Matayos 2:3
Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.
Goortuu boqor Herodos waxan maqlay, ayuu welwelay, isaga iyo reer Yeruusaalem oo dhan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
1¶ Goortii Ciise ku dhashay Beytlaxamtii Yahuudiya, waagii Herodos boqorkii ahaa, waxaa Yeruusaalem bari kaga yimid niman xigmad leh iyagoo leh,
2Xaggee buu joogaa boqorka Yuhuudda ee dhashay? Waayo, bari ayaannu xiddigtiisii ka aragnay, oo waxaannu u nimid inaannu caabudno.
7¶ Markaasuu Herodos nimankii xigmadda lahaa hoos ahaan ugu yeedhay, oo ka hubsaday goortay xiddigtu u muuqatay.
8Kolkaasuu Beytlaxam cid u diray oo ku yidhi, Taga oo ilmaha aad u doondoona, oo goortaad heshaan i soo ogeysiiya si aan anna ugu tago oo u caabudo.
9Goortay boqorkii maqleen ayay tageen, oo xiddigtii ay bari ka arkeen ayaa hor kacday ilaa ay timid oo ay kor joogsatay meeshii ilmuhu joogay,
10oo goortay xiddigtii arkeen ayay farxad aad u weyn ku farxeen.
4Oo intuu isu ururiyey wadaaddadii sare iyo culimmadii dadka oo dhan, ayuu weyddiiyey meeshii Masiixu ku dhalan lahaa.
5Oo waxay ku yidhaahdeen, Beytlaxamtii Yahuudiya, waayo, sidaasaa nebigii u qoray,
12Markaasaa riyo loogu digay inaanay Herodos ku noqon, oo dhulkoodii ayay jid kale u mareen.
13¶ Goortay ka tageen, malaa'igtii Rabbiga ayaa Yuusuf riyo ugu muuqatay, iyadoo leh, Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo Masar u carar oo halkaas joog ilaa aan kuu soo sheego, waayo, Herodos ayaa ilmaha dooni doona inuu dilo.
14Wakhti habeen ah ayuu kacay, oo ilmihii iyo hooyadiis kaxeeyey, oo Masar tegey,
15oo halkaasuu joogay ilaa dhimashadii Herodos, inay noqoto wixii Rabbigu kaga dhex hadlay nebiga, isagoo leh, Wiilkayga ayaan Masar uga yeedhay.
16¶ Goortuu Herodos arkay inay nimankii xigmadda lahaa ku cayaareen isagii, ayuu aad u cadhooday, oo cid buu u diray oo laayay wiilashii yaryaraa oo dhan, kuwii laba sannadood jiray iyo kuwii ka yaraa oo joogay Beytlaxam iyo meelaha u dhow oo dhan, sida wakhtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka hubsaday.
17Markaas waxaa noqotay wixii nebi Yeremyaah lagaga dhex hadlay, isagoo leh,
6¶ Bilaatos goortuu maqlay, wuxuu weyddiiyey inuu ninku reer Galili yahay.
7Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas.
8¶ Herodos goortuu Ciise arkay, aad buu u farxay, maxaa yeelay, ilaa wakhti dheer ayuu doonayay inuu arko, waayo, wax buu ka maqlay, oo wuxuu rajaynayay inuu calaamo ka arko.
9Markaasuu su'aalo badan weyddiiyey, laakiin waxba uma uu jawaabin.
7¶ Markaasaa taliye Herodos maqlay waxa dhacay oo dhan, wuuna shakiyey, waayo, qaar baa yidhi, Yooxanaa ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay,
19¶ Laakiin goortuu Herodos dhintay, malaa'igtii Rabbiga ayaa riyo ugu muuqatay Yuusuf oo Masar jooga, iyadoo leh,
20Kac oo kaxee ilmaha iyo hooyadiis, oo dhulka Israa'iil tag, waayo, kuwii ilmaha naftiisa doonayay waa dhinteen.
21Markaasuu kacay oo kaxeeyey ilmihii iyo hooyadiis, oo dalkii Israa'iil tegey.
22Laakiin goortuu maqlay in Arkhela'os meeshii aabbihiis Herodos Yahuudiya xukumayo, wuu ka baqay inuu halkaas tago. Markaase Ilaah baa riyo ugu digay, oo uu dhinacyada Galili ku leexday.
