Matayos 19:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo wuxuu yidhi, Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 6:16 : 16 Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.
  • Ef 5:31 : 31 Oo sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh.
  • Bil 2:21-24 : 21 Oo Rabbiga Ilaah ahu hurdo weyn buu ku riday ninkii, kolkaasuu gam'ay; kolkaasuu wuxuu ka bixiyey feedhihiisii middood, meesheediina hilib buu ku awday. 22 Oo feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayuu naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii. 23 Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin. 24 Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.
  • 1 Boq 11:2 : 2 Oo quruumahaasuna waxay ahaayeen kuwii Rabbigu reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinku ha dhex gelina, iyana yaanay idin soo dhex gelin, waayo, hubaal qalbiyadiinna waxay u jeedinayaan xagga ilaahyadooda; oo Sulaymaan kuwaasuu caashaq u qabtay.
  • Sab 45:10 : 10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig, Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
  • Sab 63:8 : 8 Naftaydu adigay ku raacdaa, Oo gacantaada midigna way i tiirisaa. (Selaah)
  • Mark 10:5-9 : 5 Ciisena wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qalbi engegnaantiinna aawadeed ayuu amarkaas idiinku dhigay. 6 Laakiin tan iyo bilowgii abuurniinta, Ilaah wuxuu sameeyey lab iyo dhaddig. 7 Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa. 8 Labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. 9 Haddaba wixii Ilaah isku xidhay ninna yaanu kala furin.
  • Room 12:9 : 9 ¶ Jacaylku ha noqdo mid aan labaweji lahayn, sharka karha, wanaagga xagsada.
  • Bil 34:3 : 3 Naftiisiina way raacday gabadhii Yacquub oo Diinah ahayd, wuuna jeclaaday gabadhii, si raxmad lehna wuu ula hadlay gabadhii.
  • Sharc 4:4 : 4 Laakiinse intiinnii ku hadhay Rabbiga Ilaahiinna ah midkiin kastaaba maanta waa nool yahay.
  • Sharc 10:20 : 20 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka cabsataan, oo aad u adeegtaan, waana inaad ku dhegtaan oo aad magiciisana ku dhaarataan.
  • Sharc 11:22 : 22 Maxaa yeelay, haddaad aad u xajisaan kulli amarkan aan idinku amrayo oo dhan inaad yeeshaan, kaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad jidadkiisa oo dhan ku socotaan, oo aad isaga ku hadhaan,
  • 1 Sam 18:1 : 1 ¶ Oo markii uu dhammeeyey lahadliddii uu Saa'uul la hadlayay ayay naftii Yoonaataan ku xidhantay naftii Daa'uud, oo Yoonaataan wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisa.
  • 2 Sam 1:26 : 26 Anigu daraaddaa baan u dhibtooday, walaalkay Yoonaataanow; Adigu aad baad iigu macaanayd, Oo jacaylkaad ii qabtay wuxuu ahaa mid yaab leh, Oo xataa caashaqa naagaha dhaafaya.
  • 1 Kor 7:2 : 2 Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato.
  • 1 Kor 7:4 : 4 Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ef 5:28-33
    6 aayado
    94%

    28Haddaba sidaas oo kale nimanka waxaa ku waajib ah inay afooyinkooda u jeclaadaan sida jidhkooda oo kale. Waayo, kii afadiisa jeclaadaa wuxuu jeclaadaa nafsaddiisa;

    29maxaa yeelay, ninna weligiis ma nebcaan jidhkiisa, laakiinse wuu quudiyaa, wuuna xannaaneeyaa, sida Masiixuba u xannaaneeyo kiniisadda;

    30waayo, innagu waxaynu nahay xubnihii jidhkiisa.

    31Oo sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh.

    32Qarsoodiganu waa weyn yahay, laakiinse waxaan ka hadlayaa Masiixa iyo kiniisadda.

    33Habase yeeshee idinka midkiin waluba afadiisa ha u jeclaado sida naftiisa oo kale, oo afaduna ninkeeda ha maamuusto.

  • Bil 2:22-25
    4 aayado
    93%

    22Oo feedhii Rabbiga Ilaah ahu ka bixiyey ninka ayuu naag ka sameeyey, oo wuxuu iyadii u keenay ninkii.

    23Ninkiina wuxuu yidhi, Tanu hadda waa laf ka mid ah lafahayga, iyo hilib ka mid ah hilibkayga: waxaa iyada loogu yeedhi doonaa Naag, maxaa yeelay, iyada waxaa laga soo saaray Nin.

    24Sidaas daraaddeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa: oo waxay noqonayaan isku jidh.

    25Oo labadooduba way qaawanaayeen, ninka iyo naagtiisuba, mana ay xishoonaynin.

  • Mark 10:5-12
    8 aayado
    91%

    5Ciisena wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qalbi engegnaantiinna aawadeed ayuu amarkaas idiinku dhigay.

    6Laakiin tan iyo bilowgii abuurniinta, Ilaah wuxuu sameeyey lab iyo dhaddig.

    7Sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa.

    8Labaduba waxay noqonayaan isku jidh. Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh.

    9Haddaba wixii Ilaah isku xidhay ninna yaanu kala furin.

