Markos 1:45
Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.
Laakiin wuu baxay oo bilaabay inuu aad u naadiyo oo warka faafiyo, taas aawadeed kol dambe Ciise magaaladuu bayaan u geli kari waayay, laakiin wuxuu joogay dibadda ee meelo cidla ah, meel kastana waa looga yimid.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
14Markaasuu ku amray, Ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga mar oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.
15Laakiin weliba warkii isaga ku saabsanaa ayaa sii fiday; o dad aad u badan ayaa u yimid inay maqlaan, iyo in bukaankooda laga bogsiiyo.
43Ciisena aad buu u xukumay, oo markiiba ayuu iska diray,
44oo ku yidhi, Ninna waxba ha kala hadlin, laakiin tag oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii uu Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.
19Ciisese uma fasaxin, laakiin wuxuu ku yidhi, Gurigaaga iyo dadkaaga u tag oo u sheeg waxa weyn oo Rabbigu kuu sameeyey iyo siduu kuugu naxariistay.
20Kolkaasuu tegey oo bilaabay inuu Dekabolis ku naadiyo waxa weyn oo Ciise u sameeyey, oo dhammaan bay la wada yaabeen.
37Meel kasta oo dalka ku wareegsan ayaa warka isaga ku saabsan gaadhay.
28Markiiba warkiisii waa gaadhay dhulkii Galili ku wareegsanaa oo dhan.
55Oo waxay orod ku wareegeen dalka u dhow oo dhan oo bilaabeen inay kuwa buka sariiro ugu soo qaadaan meeshii ay ku maqleen inuu joogo.
56Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.
31Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.
24¶ Meeshaas ayuu ka kacay oo wuxuu tegey soohdimaha Turos iyo Siidoon. Markaasuu guri galay. Ma uu doonaynin in la ogaado, laakiin wuu qarsoomi kari waayay.
38Wuxuu ku yidhi, Aan tagno magaalooyinka inoo dhow, inaan halkaasna wax ku wacdiyo; waayo, taas aawadeed ayaan u imid.
39Wuxuu galay sunagogyadoodii Galili ku yiil oo dhan; dadkana ayuu ka wacdiyey, jinniyadiina ayuu dadka ka saaray.
42¶ Goortii ay maalintii noqotay, ayuu baxay oo meel cidla ah tegey; dadkii badnaana way doondooneen oo u yimaadeen. Wayna qabteen si aanu uga tegin.
35Oo nimankii halkaas degganaa goortay garteen isaga, waxay cid u direen dalkaas ku wareegsan oo dhan, oo waxay u keeneen kuwa buka oo dhan,
36Wuuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen.
25Waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili iyo Dekabolis iyo Yeruusaalem iyo Yahuudiya iyo Webi Urdun shishadiisa.
15Markaasaa ninkii tegey, wuuna u sheegay Yuhuuddii inuu ninkii bogsiiyey Ciise ahaa.
26Markaasaa warkaasu dalkaas oo dhan gaadhay.
30Laakiin isagu intuu dhex maray ayuu iska tegey.
7¶ Laakiin Ciise xertiisii ayuu badda kula noqday; waxaana raacay dad badan oo ka yimid Galili, iyo Yahuudiya,
8iyo Yeruusaalem, iyo Idumiya, iyo Webi Urdun shishadiisa, iyo kuwa ag joogay Turos iyo Siidoon; dad tiro badan goortii ay maqleen waxa weyn ee uu samaynayay ayay u yimaadeen.
15¶ Ciise goortuu ogaaday ayuu halkaas ka tegey, oo waxaa raacay dad badan, dhammaantoodna wuu wada bogsiiyey.
16Wuxuuna ku amray inaanay cidna u sheegin,
34Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo.
33Markaasaa dadkii magaalada oo dhan albaabka ku soo ururay.
34Oo wuxuu bogsiiyey dad badan oo cudurro kala cayncayn ah qabay, dadkana jinniyo badan buu ka saaray, oo uma oggolaanin jinniyadu inay hadlaan, waayo, isagay garanayeen.
4oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.
13¶ Haddana wuu u baxay badda xeebteeda, oo dadkii oo dhan baa u yimid, wuuna wax baray.
30Kolkaasaa waxaa u yimid dad fara badan oo wada kuwa curyaan ah iyo kuwa indha la' iyo kuwa carrab la' iyo kuwa addimmo la' iyo qaar badan oo kale, oo waxay iyaga dhigeen cagihiisa agtooda, wuuna bogsiiyey.
31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.
2Waxaana soo raacay dad aad u badan, oo halkaas ayuu ku bogsiiyey iyaga.
21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.
22Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,
39Gurigaaga ku noqo oo dadka ogeysii waxa weyn oo Ilaah kuu sameeyey. Markaasuu tegey oo wuxuu magaalada oo dhan ku naadiyey waxa weyn oo Ciise u sameeyey.
10Waayo, dad badan ayuu bogsiiyey, sidaa daraaddeed ayay waxay ugu kufeen si ay kuwii cudur qabay oo dhan u taabtaan isaga.
30¶ Markaasay halkaas ka tageen oo Galili dhex mareen, mana uu doonaynin in la ogaado.
26Kolkaasuu gurigiisii u diray, oo wuxuu ku yidhi, Tuulada ha gelin.
17Markaasuu hoos ula degay, oo bannaan ayuu istaagay, isaga iyo qaar badan oo xertiisa ah, iyo dad badan oo Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo xeebaha Turos iyo Siidoon uga yimaadeen inay maqlaan iyo in cudurradooda laga bogsiiyo.
45Haddaba markuu Galili yimid, dadkii Galili way soo dhoweeyeen, iyagoo arkay wuxuu ku sameeyey Yeruusaalem oo dhan wakhtigii iidda, waayo, iyaguna iiddii way tageen.
13Kii la bogsiiyeyse ma uu oqoonin kuu ahaa, waayo, Ciise waa tegey, maxaa yeelay, dad badan ayaa meeshaas joogay.
30Markaasay magaaladii ka soo baxeen, wayna u imanayeen isagii.
15Kolkiiba dadkii badnaa markay isaga arkeen aad bay u yaabeen oo ku soo ordeen oo nabdaadiyeen.
1¶ Dhawr maalmood dabadeed goortuu haddana Kafarna'um galay, waxaa la maqlay inuu guriga joogo.
2Markaasaa waxaa is-urursaday dad badan, sidaa daraaddeed meel ay joogsadaan ayay ka waayeen xataa albaabka hortiisii, oo iyaga ayuu ereygii kula hadlay.
6Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.
5Meeshaas shuqul xoog leh kuma samayn karin inuu dhawr buka gacmihiisii saaro oo bogsiiyo mooyaane.
65Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan.
1¶ Meeshaas ayuu ka tegey oo waddankiisii yimid, xertiisiina way soo raaceen.