Markos 9:21

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu aabbihiis weyddiiyey, Intee buu waxan qabay? Kolkaasuu yidhi, Tan iyo yaraantiisii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 9:33 : 33 Halkaasna wuxuu ka helay nin la odhan jiray Ayne'as, kaas oo siddeed sannadood sariirtiisa jiifay, maxaa yeelay, curyaan buu ahaa.
  • Fal 14:8 : 8 ¶ Lustara waxaa fadhiyey nin aan cagaha xoog ku lahayn, oo tan iyo markuu uurka hooyadii ka dhashay curyaan ahaa, kaasoo aan weligiis socon.
  • Ayuub 5:7 : 7 Laakiinse binu-aadmigu dhibaato buu u dhashay, Sida dhimbiiluhu kor ugu duulaan.
  • Ayuub 14:1 : 1 Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan.
  • Sab 51:5 : 5 Bal eeg, aniga waxaa laygu qabanqaabiyey xumaan, Oo waxaa hooyaday igu uuraysatay dembi.
  • Mark 5:25 : 25 ¶ Waxaa jirtay naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay.
  • Luuk 8:43 : 43 ¶ Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa,
  • Luuk 13:16 : 16 Oo naagtan oo ina Ibraahim ah oo Shayddaanku siddeed iyo toban sannadood xidhay, miyaanay lahayn in maalinta sabtida ah laga fura xidhmaddaas?
  • Yoox 5:5-6 : 5 Oo waxaa meeshaas joogay nin siddeed iyo soddon sannadood bukay. 6 Markii Ciise arkay isagoo jiifa, oo gartay inuu wakhti dheer bukay, wuxuu ku yidhi, Ma doonaysaa inaad bogsato?
  • Yoox 9:1 : 1 ¶ Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay.
  • Yoox 9:20-21 : 20 Waalidkiis waxay haddaba ugu jawaabeen, Waannu garanaynaa kani inuu wiilkayagii yahay oo uu indhala'aan ku dhashay, 21 laakiin siduu hadda wax ku arko garan mayno, kii indhihiisii furayna garan mayno. Isaga weyddiiya. Waa nin weyn. Waa isu hadli doonaaye.
  • Fal 3:2 : 2 Waxaa la soo qaaday nin curyaannimo uurkii hooyadiis kala soo baxay oo maalin walba la ag dhigi jiray albaabka macbudka oo la odhan jiray Qurux Badane inuu kuwa macbudka gelayay dawarsado.
  • Fal 4:22 : 22 Waayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 9:22-29
    8 aayado
    85%

    22Marar badan wuxuu ku tuuray dab iyo biyo inuu dumiyo, laakiin haddaad wax samayn kartid, noo naxariiso oo na caawi.

    23Ciise wuxuu ku yidhi, Haddaad rumaysan karaysid, wax waluba waa u suurtoobaan ka rumaysan.

    24Kolkiiba wiilka aabbihiis ayaa qayliyey oo oohin ku yidhi, Sayidow, waan rumaysanahay, iga caawi rumaysaddarradayda.

    25¶ Ciise goortuu arkay dadkii oo u soo ordaya, ayuu jinnigii wasakhda lahaa canaantay oo ku yidhi, Jinni yahow carrabka iyo dhegaha la'u, waxaan kugu amrayaa, Ka soo bax oo kol dambena ha ku noqon.

    26Jinnigii intuu qayliyey, aad buu u gilgilay, kolkaasuu ka soo baxay. Markaasuu wiilku noqday sidii mid dhintay oo kale, sidaa darteeda dad badan baa yidhi, Waa dhintay.

    27Laakiin Ciise ayaa gacanta qabtay oo kiciyey; markaasuu kacay.

    28Ciise goortuu guriga galay, xertiisii waxay gooni ahaan u weyddiiyeen, Annagu maxaannu u saari kari waynay?

    29Wuxuu ku yidhi, Caynkanu wax kale kuma soo bixi karo tukasho iyo soon maahee.

  • Mark 9:16-20
    5 aayado
    83%

    16Kolkaasuu weyddiiyey, Maxaad isweyddiinaysaan?

    17Markaasaa dadkii badnaa midkood wuxuu ugu jawaabay, Macallimow, waxaan kuu keenay wiilkayga jinni carrab la' qaba.

    18Meel alla meeshuu ku qabtoba, wuu ridaa; markaasuu afka ka xumbeeyaa, wuuna ilka jirriqsadaa oo qallalaa. Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

    19Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu! Ilaa goormaan idinla jiri doonaa? Ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Ii keena isaga.

    20Markaasay u keeneen. Goortuu arkay, kolkiiba jinnigii waa gilgilay; dhulkuuna ku dhacay oo laballegdeeyey isagoo afka ka xumbaynaya.

  • Luuk 9:38-42
    5 aayado
    81%

    38Oo bal eeg, nin dadkii badnaa ka mid ah ayaa qayliyey isagoo leh, Macallimow, waxaan kaa baryayaa inaad wiilkayga eegto, waayo, waa madigayga,

    39oo bal eeg, jinni baa qabsada, oo dhaqsiba wiilkaa qayliya, jinniguna waa gilgilaa, oo wiilku afkuu ka xumbeeyaa; dhib ayaa jinnigu kaga baxaa, isagoo aad u burburinaya.