1¶ Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay,
20waayo, Herodos baa Yooxanaa ka baqay. Wuxuu ogaa inuu yahay nin qumman oo quduus ah, wuuna ilaaliyey. Oo goortuu maqlay waa wareeray, farxadna wuu ku maqlay.
1¶ Haddaba wakhtigaas boqorkii Herodos ahaa ayuu wuxuu gacmihiisa u fidiyey inuu dhibo qaar ka mid ah kuwa kiniisadda.
8Markaasay dhib geliyeen dadkii badnaa iyo taliyayaashii magaalada oo waxyaalahaas maqlay.
16Markaasay dhaqso u yimaadeen oo waxay heleen Maryan iyo Yuusufba iyo ilmihii oo qabaal ku jiifa.
17Oo goortay arkeen, waxay ogeysiiyeen hadalka ilmahan looga sheegay iyaga.
18Dadkii maqlay oo dhanna ayaa ka yaabay waxyaalihii adhijirradu u sheegeen.
12Goortuu Sakariyas arkay ayuu naxay, wuuna cabsaday.
10Oo goortuu Yeruusaalem galay, magaalada oo dhan waa kacsanayd, iyagoo leh, Kanu yuu yahay?
27waayo, waxaa run ah in magaaladan gudaheeda Herodos iyo Bontiyos Bilaatos oo ay la jiraan dadka aan Yuhuudda ahayn iyo dadka reer binu Israa'iil iyagoo ka gees ah Ciise Midiidinkaaga quduuska ah, oo aad subagtay, ay isu urursadeen,
3Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Riyaan ku riyooday, waxaanan la argaggaxsanahay inaan ogaado waxa riyada micneheedu yahay.
19Oo Herodos markuu raadiyey isagii oo heli waayay, ayuu wuxuu imtixaamay askartii, oo wuxuu ku amray in iyaga la laayo. Markaasuu Yahuudiya ka tegey oo Kaysariya aaday, oo meeshaasuu joogay.
20¶ Dadka Turos iyo Siidoon ayuu aad uga xumaaday; markaasay u yimaadeen isagii iyagoo isku wada qalbi ah, oo waxay la saaxiibeen Balaastos kii gurigii boqorka u talin jiray, oo nabad bay ka baryeen, maxaa yeelay, waddankooda waxaa cuntada siin jiray waddankii boqorka.
21¶ Maalintii la ballamay ayaa Herodos wuxuu gashaday dharkii boqornimada oo carshiga ku fadhiistay, markaasuu iyaga qudbad u jeediyey.
9Markaasaa Herodos wuxuu yidhi, Yooxanaa madaxaan ka gooyay, Yuu yahay kan aan waxan ka maqlayo? Oo wuxuu doonayay inuu arko.
19Laakiin kolkuu taliye Herodos u canaantay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, iyo waxyaalaha xunxun oo Herodos sameeyey oo dhan aawadood,
20ayaa Herodos waxan oo dhan weliba ku daray inuu Yooxanaa ku xidho xabsigii.
65Dadkii agtooda joogay oo dhammu way wada cabsadeen, oo hadalladan oo dhan waa lagaga hadlayay dalkii buuraha lahaa oo Yahuudiya oo dhan.
5oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale.
6Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay.
16Laakiin Herodos goortuu maqlay wuxuu yidhi, Kanu waa Yooxanaa, kii aan madaxa ka gooyay. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay.
14¶ Boqor Herodos ayaa warkii Ciise maqlay, waayo, magiciisa ayaa meel walba laga wada ogaaday. Kolkaasuu yidhi, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa kuwii dhintay ka soo sara kacay, sidaa darteeda shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.
8¶ Dalkaas waxaa jiray adhijirro bannaanka jooga oo habeenkii idahooda ilaalinaya.
9Malaa'igtii Rabbiga ayaa ag istaagtay, oo ammaanta Rabbiga ayaa iftiimisay hareerahooda, aad bayna u baqeen.
29Markaasay hadalkii ka naxday, oo waxay isku tidhi, Maxay tahay salaantan?
31¶ Markaas qudhiisa ayaa waxaa yimid qaar Farrisiin ah iyagoo ku leh, Bax oo ka tag meeshan, waayo, Herodos ayaa doonaya inuu ku dilo.
31Markay damceen inay isagii dilaan ayaa war u yimid sirkaalkii ka sarreeyey ciidankii in Yeruusaalem oo dhan rabshaysan tahay.