Matayos 18:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Laakiin ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda moolkeeda lagu hafiyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 9:42 : 42 ¶ Ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.
  • Room 14:13-15 : 13 ¶ Sidaas daraaddeed mar dambe yeynan isxukumin, laakiinse tan ka fikira inaan ninna walaalkiis u dhigin dhagax uu ku turunturoodo ama wax kaleeto oo hor joogsada. 14 Waan ogahay, waanan ku hubaa Rabbi Ciise, inaan waxba nafahaantiisa iska xaaraan ahayn, laakiinse kii ku tiriya inay xaaraan tahay, kaas waa ka xaaraan. 15 Waayo, haddii walaalkaa cuntadaada ka calool xumaado, jacaylka kuma sii socotid. Cuntadaada ha ku baabbi'in kii Masiixu u dhintay.
  • Sab 105:15 : 15 Oo wuxuu ku yidhi, Ha taabanina kuwayga subkan, Oo nebiyadaydana waxba ha yeelina.
  • Mat 18:10 : 10 ¶ Iska jira inaydnaan yaryarkan midkood quudhsan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar walba malaa'igahooda jannada ku jira ayaa wejiga Aabbahayga jannada ku jira eegaya.
  • 2 Tes 1:6-9 : 6 Waayo, xagga Ilaah waa xaq inuu dhib ugu abaalgudo kuwa idin dhiba, 7 iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa 8 oo dab ololaya ku jira, oo ka aargudanaya kuwa aan Ilaah aqoon iyo kuwa aan addeecin injiilka Rabbigeenna Ciise Masiix. 9 Waxaa lagu ciqaabi doonaa halaag weligiis ah, oo waxaa laga gooyn doonaa Rabbiga hortiisa iyo ammaanta xooggiisa,
  • Room 15:1-3 : 1 ¶ Kuweenna xoogga leh waxaa inagu waajib ah inaynu qaadno itaaldarrada kuwa xoogga yar, oo aynaan nafteenna ka farxin. 2 Midkeen kastaaba deriskiisa ha ka farxiyo inuu ku wanaagsanaado oo ku dhismo. 3 Waayo, Masiixiiba naftiisii kama uu farxin, laakiinse sida qoran, Caydii kuwii adiga ku caayay ayaa igu kor dhacday.
  • 1 Kor 8:9-9 : 9 Laakiin iska dhawra si aan ikhtiyaarkiinnu wax lagu turunturoodo ugu noqon kuwa itaalka daran. 10 Haddii qof ku arko adigoo aqoonta leh oo cunto ugu fadhiya meeshii sanamyada, hadduu qalbiga ka itaal daranyahay, qalbigiisu miyaanu ku adkaanaynin inuu cuno waxa sanamyada loo sadqeeyo? 11 Waayo, waxaa aqoontaada aawadeed lumaya ka itaalka daran oo ah walaalkaagii uu Masiixu aawadiis u dhintay. 12 Markaad walaalaha sidaas ugu dembaabtaan oo aad qalbigooda itaalka daran u xumaysaan, waxaad ku dembaabtaan Masiix. 13 Taa aawadeed haddii cunto walaalkay xumayso, hilib weligay ma cuni doono si aanan walaalkay u xumayn.
  • 1 Kor 10:32-33 : 32 Wax lagu turunturoodo ha u noqonina Yuhuudda ama Gariigta ama kiniisadda Ilaah, 33 sidaan aniguba dadka oo dhan uga farxiyo wax kastaba, anigoo aan doonaynin waxa ii roon, laakiin waxa kuwa badan u roon, si ay u badbaadaan.
  • Mat 18:14 : 14 Sidaas oo kale, ma aha doonista Aabbihiinna jannada ku jira in yaryarkan midkood lumo.
  • Sak 2:8 : 8 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaan dabadeed wuxuu ii soo diray quruumihii adiga ku dhacay, waayo, kii ku taabto wuxuu taabtaa ishiisa inankeeda.
  • Sak 13:7 : 7 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.
  • Luuk 17:1-2 : 1 ¶ Wuxuu xertiisii ku yidhi, Ma suurtowdo inaan xumaantu iman, laakiin waa u hoog kan ay xumaantu ka timaado. 2 In qof yaryarkan midkood xumeeyo, waxaa uga roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.
  • Fal 9:5 : 5 Markaasuu ku yidhi, Yaad tahay, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Waxaan ahay Ciisaha aad silcinaysid;
  • Room 14:21 : 21 Waa wanaagsan tahay inaadan hilib cunin ama khamri cabbin ama samayn wax kaleto oo walaalkaa ku turunturoodo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 9:41-43
    3 aayado
    95%