    40Waxaan xertaada ka baryay inay ka saaraan, wayna kari waayeen.

    41Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilkaaga halkan keen.

    42Intuu weli soo socday, jinnigii ayaa jeexjeexay oo gilgilay. Markaasaa Ciise jinnigii wasakhda lahaa canaantay, wiilkiina ayuu bogsiiyey oo aabbihiis ku celiyey.

  • Mat 17:14-19
    6 aayado
    79%

    14¶ Goortay dadkii badnaa u yimaadeen, ayaa nin u yimid isaga, oo intuu u jilba joogsaday ayuu ku yidhi,

    15Sayidow, wiilkayga u naxariiso, waayo, suuxdin buu qabaa oo aad buu u xanuunsadaa, oo marar badan wuxuu ku dhacaa dabka, marar badanna biyo,

    16oo waxaan u keenay xertaada, wayna bogsiin kari waayeen.

    17Ciise wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni yahow rumaysadka daranu oo madaxa adagu, ilaa goormaan idinla jiri doonaa, oo ilaa goormaan idiin dulqaadan doonaa? Halkan iigu keena isaga.

    18Markaasaa Ciise canaantay, oo jinnigii waa ka baxay, saacaddaasna wiilkii waa bogsaday.

    19Markaas xertii ayaa keli ahaan Ciise ugu timid oo ku tidhi, Annagu maxaannu u saari kari waynay?

  • Mark 1:25-26
    2 aayado
    72%

    25Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax.

    26Goortii jinnigii wasakhda lahaa gilgilay oo cod weyn ku qayliyey, ayuu ka soo baxay.

  • Luuk 8:27-30
    4 aayado
    72%

    27Goortuu dhulka u degay waxaa la kulmay nin magaalada ka yimid oo jinniyo qaba. Wakhti dheer dhar ma sidan jirin, gurina ma joogi jirin, laakiin xabaalaha ayuu dhex joogi jiray.

    28Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin.

    29Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray.

    30Markaasaa Ciise weyddiiyey oo ku yidhi, Magacaa? Oo wuxuu ku yidhi, Liijon; waayo, jinniyo badan ayaa galay.

  • Mark 5:3-5
    3 aayado
    71%

    3Isagu xabaalaha ayuu dhex fadhiyi jiray, oo ninna xataa silsilad kuma xidhi kari jirin.

    4Maxaa yeelay, marar badan bir cagaha iyo silsilado waa lagu xidhi jiray, silsiladihiina ayuu iska gooyn jiray, bir cagahana wuu kala jejebin jiray. Ninna ka adkaan kari waayay.

    5Weligiiba, habeen iyo maalin, ayuu buuraha iyo xabaalaha joogi jiray isagoo qaylinaya oo dhagaxyona isku jarjaraya.

  • 21laakiin siduu hadda wax ku arko garan mayno, kii indhihiisii furayna garan mayno. Isaga weyddiiya. Waa nin weyn. Waa isu hadli doonaaye.

  • 40Markaasaa Ciise joogsaday oo wuxuu ku amray in loo keeno, oo goortuu u soo dhowaaday ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi,

  • 7Markaasuu cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Ilaah baan kugu dhaarinayaa, Ha i silcin.

  • 19oo weyddiiyeen, iyagoo leh, Kanu ma wiilkiinnii baa aad leedihiin, Wuxuu ku dhashay indhala'aan? Sidee buu hadda wax ku arkaa?

  • 14¶ Wuxuu saarayay jinni carrab la'. Waxaana dhacay goortuu jinnigii baxay inuu kii carrabka la'aa hadlay, dadkiina way yaabeen.

  • 23Sidaa aawadeed waalidkiis waxay ku yidhaahdeen, Waa nin weyn ee weyddiiya isaga.

  • 35Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.

  • 22¶ Markaasaa waxaa loo keenay jinnoole indha la' oo carrab la', wuuna bogsiiyey, sidaa darteed ninkii carrabka la'aa waa hadlay oo wax arkay.

  • 52Markaasuu wuxuu iyagii weyddiiyey saacadduu ladnaaday. Waxay ku yidhaahdeen, Shalayto saacaddii toddobaad ayaa qandhadii daysay.

  • 23Markaasaa waxaa sunagoggoodii ku jiray nin jinni wasakh leh qaba, wuuna qayliyey, oo wuxuu yidhi,

  • 32Markaasay waxay u keeneen mid dhego iyo carrab la', waxayna ka baryeen inuu gacantiisa saaro.

  • 21Xigtadiisii goortay maqleen, ayay u soo baxeen inay qabtaan, waayo, waxay yidhaahdeen, Isagu waa waalan yahay.

  • 32¶ Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla' oo jinni qaba.

  • 29Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso?

  • 11Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.

  • 16Kolkaasaa kuwii arkay waxay u sheegeen sidii ay u dhacday jinnoolihii iyo warkii doofaarrada.

  • 10Aad buuna uga baryay inaanu dalka ka eryin.