Markos 15:43

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

waxaa yimid Yuusuf kii reer Arimataya oo ahaa taliye murwad leh, oo isna boqortooyadii Ilaah ayuu sugayay. Isagu wuxuu dhiranaan ugu galay Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 2:25 : 25 ¶ Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay.
  • Luuk 2:38 : 38 Saacaddaas qudheeda ayay soo gashay oo Ilaah u mahadnaqday, oo kuwa furashada Yeruusaalem sugayay oo dhan ayay xaggiisa kala hadashay.
  • Luuk 23:51 : 51 (isaguna raalli kama ahayn waanidoodii iyo falniinkoodii), wuxuuna ahaa reer Arimataya oo ahayd magaalo Yuhuudda, kan boqortooyada Ilaah sugayay.
  • Yoox 19:38 : 38 ¶ Waxyaalahaas dabadeed, Yuusuf kii ahaa reer Arimataya, isagoo xer u ah Ciise laakiinse si qarsoon cabsidii uu ka cabsaday Yuhuudda aawadeed, wuxuu Bilaatos ka baryay inuu meydka Ciise qaado. Bilaatosna waa u fasaxay. Sidaa daraaddeed wuu yimid oo meydkiisii qaaday.
  • Fal 4:8-9 : 8 Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow, 9 haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey, 10 dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay. 11 Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka. 12 Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno. 13 ¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.
  • Fal 13:50 : 50 Laakiin Yuhuuddu waxay soo kiciyeen dumarkii cibaadada iyo sharafta lahaa iyo raggii madaxda magaalada ahaa, silec bayna Bawlos iyo Barnabas ku kiciyeen, oo soohdintoodii bay ka eryeen iyagii.
  • Fal 17:12 : 12 Sidaas darteed kuwa badan oo iyaga ka mid ah baa rumaystay iyo dumar Gariig ah oo sharaf leh iyo niman aan fara yarayn.
  • Fil 1:14 : 14 Oo weliba walaalaha xagga Rabbiga badidood, iyagoo xidhnaantayda ku kalsoon, ayay aad iyo aad ugu dhiirran yihiin inay ereyga Ilaah cabsila'aan ku hadlaan.
  • Mat 19:30 : 30 Kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.
  • Mat 20:16 : 16 Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.
  • Mat 27:57 : 57 ¶ Goortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xertiisa ahaa.
  • Mark 10:23-27 : 23 ¶ Ciise ishuu wada mariyey oo xertiisuu ku yidhi, Kuwa hodanka ah waa ku adag tahay inay boqortooyada Ilaah galaan! 24 Xertiisii hadalladiisii bay ka yaabeen. Laakiin Ciise mar kaluu u jawaabay oo ku yidhi, Ilma yahow, siday ugu adag tahay kuwa maalka isku halleeya inay boqortooyada Ilaah galaan! 25 Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso. 26 Aad bay u yaabeen, waxayna isku lahaayeen, Haddaba yaa badbaadi kara? 27 Markaasaa Ciise eegay oo ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, waxbase uma aha Ilaah, waayo, wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.
  • Mark 14:54 : 54 Butros baa meel fog ka soo daba socday, oo wuxuu galay barxadda wadaadkii sare oo la fadhiistay askartii, dabkana ayuu kulaalay.
  • Mark 14:66-72 : 66 ¶ Butros intuu hoosta joogay xaggii barxadda, waxaa u timid mid ka mid ah hablihii wadaadkii sare u shaqaynayay, 67 oo markay aragtay Butros oo dabka kulaalaya, ayay dayday oo tidhi, Adiguna waxaad la jirtay Ciisihii reer Naasared. 68 Laakiin wuu dafiray oo wuxuu ku yidhi, Anigu ma aqaan, garanba maayo waxaad leedahay. Markaasuu albaabka agtiisa tegey, diiqiina waa ciyey. 69 Gabadhii baa aragtay oo bilowday haddana inay kuwii ag taagnaa ku tidhaahdo, Kanu waa midkood. 70 Laakiin mar kale ayuu dafiray. Waxoogaa yar dabadeed kuwii ag taagnaa ayaa mar kale Butros ku yidhi, Run weeye, adiguna midkood baad tahay, waayo, waxaad tahay reer Galili, afkaaguna waa la mid afkooda. 71 Laakiin wuxuu bilaabay inuu habaaro oo dhaarto isagoo leh, Anigu garan maayo ninkaas aad ka hadlaysaan. 72 Kolkii labaad ayaa diiqii ciyey; oo Butros wuxuu xusuustay hadalkii Ciise ku hadlay, Diiqu intaanu laba goor ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa, oo intuu ka fikirayay ayuu ooyay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    38¶ Waxyaalahaas dabadeed, Yuusuf kii ahaa reer Arimataya, isagoo xer u ah Ciise laakiinse si qarsoon cabsidii uu ka cabsaday Yuhuudda aawadeed, wuxuu Bilaatos ka baryay inuu meydka Ciise qaado. Bilaatosna waa u fasaxay. Sidaa daraaddeed wuu yimid oo meydkiisii qaaday.

