Matayos 10:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo hadduu gurigu istaahilo, nabaddiinnu ha ku soo degto, laakiin haddaanu istaahilin, nabaddiinnu ha idinku soo noqoto.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 35:13 : 13 Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado, Oo naftaydana soon baan ku dhibay, Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.
  • Luuk 10:6 : 6 Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa.
  • 2 Kor 2:16 : 16 kuwa dambe udgoonka xagga dhimasho ilaa dhimasho, kuwa kalena udgoonka xagga nolol ilaa nolol. Oo yaa ku filan waxyaalahan?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 10:3-11
    9 aayado
    90%

    3Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira.

    4Ha qaadanina kiish, ama qandi, ama kabo, ninnaba jidka ha ku nabdaadinina.

    5Guri alla gurigaad gashaan, horta waxaad ku tidhaahdaan, Gurigan nabad ha u ahaato.

    6Ina nabdeed hadduu halkaas joogo, nabaddiinnu waxay ahaan doontaa dushiisa, haddii kalese way idinku soo noqon doontaa.

    7Gurigaas qudhiisa jooga, idinkoo cunaya oo cabbaya waxay haystaan, waayo, shaqaaluhu waa istaahilaa abaalgudkiisa. Guriba guri ha u dhaafina.

    8Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna.

    9Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay.

    10Laakiin magaalo alla magaaladaad gashaan, oo aan laydinka soo dhowayn, u soo baxa jidadkeeda, oo dhaha,

    11Xataa siigada magaaladiinna ee cagahayaga soo raacday, waannu idinku tirtiraynaa, laakiin kan ogaada, Boqortooyadii Ilaah waa dhow dahay.

  • Mat 10:14-15
    2 aayado
    86%

    14Oo ku alla kii aan idin soo dhowayn, oo aan hadalladiinna maqlin, goortaad gurigaas ama magaaladaas ka baxaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba.

    15Runtii waxaan idinku leeyahay, Maalinta xisaabta, Sodom iyo Gomora waa ka xisaab fududaan doonaan magaaladaas.

  • Mat 10:9-12
    4 aayado
    85%

    9Dahab ama lacag ama naxaas kiishadihiinna ha ku haysanina,

    10qandina jidka ha u qaadanina, ama laba khamiis, ama kabo, ama ul, waayo, shaqaaluhu cuntadiisa ayuu istaahilaa.

    11Magaalo alla magaaladaad gashaan iyo tuuloba, ka doona mid istaahila, oo halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.

    12Goortaad guriga gelaysaan, nabdaadiya,

  • Luuk 9:4-5
    2 aayado
    80%

    4Guri alla gurigaad gashaan jooga, meeshaasna ka baxa.

    5Kuwa alla kuwii aan idin soo dhowayn, markaad magaaladaas ka baxdaan siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.

  • Mark 6:10-11
    2 aayado
    80%

    10Wuxuuna ku yidhi, Meel walba oo aad guri ka gashaan, halkaas jooga ilaa aad ka tegaysaan.

    11Meel alla meeshaan idin soo dhowayn oo aan idin maqlin, goortaad halkaas ka tegaysaan, siigada cagihiinna ka dhabaandhaba inay marag ka gees ah ku ahaato.

  • 10Haddii nin idiin yimaado oo uusan cilmigan idiin keenin, gurigiinna ha soo gelinina, hana salaamina,

  • 72%

    15Kii guri fuushanuna yaanu guriga u soo degin oo gelin inuu wax ka soo qaato.

    16Kii beer joogaana yaanu dib ugu noqon inuu dharkiisa soo qaato.

  • 40¶ Kan idin aqbalaa wuu i aqbalaa, kan i aqbalaana, wuxuu aqbalaa kan i soo diray.

  • Mat 12:43-44
    2 aayado
    72%

    43¶ Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn isagoo nasasho doonaya, mana helo.

    44Markaasuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay, oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo madhan oo xaaqan oo hagaagsan.

  • 35Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.

