Matayos 1:11
Yoosiyaahna wuxuu dhalay Yekonyaah iyo walaalihiis waagii Baabuloon loo kaxeeyey.
Yoosiyaahna wuxuu dhalay Yekonyaah iyo walaalihiis waagii Baabuloon loo kaxeeyey.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
12¶ Goortii Baabuloon loo kaxeeyey dabadeed, Yekonyaah wuxuu dhalay Salaatii'eel, Salaatii'eelna wuxuu dhalay Serubaabel,
13Serubaabelna wuxuu dhalay Abihuud, Abihuudna wuxuu dhalay Eliyaaqiim, Eliyaaqiimna wuxuu dhalay Asoor,
14Asoorna wuxuu dhalay Saadooq, Saadooqna wuxuu dhalay Akhiim, Akhiimna wuxuu dhalay Eliyuud,
15Eliyuudna wuxuu dhalay Elecaasaar, Elecaasaarna wuxuu dhalay Mataan, Mataanna wuxuu dhalay Yacquub,
16Yacquubna wuxuu dhalay Yuusuf oo ahaa ninkii Maryan, tii Ciise, kan Masiix la yidhaahdo, ka dhashay.
17¶ Haddaba abtirsiinyada oo dhan oo Ibraahim ilaa Daa'uud waa afar iyo toban oday, Daa'uud ilaa waagii Baabuloon loo kaxeeyeyna waa afar iyo toban oday, waagii Baabuloon loo kaxeeyey ilaa Masiixana waa afar iyo toban oday.
6Yesayna wuxuu dhalay boqor Daa'uud. Daa'uudna wuxuu naagtii Uuriyaah qabi jiray ka dhalay Sulaymaan,
7¶ Sulaymaanna wuxuu dhalay Rexabcaam, Rexabcaamna wuxuu dhalay Abyaah, Abyaahna wuxuu dhalay Aasaa,
8Aasana wuxuu dhalay Yoosafaad, Yoosafaadna wuxuu dhalay Yooraam, Yooraamna wuxuu dhalay Cusyaah,
9Cusyaahna wuxuu dhalay Yootam, Yootamna wuxuu dhalay Axaas, Axaasna wuxuu dhalay Xisqiyaah,
10Xisqiyaahna wuxuu dhalay Manaseh, Manasehna wuxuu dhalay Aamoon, Aamoonna wuxuu dhalay Yoosiyaah,
10¶ Oo Sulaymaan wiilkiisiina wuxuu ahaa Rexabcaam, Rexabcaam wiilkiisiina wuxuu ahaa Abiiyaah, Abiiyaah wiilkiisiina wuxuu ahaa Aasaa, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yehooshaafaad,
11wiilkiisiina wuxuu ahaa Yooraam, wiilkiisiina wuxuu ahaa Axasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoo'aash,
12wiilkiisiina wuxuu ahaa Amasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Casaryaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yootam,
13wiilkiisiina wuxuu ahaa Aaxaas, wiilkiisiina wuxuu ahaa Xisqiyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Manaseh,
14wiilkiisiina wuxuu ahaa Aamoon, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoosiyaah.
15Wiilashii Yoosiyaahna waa kuwan: curadkiisii Yooxaanaan, kii labaadna Yehooyaaqiim, kii saddexaadna Sidqiyaah, kii afraadna Shalluum.
16Wiilashii Yehooyaaqiimna waxay ahaayeen: wiilkiisii Yekonyaah, iyo wiilkiisii Sidqiyaah.
17¶ Oo maxbuuskii Yekonyaah ahaa wiilashiisii waxay ahaayeen:
18wiilkiisii Salaatii'eel, iyo Malkiiraam, iyo Fedaayaah, iyo Shen'asar, iyo Yeqamyaah, iyo Hooshaamaac, iyo Nedabyaah.
10Oo Yeeshuuca wuxuu dhalay Yooyaaqiim, Yooyaaqiimna wuxuu dhalay Eliyaashiib, Eliyaashiibna wuxuu dhalay Yooyaadaac,
11Yooyaadaacna wuxuu dhalay Yoonaataan, Yoonaataanna wuxuu dhalay Yadduuca.