    39Oo waxaa kaloo yimid Nikodemos kii markii hore habeennimada u yimid, wuxuuna keenay malmal iyo cuud isku qasan oo qiyaastii boqol rodol ah.

    40Haddaba waxay qaadeen meydkii Ciise oo ku duudduubeen maryo iyo dhir udgoon siday caadada aasniinta Yuhuuddu ahayd.

    41Meeshii isaga iskutallaabta lagu qodbay waxaa ku tiil beer, beerta dhexdeedana waxaa ku tiil xabaal cusub oo aan ninna weli la dhigin.

    42Haddaba Maalintii Diyaargarayska oo Yuhuudda aawadeed ayay meeshaas Ciise u dhigeen, waayo, xabaashii waa dhowayd.

  • 84%

    50¶ Oo bal eeg, waxaa jiray nin Yuusuf la odhan jiray oo taliye ahaa, wuxuuna ahaa nin wanaagsan oo xaq ah,

    51(isaguna raalli kama ahayn waanidoodii iyo falniinkoodii), wuxuuna ahaa reer Arimataya oo ahayd magaalo Yuhuudda, kan boqortooyada Ilaah sugayay.

    52Kanu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii.

    53Markaasuu soo dejiyey oo kafan ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, meel aan weligeed ninna la dhigin.

    54Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, sabtidiina waa soo dhowaanaysay.

    55Dumarkii kala yimid Galili ayaa daba socday oo arkay xabaashii iyo sida meydkiisii loo dhigay.

  • Mat 27:57-60
    4 aayado
    83%

    57¶ Goortay casarkii ahayd waxaa yimid nin reer Arimataya oo hodan ah oo Yuusuf la odhan jiray, oo isaguna Ciise xertiisa ahaa.

    58Kaasu wuxuu u tegey Bilaatos oo ka baryay Ciise meydkiisii. Markaasaa Bilaatos amray in loo dhiibo.

    59Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay,

    60oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.

  • 82%

    44Bilaatos waa yaabay inuu hadda dhintay. Markaasuu wuxuu u yeedhay boqol-u-taliyihii oo weyddiiyey, Durba miyuu dhintay?

    45Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey.

    46Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.

    47Maryan tii reer Magdala iyo Maryan oo ahayd hooyadii Yoosee waxay arkeen meeshii la dhigay.

  • 42¶ Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, taas oo ah maalinta sabtida ka horraysa, oo markii makhribkii la gaadhay,

  • Mat 27:62-64
    3 aayado
    73%

    62¶ Maalintii dambe oo ku xigtay Maalintii Diyaargarayska, wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay u wada yimaadeen Bilaatos,

    63oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, waxaannu xusuusan nahay in khaa'inkaasu yidhi, intuu weli noolaa, Saddex maalmood dabadeed waan soo sara kacayaa.

