Markos 7:34
Markaasuu cirka kor u eegay, wuuna taahay oo ku yidhi, Efata, waxa weeye, Furan.
Markaasuu cirka kor u eegay, wuuna taahay oo ku yidhi, Efata, waxa weeye, Furan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
35Markiiba dhegihiisa waa furmeen oo carrabkiisii xidhnaa waa debcay, oo si bayaan ah ayuu u hadlay.
36Wuuna ku amray inaanay ninna u sheegin; laakiin in alla intuu amray, ayay in ka badan sii naadiyeen.
37Aad iyo aad bay ula yaabsanaayeen, oo waxay yidhaahdeen, Wax walba si wanaagsan ayuu u sameeyey. Kuwa dhegaha la' wax buu maqashiiyaa, kuwa carrabka la'na wax buu ka hadliyaa.
31¶ Mar kale ayuu soohdimaha Turos ka soo tegey oo Siidoon maray oo badda Galili yimid, soohdimaha Dekabolisna ayuu soo dhex maray.
32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.
33Kolkaasuu dadkii badnaa dhinaca uga bixiyey, oo farihiisa ayuu dhegihiisa ka geliyey, wuuna tufay oo carrabkiisa taabtay.
33Waxay ku yidhaahdeen, Sayidow, in indhuhu noo furmaan ayaannu doonaynaa.
34Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay oo kolkiiba wax bay arkeen, wayna raaceen.
21Wuxuuna ku yidhi, Miyaydnaan weli garanaynin?
22¶ Markaasay yimaadeen Beytsayda. Oo waxay u keeneen nin indha la' oo ay ka baryeen inuu taabto.
23Markaasuu ninkii indhaha la'aa gacanta qabtay, oo tuulada dibadda uga saaray, oo goortuu indhaha kaga tufay oo gacmihiisii saaray, wuxuu weyddiiyey, Wax ma arkaysaa?
24Kor buu u eegay oo yidhi, Waxaan arkayaa niman, oo waxay ii le'eg yihiin sida geedo socda.
25Kolkaasuu mar kale gacmihiisii indhaha ka saaray. Markaasuu aad iyo aad wax u eegay, wuuna bogsaday, oo wax walba bayaan buu u arkay.
5Goortuu iyaga isha mariyey isagoo cadhaysan oo qalbigiisii ka tiiraanyooday qalbi engegnaantooda aawadeed, wuxuu ninkii ku yidhi, Gacanta soo taag. Kolkaasuu soo taagay, oo gacantiisu way bogsatay.
25¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.
26Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.
27Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay.
39Kuwa hor marayay ayaa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.
40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,
41Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Wuxuu ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.
42Markaasaa Ciise ku yidhi, Wax arag; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey.
41Kolkaasaa Ciise u naxariistay, oo intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay oo ku yidhi, Waa doonayaa ee daahirsanow.
15Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.
16Laakiin waxaa barakaysan indhihiinna, waayo, wax bay arkaan, iyo dhegihiinna, waayo, wax bay maqlaan.
10Markaasuu isha wada mariyey, wuxuuna ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Markaasuu yeelay sidaas, gacantiisuna waa bogsatay.
29Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto.
30Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.
14Waxayna ahayd sabti maalintii Ciise dhoobada sameeyey oo indhihiisii furay.
64Kolkiiba afkiisii ayaa furmay, oo carrabkiisiina waa debcay, markaasuu hadlay oo Ilaah ammaanay.
51Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Maxaad doonaysaa inaan kuu sameeyo? Indhoolihii baa ku yidhi, Sayidow, inaan wax arko.
5Oo markaasaa kuwa indhaha la' indhahoodu furmi doonaan, oo kuwa dhegaha la' dhegahooda furka laga bixin doonaa.
27Waayo, dadkan qalbigoodu waa qallafsanaaday, Oo dhib bay dhegahooda wax ugu maqlaan, Indhahoodana way isku qabteen; Si aanay indhaha wax ugu arkin, Oo dhegaha wax ugu maqlin, Oo qalbiga wax ugu garan, Si aanay u soo noqon, Oo aanan u bogsiin.
47Goortuu maqlay inuu yahay Ciisihii reer Naasared, wuxuu bilaabay inuu aad u qayliyo oo yidhaahdo, Ciise, ina Daa'uudow, ii naxariiso.
48Qaar badan baa canaantay si uu u aamuso, laakiin si ka badan ayuu ugu qayliyey, Ina Daa'uudow, ii naxariiso.
49Kolkaasaa Ciise joogsaday oo yidhi, U yeedha. Markaasay ninkii indhaha la'aa u yeedheen oo ku yidhaahdeen, Kalsoonow, kac, waa kuu yeedhayaaye.
10Sidaa daraaddeed waxay ku yidhaahdeen, Haddaba sidee bay indhahaagu u furmeen?
6Markuu sidaas yidhi, ayuu dhulka candhuuf ku tufay, oo candhuuftii dhoobo ka sameeyey, markaasuu dhoobadii wuxuu mariyey ninkii indhihiisii,
7oo ku yidhi, Bax oo ku soo maydho balliga Siloo'am la yidhaahdo (oo fasirkiisii yahay, Waa la diray). Wuu tegey haddaba oo soo maydhay, markaasuu yimid isagoo wax arkaya.
22¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.
16Haddii nin dhego wax lagu maqlo leeyahay ha maqlo.
4Laakiin way aamuseen. Isaguse, intuu ninkii qabtay, ayuu bogsiiyey, markaasuu sii daayay.
21Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan.
51Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Sii daaya. Markaasuu dhegtiisa taabtay oo bogsiiyey.
14¶ Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,
14¶ Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.
13Markaasuu ninkii ku yidhi, Gacantaada soo taag. Wuuna soo taagay, oo way bogsatay sida tan kale.
26Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Muxuu kugu sameeyey? Sidee buu indhahaaga u furay?
3Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday,
20Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya.
31Sidaas daraaddeed baa dadkii yaabay goortay arkeen kuwii carrabka la'aa oo hadlaya iyo kuwii lugaha la'aa oo bogsaday iyo kuwii curyaanka ahaa oo socda iyo kuwii indhaha la'aa oo wax arkaya, waxayna ammaaneen Ilaaha reer binu Israa'iil.