Markos 10:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 6:16 : 16 Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.
  • Ef 5:28 : 28 Haddaba sidaas oo kale nimanka waxaa ku waajib ah inay afooyinkooda u jeclaadaan sida jidhkooda oo kale. Waayo, kii afadiisa jeclaadaa wuxuu jeclaadaa nafsaddiisa;
  • Bil 2:24 : 24 Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 19:4-10
    7 aayado
    91%

    4Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig,

    5oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh?

    6Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin.

    7Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba Muuse muxuu u amray in warqaddii furniinta iyada la siiyo oo la furo?

    8Wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, Muuse wuxuu idiinku fasaxay inaad naagihiinna furtaan qalbi engegnaantiinna aawadeed, laakiin bilowgii sidaas ma ay ahayn.

    9Waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii la furay wuu sinaystaa.

    10Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Haddii nin xaalkiisu sidan yahay xagga naagtiisa, in la guursadaaba ma wanaagsana.

  • Mark 10:9-12
    4 aayado
    89%

    9Haddaba wixii Ilaah isku xidhay ninna yaanu kala furin.

    10Goortay guriga ku jireen, xertiisii ayaa haddana waxaas wax ka weyddiiyeen.

    11Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa oo mid kale guursadaa ayaa ka sinaysta.

    12Naagna haddii ay ninkeeda furto oo mid kale guursato ayay sinaysataa.

  • Ef 5:28-32
    5 aayado
    88%

    28Haddaba sidaas oo kale nimanka waxaa ku waajib ah inay afooyinkooda u jeclaadaan sida jidhkooda oo kale. Waayo, kii afadiisa jeclaadaa wuxuu jeclaadaa nafsaddiisa;

    29maxaa yeelay, ninna weligiis ma nebcaan jidhkiisa, laakiinse wuu quudiyaa, wuuna xannaaneeyaa, sida Masiixuba u xannaaneeyo kiniisadda;

    30waayo, innagu waxaynu nahay xubnihii jidhkiisa.

    31Oo sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh.

    32Qarsoodiganu waa weyn yahay, laakiinse waxaan ka hadlayaa Masiixa iyo kiniisadda.

  • Bil 2:22-25
    4 aayado
    87%

    22Oo feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayuu naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii.

    23Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin.

    24Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.

    25Oo labadooduba way qaawanaayeen, ninka iyo naagtiisuba, mana ay xishoonaynin.

  • Mark 10:6-7
    2 aayado
    87%

    6Laakiin tan iyo bilowgii abuurniinta, Ilaah wuxuu sameeyey lab iyo dhaddig.

    7Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa.

  • 79%

    15Miyaanaydin garanaynin jidhadhkiinnu inay yihiin xubnaha Masiixa? Haddaba miyaan qaadaa xubnaha Masiixa oo dhillo xubnaheed ka dhigaa? Yaanay noqon.

    16Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.

    17Laakiin kii Rabbiga raacaa waa la ruux.

  • 1 Kor 7:8-11
    4 aayado
    73%

    8¶ Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan,

    9laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen.

    10Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin.

    11Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.

  • 2Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato.

  • 15Oo miyuusan mid ka dhigin in kastoo uu lahaa waxa ruuxa ka hadhay? Oo muxuu mid uga dhigay? Isagu wuxuu doonayay farcan Ilaah caabuda. Sidaas daraaddeed iska jira, oo midkiinna yuusan khiyaano kula macaamiloon naagtii uu dhallinyaraanta ku guursaday.

  • 18Mid walba oo naagtiisa fura oo mid kale guursadaa wuu sinaystaa, oo kii guursadaa mid nin laga furay wuu sinaystaa.

  • 17Middoodba midda kale way haysataa, Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo.

  • Mat 5:31-32
    2 aayado
    70%

    31Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo.

    32Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.

  • 1 Kor 7:4-5
    2 aayado
    70%

    4Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.

    5Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shayddaanku idiin duufin iscelinla'aantiinna aawadeed.

  • 70%

    34Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa,

    35laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo,

  • 30Waayo, wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay dabadeed, layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha Ilaah oo jannada ku jira.

  • 1¶ Haddii nin naag qaato oo uu guursado, oo dabadeed uusan raalli ka ahayn, sababtuna ay tahay ceeb uu iyada ka dhex helay, markaas isagu ha u qoro warqaddii furniinka oo iyada gacanta ha u geliyo, gurigiisana ha ka eryo.

  • 18¶ Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, Ma wanaagsana in ninku keligiis ahaado; waxaan u samayn doonaa mid caawisa oo ku habboon.

  • 17Oo labadoodaba isku dar oo waxaad isaga dhigtaa ul qudha inay iyagu gacantaada isku mid qudha ku noqdaan.

  • 11Hase ahaatee, xagga Rabbiga naagtu waxba ma aha ninka la'aantiis, ninkuna waxba ma aha naagta la'aanteed.

  • 27Miyaad naag ku xidhan tahay? Ha doonin inaad ka furnaato. Miyaad naag ka furan tahay? Ha doonin naag.

  • 28Haddaba wakhtiga sarakicidda kuwii dhintay toddobadoodii kee bay naagtiisii ahaan doontaa? Waayo, kulligood way wada guursadeen iyada.

  • 25Waayo, goortay kuwii dhintay ka soo sara kacaan layskuma guursado, guurna layskuma siiyo, laakiin waxay yihiin sida malaa'igaha jannada ku jira.

  • 17Iyagu ha ahaadeen kuwaaga oo keliya, Oo yaanay u ahaan shisheeyayaal adiga kula jira.

  • 4Guurka hala wada maamuuso, oo sariirtuna yeynan nijaasoobin, maxaa yeelay, khaniisiinta iyo dhillayadaba Ilaah waa xukumi doonaa.

  • 8Waayo, ninku xagga naagta kama uu iman, laakiin naagtuse xagga ninka ayay ka timid.