Matayos 13:47

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay shabag badda lagu tuuray oo cayn walba lagu ururiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 4:19 : 19 Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.
  • 1 Yoox 4:1-6 : 1 ¶ Gacaliyayaalow, ha rumaysanina ruux walba, laakiin ruuxyada tijaabiya si aad u hubsataan inay kuwa Ilaah yihiin; waayo, nebiyo badan oo been ah ayaa u soo baxay dunida. 2 Taasaad ku garanaysaan Ruuxa Ilaah; ruux walba oo qirta in Ciise Masiix jidh ku yimid, waa ku Ilaah. 3 Oo ruux walba oo aan qiran Ciise Masiix ku Ilaah ma aha; oo kanuna waa ruuxa kan Masiixa ka geesta ah oo aad maqasheen inuu imanayo, imminkana duniduu ku jiraa. 4 Carruurtiiyey, kuwa Ilaah baad tihiin, oo iyagaad ka adkaateen; maxaa yeelay, Ka idinku jira ayaa ka weyn ka dunida ku jira. 5 Iyagu waa kuwa dunida; oo taas aawadeed waxay ka hadlaan waxa dunida, oo duniduna way maqashaa. 6 Innaguna kuwa Ilaah baynu nahay; ka Ilaah yaqaan waa ina maqlaa; oo ka aan kan Ilaah ahaynna inama maqlo. Taasaynu ku garanaynaa ruuxa runta ah iyo ruuxa qaladka ah.
  • Yuud 1:4-5 : 4 Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya. 5 ¶ Hadda, in kastoo aad hore u tiqiineen wax kasta, waxaan jeclahay inaan idin xusuusiyo sidii Rabbigu dad uga badbaadiyey dalka Masar, dabadeedna u baabbi'iyey kuwii aan rumaysan isaga;
  • Muj 3:1 : 1 ¶ Kiniisadda Sardis ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta toddobada Ruux oo Ilaah iyo toddobada xiddigood, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan: Waan ogahay shuqulladaada, oo magac baad leedahay sida wax nool, laakiinse meyd baad tahay.
  • Muj 3:15-17 : 15 ¶ Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood. 16 Haddaba waad diirran tahay, oo qabow iyo kulayl midna ma ihid, sidaas daraaddeed afkaygaan kaa tufi doonaa. 17 Waxaad tidhaahdaa, Taajir baan ahay, oo maal baan helay, oo waxba uma baahni, oo ma ogid inaad tahay tan belaysan, oo loo naxo, oo miskiinka ah, oo indhaha la', oo qaawan.
  • Mat 13:26-30 : 26 Laakiin markii geedku soo baxay oo uu midho dhalay, markaasaa gocondhadii soo muuqatay. 27 Kolkaasaa odayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurin? Xaggee haddaba gocondhadu uga timid? 28 Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay ku yidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno oo ururinno? 29 Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goortaad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan. 30 Labadoodu ha isla baxaan ilaa beergooyska, oo wakhtiga beergooyska waxaan kuwa gooya ku odhanayaa, Horta waxaad ururisaan gocondhadii, oo xidhmo xidhmo isugu xidha in la gubo, laakiin sarreenka ku soo ururiya maqsinkayga.
