Markos 2:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa wuxuu ku yidhi iyaga, Sabtida waxaa loo sameeyey dadka aawadiis ee dadka looma samayn sabtida aawadeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Kol 2:16 : 16 ¶ Haddaba ninna yuusan idinku xukumin wax ku saabsan cunto ama cabbid ama maalin iid ah ama bil dhalatay ama maalmaha sabtida,
  • Sharc 5:14 : 14 laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama dibigaaga, ama dameerkaaga, ama mid kasta oo xoolahaaga ah, ama qariibka irdahaaga ku jira, si addoonkaaga iyo addoontaaduba ay u nastaan sidaada oo kale.
  • Bax 23:12 : 12 Lix maalmood waa inaad shuqulkaaga qabsataa, oo maalinta toddobaadna waa inaad nasataa, si ay dibigaaga iyo dameerkaaguna u nastaan, oo ay wiilka addoontaada iyo kan qariibka ahuba nafis u helaan.
  • Luuk 6:9 : 9 Ciise wuxuu ku yidhi, Wax baan idin weyddiinayaa, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar, in naf la badbaadiyo ama in la dilo?
  • Yoox 7:23 : 23 Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey?
  • Nex 9:13-14 : 13 Waxaad weliba ku soo kor degtay Buur Siinay, oo iyagaad kala hadashay xagga samada, oo waxaad siisay xukummo qumman, iyo sharciyaal xaq ah, iyo qaynuunno wanwanaagsan, iyo amarro, 14 oo waxaad ogeysiisay Sabtidaada quduuska ah, oo ku amartay amarro, iyo qaynuunno, iyo sharci aad ugu soo dhiibtay addoonkaagii Muuse.
  • Ish 58:13 : 13 Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn,
  • Yex 20:12 : 12 Oo weliba waxaan siiyey sabtiyadayda inay ahaadaan calaamad aniga iyo iyaga noo dhexaysa, si ay u ogaadaan inaan anigu ahay Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.
  • Yex 20:20 : 20 oo sabtiyadayda quduus ka dhiga, oo iyana waxay ahaan doonaan calaamad aniga iyo idinka inoo dhexaysa, si aad u ogaataan inaan anigu ahay Rabbiga Ilaahiinna ah.
  • 1 Kor 3:21-22 : 21 Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh, 22 ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh.
  • 2 Kor 4:15 : 15 Waayo, wax waliba waa aawadiin, in nimcada kuwa badan ku badanu ay mahad u badiso xagga ammaanta Ilaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 28Sidaa darteed Wiilka Aadanahu waa sayidka sabtida.

  • Luuk 6:1-7
    7 aayado
    81%

    1¶ Maalin sabti ah waxaa dhacay inuu beeraha dhex marayay, xertiisuna waxay jarteen sabuulladii, oo intay gacmahooda ku xoqeen ayay cuneen.

    2Laakiin Farrisiintii qaarkood waxay ku yidhaahdeen, Maxaad u samaynaysaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo?

    3Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,

    4siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u qaaday kibistii tusniinta oo u cunay oo u siiyey kuwii la jiray, tan aan xalaal u ahayn in la cuno wadaaddada maahee?

    5Markaasuu iyagii ku yidhi, Wiilka Aadanahu waa sayidka sabtida.

    6¶ Waxaa sabti kale dhacay inuu sunagogga galay oo wax ku baray; halkaasna waxaa joogay nin gacantiisa midigeed engegnayd.

    7Culimmadii iyo Farrisiintii ayaa fiirinayay inuu sabtida wax bogsiinayo iyo in kale, si ay ugu helaan wax ay ku ashtakeeyaan.

  • Mat 12:7-12
    6 aayado
    81%

    7Haddaad aqoon lahaydeen hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, kuwa aan eed lahayn ma aad xukunteen.

    8Waayo, Wiilka Aadanahu waa sayidkii sabtida.

    9¶ Markaasuu halkaas ka tegey oo wuxuu galay sunagoggooda.

    10Oo waxaa joogay nin gacan engegan. Goortaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo? si ay ugu ashtakeeyaan.

    11Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ninkiinnee baa lax leh oo hadday sabtida god ku dhacdo, aan soo qabanaynin oo aan soo bixinaynin?

    12Haddaba nin intee buu ka qiima badan yahay lax! Sidaa darteed waa xalaal in sabtida wanaag la sameeyo.

  • Mark 2:23-26
    4 aayado
    75%

    23¶ Waxaa dhacay inuu sabtidii beeraha dhex marayay, oo xertiisii intay soconayeen ayay bilaabeen inay sabuullada jartaan.

    24Markaasaa Farrisiintii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, maxay sabtida u samaynayaan wixii aan xalaal ahayn?

    25Wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan weligiin akhriyin wixii Daa'uud sameeyey markuu wax u baahnaa oo uu gaajaysnaa, isaga iyo kuwii la jiray?

    26Siduu guriga Ilaah u galay waagii wadaadkii sare ee Aabyaataar, oo uu u cunay kibistii tusniinta oo aan xalaal uu ahayn dad kale wadaaddada maahee, oo uu siiyey kuwii la jirayna.

  • Mat 12:1-5
    5 aayado
    72%

    1¶ Wakhtigaas Ciise wuxuu sabtidii dhex maray beeraha, xertiisuna waa gaajaysnayd, oo waxay bilaabeen inay sabuulladii jartaan oo cunaan.

    2Laakiin Farrisiintii goortay arkeen, waxay isaga ku yidhaahdeen, Eeg, xertaadu waxay samaynayaan wixii aan xalaal ahayn in sabtida la sameeyo.

    3Laakiin wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,

    4siduu gurigii Ilaah u galay oo uu u cunay kibistii tusniinta, tan aan xalaal u ahayn inuu cuno ama in kuwii la jiray cunaan, wadaaddada keliya maahee?