    64Haddaba amar in xabaashii aad loo dhawro ilaa maalinta saddexaad inaan xertiisu iman oo xadin oo aanay dadka ku odhan, Kuwii dhintay wuu ka soo sara kacay, oo aanay khiyaanada dambe ka sii xumaan tii hore.

  • Mark 15:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.

    2Bilaatos wuxuu weyddiiyey, Ma Boqorka Yuhuudda baad tahay? Wuu u jawaabay oo ku yidhi, Waad tidhi.

  • 12Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.

  • 31¶ Sidaa daraaddeed Yuhuuddii, inaan meydadku sabtida iskutallaabaha sii saarnaan, waxay Bilaatos ka baryeen in lugaha laga jebiyo oo meydadka la qaado, waayo, waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, oo maalinta sabtidaas waxay ahayd maalin weyn.

  • Fal 13:28-29
    2 aayado
    69%

    28Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.

    29Oo markay dhammeeyeen waxyaalihii laga qoray oo dhan, ayay geedkii ka soo dejiyeen oo xabaal geliyeen.

  • Mat 28:12-14
    3 aayado
    68%

    12Iyaguna goortay waayeelladii la shireen oo ay wada hadleen, ayay askartii lacag badan siiyeen,

    13oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad tidhaahdaan, Xertiisii ayaa habeennimo timid oo xadday isaga intii aannu hurudnay.

    14Oo haddii taliyihii waxan maqlo, waannu rumaysiinaynaa oo waannu idiin welwel tiraynaa.

  • 68%

    13Haddaba Bilaatos markuu hadalladaas maqlay, ayuu Ciise dibadda u soo saaray, oo wuxuu ku fadhiistay kursiga xukumaadda, meesha la yidhaahdo Sallaxa Dhagaxa ah oo af Cibraanigana lagu yidhaahdo Gabbata.

    14¶ Haddaba waxay ahayd Maalintii Diyaargarayskii Kormaridda, abbaaraha saacaddii lixaad. Oo wuxuu Yuhuudda ku yidhi, Bal eega boqorkiinna.

  • 1¶ Goortii aroortii la gaadhay wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan.

  • 34Markaasuu yidhi, Xaggee baad dhigteen? Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, kaalay oo arag.

  • 29Tan goortii xertiisii maqashay, ayay yimaadeen oo meydkiisii qaadeen oo aaseen.

  • 47Boqol-u-taliyihii goortuu arkay wixii dhacay, ayuu Ilaah ammaanay oo yidhi, Hubaal ninkanu xaq buu ahaa.

  • 3Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya?

  • 1¶ Laba maalmood dabadeed waxaa jiray Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn. Wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay doonayeen si ay khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.

  • 17¶ Haddaba markuu Ciise yimid wuxuu ogaaday inuu afar maalmood xabaasha ku jiray.

  • 33¶ Bilaatos haddaba guriga taliyaha ayuu mar kale galay oo Ciise u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Adigu ma waxaad tahay Boqorka Yuhuudda?

  • 39Kolkaasaa boqol-u-taliyihii oo meel ku toosan taagnaa markuu arkay inuu sidaas ruuxiisii u baxshay, wuxuu yidhi, Runtii, ninkanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.

  • 9Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda?

  • 57Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.

  • 5Ciise haddaba ayaa dibadda u soo baxay isagoo sita taajkii qodxanta ahaa iyo dharkii guduudnaa, oo Bilaatos ayaa ku yidhi iyaga, Bal eega ninka.

  • 16¶ Markaasaa askartii isaga geeyeen barxaddii dhexdeeda, taasoo la odhan jiray Baraytoriyon, waxayna isugu yeedheen askartii oo dhan.

  • 21Sidaa daraaddeed wadaaddadii sare oo Yuhuudda waxay Bilaatos ku yidhaahdeen, Ha qorin, Boqorka Yuhuudda, laakiin qor, Kanaa yidhi, Waxaan ahay Boqorka Yuhuudda.

  • 20¶ Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo.

  • 17Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo?