Markos 4:8

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen, oo intay baxeen ayay koreen oo midho dhaleen. Mid wuxuu dhalay soddon, midna lixdan, midna boqol.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 15:5 : 5 Anaa ah geedka canabka ah, idinna waxaad tihiin laamihii. Kii igu jira oo anna aan ku jiro, kaasaa midho badan dhala, maxaa yeelay, la'aantay waxba ma samayn kartaan.
  • Kol 1:6 : 6 Kaasu waa idiin yimid, xataa siduu ugu yimid dunida oo dhan isagoo midho dhalaya oo kordhaya, sida uu idinkana midho idiinku dhalayo oo idiinku kordhayo, tan iyo maalintii aad maqasheen oo aad ogaateen nimcada Ilaah oo runta ku jirta.
  • Bil 26:12 : 12 Isxaaqna dhulkaasuu wax ku beertay, isla sannaddiina wuxuu helay boqol laab; Rabbiguna wuu barakeeyey isagii.
  • Mark 4:20 : 20 Kuwanna waa kuwii dhulka wanaagsan lagu beeray, kuwa hadalka maqla, oo aqbala, oo midho soo dhala, mid soddon, midna lixdan, midna boqol.
  • Yer 23:29 : 29 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaan eraygaygu ahayn sida dab oo kale, iyo sida dubbe dhagaxa kala burburiya oo kale?
  • Mat 13:8 : 8 Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.
  • Fal 17:11 : 11 Haddaba kuwaasu waa ka sharaf badnaayeen kuwii Tesaloniika joogay, maxaa yeelay, ereygay aqbaleen iyagoo xiiso weyn u qaba oo maalin kasta baadhaya Qorniinka inay hubsadaan waxyaalahaasi inay sidaas yihiin iyo in kale.
  • 1 But 2:1-3 : 1 ¶ Haddaba sidaas daraaddeed iska wada fogeeya xumaan oo dhan, iyo khiyaano oo dhan, iyo labawejiilenimo, iyo hinaaso, iyo cay oo dhan, 2 oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada, 3 haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay,
  • Fil 1:11 : 11 idinkoo ay midhaha xaqnimadu idinka buuxaan, kuwaas oo Ciise Masiix ku yimaada, oo Ilaah u ah ammaan iyo mahad.
  • Cib 4:1-2 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay. 2 Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin.
  • Yac 1:19-22 : 19 ¶ Waad garanaysaan tan, walaalahayga aan jeclahayow. Laakiin nin walba ha u dhaqsado maqlinta, oo ha u gaabiyo hadalka, cadhadana ha u gaabiyo; 20 waayo, dad cadhadiisu ma keento xaqnimada Ilaah. 21 Sidaas daraaddeed iska fogeeya wasakhnimada oo dhan iyo badnaanta xumaanta; oo qabownimo ku qaata hadalka laydinku tallaalay, kan naftiinna badbaadin kara. 22 Noqda kuwa hadalka yeela, oo ha ahaanina kuwa maqla oo keliya oo nafsaddooda khiyaaneeya.
  • Mat 13:23 : 23 Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.
  • Ish 58:1 : 1 ¶ Aad u qayli, oo waxba ha iskula hadhin, codkaagana sida buun oo kale kor u qaad, oo dadkayga xadgudubkooda u sheeg, oo reer Yacquubna dembiyadooda u sheeg.
  • Luuk 8:8 : 8 Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi, ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.
  • Luuk 8:15 : 15 Kuwa dhulka wanaagsanna waxay yihiin kuwa, intay maqlaan, qalbi wanaagsan oo fiican hadalka ku haysta, oo dulqaadasho ayay midho ku dhalaan.
  • Yoox 1:12-13 : 12 Laakiin in alla intii aqbashay, wuxuu siiyey amar ay carruurtii Ilaah ku noqdaan, kuwaasu waa kuwii magiciisa rumaystay, 13 oo aan ka dhalan dhiigga, ama doonistii jidhka, ama dad doonistiis, laakiin waxay ka dhasheen Ilaah.
  • Yoox 3:19-21 : 19 Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen. 20 Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan. 21 Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.
  • Yoox 7:17 : 17 Haddii nin doonayo inuu doonistii Ilaah sameeyo, wuu garan doonaa waxbaridda, inay tahay tii Ilaah amase aan qudhaydu iska hadlayo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 13:3-9
    7 aayado
    96%

    3Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerrey baa baxay inuu wax beero,

    4oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay. Kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.

    5Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,

    6laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.

    7Qaar kalena waxay ku dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay.

    8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

    9Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

  • Mark 4:14-20
    7 aayado
    92%

    14Beerreygu wuxuu beeraa hadalka.

    15Waa kuwan kuwii jidka yiil meeshii hadalka lagu beeray, oo goortay maqlaan, Shayddaan baa kolkiiba yimaada oo ka qaada hadalkii lagu beeray iyaga.