  • 6oo waxaad kaas barwaaqaysan ku tidhaahdaan, Nabadu ha kuu ahaato, reerkaagana nabadu ha u ahaato, oo waxaad haysatid oo dhanna nabadu ha u ahaato.

  • 27Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.

  • 70%

    24¶ Jinniga wasakhda leh goortuu ninka ka baxo, wuxuu maraa meelo aan biyo lahayn, isagoo nasasho doonaya, oo markuu heli waayo, wuxuu yidhaahdaa, Waxaan ku noqonayaa gurigaygii aan ka baxay.

    25Oo goortuu yimaado wuxuu helaa isagoo xaaqan oo hagaagsan.

  • 70%

    10¶ Markaad magaalo ugu soo dhowaataan inaad la dirirtaan, waxaad u naadisaan war nabdeed.

    11Oo hadday jawaab nabdeed idin siiyaan oo ay albaabka idinka furaan, waa inay dadka magaaladaas dhexdeeda laga helo oo dhammu addoommo idiin noqdaan oo ay idiin wada adeegaan.

  • 6Markaasaa Ciise raacay, oo isagoo aan guriga ka fogayn, ayaa boqol-u-taliyihii saaxiibbo u soo diray oo ku yidhi, Sayidow, ha isdhibin, waayo, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid.

  • Mat 10:6-7
    2 aayado
    69%

    6laakiin waxaad u tagtaan idaha lunsan oo guriga Israa'iil ah.

    7Oo intaad socotaan wacdiya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

  • 23Laakiin goortay magaaladan idinku silciyaan, tan kale u carara, waayo, runtii waxaan idinku leeyahay, Magaalooyinka Israa'iil ma wada gaadhi doontaan ilaa Wiilka Aadanahu yimaado.

  • 31Maalintaas kii guriga fuushanu, oo alaabtiisu guriga ku jirto, yaanu u soo degin inuu soo qaato; kii beerta joogaana sidaas oo kale yaanu dib u noqon.

  • 50Cusbadu waa wanaagsan tahay, laakiin cusbadu hadday dhadhan beesho, maxaad wax ku cusbaynaysaan? Cusbo isku lahaada, nabadna isu ahaada.

  • 25Haddii gurina kala qaybsamo, gurigaasu ma taagnaan kari doono.

  • 17Kii guri fuushanuna yaanu u soo degin inuu wixii gurigiisa ku jira soo qaato.

  • 25Goortii ninkii guriga lahaa kaco oo albaabka xidho, oo aad bilowdaan inaad dibadda istaagtaan oo aad albaabka garaacdaan, idinkoo leh, Sayidow, naga fur; isaguna waa u jawaabi doonaa oo idinku odhan doonaa, Garan maayo meeshaad ka timaadeen.

  • Mat 7:6-7
    2 aayado
    68%

    6¶ Waxa quduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.

    7¶ Weyddiista oo waa laydin siin doonaa; doona oo waad heli doontaan: garaaca oo waa laydinka furi doonaa;

  • 38Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah.

  • 34¶ Ha u malaynina inaan u imid inaan nabad dhulka u keeno; uma aan iman inaan nabad keeno, laakiin inaan seef keeno.

  • 21Nin xoog leh oo hubaysan markuu ilaalinayo barxaddiisa, alaabtiisu waa nabad gelaysaa.

  • 38¶ Intay socdeen wuxuu galay tuulo. Markaasaa qof dumar ah oo Maarta la odhan jiray ayaa gurigeeda gelisay.

  • 29¶ Ama qof sidee buu kan xoog leh gurigiisa u geli karaa oo alaabtiisa u dhici karaa, haddaanu kolkii hore kan xoogga leh xidhin? Markaasuu gurigiisa dhici doonaa.

  • 20Oo markaasaa odaygii yidhi, Nabadu ha kula jirto; habase yeeshee waxaad u baahan tahay oo dhammu ha i saarnaadeen; laakiin jidka ha u hoyan.

  • 51Miyaad u malaynaysaan inaan u imid inaan nabad dhulka siiyo? Waxaan idinku leeyahay, Maya, laakiinse kalasoocid.