    41Ku alla kii koob biyo ah magacayga idinku siiyaa, maxaa yeelay, waxaad tihiin kuwa Masiix, runtii waxaan idinku leeyahay, Abaalkiisuu ka lumi maayoba.

    42¶ Ku alla kii xumeeya yaryarkan i rumaystay midkood, waxaa u roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.

    43Haddii gacantaadu ku xumayso, iska jar; waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan nolosha ku gashid intii aad adigoo laba gacmood leh ula tegi lahayd jahannamada ee ah dabkii aan la demin karayn

  • Luuk 17:1-3
    3 aayado
    94%

    1¶ Wuxuu xertiisii ku yidhi, Ma suurtowdo inaan xumaantu iman, laakiin waa u hoog kan ay xumaantu ka timaado.

    2In qof yaryarkan midkood xumeeyo, waxaa uga roon in dhagaxshiid luqunta looga lalmiyo oo badda lagu tuuro.

    3Iska dhawra. Walaalkaa hadduu dembaabo, canaano; hadduuna toobadkeeno, cafi.

  • Mat 18:7-10
    4 aayado
    82%

    7Waa u hoog dunida xumaanta aawadeed! Xumaantu waa inay timaado, laakiin waa u hoog ninka ay xumaantu ka timaado.

    8Haddii gacantaadu ama cagtaadu ku xumayso, iska jar, oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad gacanla'aan iyo lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba gacmood iyo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa dabka weligiis ah.

    9Haddii ishaaduna ku xumayso iska bixi oo iska tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad il keliya nolosha ku gashid intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada dabka ah.

    10¶ Iska jira inaydnaan yaryarkan midkood quudhsan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar walba malaa'igahooda jannada ku jira ayaa wejiga Aabbahayga jannada ku jira eegaya.

  • Mat 18:2-5
    4 aayado
    80%

    2Markaasuu wuxuu u yeedhay ilmo yar, oo dhexdooda ayuu joojiyey oo yidhi,

    3Runtii waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan soo jeesan oo aydnaan noqon sida carruur oo kale, boqortooyada jannada ma geli doontaan.

    4Ku alla kii haddaba isu hoosaysiiya sida ilmahan oo kale, kaas ayaa ugu weyn boqortooyada jannada,

    5oo ku alla kii magacayga ilmahan oo kale ku aqbalaa, wuu i aqbalaa.

  • 6oo waxaana barakaysan kan aan iga xumaanin.

  • 14Sidaas oo kale, ma aha doonista Aabbihiinna jannada ku jira in yaryarkan midkood lumo.

  • Mark 9:36-37
    2 aayado
    72%

    36Ilmo yar ayuu qaaday oo dhexdooda joojiyey, oo goortuu gacmihiisii ku soo qaaday ayuu iyaga ku yidhi,

    37Ku alla kii carruurta kan la mid ah midkood magacayga ku aqbalaa, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, ima aqbalo, wuxuuse aqbalaa kan i soo diray.

  • 71%

    15¶ Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, laakiin goortii xertii aragtay, ayay canaanteen.

    16Laakiin Ciise ayaa u yeedhay oo ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.

    17Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.

  • 23oo waxaana barakaysan kan aan iga xumaanin.

  • 71%

    13¶ Ilmo yaryar ayay u keeneen inuu taabto, xertuna way canaanatay.

    14Laakiin Ciise goortuu arkay, wuu cadhooday, oo wuxuu ku yidhi, Ilmaha yaryar daaya, ha ii yimaadeene, hana diidina, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada Ilaah.

    15Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.