  • Mat 22:9-9 : 9 Haddaba taga meesha jidadka ku kala leexdaan, oo in alla intaad heshaan arooska ugu yeedha. 10 Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen, oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti.
  • Mat 25:1-4 : 1 ¶ Haddaba boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiin doonaa toban gabdhood oo bikrado ah, kuwa intay laambadahooda qaateen, u baxay inay ninka arooska ah ka hor tagaan. 2 Shantood waxay ahaayeen doqonno, shanna caqli bay lahaayeen. 3 Kuwii doqonnada ahaa laambadahoodii bay qaateen, laakiin saliid ma ay qaadan. 4 Kuwa caqliga lahaase laambadahoodii bay qaateen iyo weelal saliidu ku jirto.
  • Mark 1:17 : 17 Ciise wuxuu ku yidhi, I soo raaca. Waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.
  • Luuk 5:10 : 10 Sidoo kalena waxaa la yaabay Yacquub iyo Yooxanaa oo wiilashii Sebedi ahaa, kuwii wehello Simoon la ahaa. Ciisena wuxuu Simoon ku yidhi, Ha baqin, hadda iyo hadhowba dad baad jillaabi doontaa.
  • Luuk 14:21-23 : 21 Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada. 22 Kolkaasaa addoonkii ku yidhi, Sayidow, waxaad amartay waa la yeelay, oo weli meel baa bannaan. 23 Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo.
  • Yoox 15:2 : 2 Laan walba oo igu taal oo aan midho dhalin, wuu gooyaa, oo mid kasta oo midho dhasha ayuu nadiifiyaa si ay midho ka sii badan u dhasho.
  • Yoox 15:6 : 6 Qof uun hadduusan igu jirin waxaa loo tuuraa sida laan oo kale, waana qallalaa, markaasaa la ururiyaa, oo dabka lagu tuuraa, oo la gubaa.
  • Fal 5:1-9 : 1 ¶ Laakiin nin Ananiyas la odhan jiray, isagoo haweenaydiisii Safira la jirto, ayuu xoolihiisii qaar iibshay, 2 markaasuu qiimihii, haweenaydiisii oo la og, intuu qaar la hadhay, qaar keenay oo rasuulladii soo hor dhigay. 3 Laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shayddaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Quduuska ah been u sheegtid oo aad qiimihii dhulka qaar la hadhid? 4 Markaad haysatay, miyaanay waxaagii ahayn? Oo markii la iibshay dabadeedna, miyaanad adigu u talin? Maxaad waxan qalbigaaga u gelisay? Dad been uma aad sheegin, waxaadse u sheegtay Ilaah. 5 Markii Ananiyas hadalladaas maqlay ayaa, intuu dhulka ku dhacay, naftii ka dhacday; oo kuwii taas maqlay oo dhan cabsi weyn baa gashay. 6 Markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa, intay kaceen, isagay duudduubeen, markaasay qaadeen oo soo aaseen. 7 ¶ Abbaaraha saddex saacadood dabadeed ayaa haweenaydiisii soo gashay iyadoo aan ogayn wixii dhacay. 8 Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Inaad dhulkii intaas ku iibiseen iyo in kale, ii kala sheeg. Markaasay tidhi, Haah, intaasaannu ku iibinnay. 9 Laakiin Butros baa ku yidhi, Sidee baad ugu heshiiseen inaad Ruuxa Rabbiga jirrabtaan? Bal eeg, kuwii ninkaaga soo aasay cagahoodii albaabka agtiisay ka soo sanqadhayaane. Adigana way ku qaadi doonaan. 10 Markiiba intay ku hor dhacday isaga, ayaa naftii ka dhacday; markaasaa nimankii dhallinyarada ahaa soo galeen, oo waxay arkeen iyadoo meyd ah, markaasay intay qaadeen ku aaseen ninkeedii agtiisa.
  • Fal 8:18-22 : 18 ¶ Haddaba Simoon markuu arkay in markii rasuulladu gacmahooda saareen, waxaa la siiyey Ruuxa Quduuska ah, ayuu lacag u taagay, 19 isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah. 20 Laakiin Butros baa wuxuu ku yidhi, Lacagtaadu ha kula baabba'do, maxaa yeelay, waxaad u malaysay in hadiyadda Ilaah lacag lagu helo. 21 Xaalkan kuma lihid ama qayb ama badh; maxaa yeelay, qalbigaagu Ilaah hortiisa kuma qummana. 22 Sidaas aawadeed xumaantaadan ka toobadkeen, Rabbigana ka bari in fikirka qalbigaaga lagaa cafiyo.
  • Fal 20:30 : 30 oo waxaa idinka dhex kici doona niman waxyaalo qalqalloocan ku hadlaya inay xertii u jiitaan xaggooda.
  • 1 Kor 5:1-6 : 1 ¶ Meel walba waxaa laga maqlay in dhexdiinna ay sino ku jirto, sinada caynkaas ahna xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ma qabaan, taasoo ah inuu midkiin naagtii aabbihii haysto. 2 Weliba waad kibirsan tihiin, kamana aydnaan caloolxumaan, si kii waxaas sameeyey dhexdiinna looga saaro. 3 Waayo, runtii, in kastoo jidhkaygu idinka maqan yahay, ruuxaygu waa idinla joogaa, oo sidii aniga oo jooga ayaan kii waxaas sameeyey ku xukumay 4 magaca Rabbigeenna Ciise. Markaad idinka iyo ruuxayguba isugu timaadaan xoogga Rabbigeenna Ciise, 5 waa inaad kaasoo kale Shayddaanka u dhiibtaan in jidhku baabba'o, ruuxuse badbaado maalinta Rabbiga. 6 Faankiinnu ma wanaagsana. Miyeydnaan garanaynin in in yar oo khamiir ah ay cajiinka oo dhan khamiiriso?
  • 1 Kor 10:1-9 : 1 ¶ Walaalayaalow, anigu dooni maayo inaad garan weydaan siday awowayaasheen oo dhammu daruurta uga wada hooseeyeen, oo ay dhammaantood badda u wada dhex mareen, 2 iyo sidii dhammaantood xaggii Muuse loogu baabtiisay daruurta iyo baddaba, 3 iyo siday dhammaantood u wada cuneen isku cunto ruuxa ah, 4 oo dhammaantoodna ay u wada cabbeen isku cabbid ruuxa ah, waayo, waxay ka cabbeen dhagaxa ruuxa ah oo ka daba imanayay iyaga, dhagaxuna wuxuu ahaa Masiixa. 5 Laakiin Ilaah kuma farxin badidood, oo waxaa iyaga lagu rogay cidlada. 6 Waxyaalahaasi waxay inoo noqdeen masaallo si aynaan waxyaalaha sharka ah u damcin siday iyagu u damceen. 7 Oo kuwa sanamka caabuda ha ahaanina siday qaarkood u ahaayeen. Sida qoran, Dadku waxay u fadhiisteen inay wax cunaan oo wax cabbaan, oo waxay u kaceen inay cayaaraan. 8 Oo yeynan sinaysanin siday qaarkood u sinaysteen oo saddex iyo labaatan kun ay maalin keliya u dhinteen. 9 Oo yeynan jirrabin Rabbiga siday qaarkood u jirrabeen oo ay masasku u baabbi'iyeen. 10 Oo ha gunuunacina siday qaarkood u gunuunaceen oo uu baabbi'iyuhu u baabbi'iyey. 11 Waxyaalahaasi waxay iyaga ugu dhaceen masaal ahaan, oo waxaa loo qoray in laynagu waaniyo innagoo wakhtiyada dhammaatinkoodii ina soo gaadhay. 12 Sidaa daraaddeed kii u malaynaya inuu taagan yahay, ha iska eego inuusan dhicin.
