Matayos 19:30

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 13:30 : 30 Ogaada, kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.
  • Mat 20:16 : 16 Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.
  • Mark 10:31 : 31 Laakiin kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.
  • Mat 21:31-32 : 31 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah. 32 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.
  • Luuk 7:29-30 : 29 Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa. 30 Laakiin Farrisiintii iyo kuwii sharciga yiqiin ayaa waanadii Ilaah naftooda darteed u diiday iyagoo aan Yooxanaa baabtiisin.
  • Luuk 18:13-14 : 13 Laakiin cashuurqaadihii meel fog ayuu ka istaagay, ma uuna doonaynin inuu indhihiisa cirka u qaado, laakiin laabtiisa ayuu garaacay isagoo leh, Ilaahow, ii naxariiso anigoo dembi leh. 14 Waxaan idinku leeyahay, Kan iyo kii kale, kan baa gurigiisa tegey isagoo la caddeeyey inuu xaq yahay; waayo, mid kasta oo isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
  • Room 5:20-21 : 20 Sharciguna wuxuu u yimid inuu dembigu bato, laakiinse meeshii dembigu ku batay, nimcaduna way ka sii badatay aad iyo aad; 21 in, sida dembigu dhimashada ugu taliyey, sidaas oo kalena ay nimcadu ugu taliso xaqnimo ilaa nolosha weligeed ah ee xagga Rabbigeenna Ciise Masiix.
  • Room 9:30-33 : 30 ¶ Maxaan nidhaahnaa haddaba? Dadka aan Yuhuudda ahayn oo aan xaqnimada raacin, waxay heleen xaqnimada, oo ah xaqnimada rumaysad lagu helo; 31 laakiin reer binu Israa'iil iyagoo raaca sharciga xaqnimada, sharcigaas ma ay gaadhin. 32 Tan sababteedu waa maxay? Maxaa yeelay, rumaysad kuma ay doondoonin, shuqullada samayntooda mooyaane. Waxay ku turunturoodeen dhagaxii turunturada; 33 sida qoran, Bal eega, waxaan Siyoon dhex dhigayaa dhagax lagu turunturoodo oo ah sallax lagu xumaado; Oo kii rumaysta isaga ma ceeboobi doono.
  • Gal 5:7 : 7 Si wanaagsan baad u ordayseen, ee yaa idinka hor joogsaday inaydnaan runta addeecin?
  • Cib 4:1 : 1 ¶ Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay.
  • Mat 8:11-12 : 11 Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda, 12 laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    28Kolkaasaa Butros bilaabay inuu ku yidhaahdo, Annagu wax walba waannu ka wada tagnay, waana ku raacnay.

    29Ciise wuxuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Ma jiro nin aawaday iyo injiilka aawadiis uga tegey guri, ama walaalo, ama hooyo, ama aabbe, ama carruur, ama beero,

    30oo aan haatan oo la joogo helayn boqol laab guryo ah, iyo walaalo, iyo hooyooyin, iyo carruur, iyo beero, wuxuuna la heli doonaa silec, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

    31Laakiin kuwa badan oo hore waa dambayn doonaan, kuwa dambena waa horrayn doonaan.

  • 87%

    28Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray.

    29Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah.

    30Ogaada, kuwa ugu dambeeya ayaa ugu horrayn doona, kuwa ugu horreeyaana way ugu dambayn doonaan.

  • Mat 20:16-17
    2 aayado
    87%

    16Sidaasay kuwa dambe u horrayn doonaan, kuwa horena u dambayn doonaan. Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

    17¶ Intuu Ciise Yeruusaalem ku socday, laba-iyo-tobankii ayuu keli ahaantood waday, oo intay jidka ku socdeen ayuu ku yidhi,

  • Mat 19:27-29
    3 aayado
    81%

    27¶ Markaas Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Annagu wax walba waannu ka soo wada tagnay, waana ku raacnay. Maxaannu haddaba heli doonnaa?

    28Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Kuwiinna i soo raacay, wakhtiga cusboonaysiinta, goortii Wiilka Aadanahu carshiga ammaantiisa ku fadhiisto, idinkuna waxaad ku fadhiisan doontaan laba iyo toban carshi, idinkoo xukumaya laba-iyo-tobanka qolo oo Israa'iil.

    29Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.

  • 79%

    29Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,

    30oo aan haatan helayn labanlaab badan, wakhtiga imanayana nolosha weligeed ah.

  • 35Intuu fadhiistay laba-iyo-tobankii ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Haddii qof doonayo inuu dadka u horreeyo, isagaa ugu wada dambayn doona, midiidin buuna u wada noqon doonaa.

