Markos 4:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yac 1:11 : 11 Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.
  • Yuud 1:12 : 12 Kuwanu waa dhagaxyo qarsoon oo ku dhex jira cashooyinkiinna jacaylka markay idinla faysteeyaan iyagoo aan cabsanaynin; waxayna yihiin adhijirro naftooda jira, iyo daruuro aan biyo lahayn oo dabaylo kaxeeyaan, iyo geedo jiilaal oo aan midho lahayn, oo laba goor dhintay, oo la rujiyey;
  • Muj 7:16 : 16 Oo iyana mar dambe ma ay gaajoon doonaan, mana ay harraadi doonaan mar dambe, qorraxda iyo kulaylkuna kuma ay dhici doonaan;
  • Sab 1:3-4 : 3 Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa. 4 Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha, Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
  • Sab 92:13-15 : 13 Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga. 14 Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan, 15 Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto.
  • Hees 1:6 : 6 Ha ii soo dhuganina madowgayga qorraxdu i gubtay aawadiis. Wiilashii hooyaday ayaa ii cadhooday, Oo waxay iga dhigeen ilaaliyihii beeraha canabka ah, Laakiinse beertayda canabka ah ma aan dhawrayn.
  • Ish 25:4 : 4 Waayo, waxaad miskiinka u ahayd xoog, oo saboolka baahanna markuu dhibaataysnaa xoog baad u ahayd, waxaadna ahayd meel duufaanka laga dugsado oo kulaylkana laga hadhsado markii kuwa laga cabsado neeftoodu ay ahayd sida duufaan derbi ku dhacaya.
  • Yer 17:5-8 : 5 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Ninkii nin isku halleeya oo binu-aadmiga gacan ka dhigta, oo qalbigiisu Rabbiga ka tegey, waa inkaaran yahay. 6 Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed xun oo lamadegaanka ku yaal, oo mana uu arki doono markii wanaag imanayo, laakiinse wuxuu joogi doonaa meelo engegan oo cidlada dhexdeeda ah, oo ah dal cusba ah oo aan ciduna degganayn. 7 Waxaa barakaysan ninkii Rabbiga isku halleeya, oo rajadiisuna ay Rabbiga tahay. 8 Waayo, wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray biyaha dhinacooda oo xididdihiisa u fidsaday webiga dhiniciisa, oo kulaylku markuu yimaado kama cabsan doono, laakiinse caleentiisu cagaar bay iska ahaan doontaa, oo sannadda abaarta ah innaba ma uu welweli doono, mana uu joojin doono midhobixintiisa.
  • Yoon 4:8 : 8 Oo kolkii qorraxdii soo baxday ayaa Ilaah diyaariyey dabayl kulul oo bari ka timid; qorraxdiina Yoonis ayay madaxa kaga dhegtay ilaa uu itaal darnaaday, oo isna wuxuu ku baryootamay inuu dhinto, oo wuxuu yidhi, Intii aan noolaan lahaa waxaa iiga roon inaan dhinto.
  • Ef 3:17 : 17 iyo in Masiixu qalbiyadiinna degganaado xagga rumaysadka,
  • Kol 2:7 : 7 idinkoo isaga xidid ku yeeshay oo ku dhismay, oo rumaysadkiinna ku adkaaday, taas oo ah sidii laydiin baray, oo aad u mahadnaqa.
  • 2 Tes 2:10 : 10 iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 13:4-8
    5 aayado
    95%

    4oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay. Kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.

    5Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,

    6laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.

    7Qaar kalena waxay ku dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay.

    8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

  • Mark 4:7-8
    2 aayado
    89%

    7Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay, oo midho ma ay dhalin.

    8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen, oo intay baxeen ayay koreen oo midho dhaleen. Mid wuxuu dhalay soddon, midna lixdan, midna boqol.

  • Luuk 8:5-7
    3 aayado
    87%

    5Beerrey baa baxay inuu abuurkiisa beero, oo intuu beerayay, qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, oo waa lagu tuntay, oo shimbirrihii cirka ayaa cunay.

    6Qaar kalena waxay ku dhaceen dhagax; kol alla kolkii ay soo baxeen way engegeen, waayo, qoyaan ma lahayn.

    7Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa la soo baxday oo ceejisay.

  • Mark 4:3-5
    3 aayado
    86%

    3Dhegaysta, waxaa baxay beerrey inuu wax beero.

    4Intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.

    5Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,

  • Mark 4:14-20
    7 aayado
    83%

    14Beerreygu wuxuu beeraa hadalka.

    15Waa kuwan kuwii jidka yiil meeshii hadalka lagu beeray, oo goortay maqlaan, Shayddaan baa kolkiiba yimaada oo ka qaada hadalkii lagu beeray iyaga.