  • 1 Kor 11:19 : 19 Waayo, dhexdiinna waa inay jiraan waxyaalo idinkala sooco in kuwa loo bogay ay idinka dhex muuqdaan.
  • 2 Kor 11:13-15 : 13 ¶ Kuwaas oo kale waa rasuullo been ah iyo shaqeeyayaal khaa'inno ah iyagoo isu ekaysiinaya rasuullada Masiix. 14 Oo layaabna ma leh, waayo, Shayddaanka qudhiisu wuxuu isu ekaysiiyaa malaa'igta iftiinka. 15 Haddaba wax weyn ma aha haddii ay midiidinyadiisuna isu ekaysiiyaan midiidinyada xaqnimada, iyagoo dhammaanshahoodu u ahaan doono sida shuqulladooda.
  • 2 Kor 11:26 : 26 Marar badan baan safray, xagga webiyadana khatar baan galay, xagga tuugaggana khatar baan galay, xagga dadkaygana khatar baan galay, xagga dadka aan Yuhuuddu ahaynna khatar baan galay, xagga magaaladana khatar baan galay, xagga cidladana khatar baan galay, xagga baddana khatar baan galay, walaalo been ah dhexdoodana khatar baan ku galay.
  • 2 Kor 12:20-21 : 20 Waayo, waxaan ka cabsanayaa in, kolkaan imaado, aan idinka waayo sidaan doonayo inaad ahaataan, idinna aad iga weydaan sidaad doonaysaan inaan ahaado, waaba intaasoo ay jiraan dirir, iyo masayr, iyo xanaaq, iyo iskala qaybqaybin, iyo cay, iyo xan, iyo qabweynaan, iyo rabshooyin; 21 waaba intaasoo kolkaan mar kale imaado uu Ilaahay hortiinna igu hoosaysiiyaa, oo aan u baroortaa kuwo badan oo hadda ka hor dembaabay, oo aan ka toobadkeenin wasakhnimadii iyo sinadii iyo nejisnimadii ay faleen.
  • Gal 2:4 : 4 walaalaha beenta ah oo qarsoodiga lanoogu soo geliyey daraaddood, kuwa noogu soo galay inay basaasaan xorriyaddeenna aynu Ciise Masiix ku haysanno, inay na addoonsadaan.
  • 2 Tim 3:2-5 : 2 Maxaa yeelay, dadku waxay ahaan doonaan kuwo naftooda jecel, iyo kuwo lacag jecel, iyo kuwo faan badan, iyo kuwo kibir badan, iyo kuwo caytan badan, iyo kuwo waalidkood caasi ku ah, iyo kuwo aan mahadnaqin, iyo kuwo aan quduus ahayn, 3 iyo kuwo aan kalgacayl lahayn, iyo kuwo aan heshiis doonaynin, iyo kuwo wax xanta, iyo kuwo aan iscelin karin, iyo kuwo ba'an, iyo kuwo aan wanaagga jeclayn, 4 iyo kuwo gacangeliyayaal ah, iyo kuwo haad ah, iyo kuwo isla weyn, iyo kuwa raaxaysi jecel intii ay Ilaah jeclaan lahaayeen. 5 Iyagu waxay haystaan u-ekaanta cibaadaysiga, laakiinse xooggiisay diidaan; kuwaas ka leexo.
  • 2 Tim 4:3-4 : 3 Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan; 4 oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin.
  • Titus 1:9-9 : 9 isagoo xajinaya hadalka aaminka ah oo ah sidii loo baray, inuu awoodo inuu cilmiga runta ah ku waaniyo oo ku canaanto kuwa muranka miidhan ah. 10 ¶ Waayo, waxaa jira caasiyiin badan, iyo kuwa hadal xun ku hadla, iyo khaa'inno, oo khusuusan waa kuwa gudan. 11 Kuwaas afkooda waa in la xidho, maxaa yeelay, waa kuwa reero dhan gembiya iyagoo faa'iidada ceebta ah aawadeed u baraya waxyaalo aan waajib ahayn inay baraan.
  • 2 But 2:1-3 : 1 ¶ Laakiinse waxaa dadkii ka dhex kacay nebiyo been ah, oo idinkana sidaas oo kale waxaa idinku dhex jiri doona macallimiin been ah, oo qarsoodi idinku keeni doona bidcinimo wax halligaysa, iyagoo diidaya xataa Sayidkii soo iibsaday, oo dushooda ku soo dejinaya halligaad dhaqso ah. 2 Kuwa badan baa raaci doona ficiladooda nijaasta ah, oo sababtooda ayaa loo caayi doonaa jidka runta ah. 3 Damac xumaan bay hadallo iskayeelyeel ah idinkaga baayacmushtari doonaan, kuwaas oo xukunkoodii waa hore lagu xukumay uusan haatan raagayn, halligaaddoodiina ayan gam'ayn.
  • 2 But 2:13-22 : 13 Xaqdarradooda waxaa loogu abaalgudaa xaqdarro, oo waxaa iyaga la wanaagsan inay maalinnimada raaxaystaan. Iyagu waa waskhaamiin iyo ceebaalowyo, oo markay idinla feeysteeyaan waxay ku raaxaystaan khiyaanadooda. 14 Waxay leeyihiin indho sino miidhan ah oo aan dembi ka joogsan karin. Kuwa aan adkayn ayay sasabtaan, waxayna leeyihiin qalbi damacxumaan ku noqnoqda, oo waa dad nacladeed. 15 Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada. 16 Laakiinse isaga waxaa loo canaantay xadgudubkiisii aawadiis. Dameer carrab la' ayaa ku hadlay dad codkiis, oo wuxuu joojiyey waallidii nebiga. 17 Kuwanu waa ilo aan biyo lahayn, iyo ceeryaamo uu duufaan kaxeeyo, oo waxaa iyaga daraaddood loo sii dhigay madowga gudcurka. 18 Waayo, iyagu waxay ku hadlaan hadal faan ah oo aan micne lahayn, oo kuwa in yar kaga baxsanaya kuwa qaladka ku socda ayay ku sasabtaan damacyada jidhka xagga nijaasta; 19 oo waxay iyaga ugu ballanqaadaan xorriyad, laakiinse iyaga qudhooduba waa addoommadii kharribaadda. Waayo, wixii ka adkaada nin ayaa isaga addoonsada. 20 Waayo, markii ay nijaasta dunida kaga baxsadeen aqoontii Rabbiga ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, haddii ay haddana ku dhex murgaan oo laga adkaado, xaalkooda dambe waa ka sii xumaadaa kii hore. 21 Intii ay jidka xaqnimada aqoon lahaayeen oo ay dib uga noqon lahaayeen amarka quduuska ah oo iyaga la siiyey, waxaa uga wanaagsanaan lahayd inayan aqoon jidkaas. 22 Wixii maahmaahda runta ah lagu yidhi ayaa iyaga ku dhacay. Eeygu wuxuu ku noqdaa mantaggiisa. Doofaarraddii maydhatayna waxay dib ugu noqotaa gelgelinta dhoobada.
  • 1 Yoox 2:18-19 : 18 ¶ Carruurtiiyey, waa saacaddii u dambaysay, oo sidaad maqasheen inuu kan Masiixa ka geesta ahi imanayo, weliba imminka kuwa badan oo Masiixa ka gees ah ayaa kacay, taa aawadeed ayaynu ku garanaynaa inay saacaddii u dambaysay tahay. 19 Way inaga baxeen, laakiin kuweennii ma ay ahayn; hadday kuweennii ahaayeen, way inala joogi lahaayeen; laakiin way inaga baxeen oo taasaa caddaynaysa inaanay kulligood inaga mid ahayn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 13:48-50
    3 aayado
    87%

    48Kan markuu buuxsamay ay nimanku xeebta ku soo jiideen, wayna fadhiisteen oo kuwii wanaagsanaa weelal bay ku ururiyeen, kuwii xumaana way tuureen.

    49Sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu. Malaa'igahu way soo bixi doonaan oo waxay kuwa sharka leh ka dhex sooci doonaan kuwa xaqa ah,

    50oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • Mat 13:37-46
    10 aayado
    83%

    37Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Kii abuur wanaagsan abuuray waa Wiilka Aadanaha,

    38beertuna waa dunida. Abuurka wanaagsanna waa wiilasha boqortooyada, gocondhadiina waa wiilasha kan sharka leh.

    39Oo cadowga abuurayna waa Ibliiska, beergooyskuna waa dhammaadka wakhtigii dunida, kuwa gooyaana waa malaa'igo.

    40Haddaba sidii gocondhadii loo ururiyey oo dab loogu gubay, sidaasay ahaan doontaa dhammaadka wakhtiga dunidu.

    41Wiilka Aadanaha ayaa malaa'igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyo kuwa dembiga fala.

    42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

    43Markaasaa kuwa xaqa ah ku dhalaali doonaan boqortooyada Aabbahood sida qorraxdu u dhalaalayso. Kan dhego lahu ha maqlo.

    44¶ Boqortooyada jannadu waxay u eg tahay maal beer ku qarsoon, kan nin intuu helay qarsaday, oo farxad aawadeed ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan iibiyey, oo beertaas iibsaday.

    45¶ Haddana boqortooyada jannadu waxay u eg tahay baayacmushtari luul wanaagsan doonaya.

    46Goortuu xabbad luul ah oo ganac weyn helay, ayuu baxay, oo wuxuu lahaa oo dhan ayuu iibiyey oo iibsaday.

  • Mat 13:23-25
    3 aayado
    78%

    23Kii dhulka wanaagsan lagu beeray waa kan erayga maqla oo garta, oo isagu waa kan midho dhala, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.

    24¶ Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray.

    25Laakiin waxaa yimid cadowgiisa intii dadku hurday, oo wuxuu sarreenka kaga dhex abuuray gocondho, markaasuu tegey.

  • Mat 13:29-34
    6 aayado
    77%

    29Wuxuuse ku yidhi, Maya, waaba intaas oo goortaad gocondhada ururinaysaan aad sarreenka la rurujisaan.

    30Labadoodu ha isla baxaan ilaa beergooyska, oo wakhtiga beergooyska waxaan kuwa gooya ku odhanayaa, Horta waxaad ururisaan gocondhadii, oo xidhmo xidhmo isugu xidha in la gubo, laakiin sarreenka ku soo ururiya maqsinkayga.

    31¶ Masaal kale ayuu u saaray oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay iniin khardal, tan uu nin qaaday oo beertiisa ku beeray.

    32Taas waa ka wada yar tahay iniinaha oo dhan, laakiin goortay weynaato, way ka weyn tahay dhalatada oo dhan, oo waxay noqotaa geed dheer si ay shimbirraha cirku u yimaadaan oo laamaheeda ugu degaan.

    33¶ Masaal kale ayuu kula hadlay, Boqortooyada jannada waxay u eg tahay khamiir, kan naagi intay qaadday ay saddex qiyaasood oo bur ah ku dhex qooshtay ilaa ay wada khamiireen.

    34¶ Waxan oo dhan ayaa Ciise masaallo kula hadlay dadkii badnaa, oo masaalla'aan kulama uu hadlin iyaga.

  • 52Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimmada ka mid ah oo xer looga dhigay boqortooyada jannada, wuxuu u eg yahay nin reer odaygiis ah oo maalkiisa ka soo saara wax cusub iyo wax duug ah.

  • 74%

    18¶ Haddaba wuxuu yidhi, Boqortooyada Ilaah maxay u eg tahay oo maxaan u ekaysiiyaa?

    19¶ Waxay u eg tahay iniin khardal ah, oo nin qaaday oo beertiisii ku riday, oo ay baxday oo geed dheer noqotay, shimbirraha cirkuna laamaheeday ku degeen.

    20Haddana wuxuu yidhi, Maxaan boqortooyada Ilaah u ekaysiiyaa?

  • 6Markaasuu ku yidhi, Shabagga ku tuura dhinaca midigta ee doonnida, waadna heli doontaane. Haddaba way tuureen, oo ma ayna karin inay soo jiidaan, kalluunka faro badnaantiisa aawadeed.

  • 6Goortay waxaas yeeleen waxay ku qabteen kalluun tiro badan, shabagyadooduna way kala dillaaci gaadheen.

  • 1¶ Boqortooyada jannada waxay u eg tahay nin oday reer u ah oo aroortii hore baxay inuu shaqaalayaal u kireeyo beertiisa canabka ah.

  • Mat 22:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Ciise ayaa u jawaabay oo mar kale masaallo kula hadlay, oo wuxuu yidhi,

    2Boqortooyada jannada waxay la mid tahay sidii boqor wiilkiisa aroos u dhigay.

  • 23Sidaa darteed boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin boqor ah oo doonayay inuu addoommadiisa ka xisaab qaato.

  • 15Isagu dhammaantood ayuu jillaab ku soo qaataa, oo shabaggiisuu ku soo qabsadaa, oo intuu shabaggiisa ku soo wada urursado ayuu soo jiitaa, haddaba sidaas daraaddeed wuu reyreeyaa oo farxaa.

  • 14¶ Maxaa yeelay, waa sidii nin dal kale tegaya, oo addoommadiisii u yeedhay oo xoolihiisii u dhiibay.

  • Mat 13:18-19
    2 aayado
    71%

    18¶ Haddaba maqla masaalkii beerreyga.

    19Mid kasta oo hadalka boqortooyada maqla oo aan garan, waxaa u yimaada kan sharka leh oo ka dhifta wixii qalbigiisa lagu beeray. Waa kan kii jidka geestiisa lagu beeray.

  • Mat 13:3-4
    2 aayado
    71%

    3Markaasuu wax badan masaallo ugu sheegay isagoo leh, Beerrey baa baxay inuu wax beero,

    4oo intuu beerayay qaar baa jidka geestiisa ku dhacay. Kolkaasaa shimbirro yimaadeen oo cuneen.

  • 27Kolkaasaa odayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurin? Xaggee haddaba gocondhadu uga timid?

  • 71%

    10Markaasaa Ciise ku yidhi iyagii, Keena qaar kalluunkaad hadda soo qabateen.

    11Haddaba Simoon Butros ayaa sixiimaddii fuulay, oo wuxuu xagga dhulka u jiiday shabaggii oo ka buuxa boqol iyo saddex iyo konton kalluun oo waaweyn, oo in kastoo ay faro badnaayeen shabaggii ma dillaacin.

  • Mark 1:16-17
    2 aayado
    70%

    16¶ Markuu badda Galili ag marayay, wuxuu arkay Simoon iyo walaalkiis Andaros, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kuwa kalluun jillaabta.

    17Ciise wuxuu ku yidhi, I soo raaca. Waxaan idinka dhigayaa kuwa dadka jillaabta.

  • 4Goortuu hadalkii dhammeeyey ayuu Simoon ku yidhi, Meesha biyaha u dheer gee, oo shabagyadiinna ku dejiya si aad kalluun u heshaan.

  • 18¶ Markuu badda Galili ag marayay wuxuu arkay laba walaalo ah, Simoon kii Butros la odhan jiray iyo Andaros oo ahaa walaalkiis, iyagoo shabag badda ku tuuraya, waayo, waxay ahaayeen kalluumaystayaal.

  • Mark 4:30-31
    2 aayado
    70%

    30¶ Wuxuuna yidhi, Maxaynu boqortooyadii Ilaah la masaysiinnaa, oo masaalkee baynu u ekaysiinnaa?

    31Wuxuu yahay sida iniin khardal oo kale, tan goortii dhulka lagu beero waa ka wada yar tahay iniinaha dhulka ku jira oo dhan.

  • 10Markaasaa addoommadaas jidadkay u baxeen, oo ay soo ururiyeen kuwii ay heleen oo dhan, kuwii sharka lahaa iyo kuwii wanaagsanaaba; gurigii arooskana waxaa laga buuxiyey marti.

  • 26¶ Wuxuuna yidhi, Sidaa weeye boqortooyadii Ilaah, sida nin abuur dhulka ku daadsha.

  • 8Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo ay midho dhaleen, mid boqol, midna lixdan, midna soddon.