  • Mat 20:8-10
    3 aayado
    73%

    8¶ Goortii makhribkii la gaadhay, sayidkii beertii canabka ahayd ayaa wakiilkiisii ku yidhi, Shaqaalayaasha u yeedh oo mushahaaradooda sii, oo waxaad ka bilowdaa kuwii ugu dambeeyey ilaa kuwii ugu horreeyey.

    9Goortay yimaadeen, kuwii saacaddii koob iyo tobnaad baxay, waxay wada heleen dinaar dinaar.

    10Kuwii hore goortay yimaadeen waxay u malaynayeen inay wax ka badan helayaan, iyaguna sidaas oo kale dinaar dinaar bay heleen.

  • 13Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta kaasaa badbaadi doona.

  • Mat 10:21-22
    2 aayado
    73%

    21Walaalba walaalkiis wuxuu u dhiibi doonaa in la dilo, aabbena wiilkiisa, carruurna waalidkood ayay ku kici doonaan oo dhimashay gaadhsiin doonaan.

    22Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona, laakiin kan ilaa ugu dambaysta adkaysta, kaasaa badbaadi doona.

  • Mat 20:26-28
    3 aayado
    72%

    26Laakiin sidaasu dhexdiinna ahaan mayso, laakiin ku alla kii doonaya inuu dhexdiinna u weynaado, midiidinkiinna waa inuu ahaado,

    27oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, addoonkiinna waa inuu ahaado,

    28sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.

  • 25¶ Waxaa isaga la socday dad badan. Markaasuu u jeestay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 14Waayo, kuwo badan baa loo yeedhay, laakiin kuwo yar baa la doortay.

  • 44oo ku alla kii doonaya inuu idiin horreeyo, kulli waa inuu addoon u ahaado.

  • Mat 8:11-12
    2 aayado
    71%

    11Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda,

    12laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.

  • 24Wuxuuna ku yidhi, Aad u dadaala inaad iridda cidhiidhsan ka gashaan, waayo, waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa dooni doona inay galaan, mana kari doonaan.

  • 31Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah.

  • Mat 16:24-25
    2 aayado
    71%

    24¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Mid uun hadduu doonayo inuu iga daba yimaado, ha dayriyo doonistiisa, iskutallaabtiisana ha soo qaato oo ha i soo raaco.

    25Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday wuu heli doonaa.

  • 39Kan naftiisa helaa waa lumin doonaa, oo kan naftiisa u lumiya aawaday waa heli doonaa.

  • 12oo waxay ku yidhaahdeen, Kuwan dambeeyey waxay shaqeeyeen saacad keliya, oo waad nagala mid dhigtay annagoo sidnay shaqadii cuslayd ee maalinta iyo kulaylkii.

  • 24Waayo, kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday, kaasaa badbaadin doona.

  • 14Waxaaga qaado oo tag. Waxaan doonayaa inaan kan ugu dambeeya siiyo intaan ku siiyey oo kale.

  • 13Laakiin kii adkaysta ilaa ugu dambaysta, kaasaa badbaadi doona.

  • 25Laakiin kolka hore waxay waajib ugu tahay inuu wax badan ku xanuunsado oo uu qarniganu diido isaga.

  • 33Sidaa darteed midkiin walba oo aan ka tegin wuxuu leeyahay oo dhan, xer iima ahaan karo.

  • 35Kan doonaya inuu naftiisa badbaadiyo, waa lumin doonaa, laakiin kan naftiisa u lumiya aawaday iyo injiilka aawadii, kaasaa badbaadin doona.

  • Mat 23:11-12
    2 aayado
    70%

    11Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna.

    12Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.

  • 23¶ Markaasaa Ciise wuxuu xertiisii ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Nin hodan ah inuu boqortooyada jannada galo waa ku adag tahay.

  • 33Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.

  • 17Dadka oo dhan ayaa magacayga aawadiis idiin necbaan doona.

  • 33Kan doona inuu naftiisa badbaadiyo waa lumin doonaa, laakiin kan lumiya ayaa badbaadin doona.

  • Luuk 9:61-62
    2 aayado
    69%

    61Mid kale ayaa yidhi, Sayidow, waan ku raacayaa, laakiin horta ii oggolow inaan kuwa gurigayga jooga ku soo idhaahdo, Nabadgelyo.

    62Ciise ayaa ku yidhi, Ma jiro nin gacantiisa mixaraatka saara oo dib u eega, oo u qalma boqortooyada Ilaah.

  • 26Idinkuse sidaas ma ahaan doontaan, laakiin kan dhexdiinna ugu weyn, ha noqdo sida kan yar; kan u sarreeyaana, ha noqdo sida kan adeega.