Matayos 19:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiin wuxuu ku yidhi, Dadka oo dhammu ereygan ma wada aqbali karaan, kuwii la siiyey mooyaane.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 7:17 : 17 ¶ Hase ahaatee, mid kastaa ha u socdo sidii Rabbigu ugu qaybshay iyo sidii Ilaah mid kasta ugu yeedhay. Oo sidaasaan kiniisadaha oo dhan ku amraa.
  • 1 Kor 7:35 : 35 Tan waxaan idinku leeyahay waxtarkiinna aawadii ee ma aha inaan qool idin geliyo, laakiin in waxa roon la arko iyo inaad Rabbiga u adeegtaan kalajeedsadla'aan.
  • Mat 13:11 : 11 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo.
  • 1 Kor 7:2 : 2 Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato.
  • 1 Kor 7:7-9 : 7 De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas. 8 ¶ Laakiin anigu waxaan kuwa aan guursan iyo carmallada laga dhintay ku leeyahay, Waa u roon tahay iyaga inay sidayda oo kale sii ahaadaan, 9 laakiin hadday iscelin kari waayaan, ha guursadeen; waayo, waxaa dhaanta inay guursadaan intay guban lahaayeen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 12Waayo, waxaa jira bohommo sidaas kaga dhashay uurkii hooyadood, oo waxaa jira bohommo dadku dhufaanay, oo waxaa jira bohommo isaga dhigay bohommo boqortooyada jannada aawadeed. Kii hadalkan aqbali karaa, ha aqbalo.

  • 10Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Haddii nin xaalkiisu sidan yahay xagga naagtiisa, in la guursadaaba ma wanaagsana.

  • Mat 13:11-13
    3 aayado
    75%

    11Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada jannada garataan, kuwaase lama siiyo.

    12Waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, waana loo badin doonaa, kii aan waxba haysanse, waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

    13Sidaa darteed ayaan masaallo ugula hadlaa, waayo, iyagoo arkaya ma arkaan, oo iyagoo maqlaya ma maqlaan, mana gartaan.

  • 65Markaasuu yidhi, Taas aawadeed waxaan idinku idhi, Qofna iima iman karo haddaan Aabbuhu awood siin.

  • Mat 19:22-26
    5 aayado
    72%

    22Ninkii dhallinyarada ahaa goortuu hadalkaas maqlay ayuu baxay isagoo calool xun, waayo, wuxuu ahaa mid waxyaalo badan leh.

    23¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay.

    24Haddana waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeed ka duso.

    25Xertii goortay maqleen aad bay u yaabeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?

    26Ciise intuu eegay ayuu ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, laakiin wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.

  • 10Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan.

  • Mark 4:11-13
    3 aayado
    71%

    11Kolkaasuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyada Ilaah garataan, laakiin kuwa dibadda jooga wax walba waxaa loogu sheegaa masaallo,

    12si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan, si ayan u soo noqon oo aan loo cafiyin.

    13¶ Wuxuuna iyaga ku yidhi, Miyaydnaan masaalkan garanaynin? Sidee baad masaalladii oo dhan u garan doontaan?

  • 27Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin.

  • 70%

    25waayo, nin hodan ah inuu boqortooyada Ilaah galo waxaa ka hawl yar in awr irbad daloolkeeda ka duso.

    26Markaasaa kuwa maqlay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba yaa badbaadi kara?

    27Wuxuuse ku yidhi, Waxa aan dadka u suurtoobin, Ilaah waa u suurtoobaan.

  • 70%

    26Aad bay u yaabeen, waxayna isku lahaayeen, Haddaba yaa badbaadi kara?

    27Markaasaa Ciise eegay oo ku yidhi, Waxanu uma suurtoobaan dadka, waxbase uma aha Ilaah, waayo, wax waluba waa u suurtoobaan Ilaah.

  • 60¶ Sidaa aawadeed xertiisii badidood markay maqleen, waxay yidhaahdeen, Hadalkaasu waa adag yahay. Yaa maqli kara?

  • 15Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

  • 69%

    29Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,

    30oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

  • 33Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo.

  • 16Haddii nin dhego wax lagu maqlo leeyahay ha maqlo.

  • 27¶ Aabbahay wax walbaba waa ii dhiibay; oo ninna Wiilka garan maayo Aabbaha maahee, oo ninna Aabbaha garan maayo Wiilka maahee iyo kii Wiilku doonayo inuu u muujiyo.

  • 17Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.

  • Luuk 9:44-45
    2 aayado
    68%

    44¶ Hadalladanu ha galeen dhegihiinna, waayo, Wiilka Aadanaha ayaa dadka loo gacangelin doonaa.

    45Laakiin hadalkaas ayay garan waayeen, waana laga qariyey si ayna u garan, wayna ka cabsadeen inay hadalkas wax ka weyddiiyaan.

  • 25Kii wax haysta waa la siin doonaa. Kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wuxuu haysto.

  • 15Runtii waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii aan boqortooyada Ilaah u aqbalin sida ilmo yar oo kale, meeshaas ma uu geli doono.

  • 68%

    34Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa,

    35laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo,

  • 26Waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo wax haysta waa la siin doonaa, kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa xataa wuxuu haysto.

  • 4Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig,

  • 9Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

  • 8Wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, Muuse wuxuu idiinku fasaxay inaad naagihiinna furtaan qalbi engegnaantiinna aawadeed, laakiin bilowgii sidaas ma ay ahayn.

  • 9Oo wuxuu ku yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo.

  • 37Ninnana uma oggolaanin inuu raaco, Butros, iyo Yacquub, iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, maahee.

  • 14Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

  • 29Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero,

  • 62Ciise ayaa ku yidhi, Ma jiro nin gacantiisa mixaraatka saara oo dib u eega, oo u qalma boqortooyada Ilaah.

  • 22Laakiin Ciise ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Garan maysaan waxaad weyddiisanaysaan. Ma karaysaan inaad ka cabtaan koobka aan ku dhowahay inaan ka cabbo, iyo in laydinku baabtiiso baabtiiska laygu baabtiisay? Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa.

  • 18Sidaa darteed u fiirsada sidaad u maqlaysaan, waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, ku alla kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wixii loo maleeyo inuu haysto.

  • 66%

    39Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. Markaasaa Ciise ku yidhi, Koobka aan ka cabbayo waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa,

    40laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu ma lihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa loo diyaargareeyey.

  • 23Haddii nin leeyahay dhego uu wax ku maqlo ha maqlo.

  • 23Wuxuuna u jeestay xertiisa oo keli ahaan ugu yidhi, Waxaa barakaysan indhaha arka waxaad aragtaan;