iyaga la joogta Ciise keliya maahee.

    9¶ Markay buurta ka soo degayeen, wuxuu ku amray inaanay ninna u sheegin waxay arkeen intaanu Wiilkii Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.

  • Luuk 9:28-33
    6 aayado
    81%

    28¶ Abbaaraha siddeed maalmood hadalladan dabadood waxaa dhacay inuu waday Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, oo buurtuu fuulay inuu ku tukado,

    29oo intuu tukanayay, araggii wejigiisa ayaa si kale noqday, dharkiisuna caddaan ayuu la dhalaalayay.

    30Oo bal eeg, laba nin ayaa la hadlayay isaga, waxayna ahaayeen Muuse iyo Eliyaas,

    31oo ammaan ku soo muuqday, oo waxay kala hadlayeen dhimashadiisa uu Yeruusaalem dhowaan ku dhammayn lahaa.

    32Laakiin Butros iyo kuwii la jiray ayaa hurdo la cuslaaday; oo goortay tooseen ayay arkeen ammaantiisa iyo labadii nin oo la taagan.

    33Kolkay ka tegayeen waxaa dhacay in Butros ku yidhi Ciise, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno, haddaba saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan ku dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas, waayo, ma uu garanaynin wuxuu leeyahay.

  • Luuk 9:35-37
    3 aayado
    80%

    35Daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.

    36Goortii codkii ahaaday Ciise keliya ayaa la arkay; markaasay iska aamuseen, oo maalmahaas ninna uma ay sheegin wixii ay arkeen.

    37¶ Maalintii xigtay, goortay buurta ka soo degeen, waxaa dhacay in dad badni la kulmay isaga.

  • Mat 17:1-6
    6 aayado
    80%

    1¶ Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo walaalkiis Yooxanaa, oo wuxuu keligood geeyey buur dheer.

    2Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday.

    3Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga.

    4Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas.

    5Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga.

    6Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen.

  • Fal 1:9-10
    2 aayado
    76%

    9Oo kolkuu waxyaalahaas yidhi dabadeed, iyagoo eegaya, ayaa sare loo qaaday isagii, oo daruur baa indhahoodii ka qarisay.

    10Oo intuu sii socday, iyagoo samada aad u fiirinaya, ayaa waxaa isa soo ag taagay laba nin oo dhar cadcad qaba,

  • 34¶ Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay.

  • 73%

    17Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.

    18Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.

  • Mat 17:8-9
    2 aayado
    73%

    8Goortay indhahooda kor u qaadeen, cidna ma ay arkin Ciise keliya maahee.

    9¶ Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.

  • 27Markaasay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruur ku imanaya, isagoo leh xoog iyo ammaan weyn.

  • 32Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, wayna ka cabsadeen inay weyddiiyaan.

  • 32¶ Waxay ku socdeen jidka xaggii Yeruusaalem, Ciisena waa hor marayay. Wayna yaabeen oo intay daba socdeen way baqeen. Kolkaasuu laba-iyo-tobankii haddana waday oo bilaabay inuu u sheego waxa isaga ku dhici doona,

  • 45Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, waana laga qariyey si ayna u garan, wayna ka cabsadeen inay hadalkas wax ka weyddiiyaan.

  • 26Markaasay waxay arki doonaan Wiilka Aadanaha oo daruuraha ku imanaya isagoo leh xoog badan iyo ammaan.

  • 34Markay xerada ka bexeen ayaa daruurtii Rabbigu maalinnimada oo dhan dul joogtay.

  • 29¶ Haddaba dadkii badnaa oo ag taagnaa, way maqleen, oo waxay yidhaahdeen, Waa onkod. Qaar kale waxay yidhaahdeen, Malaa'ig baa la hadashay isaga.

  • 15Markaasaa Muuse wuxuu fuulay buurtii, oo buurtiina waxaa qarisay daruur.

  • 43¶ Kulli way ka wada yaabeen Ilaah weynaantiisa.

  • 26Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen.

  • 9Oo kuwii ila joogayna runtii waxay arkeen iftiinkii, laakiin ma ay maqlin kii ila hadlay codkiisii.

  • 9Oo markii Muuse Taambuuggii galay ayaa tiirkii daruurta ahaa soo degay oo Taambuugga iriddiisii qotonsaday, markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay.

  • 3Oo kolkuu sodcaalay, waxaa dhacday inuu Dimishaq u soo dhowaaday; oo dhaqsiba waxaa hareerihiisa ka iftiimay iftiin samada ka yimid.

  • Luuk 8:22-23
    2 aayado
    70%

    22¶ Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen.

    23Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen.

  • 33Oo wuxuu watay Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa, oo wuxuu bilaabay inuu calool xumaado oo tiraanyoodo.

  • 35¶ Maalintii qudheedii, goortii makhribkii la gaadhay, wuxuu iyaga ku yidhi, Dhanka kale aan u gudubnee.

  • 10Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd ayaa daruurtii ka buuxsantay gurigii Rabbiga,

  • 32Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay.