Markos 5:43

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Aad buu ugu adkeeyey inaan ninna ogaan, wuxuuna u sheegay in cunto la siiyo iyada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 8:4 : 4 oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.
  • Mat 9:30 : 30 Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.
  • Mat 12:16-18 : 16 Wuxuuna ku amray inaanay cidna u sheegin, 17 si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh, 18 Eeg midiidinkaygii aan doortay, Kan aan jeclahay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saari doonaa, Wuxuuna quruumaha u sheegi doonaa xukunka.
  • Mat 17:9 : 9 ¶ Markay buurta ka soo degayeen, Ciise ayaa amray oo wuxuu ku yidhi, Ninna ha u sheegina wixii aad aragteen intaanu Wiilka Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.
  • Mark 1:43 : 43 Ciisena aad buu u xukumay, oo markiiba ayuu iska diray,
  • Mark 3:12 : 12 Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.
  • Mark 7:36 : 36 Wuuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen.
  • Luuk 5:14 : 14 Markaasuu ku amray, Ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga mar oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.
  • Luuk 8:56 : 56 Waalidkeedii waa yaabeen, wuxuuse amray inaanay ninna u sheegin waxa dhacay.
  • Luuk 24:30 : 30 Waxaa dhacay kolkuu cunto ula fadhiistay inuu kibista qaaday, oo barakeeyey, oo intuu kala jejebiyey ayuu siiyey.
  • Luuk 24:42-43 : 42 Kolkaasay waxay siiyeen in kalluun duban ah. 43 Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay.
  • Yoox 5:41 : 41 ¶ Anigu dadka ammaan kama qaato.
  • Fal 10:41 : 41 uma muujin dadka oo dhan, laakiin wuxuu u muujiyey markhaatiyaashii Ilaah hore u doortay, xataa annaga oo isaga wax la cunnay oo la cabnay markuu kuwii dhintay ka soo sara kacay dabadeed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 8:53-56
    4 aayado
    83%

    53Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay.

    54Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac.

    55Ruuxeedii ayaa ku soo noqday, oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada.

    56Waalidkeedii waa yaabeen, wuxuuse amray inaanay ninna u sheegin waxa dhacay.

  • Mark 5:39-42
    4 aayado
    81%

    39Goortuu galay wuxuu ku yidhi, Maxaad sidaas ugu buuqaysaan oo u ooyaysaan? Gabadhu ma dhiman, waase huruddaa.

    40Iyaguse aad bay ugu qosleen, laakiin goortuu kulligood dibadda u saaray, wuxuu waday gabadhii aabbeheed iyo hooyadeed iyo kuwii isaga la jiray, wuxuuna galay meeshii gabadhu jiiftay.

    41Kolkaasuu gabadhii gacanteeda qabtay oo ku yidhi, Talita qumi, taasoo micneheedu yahay, Gabadhay, waxaan ku leeyahay, Kac.

    42Kolkiiba gabadhii waa kacday oo socotay; waxay jirtay laba iyo toban sannadood. Dadkuna aad bay ula wada yaabeen.

  • 21¶ Laakiin wuu waaniyey oo wuxuu ku amray inaanay ninna waxaas u sheegin,

  • 12Aad buu u amray inaanay dadka ogeysiinin isaga.

  • 16Wuxuuna ku amray inaanay cidna u sheegin,

  • 30Markaasuu ku amray inayan ninna isaga u sheegin.

  • 30Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.

  • 36Wuuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen.

  • 30¶ Markaasay halkaas ka tageen oo Galili dhex mareen, mana uu doonaynin in la ogaado.

  • Mark 1:43-44
    2 aayado
    72%

    43Ciisena aad buu u xukumay, oo markiiba ayuu iska diray,

    44oo ku yidhi, Ninna waxba ha kala hadlin, laakiin tag oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii uu Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

  • Luuk 8:49-51
    3 aayado
    71%

    49¶ Intuu weli hadlayay, waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin.

    50Laakiin Ciise goortuu maqlay, wuxuu ugu jawaabay, Ha baqin ee iska rumayso, wayna bogsan doontaa.

    51Markuu guriga yimid, ninna uma oggolaanin inuu la galo, Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, iyo gabadha aabbeheed, iyo hooyadeed maahee.

  • Luuk 8:42-43
    2 aayado
    71%

    42Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban sannadood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey.

    43¶ Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa,

  • 25Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu galay oo gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday.

  • Yoox 4:31-33
    3 aayado
    71%

    31Kolkaasay xertiisii baryeen iyagoo leh, Macallimow, wax cun.

    32Laakiin wuxuu iyagii ku yidhi, Anigu waxaan haystaa cunto aan cuno oo aydnaan ogayn.

    33Haddaba xertiisii waxay isku yidhaahdeen, Ma loo keenay wuxuu cuno?

  • 13Wuxuuse ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Annagu wax ka badan shan kibsood iyo laba kalluun ma hayno, inaannu tagno oo dadkan oo dhan cunto u soo iibinno maahee.

  • 9¶ Markay buurta ka soo degayeen, wuxuu ku amray inaanay ninna u sheegin waxay arkeen intaanu Wiilkii Aadanahu kuwii dhintay ka soo sara kicin.

  • 24¶ Meeshaas ayuu ka kacay oo wuxuu tegey soohdimaha Turos iyo Siidoon. Markaasuu guri galay. Ma uu doonaynin in la ogaado, laakiin wuu qarsoomi kari waayay.

  • 20Markaasuu xertii ku amray inaanay cidna u sheegin inuu Masiixa yahay.

  • 14Markaasuu ku amray, Ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga mar oo wadaadka istus. Waxaad daahirsanaantaada u bixisaa wixii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

  • Mark 5:32-33
    2 aayado
    69%

    32Kolkaasuu hareerihiisii ka fiirfiiriyey inuu arko tan waxan samaysay.

    33Naagtiise waa baqday oo gariirtay iyadoo garanaysa wixii loogu sameeyey. Markaasay timid oo hortiisa ku dhacday oo runtii oo dhan u sheegtay.

  • 16Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.

  • 23oo aad buu u baryay oo ku yidhi, Gabadhaydii yarayd waa sakaraad. Waan ku baryayaa, kaalay oo gacmahaaga saar inay bogsato oo noolaato.

  • 18¶ Intuu waxan kula hadlayay, waxaa u yimid taliye oo u sujuuday oo ku yidhi, Gabadhaydu haddeer bay dhimatay, laakiin kaalay oo gacantaada saar oo way noolaanaysaa.

  • 15Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.

  • 13Kolkaasaa Ciise yimid oo qaaday kibistii oo siiyey iyaga, kalluunkiina sidoo kale.

  • 31Markaasuu u soo dhowaaday oo gacanteeda qabtay oo uu kiciyey. Kolkiiba qandhadii waa ka baxday oo ay u adeegtay iyaga.

  • 47Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay.

  • 41Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan?

  • 39oo intuu isa soo dul taagay ayuu qandhadii canaantay, wayna daysay. Kolkiiba way kacday oo u adeegtay iyagii.

  • 23Laakiin hadal uguma uu jawaabin. Markaasaa xertiisii u timid oo ka bariday iyagoo leh, Eri, waayo, way inaga daba qaylinaysaa.

  • 4oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee.

  • 28Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Naagtay, rumaysadkaagu waa weyn yahay ee ha kuu noqoto sidaad doonaysid. Oo saacaddaasba gabadheedii waa bogsatay.

  • 35¶ Goortuu weli hadlayay waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid kuwii yidhi, Gabadhaadii waa dhimatay. Maxaad Macallinka u sii dhibaysaa?

  • 43Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay.

  • 37Kolkaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinku siiya waxay cunaan. Waxay ku yidhaahdeen, Miyaannu tagnaa inaannu soo iibinno laba boqol oo dinaar oo kibis ah oo aannu siinno inay cunaan?

  • 29Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay oo waxay jidhkeedii ka garatay inay cudurkii ka bogsatay.

  • 5Markaasaa Ciise haddaba ku yidhi, Carruur yahay, wax la cuno ma haysaan? Waxay ugu jawaabeen, Maya.