Markos 15:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo waxay u soo wadeen meel Golgota la odhan jiray, taasoo micneheedu yahay meeshii dhakada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 27:33-44 : 33 Oo goortay yimaadeen meel Golgota la odhan jiray, tan la yidhaahdo meeshii dhakada, 34 waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, goortuu dhadhamiyeyse wuu diiday inuu cabbo. 35 Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen. 36 Meeshaasna ayay fadhiisteen oo dhawreen. 37 Waxay meel madaxiisa ka korraysa ku qoreen ashtakadii lagu ashtakeeyey oo leh, KANU WAA CIISE BOQORKA YUHUUDDA. 38 Markaasaa waxaa iskutallaabo lagu la qodbay laba tuug, mid midigta, midna bidixda. 39 Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, 40 waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow, isbadbaadi, haddii aad tahay Wiilka Ilaah, oo iskutallaabta ka soo deg. 41 Sidaas oo kale ayaa wadaaddada sare ugu majaajiloodeen, iyaga iyo culimmada iyo waayeelladaba, oo waxay yidhaahdeen, 42 Kuwa kale ayuu badbaadiyey, qudhiisa isma badbaadin karo. Waa Boqorka Israa'iil; haddeer iskutallaabta ha ka soo dego, annaguna waannu rumaysan doonnaaye. 43 Ilaah buu isku halleeyey, haddeer ha bixiyo hadduu isaga ku faraxsan yahay, waayo, wuxuu yidhi, Waxaan ahay Wiilka Ilaah. 44 Tuugaggii iskutallaabaha lagu la qodbayna sidaas oo kale ayay u caayeen.
  • Luuk 23:27-38 : 27 ¶ Waxaana la socday dad badan iyo dumar laabta garaacaya oo barooranaya. 28 Laakiin Ciise intuu u soo jeestay, wuxuu ku yidhi, Gabdhaha Yeruusaalemow, ha ii ooyina, laakiin u ooya qudhiinna iyo carruurtiinna, 29 waayo, bal eega, wakhtigu waa imanayaa goortay odhan doonaan, Waxaa barakaysan madhashada iyo uurarka aan weligood dhalin iyo naasaha aan weligood la nuugin. 30 Markaasay bilaabi doonaan inay buuraha ku yidhaahdaan, Nagu soo dhaca, oo ay gumburahana ku yidhaahdaan, Na qariya. 31 Waayo, hadday geedka qoyan waxaas ku sameeyaan, maxaa ku dhici doona kan engegan? 32 ¶ Waxaana lala waday laba kale oo xumaanfalayaal ah in lala dilo. 33 ¶ Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda. 34 Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen. 35 Dadkuna way taagnaayeen iyagoo daawanaya. Taliyayaashuna way ku qosleen iyagoo leh, Kuwa kale ayuu badbaadiyey, kanu ha isbadbaadiyo, hadduu yahay Masiixa Ilaah, kan uu doortay. 36 Askartiina waa ku majaajiloodeen, oo intay u yimaadeen, ayay khal siiyeen, 37 oo waxay ku yidhaahdeen, Haddii aad tahay boqorka Yuhuudda, isbadbaadi. 38 Meel ka korraysay isagana waxaa ku qorraa qorniin leh, KANU WAA BOQORKA YUHUUDDA.
  • Yoox 19:17-27 : 17 Wayna kaxeeyeen Ciise. Markaas isagoo sita iskutallaabta ayuu u kacay meeshii Dhakada la yidhaahdo, oo af Cibraaniga lagu odhan jiray Golgota, 18 meeshaasay iskutallaabaha ku qodbeen isaga iyo laba kale, midba gees, Ciisena dhexda. 19 Bilaatosna wax buu qoray oo ku dhejiyey iskutallaabta dusheeda, waxaana ku qorraa, CIISIHII REER NAASARED, BOQORKA YUHUUDDA. 20 Haddaba Yuhuudda badideed ayaa qorniinkaas akhriday, waayo, meeshii Ciise iskutallaabta lagaga qodbay waa u dhowayd magaalada, oo qorniinkii wuxuu ku qorraa af Cibraaniga iyo af Roomaaniga iyo af Gariigga. 21 Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda. 22 Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Waxaan qoray ayaan qoray. 23 ¶ Haddaba askartii markay Ciise iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaateen oo ay afar meelood ka dhigeen, askari waliba meel buu qaatay, khamiiskiina way qaateen. Khamiiskii meella kama tollayn dusha iyo hoosta. 24 Sidaa daraaddeed waxay isku yidhaahdeen, Yeynan kala jeexin, laakiin aan u saami ridanno kii heli doona, inuu noqdo Qorniinka oo leh, Iyagu waxay qaybsadeen dharkaygii. Khamiiskaygiina way u saami riteen. Haddaba waxyaalahaas askartii baa samaysay. 25 ¶ Waxaa Ciise iskutallaabtiisa ag taagnaa hooyadiis, iyo habaryartiis, Maryan afadii Kaloobaas, iyo Maryan tii reer Magdala. 26 Sidaa daraaddeed Ciise markuu arkay hooyadiis iyo kii xerta ahaa oo uu jeclaa oo ag taagan, ayuu hooyadiis ku yidhi, Islaan yahay, waa kaa wiilkaagii. 27 Markaasuu kii xerta ahaana ku yidhi, Waa taa hooyadaa. Oo saacaddaas dabadeed kii xerta ahaa ayaa gurigiisii u kaxeeyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 27:31-35
    5 aayado
    92%