    16Si la mid ahna kuwan waa kuwii dhul dhagax ah lagu beeray, kuwii goortay hadalkii maqlaanba kolkiiba farxad bay ku qaataan;

    17xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar bay sii jiraan, markii dambe goortii dhib ama silac u dhoco hadalka aawadiis, markiiba way ka xumaadaan.

    18Kuwanna waa kuwii qodxanta lagu dhex beeray, kuwa hadalka maqla,

    19laakiin kawelwelidda dunidan, iyo sasabidda maalka, iyo damacyada wax kale ayaa gala oo hadalkii ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan.

    20Kuwanna waa kuwii dhulka wanaagsan lagu beeray, kuwa hadalka maqla, oo aqbala, oo midho soo dhala, mid soddon, midna lixdan, midna boqol.

  • Mat 13:19-23
    5 aayado
    78%

    19Mid kasta oo hadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kan sharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray.

    20Oo kii meelaha dhagaxa ah lagu beeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata.

    21Xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar buu sii jiraa, oo goortii dhib ama silec ugu dhaco erayga aawadiis, markiiba waa ka xumaadaa.

    22Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalka maqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaa hadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan.

    23Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

  • Luuk 8:11-15
    5 aayado
    78%

    11Masaalku waa kan: Abuurku waa ereygii Ilaah.

    12Kuwii jidka yiil waa kuwa maqla, markaasaa Ibliisku yimaadaa, oo hadalka ayuu qalbigooda ka qaadaa, si aanay u rumaysan oo aanay u badbaadin.

    13Kuwii dhagaxa yiilna waa kuwa goortay maqlaan, hadalka farxad ku qaata, kuwanna xidid ma leh; laakiin wakhti yar ayay rumaystaan, wakhtiga duufsashadana way iska noqdaan.

    14Kuwii qodxanta ku dhex dhacayna waa kuwan maqla oo intay socdaan waxaa ceejiya welwelidda iyo hodantinimada iyo farxadda ifkan, midho bisilna ma dhalaan.

    15Kuwa dhulka wanaagsanna waxay yihiin kuwa, intay maqlaan, qalbi wanaagsan oo fiican hadalka ku haysta, oo dulqaadasho ayay midho ku dhalaan.

  • 20¶ Subaxdii goortay ag marayeen, waxay arkeen geedkii berdaha ahaa oo xididdada ka engegay.

  • Mark 4:31-32
    2 aayado
    74%

    31Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan.

    32Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan, oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbirraha cirku hooskeeda ugu degaan.

  • 11Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.

  • 26Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay.

  • 8laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugudambaystiisana waa in la gubaa.

  • 10In kastoo la beeray miyuu liibaani doonaa? Oo miyuusan kulligiis engegi doonin markii dabaysha bari ay taabato? Meeshii lagu beeray wuu ka engegi doonaa.

  • 6Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan, Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.

  • Mark 4:26-29
    4 aayado
    72%

    26¶ Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha.

    27Isagu waa hurdaa, waana kacaa maalin iyo habeenba, oo abuurku waa baxaa oo weynaadaa, laakiin si ay tahay isagu garan maayo.

    28Dhulka keligiis ayaa midhaha bixiya, horta jirridda, dabadeed sabuulka, dabadeedna sabuulka midho ka buuxsama.

    29Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa, waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid.

  • 12Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan.

  • 19Oo wuxuu arkay geed berde ah oo jidka ku ag yaal, kolkaasuu u yimid, waxbana kama uu helin, caleemo keliya maahee. Oo wuxuu ku yidhi, Hadda dabadeed weligaa midho yaanay kaa bixin, oo kolkiiba geedkii berdaha ahaa waa engegay.

  • 17Markay qorraxoodaan way libdhaan, Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba'aan.

  • 17Abuurkii la beeray wuxuu ku qalalay ciidda hoosteeda, oo maqsinnadiina way baabbe'een, oo bakhaarradiina waa la dumiyey, maxaa yeelay, hadhuudhkii baa qalalay.

  • 4Dhulkii wuu dildillaacay, waayo, roob kuma di'in, oo taas darteed raggii beerta qodan jiray ayaa ceebooba, oo madaxay hagoogtaan.

  • 11Maalintii aad beerto ayaad xeraysaa, subaxdiina waxaad ubax ka keentaa abuurkaaga, laakiinse beergoosadku wuxuu carari doonaa maalin murug iyo caloolxumo badan.

  • 13Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Geed walba oo aan Aabbahayga jannada ku jiraa abuurin waa la rujin doonaa.

  • 12Laakiinse iyadii cadhaa lagu rujiyey, oo dhulkaa lagu soo xooray, oo dabayshii bari ayaa midheheedii qallajisay, laameheedii adadkaana way jajabeen oo engegeen, oo dab baa iyagii baabbi'iyey.