  • 45Cagtaaduna hadday ku xumayso, iska jar. Waxaa kuu wanaagsan inaad lugla'aan nolosha ku gashid intii adigoo laba cagood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada

  • 42Ku alla kii kuwan yaryar koob biyo qabow oo keliya ku siiya qof xer ah magiciis, runtii waxaan idinku leeyahay, abaalkiisu ka lumi maayoba.

  • Mat 5:29-30
    2 aayado
    70%

    29Haddii ishaada midig ku xumayso, iska bixi oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada lagu tuuri lahaa.

    30Gacantaada midig hadday ku xumayso, iska jar oo iska tuur, waayo, waxaa kuu wanaagsan in xubnahaaga mid kaa lunto intii jidhkaaga oo dhan jahannamada geli lahaa.

  • 47Haddii ishaadu ku xumayso, iska bixi. Waxaa kuu wanaagsan inaad boqortooyada Ilaah gashid adigoo il keliya leh intii adigoo laba indhood leh lagugu tuuri lahaa jahannamada

  • Mat 19:13-14
    2 aayado
    70%

    13¶ Markaasaa ilmo yaryar loo keenay inuu gacmiihiisa saaro oo uu u duceeyo, laakiin xertii ayaa canaanatay.

    14Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ilmaha daaya oo ha u diidina inay ii yimaadaan, waayo, kuwan oo kale ayaa ka mid ah boqortooyada jannada.

  • 6¶ Waxa quduuska ah eeyaha ha siinina, luulkiinnana doofaarrada hortooda ha ku tuurina, si ayan ugu tuman oo ayan idinku soo jeesan oo ayan idiinkala jeexjeexin.

  • 61Laakiin Ciise qudhiisu wuu ogaa in xertiisu taas ka gunuunacday, wuxuuna ku yidhi, Taas ma ka xun tihiin?

  • 18Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, laakiin kan uu ku dhoco, wuu burburin doonaa.

  • 44Oo kan dhagaxan ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, oo kan uu ku dhaco, wuu burburin doonaa.

  • Luuk 9:47-48
    2 aayado
    68%

    47Laakiin Ciise markuu gartay fikirrada qalbigooda ayuu ilmo qaaday oo is-ag joojiyey,

    48markaasuu ku yidhi iyaga, Ku alla kii magacayga ku aqbala ilmahan, wuu i aqbalaa, oo ku alla kii i aqbalaa, wuxuu aqbalaa kii i soo diray, waayo, kii idiinku wada yar, kaas ayaa u weyn.

  • Mat 13:41-42
    2 aayado
    68%

    41Wiilka Aadanaha ayaa malaa'igihiisa diri doona, oo waxay boqortooyadiisa ka ururin doonaan wax kasta oo xumeeya iyo kuwa dembiga fala.

    42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 1¶ Waxaan waxyaalahaas idiinkula hadlay inaydnaan ka xumaanin.

  • 19Sidaa darteed kii jebiya qaynuunnadan kuwa ugu yar midkood, oo sidaas dadka u bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan uga yar boqortooyadii jannada, laakiin kii yeela oo bara, waxaa loogu yeedhi doonaa kan weyn boqortooyadii jannada.

  • 50oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 21¶ Markaasaa malaa'ig xoog weynu waxay kor u qaadatay dhagax u eg dhagaxshiid weyn, oo waxay ku dhex tuurtay badda, oo waxay tidhi, Magaalada weyn oo Baabuloon sidaas oo kale xoog baa hoos loogu tuuri doonaa, oo hadda ka dibna lama heli doono.

  • 12laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.

  • 8iyo Dhagax lagu turunturoodo oo ah dhadhaab lagu xumaado; waayo, waxay ku turunturoodaan ereyga, maxaa yeelay, ma addeecsana; taas oo ah wixii loo xugmay.

  • 14Iska daaya. Iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal hagayaye. Laakiin nin indha la' hadduu nin indha la' hago, labadooduba god bay ku dhici doonaan.

  • 30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 21Wiilka Aadanahu waa baxayaa siday u qoran tahay, laakiin hoog waxaa leh ninkaas Wiilka Aadanaha gacangelinaya. Waxaa ninkaas u wanaagsanaan lahayd inaanu dhalan.

  • 12Markaasaa xertii u timid oo ku tidhi, Ma og tahay Farrisiintii inay ka xumaadeen markay hadalkii maqleen?