Matayos 21:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 17:13-23 : 13 Oo weliba Rabbigu dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudahba wuxuu ugu digi jiray nebiyadii oo dhan iyo kuwii wax arki jiray oo dhan, isagoo leh, War jidadkiinna sharka ah ka soo noqda, oo amarradayda iyo qaynuunnadayda u dhawra siduu ahaa sharcigii aan awowayaashiin ku amray oo dhan oo aan idinkugu soo dhiibay addoommadaydii nebiyada ahaa. 14 Habase yeeshee iyagu way diidi jireen inay taas maqlaan, laakiinse waxay u madax adkaan jireen sidii awowayaashood oo kale, kuwaasoo aan rumaysan Rabbiga Ilaahooda ah. 15 Oo iyagu way diidi jireen qaynuunnadiisii iyo axdigiisii uu awowayaashood la dhigtay, iyo markhaatifurkiisii uu iyaga ugu marag furay, oo intay waxtarla'aan raaceen ayay wax aan waxba tarin noqdeen, oo waxay ku dayan jireen quruumihii hareerahooda ku wareegsanaa oo Rabbigu ku amray inayan sidooda oo kale yeelin. 16 Oo iyagu way ka tegi jireen amarradii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, oo waxay samaysteen sanamyo la shubay, kuwaasoo ahaa laba weylood, oo waxay kaloo samaysteen geedihii Asheeraah, oo waxay caabudi jireen ciidanka samada oo dhan, Bacalna way u adeegi jireen. 17 Oo wiilashoodii iyo gabdhahoodii ayay dab dhex marin jireen, oo waxay u tegi jireen waxsheegyo iyo falanfallowyo, oo waxay nafsaddoodii u iibin jireen inay sameeyaan wax shar ku ah Rabbiga hortiisa, oo ay kaga xanaajiyeen. 18 Sidaas daraaddeed Rabbigu aad buu ugu cadhooday reer binu Israa'iil, markaasuu hortiisa ka fogeeyey; oo iyagii waxba kama hadhin qabiilkii Yahuudah oo keliya mooyaane. 19 Oo xataa reer Yahuudahna ma ayan dhawrin amarradii Rabbiga Ilaahooda ah, laakiinse waxay ku socdeen qaynuunnadii ay dadkii Israa'iil sameeyeen. 20 Oo Rabbigu wuxuu nacay farcankii reer binu Israa'iil oo dhan, oo intuu dhibay ayuu gacanta u geliyey kuwii dhacay ilaa uu hortiisa ka tuuray. 21 Waayo, isagu reer binu Israa'iil wuu ka soocay Daa'uud reerkiisii, oo waxay boqor ka dhigteen Yaaraabcaam ina Nebaad, oo Yaaraabcaamna dadkii Israa'iil wuu ka kaxeeyey Rabbiga lasocodkiisii, oo wuxuu iyagii dembaajiyey dembi weyn. 22 Oo dadkii Israa'iil waxay ku socdeen kulli dembiyadii Yaaraabcaam sameeyey oo dhan, oo kuwaasna kama ay tegin 23 ilaa uu Rabbigu dadkii Israa'iil hortiisa ka fogeeyey, siduu kaga hadli jiray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan. Oo sidaas daraaddeed dadkii Israa'iil waa laga kaxaystay dalkoodii, oo waxaa lala tegey dalka Ashuur, halkaasoo ay ilaa maantadan joogaan.
  • 2 Taar 36:15-16 : 15 ¶ Oo Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood goor wanaagsan ayuu iyagii u soo diray wargeeyayaashiisii, maxaa yeelay, dadkiisa iyo meesha rugtiisa ah ayuu u naxay. 16 Laakiinse way ku majaajiloodeen Ilaah wargeeyayaashiisii, oo eraygiisiina way quudhsadeen, nebiyadiisiina way fududaysteen, ilaa ay cadhadii Rabbigu ku dhacday dadkiisii oo dawo loo waayay.
  • Nex 9:29-30 : 29 oo aad ku markhaati furtay, si aad mar kale sharcigaaga ugu soo celiso; laakiinse way kugu kibreen oo amarradaadiina ma ay maqlin, illowse xukummadaadii way ku dembaabeen, (kaasoo haddii nin sameeyo uu ku dhex noolaan lahaa,) oo intay kaa jeesteen ayay luqunta adkeeyeen, wayna diideen inay maqlaan. 30 Oo weliba sannado badan baad u dulqaadatay, oo Ruuxaaga ayaad ugu markhaati furtay adigoo nebiyadaadii ka dhex hadlaya; laakiinse dheg uma ayan dhigin, oo sidaas daraaddeed waxaad gelisay gacantii dadyowgii dalka degganaa.
  • Hees 8:11-12 : 11 Sulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa; Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra, Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah. 12 Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal, Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun, Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.
  • Ish 5:4 : 4 Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen?
  • Yer 25:3-7 : 3 Tan iyo sannaddii saddex iyo tobnaad oo Yoosiyaah ina Aamoon uu boqor ka ahaa dalka Yahuudah iyo ilaa maantadan la joogo, taasoo ah saddex iyo labaatan sannadood, waxaa ii imanayay Eraygii Rabbiga, oo aniguna waan idinla hadlay, anoo goor wanaagsan idinla hadlaya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan. 4 Oo Rabbiguna wuxuu idiin soo diray addoommadiisii nebiyada ahaa oo dhan, isagoo goor wanaagsan diraya, laakiinse idinku innaba ma aydaan dhegaysan, oo marnaba dheg uma aydaan dhigin inaad maqashaan. 5 Oo waxay yidhaahdeen, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa ha ka soo noqdo, oo sharka falimihiinnana ka noqda, oo waxaad iska dhex degganaataan dalkii Rabbigu idinka iyo awowayaashiinba weligiin iyo weligiinba idin siiyey. 6 Oo ilaahyo kale ha u daba gelina inaad u adeegtaan oo caabuddaan, oo shuqullada gacmihiinna ha igaga cadhaysiinina, oo aniguna innaba wax idin yeeli maayo. 7 Laakiinse ima aydaan dhegaysan, ayaa Rabbigu leeyahay, si aad shuqullada gacmihiinna igaga cadhaysiisaan, oo ay waxyeello idiin soo gaadho.
  • Yer 35:15 : 15 Oo weliba waxaan idiin soo diray nebiyadii addoommadayda ahaa anigoo goor wanaagsan idiin soo diraya, oo idinku leh, Midkiin kastaaba haatan jidkiisa sharka ah ha ka soo noqdo, oo falimihiinnana hagaajiya, oo ilaahyo kale ha daba gelina inaad u adeegtaan aawadeed, oo markaas waxaad iska degganaan doontaan dalkii aan siiyey idinka iyo awowayaashiinba, laakiinse idinku dheg iima aydaan dhigin, oo innaba ima aydaan dhegaysan.
  • Sak 1:3-6 : 3 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ii soo noqda, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay, oo anna waan idiin soo noqonayaa, ayuu Rabbiga ciidammadu leeyahay. 4 Ha ahaanina sidii awowayaashiin oo kale, kuwaasoo ahaa kuwii ay nebiyadii hore ku qayliyeen oo ay ku yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Hadda ka soo noqda jidadkiinna sharka ah iyo falimihiinna sharka ahba, laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Iyagu ima ay maqlin, oo innaba ima ay dhegaysan. 5 Bal meeye awowayaashiin? Nebiyaduse miyey weligood iska noolaadaan? 6 Laakiinse erayadaydii iyo qaynuunnadaydii aan nebiyadii addoommadayda ahaa ku soo amray, sow ma gaadhin awowayaashiin? Oo iyana intay soo noqdeen ayay yidhaahdeen, Rabbiga ciidammadu siduu ku fikiray inuu nagu sameeyo, siday jidadkayagu ahaayeen, iyo siday falimahayagu ahaayeen ayuu nagu sameeyey.
  • Sak 7:9-9 : 9 Rabbiga ciidammadu sidan buu ku hadlay oo yidhi, Garsoorid daacad ah naqa, oo nin waluba walaalkiis ha u sameeyo naxariis iyo raxmad. 10 Hana dulmina carmalka, ama agoonta, ama qariibka, ama masaakiinta, oo midkiinna yuusan qalbiga xumaan ugu fikirin walaalkiis. 11 Laakiinse way diideen inay dhegaystaan, oo intay caasiyeen ayay dhegaha furaysteen, si ayan u maqlin. 12 Oo waxay qalbigoodii ka dhigeen sidii dhagax adag oo kale si ayan u maqlin sharcigii iyo erayadii Rabbiga ciidammadu uu ku soo dhiibay ruuxiisa markuu nebiyadiisii hore soo diray, oo sidaas daraaddeed waxaa Rabbiga ciidammada ka timid cadho weyn. 13 Oo sidii uu u dhawaaqay oo iyana ay maqli waayeen, sidaas oo kalay u qayliyeen, oo anna ma aan maqlin, ayaa Rabbiga ciidammadu yidhi,
  • Mat 22:3 : 3 Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan.
  • Mark 12:2-5 : 2 Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado. 3 Markaasay qabteen oo garaaceen oo waxla'aan ku direen. 4 Haddana addoon kale ayuu u soo diray. Kaasay dakhreen oo ceebeeyeen. 5 Haddana mid kale ayuu u soo diray, wayna dileen; oo qaar kale oo badan ayuu diray. Qaar waa la garaacay; qaarna waa la dilay.
  • Luuk 20:10-19 : 10 Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay. 11 Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen. 12 Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen. 13 Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay, malaha way maamuusi doonaan. 14 Laakiin beerreydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno. 15 Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa? 16 Wuu iman doonaa oo beerreydaas dili doonaa, oo dad kale ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon. 17 Laakiin wuu eegay oo ku yidhi, Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka? 18 Mid kasta oo dhagaxaas ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, laakiin kan uu ku dhoco, wuu burburin doonaa. 19 ¶ Saacaddaas qudheeda ayaa culimmadii iyo wadaaddadii sare dooneen inay isagii qabtaan; laakiin dadkay ka baqeen; waayo, waxay garteen inuu masaalkan iyaga kaga hadlay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 12:1-3
    3 aayado
    89%

    1¶ Markaasuu wuxuu bilaabay inuu masaallo kula hadlo iyaga. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo ood ku heraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.

    2Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado.

    3Markaasay qabteen oo garaaceen oo waxla'aan ku direen.

  • Luuk 20:9-16
    8 aayado
    89%

    9¶ Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa.

    10Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay.

    11Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen.

    12Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen.

    13Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay, malaha way maamuusi doonaan.

    14Laakiin beerreydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno.

    15Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa?

    16Wuu iman doonaa oo beerreydaas dili doonaa, oo dad kale ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon.

  • 33¶ Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.

  • Mat 21:35-41
    7 aayado
    87%

    35Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen.

    36Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen.

    37Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan.

    38Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee.

    39Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen.

    40Haddaba sayidkii beerta canabka ah goortuu yimaado, muxuu beerreydaas ku samayn doonaa?

    41Waxay ku yidhaahdeen, Nimankaas belaayada ah si baas buu u baabbi'in doonaa; beerta canabka ahna wuxuu u kiraysan doonaa beerrey kale, kuwa isaga siin doona midhihiisa xilligooda.

  • Mark 12:6-9
    4 aayado
    80%

    6Weliba wuxuu lahaa wiil keliya oo uu jeclaa. Kolkii ugu dambaysay ayuu u soo diray isagii, oo wuxuu yidhi, Wiilkayga way maamuusi doonaan.

    7Laakiin beerreydii waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee, dhaxalkiina innagaa lahaan doonna.

    8Way qabteen, wayna dileen, oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen.

    9Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu samayn doonaa? Wuu iman doonaa oo beerreyda dili doonaa, dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa.

  • Mat 20:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Boqortooyada jannada waxay u eg tahay nin oday reer u ah oo aroortii hore baxay inuu shaqaalayaal u kireeyo beertiisa canabka ah.

    2Oo goortuu shaqaalayaal maalintii kula heshiiyey dinaar, ayuu beertiisii canabka ahayd u diray iyagii.