    16Si la mid ahna kuwan waa kuwii dhul dhagax ah lagu beeray, kuwii goortay hadalkii maqlaanba kolkiiba farxad bay ku qaataan;

    17xididse isagu ma leh, laakiin wakhti yar bay sii jiraan, markii dambe goortii dhib ama silac u dhoco hadalka aawadiis, markiiba way ka xumaadaan.

    18Kuwanna waa kuwii qodxanta lagu dhex beeray, kuwa hadalka maqla,

    19laakiin kawelwelidda dunidan, iyo sasabidda maalka, iyo damacyada wax kale ayaa gala oo hadalkii ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan.

    20Kuwanna waa kuwii dhulka wanaagsan lagu beeray, kuwa hadalka maqla, oo aqbala, oo midho soo dhala, mid soddon, midna lixdan, midna boqol.

  • Luuk 8:4-9
    6 aayado
    89%

    4¶ Goortii dad badan isu soo urureen, iyo kuwa magaalo walba uga yimid, wuxuu ku hadlay masaal.

    5Beerrey baa baxay inuu abuurkiisa beero, oo intuu beerayay, qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, oo waa lagu tuntay, oo shimbirrihii cirka ayaa cunay.

    6Qaar kalena waxay ku dhaceen dhagax; kol alla kolkii ay soo baxeen way engegeen, waayo, qoyaan ma lahayn.

    7Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa la soo baxday oo ceejisay.

    8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi, ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

    9¶ Markaasaa xertiisii weyddiisay oo ku tidhi, Muxuu yahay masaalkan?

  • Mat 13:22-24
    3 aayado
    87%

    22Kii qodxanta lagu dhex beerayna waa kan hadalka maqla oo kawelwelidda dunidan iyo sasabidda maalka ayaa hadalka ceejiya, oo wuxuu noqdaa midhola'aan.

    23Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

    24¶ Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray.

  • Mark 4:3-7
    5 aayado
    83%

    3Dhegaysta, waxaa baxay beerrey inuu wax beero.

    4Intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.

    5Qaar kalena waxay ku dhaceen dhul dhagax ah oo aan carro badan lahayn; kolkiiba way soo baxeen, waayo, carradu hoos uma dheerayn,

    6laakiin qorraxdu goortay soo baxday way gubteen, waana engegeen, waayo, xidid ma lahayn.

    7Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa soo baxday oo ceejisay, oo midho ma ay dhalin.

  • Luuk 8:13-15
    3 aayado
    80%

    13Kuwii dhagaxa yiilna waa kuwa goortay maqlaan, hadalka farxad ku qaata, kuwanna xidid ma leh; laakiin wakhti yar ayay rumaystaan, wakhtiga duufsashadana way iska noqdaan.

    14Kuwii qodxanta ku dhex dhacayna waa kuwan maqla oo intay socdaan waxaa ceejiya welwelidda iyo hodantinimada iyo farxadda ifkan, midho bisilna ma dhalaan.

    15Kuwa dhulka wanaagsanna waxay yihiin kuwa, intay maqlaan, qalbi wanaagsan oo fiican hadalka ku haysta, oo dulqaadasho ayay midho ku dhalaan.

  • 9Oo wuxuu ku yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

  • Mark 4:26-33
    8 aayado
    76%

    26¶ Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha.

    27Isagu waa hurdaa, waana kacaa maalin iyo habeenba, oo abuurku waa baxaa oo weynaadaa, laakiin si ay tahay isagu garan maayo.

    28Dhulka keligiis ayaa midhaha bixiya, horta jirridda, dabadeed sabuulka, dabadeedna sabuulka midho ka buuxsama.

    29Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa, waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid.

    30¶ Wuxuuna yidhi, Maxaynu boqortooyadii Ilaah la masaysiinnaa, oo masaalkee baynu u ekaysiinnaa?

    31Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan.

    32Laakiin goortii la beero way baxdaa oo ka weynaataa dhalatada oo dhan, oo ay laamo waaweyn bixisaa si ay shimbirraha cirku hooskeeda ugu degaan.

    33¶ Masaallo badan oo tan oo kale ah ayuu ereyga kula hadlay intii ay maqli karayeen.

  • 16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 11Masaalku waa kan: Abuurku waa ereygii Ilaah.

  • Yoox 4:36-37
    2 aayado
    72%

    36Kii gooyaa mushahaaruu helaa, wuxuuna midho u ururiyaa nolosha weligeed ah, inay kii beera iyo kii gooyaaba isla farxaan.

    37Hadalku waa ku run kan, Mid baa beera, mid kalena waa gooyaa.

  • Mat 13:18-20
    3 aayado
    72%

    18¶ Haddaba maqla masaalkii beerreyga.

    19Mid kasta oo hadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kan sharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray.

    20Oo kii meelaha dhagaxa ah lagu beeray waa kan hadalka maqla oo kolkiiba farxad ku qaata.

  • 31¶ Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray.

  • 26Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay.

  • 19¶ Waxay u eg tahay iniin khardal ah, oo nin qaaday oo beertiisii ku riday, oo ay baxday oo geed dheer noqotay, shimbirraha cirkuna laamaheeday ku degeen.