    10Goortay guriga ku jireen, xertiisii ayaa haddana waxaas wax ka weyddiiyeen.

    11Markaasuu wuxuu ku yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa oo mid kale guursadaa ayaa ka sinaysta.

    12Naagna haddii ay ninkeeda furto oo mid kale guursato ayay sinaysataa.

  • Mat 19:6-10
    5 aayado
    91%

    6Sidaa darteed haatan iyagu laba ma aha, laakiin waa isku jidh. Haddaba wixii Ilaah isku xidhay, ninna yaanu kala furin.

    7Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Haddaba Muuse muxuu u amray in warqaddii furniinta iyada la siiyo oo la furo?

    8Wuxuu ku yidhi, Maxaa yeelay, Muuse wuxuu idiinku fasaxay inaad naagihiinna furtaan qalbi engegnaantiinna aawadeed, laakiin bilowgii sidaas ma ay ahayn.

    9Waxaan idinku leeyahay, Ku alla kii naagtiisa ku fura wax aan sino ahayn, oo mid kale guursadaa, wuu sinaystaa. Oo kii guursada tii la furay wuu sinaystaa.

    10Xertiisii waxay ku yidhaahdeen, Haddii nin xaalkiisu sidan yahay xagga naagtiisa, in la guursadaaba ma wanaagsana.

  • Mat 19:3-4
    2 aayado
    84%

    3¶ Markaasaa Farrisiintii u timid, iyagoo jirrabaya, oo waxay ku yidhaahdeen, Ma xalaal baa in nin sabab kasta naagtiisa ku furo?

    4Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin, Kii bilowgii uumay iyaga wuxuu ka dhigay lab iyo dhaddig,

  • 77%

    16Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.

    17Laakiin kii Rabbiga raacaa waa la ruux.

  • Mat 5:31-32
    2 aayado
    75%

    31Waxaana la yidhi, Ku alla kii naagtiisa furaa, warqaddii furniinka ha siiyo.

    32Laakiin waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo naagtiisa furaa sababta sinada aawadeed maahee, wuxuu ka dhigayaa inay sinaysato, oo kii guursadaa tii la furayna waa sinaystaa.

  • 18¶ Oo Rabbiga Ilaah ahu wuxuu yidhi, Ma wanaagsana in ninku keligiis ahaado; waxaan u samayn doonaa mid caawisa oo ku habboon.

  • 15Oo miyuusan mid ka dhigin in kastoo uu lahaa waxa ruuxa ka hadhay? Oo muxuu mid uga dhigay? Isagu wuxuu doonayay farcan Ilaah caabuda. Sidaas daraaddeed iska jira, oo midkiinna yuusan khiyaano kula macaamiloon naagtii uu dhallinyaraanta ku guursaday.

  • Sharc 24:1-2
    2 aayado
    73%

    1¶ Haddii nin naag qaato oo uu guursado, oo dabadeed uusan raalli ka ahayn, sababtuna ay tahay ceeb uu iyada ka dhex helay, markaas isagu ha u qoro warqaddii furniinka oo iyada gacanta ha u geliyo, gurigiisana ha ka eryo.

    2Oo iyadu markay gurigiisa ka tagto way tegi kartaa oo nin kale naagtiis way noqon kartaa.

  • 2Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato.

  • 72%

    10Laakiin kuwa guursaday waxaan ku amrayaa, kan amrayaa aniga ma aha laakiin waa Rabbiga, Afadu yaanay ninkeeda ka tegin.

    11Laakiin hadday ka tagto, ha iska guur la'aato ama ninkeedii ha la heshiiso; oo ninkuna yaanu afadiisa ka tegin.

  • 2wuxuu abuuray iyagoo lab iyo dhaddig ah; wuuna barakeeyey iyagii, magacoodiina wuxuu u bixiyey Aadan maalintii iyagii la abuuray.

  • 18Mid walba oo naagtiisa fura oo mid kale guursadaa wuu sinaystaa, oo kii guursadaa mid nin laga furay wuu sinaystaa.

  • 34Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa,

  • 25Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kiniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed,

  • 29Wuxuuna ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay. Ma jiro nin boqortooyada Ilaah aawadeed uga tegey guri, ama afo, ama walaalo, ama waalid, ama carruur,

  • 18Ishaadu ha barakaysnaato, Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow.

  • 1 Kor 7:4-5
    2 aayado
    70%

    4Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa.

    5Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shayddaanku idiin duufin iscelinla'aantiinna aawadeed.

  • 22¶ Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan.

  • 25Waxaa nala jiray toddoba walaalo ah. Kii ugu horreeyey ayaa guursaday, wuuna dhintay, dhalna ma lahayn, wuxuuna naagtiisii uga tegey walaalkiis.

  • 27Oo Ilaah nin buu ka abuuray araggiisa, Ilaah araggiisa ayuu ka abuuray isaga; lab iyo dhaddig ayuu abuuray.

  • 29Oo mid walba oo ka tegey guryo, ama walaalo, ama aabbe, ama hooyo, ama carruur, ama beero, magacayga aawadiis, wuxuu heli doonaa boqol laab, oo wuxuu dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.

  • 27¶ Waad maqasheen in la yidhi, Waa inaanad sinaysan.

  • 19Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus, oo Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sidaad naftaada u jeceshahay.