  • Luuk 13:6-7
    2 aayado
    77%

    6¶ Markaasuu masaalkan ku hadlay, Nin baa wuxuu lahaa geed berde ah oo beertiisii canabka ahayd lagu beeray. Waa u yimid isagoo midho ka doonaya, waxbana kama uu helin.

    7Wuxuu beer-ka-shaqeeyihii ku yidhi, Bal eeg, saddex sannadood ayaan imanayay oo berdahan midho ka doonayay, kamana helin. Jar, muxuu dhulka u khasaarinayaa?

  • 28¶ Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee.

  • Ish 5:2-4
    3 aayado
    76%

    2Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun.

    3Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.

    4Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen?

  • 29Laakiin goortii midhuhu soo bislaadaan, kolkiiba ayuu mindi la galaa, waayo, wakhtigii beergooyska ayaa yimid.

  • Mat 22:3-5
    3 aayado
    75%

    3Addoommadiisii ayuu u diray inay u yeedhaan kuwa arooska loogu yeedhay, mana ay doonaynin inay yimaadaan.

    4Haddana addoommo kale ayuu diray oo wuxuu ku yidhi, Kuwii loo yeedhay waxaad ku tidhaahdaan, Bal eega, cuntadaydii waan diyaargareeyey, dibiyadaydii iyo neefafkaygii buurbuurnaana waa la qalay, wax walubana waa diyar, ee arooska kaalaya.

    5Laakiin way fududaysteen, oo iska tageen, mid beertiisuu aaday, mid kalena wuxuu aaday baayacmushtarigiisii.

  • Mat 13:27-28
    2 aayado
    75%

    27Kolkaasaa odayga reerka addoommadiisu u yimaadeen oo ku yidhaahdeen, Sayidow, miyaanad abuur wanaagsan beertaada ku abuurin? Xaggee haddaba gocondhadu uga timid?

    28Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay ku yidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno oo ururinno?

  • 29¶ Markaasuu masaal kula hadlay, Bal eega berdaha iyo dhirta oo dhan;

  • 4oo wuxuu kuwaas ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga oo wixii xaq ah ayaan idin siin doonaa. Wayna tageen.

  • Mat 20:7-8
    2 aayado
    74%

    7Waxay ku yidhaahdeen Maxaa yeelay, cidna nama kiraysan. Wuxuu ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga.

    8¶ Goortii makhribkii la gaadhay, sayidkii beertii canabka ahayd ayaa wakiilkiisii ku yidhi, Shaqaalayaasha u yeedh oo mushahaaradooda sii, oo waxaad ka bilowdaa kuwii ugu dambeeyey ilaa kuwii ugu horreeyey.

  • 19Wakhti dheer dabadeed sayidkii addoommadaas ayaa yimid oo ka xisaab qaatay.

  • 14Oo wuxuu idinka qaadan doonaa beerihiinna, iyo beerihiinna canabka ah, iyo beerihiinna saytuunka ah, iyo xataa meelaha ugu wada wanaagsan, oo wuxuu siin doonaa midiidinnadiisa.

  • 43Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya.

  • 24¶ Masaal kale ayuu u saaray, oo wuxuu yidhi, Boqortooyada jannada waxaa loo ekaysiiyaa nin beertiisa abuur wanaagsan ku abuuray.

  • 14¶ Maxaa yeelay, waa sidii nin dal kale tegaya, oo addoommadiisii u yeedhay oo xoolihiisii u dhiibay.

  • 21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

  • 6Oo ninkee baa beer canab ah beertay oo aan weli midhihiisii ku isticmaalin? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale midhihiisa ku isticmaalaaye.

  • 34Waa sidii nin dal kale tegey oo gurigiisii kaga tegey. Addoommadiisa ayuu amar siiyey, nin walbana shuqulkiisa; wuxuuna amray albaabjoogahu inuu soo jeedo.

  • 15Goortuu soo noqday isagoo boqortooyadii qaatay, wuxuu ku amray in loo yeedho addoommadii uu lacagtii u dhiibay inuu ogaado mid kasta intuu ka faa'iiday baayacmushtarigii.