    5Ama miyaydnaan sharciga ka akhriyin in wadaaddadii macbudka ku jira sabtida, ay sabtida ka dhigaan wax aan quduus ahayn oo ay ka eed la' yihiin?

  • 9Ciise wuxuu ku yidhi, Wax baan idin weyddiinayaa, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar, in naf la badbaadiyo ama in la dilo?

  • 3Markaasaa Ciise u jawaabay oo kuwii sharciga yiqiin iyo Farrisiintii ku yidhi, isagoo leh, Ma xalaal baa in sabtida wax la bogsiiyo, mise maya?

  • Yoox 5:9-10
    2 aayado
    72%

    9Markiiba ninkii waa bogsaday, wuuna qaatay sariirtiisii oo socday. Maalintaas waxay ahayd sabtidii.

    10¶ Sidaas daraaddeed Yuhuuddu waxay kii la bogsiiyey ku yidhaahdeen, Waa sabti, oo xalaal kuuma aha inaad sariirtaada qaadatid.

  • 4Oo wuxuu iyaga ku yidhi, Sabtida ma xalaal baa in wanaag la falo ama shar; in naf la badbaadiyo ama la dilo? Laakiin way iska aamuseen.

  • 71%

    14Kii sunagogga u sarreeyey ayaa cadho ku jawaabay, waayo, Ciise maalintii sabtida ahayd ayuu wax bogsiiyey, wuxuuna dadkii badnaa ku yidhi, Waxaa jira lix maalmood oo dadkii leeyihiin inay shaqeeyaan. Maalmahaas haddaba kaalaya, ha laydin bogsiiye, ee ha imanina maalinta sabtida ah.

    15Laakiin Sayidka ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Labawejiilayaal yahow, mid kasta oo idinka mid ah miyaanu sabtida dibigiisa ama dameerkiisa ka soo furin golaha oo u wadin inuu soo waraabiyo?

    16Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas?

  • Yoox 7:22-23
    2 aayado
    71%

    22Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan.

    23Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey?

  • Bax 20:10-11
    2 aayado
    71%

    10laakiinse maalinta toddobaad waa maalin sabti u ah Rabbiga Ilaahaaga ah, oo waa inaanad shuqul qaban, adiga, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama addoonkaaga, ama addoontaada, ama xoolahaaga, ama qariibka irdahaaga ku jira;

    11waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa dhexdooda ku jira oo dhan, kolkaasuu nastay maalintii toddobaad, sidaas daraaddeed ayaa Rabbigu u barakeeyey maalintii sabtida ahayd oo quduus uga dhigay.

  • 5Wuxuu iyaga ku yidhi, Kiinnee baa leh dameer ama dibi ceel ku dhacay oo aan maalin sabti ah dhaqso uga soo bixinaynin?

  • 10¶ Maalin sabti ah sunagogyada midkood ayuu wax ku barayay.

  • 29Bal eega, Rabbigu wuxuu idin siiyey sabtida, oo sidaas daraaddeed buu isagu maalintii lixaad idiin siiyey kibis laba maalmood idinku filan; haddaba nin kasta oo idinka mid ahu meeshiisa ha joogo, oo maalinta toddobaad ninna yuusan meeshiisa ka bixin.

  • 2Markaasay fiirinayeen inuu sabtida bogsiinayo iyo in kale, si ay u ashtakeeyaan.

  • 18Sidaa aawadeed ayaa Yuhuuddu aad u sii dooneen inay dilaan, sababtu ma ahayn sabtidii uu jebiyey keliya, laakiin waxay ahayd inuu Ilaah ugu yeedhay Aabbihiis, iyo inuu isagu Ilaah iskala mid dhigay.

  • 17Waa calaamo weligeed ina dhex taal aniga iyo reer binu Israa'iil; waayo, Rabbigu lix maalmood buu ku sameeyey samada iyo dhulka, oo maalintii toddobaadna wuu nastay, wuuna qabowsaday.

  • 14Waxayna ahayd sabti maalintii Ciise dhoobada sameeyey oo indhihiisii furay.

  • Bil 2:2-3
    2 aayado
    68%

    2Maalintii toddobaadna Ilaah wuu dhammeeyey shuqulkiisii uu sameeyey; oo maalintii toddobaad ayuu ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey oo dhanba.

    3Oo Ilaah wuu barakeeyey maalintii toddobaad, quduusna wuu ka dhigay; maxaa yeelay, maalintaas ayaa Ilaah ka nastay shuqulkiisii uu sameeyey ee ahaa abuuridda oo dhan.

  • 1¶ Maalin sabti ah markuu galay mid ka mid ah kuwa Farrisiinta u sarreeya gurigiisa inuu kibis cuno, waxaa dhacay inay fiirinayeen.

  • 4Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig,

  • 8¶ Xusuuso maalinta sabtida, inaad quduus ka dhigto.

  • 13Haddaad sabtida cagtaada ula hadhid si aadan maalintayda quduuska ah damacaaga u samayn, aadse sabtida ugu yeedhid farxad, iyo tan quduuska ah ee Rabbiga, oo sharafta badan, iyo haddaad sabtida sharaftid, adigoo aan siyaalahaaga samaynayn, ama aan damacaaga daba galayn, ama aan hadalkaaga ku hadlayn,

  • 2Waxaa barakaysan ninkii waxan sameeya iyo binu-aadmigii waxan xajiya, oo sabtida dhawra si uusan u nijaasayn, oo gacantiisana dhawra si ayan innaba wax shar ah u samayn.

  • 16Sidaa aawadeed Yuhuuddu Ciise way silciyeen, maxaa yeelay, wuxuu waxyaalahaas sameeyey sabtidii.