    31Oo goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.

    32¶ Goortay soo baxeen, waxay arkeen nin reer Kuranaya ah oo Simoon la odhan jiray, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.

    33Oo goortay yimaadeen meel Golgota la odhan jiray, tan la yidhaahdo meeshii dhakada,

    34waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, goortuu dhadhamiyeyse wuu diiday inuu cabbo.

    35Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen.

  • 88%

    16¶ Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

    17Wayna kaxeeyeen Ciise. Markaas isagoo sita iskutallaabta ayuu u kacay meeshii Dhakada la yidhaahdo, oo af Cibraaniga lagu odhan jiray Golgota,

    18meeshaasay iskutallaabaha ku qodbeen isaga iyo laba kale, midba gees, Ciisena dhexda.

  • 77%

    33¶ Markay yimaadeen meeshii la yidhaahda dhakada, halkaasay iskutallaabo ku qodbeen isaga iyo xumaanfalayaashii, mid midigta, kan kalena bidixda.

    34Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.

  • 76%

    16¶ Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan.

    17Waxay u geliyeen dhar guduudan, oo taaj ayay qodxan uga texeen, oo madaxiisay saareen.

    18Markaasay salaameen oo waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.

    19Madaxana ayay cawsduur kaga dhufteen, oo wayna ku candhuufeen, oo u jilba joogsadeen, oo u sujuudeen.

    20Goortay ku majaajiloodeen dabadeed ayay dharkii guduudnaa ka qaadeen oo dharkiisii bay u geliyeen, markaasay wadeen in iskutallaabta lagu qodbo.

    21¶ Waxaa ag marayay nin beeraha ka yimid, oo reer Kuranaya ah, oo Simoon la odhan jiray, oo ahaa aabbihii Aleksanderos iyo Rufus, kan ay ku qasbeen inuu iskutallaabtiisa u qaado.

  • 26¶ Kolkay wadeen, waxay qabteen Simoon reer Kuranaya ah isagoo beeraha ka soo socda, waxayna saareen iskutallaabtii inuu Ciise ka daba qaado.

  • 74%

    23Waxay siiyeen inuu cabbo khamri xammeeti lagu daray, laakiin ma uu qaadan.

    24Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami ku riteen mid kasta wuxuu qaadan lahaa.

    25Waxayna ahayd saacaddii saddexaad oo iskutallaabta ay ku qodbeen.

    26Waxaa lagu qoray meel ka korraysa isaga qorniinkii ashtakadiisii oo leh, BOQORKA YUHUUDDA.

    27Markaasaa waxaa iskutallaabo lagula qodbay laba tuug, mid midigtiisa, midna bidixdiisa.

    28Oo waxaa rumoobay Qorniinkii yidhi, Waxaa isaga lagu tiriyey sharcilaawayaasha.

    29Oo kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen, waxay yidhaahdeen, Kaaga macbudka duminayow oo saddex maalmood ku dhisayow,

    30isbadbaadi oo iskutallaabta ka soo deg.

  • 13Iyaguna mar kale ayay ku qayliyeen, Iskutallaabta ku qodob.

  • 20Haddaba Yuhuudda badideed ayaa qorniinkaas akhriday, waayo, meeshii Ciise iskutallaabta lagaga qodbay waa u dhowayd magaalada, oo qorniinkii wuxuu ku qorraa af Cibraaniga iyo af Roomaaniga iyo af Gariigga.

  • 29Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.

  • 39Kuwii ag marayayna waa caayeen, oo intay madaxooda luleen,

  • Mat 27:28-29
    2 aayado
    71%

    28Dharkiisii ayay ka qaadeen oo waxay u geliyeen dhar guduudan.

    29Markaasay taaj qodxan uga taxeen oo madaxiisay saareen, cawsduurna gacantiisa midigtaa ayay u geliyeen, oo intay hortiisa jilba joogsadeen oo ku majaajiloodeen ayay waxay ku yidhaahdeen, Nabad, Boqorka Yuhuuddow.

  • 19Waxayna u dhiibi doonaan dadka aan Yuhuudda ahayn inay ku kajamaan oo karbaashaan oo iskutallaabta ku qodbaan. Maalinta saddexaadna waa la sara kicin doonaa.

  • 70%

    32Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa,

    33wayna karbaashi doonaan oo dili doonaan, maalinta saddexaadna wuu soo sara kici doonaa.

  • 38Meel ka korraysay isagana waxaa ku qorraa qorniin leh, KANU WAA BOQORKA YUHUUDDA.

  • 22Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

  • 32¶ Markaasay yimaadeen meel Getsemane la odhan jiray, wuxuuna xertiisii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan soo tukanayo.

  • 13Haddaba Bilaatos markuu hadalladaas maqlay, ayuu Ciise dibadda u soo saaray, oo wuxuu ku fadhiistay kursiga xukumaadda, meesha la yidhaahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraanigana lagu yidhaahdo Gabbata.

  • 2askartiina taaj ayay qodxan uga taxeen, oo madaxiisay saareen, oo waxay u geliyeen dhar guduudan.

  • 19Kolkaasaa kuwii Yeruusaalem joogay oo dhammu ay wada ogaadeen; sidaas daraaddeed meeshaas waxaa afkooda loogu bixiyey Akeldama, taas oo micneheedu yahay, meeshii dhiigga.

  • 37Waxay meel madaxiisa ka korraysa ku qoreen ashtakadii lagu ashtakeeyey oo leh, KANU WAA CIISE BOQORKA YUHUUDDA.

  • 36¶ Markaasaa Ciise la yimid iyaga meel Getsemane la odhan jiray, oo wuxuu xertii ku yidhi, Halkan fadhiista intii aan halkaas tegayo oo ku soo tukanayo.

  • 21Laakiin way qayliyeen, iyagoo leh, Iskutallaabta ku qodob, iskutallaabta ku qodob.

  • 32Masiixa oo ah Boqorka Israa'iil haddeer iskutallaabta ha ka soo dego si aannu u aragno oo u rumaysanno. Kuwii iskutallaabaha lagula qodbayna ayaa caayay.

  • 29Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.

  • 20iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.

  • 2Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.

  • 29Markaas waxaa meeshaas yiil weel khal ka buuxo. Sidaa daraaddeed geed isbonji la yidhaahdo bay khalkii ka buuxiyeen, markaasay kor saareen geed husob la yidhaahdo oo afkiisa ku dhoweeyeen.

  • 46Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.

  • 36Mid baa orday, oo geed isbonji la yidhaahdo khal uga soo buuxshay, oo intuu cawsduur saaray ayuu siiyey inuu cabbo, wuxuuna yidhi, Daaya aannu aragnee inuu Eliyaas yimaado oo soo dejiyo.