13Shalluumna wuxuu dhalay Xilqiyaah, Xilqiyaahna wuxuu dhalay Casaryaah,
14Casaryaahna wuxuu dhalay Seraayaah, Seraayaahna wuxuu dhalay Yehoosaadaaq,
15Yehoosaadaaqna maxaabiis ahaan buu tegey waagii Rabbigu dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem uu gacantii Nebukadnesar ku kaxeeyey.
9Axiimacasna wuxuu dhalay Casaryaah, Casaryaahna wuxuu dhalay Yooxaanaan,
2¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,
1¶ Sidaasaa reer binu Israa'iil oo dhan loogu abtiriyey, oo bal eeg, iyagu waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada reer binu Israa'iil. Oo dadkii Yahuudahna xadgudubkoodii aawadiis ayaa maxaabiis ahaan loogu kaxaystay Baabuloon.
6oo isaga waxaa mar hore laga soo kaxaystay Yeruusaalem, wuxuuna la socday maxaabiistii lala soo kaxaystay Yekonyaah oo ahaa boqorkii reer Yahuudah, oo uu soo kaxaystay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.
3Oo wuxuu kaloo isaga u yimid wakhtigii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa sannaddii kow iyo tobnaad ee Sidqiyaah ina Yoosiyaah uu dalka Yahuudah boqor ka ahaa, iyo ilaa waagii Yeruusaalem maxaabbiisahaanta loo kaxaystay bishii shanaad.
6Markaasaa Yehooyaaqiim dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin.
38Coobeedna wuxuu dhalay Yeehuu, Yeehuuna wuxuu dhalay Casaryaah,
12Markaasaa Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah u soo baxay boqorkii Baabuloon, isagii, iyo hooyadiis, iyo addoommadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisiiba, oo boqorkii Baabuloon ayaa isagii kaxeeyey sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa.
1¶ Sannaddii saddexaad oo boqornimadii boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim waxaa Yeruusaalem yimid oo hareereeyey boqorkii Baabuloon oo ahaa Nebukadnesar.
41Shalluumna wuxuu dhalay Yeqamyaah, Yeqamyaahna wuxuu dhalay Eliishaamaac.
1¶ Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh,
26kan ahaa ina Ma'ad, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Semey, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yuuda,
8Haddaba Yehooyaaqiim falimihiisii kale, iyo karaahiyadiisii uu sameeyey, iyo wixii isaga laga helayba, bal eeg, dhammaantood waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yehooyaakiin.
1¶ Oo Boqor Sidqiyaah oo ahaa ina Yoosiyaah ayaa boqor ka noqday meeshii Konyaah ina Yehooyaaqiim, kaasoo ahaa kii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu isaga boqor uga dhigay dalkii Yahuudah.
10¶ Oo wadaaddadiina waxaa ka joogay Yedacyaah, iyo Yehooyaariib, iyo Yaakiin,
42Aaxaasna wuxuu dhalay Yacraah, Yacraahna wuxuu dhalay Calemed, iyo Casmaawed, iyo Simrii, Simriina wuxuu dhalay Moosaa.
29kan ahaa ina Yooses, kan ahaa ina Eliiceser, kan ahaa ina Yoorim, kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi,
30kan ahaa ina Simecoon, kan ahaa ina Yuuda, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yoonam, kan ahaa ina Eliyaqiim,
1¶ Bilowgii boqornimadii Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah ayaa erayganu xagga Rabbiga ka yimid, isagoo leh,
12Bocasna wuxuu dhalay Coobeed, Coobeedna wuxuu dhalay Yesay,
1¶ Kanu waa Eraygii Rabbiga oo u yimid Sefanyaah ina Kuushii, ina Gedalyaah, ina Amaryaah, ina Xisqiyaah, wakhtigii Yoosiyaah ina Aamoon uu boqorka ka ahaa dalka Yahuudah.
7Oo qolooyiinkii walaalihiis ahaa markii abtiriskii dhalashadooda la tiriyey waxay ahaayeen duqii Yecii'eel iyo Sekaryaah,
20oo uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey,
15Oo wuxuu Baabuloon u kaxaystay Yehooyaakiin; oo boqorka hooyadiis, iyo boqorka naagihiisii, iyo saraakiishiisii, iyo raggii dalka madaxda u ahaa maxaabiis ahaan ayuu Yeruusaalem uga kaxaystay oo Baabuloon la tegey.
24kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi, kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Yanna,