Matayos 21:41

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxay ku yidhaahdeen, Nimankaas belaayada ah si baas buu u baabbi'in doonaa; beerta canabka ahna wuxuu u kiraysan doonaa beerrey kale, kuwa isaga siin doona midhihiisa xilligooda.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 18:6 : 6 Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.
  • Fal 28:28 : 28 ¶ Haddaba idinku waxaad ogaataan in badbaadadan Ilaah loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn; oo iyaguna way maqli doonaan.
  • Mat 21:43 : 43 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya.
  • Mat 22:6-7 : 6 Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen. 7 Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay.
  • Mat 23:35-38 : 35 inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda. 36 Runtii waxaan idinku leeyahay, Waxyaalahan oo dhan ayaa qarnigan ku dul degi doona. 37 ¶ Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 38 Bal eega, gurigiinnii waa laydiin daayay isagoo cidla ah.
  • Mat 24:21-22 : 21 Waayo, markaas waxaa jiri doona dhib weyn sida mid aan jirin tan iyo dunida bilowgeedii ilaa hadda, mana jiri doonto weligeed. 22 Oo haddaan wakhtigaas la gaabin ninna ma uu badbaadeen, laakiin kuwa la doortay aawadood ayaa wakhtigaas loo gaabin doonaa.
  • Luuk 13:28-29 : 28 Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi goortaad boqortooyada Ilaah ku aragtaan Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo nebiyada oo dhan, oo idinkana dibadda laydiin tuuray. 29 Waxay ka iman doonaan bari iyo galbeed iyo woqooyi iyo koonfur, waxayna dhex fadhiisan doonaan boqortooyada Ilaah.
  • Luuk 14:23-24 : 23 Markaasaa sayidkii wuxuu addoonkii ku yidhi, Jidadka iyo wadiiqooyinka oodaha u bax, oo dadka ku qasab inay soo galaan, si uu gurigaygu u buuxsamo. 24 Waayo, waxaan idinku leeyahay, Nimankaas loo yeedhay midkoodna cashadayda dhadhamin maayo.
  • Luuk 17:32-37 : 32 Naagtii Luud xusuusta. 33 Kan doona inuu naftiisa badbaadiyo waa lumin doonaa, laakiin kan lumiya ayaa badbaadin doona. 34 Waxaan idinku leeyahay, Habeenkaas laba nin ayaa sariir wada joogi doona; mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa. 35 Waxaana jiri doona laba naagood oo wax isla shiidi doona, mid waa la qaadi doonaa, tan kalena waa laga tegi doonaa. 36 Waxaana beerta ku jiri doona laba nin, mid waa la qaadi doonaa, kan kalena waa laga tegi doonaa. 37 Markaasay u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Xaggee, Sayidow? Wuxuuna ku yidhi, Meeshii bakhtigu yaal, halkaas ayaa gorgorraduna isugu ururi doonaan.
  • Luuk 19:41-44 : 41 ¶ Oo markuu ku soo dhowaaday, ayuu magaalada arkay oo u ooyay, 42 isagoo leh, Adigu haddii aad maalintan garan lahayd waxa nabad ah! Laakiin hadda waa laga qariyey indhahaaga. 43 Waayo, maalmuhu way kuu iman doonaan markii cadowyadaadu ay xaggaaga dhufays u soo qodan doonaan, oo ay kugu wareegi doonaan oo ay dhinac walba kaa celin doonaan. 44 Way ku dumin doonaan, adiga iyo carruurtaada kugu jirta, oo kuguma dayn doonaan dhagax dhagax dul saaran, waayo, waad garan weyday wakhtigii booqashadaada.
  • Luuk 21:22-24 : 22 Waayo, kuwanu waa maalmo aargudasho in wixii la qoray oo dhammu ay noqdaan. 23 Laakiin waa u hoog kuwa uurka leh iyo kuwa wakhtigaas ilmo nuujinaya, waayo, dhulka dhib weyn ayaa ka dhici doonta, dadkanna cadho. 24 Waxayna ku dhici doonaan seef afkeeda, oo waa la qabsan doonaa, oo quruumaha oo dhan la geeyn doonaa; quruumuhuna Yeruusaalem ayay ku tuman doonaan ilaa wakhtiga quruumuhu ka dhammaado.
  • Fal 13:46-48 : 46 Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn. 47 Maxaa yeelay, sidaasaa Rabbigu nagu amray isagoo leh, Waxaan kaa dhigi doonaa iftiinka quruumaha, Inaad badbaadinta u noqotid ilaa meeshii dunida ugu fog. 48 Haddaba markii dadkii aan Yuhuudda ahayn taas maqleen, ayay ku farxeen oo ereygii Ilaah ammaaneen; oo waxaana rumaystay kuwii nolosha weligeed ah loo dhigay.
  • Fal 15:7 : 7 Oo kolkay wax badan su'aaleenna, Butros baa istaagay oo ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, waad og tihiin in maalmo hore Ilaah dhexdiinna ka doortay in dadka aan Yuhuudda ahayn ay afkayga ereygii injiilka ka maqlaan oo ay rumaystaan.
  • Room 9:1-9 : 1 ¶ Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa 2 in caloolxumo weyn iyo xanuun aan joogsanaynin ay ku jiraan qalbigayga. 3 Waayo, waxaan jeclaan lahaa inaan aniga qudhaydu ka inkaarnaado Masiixa walaalahay aawadood oo ah xigaalkayga aannu isku jidhka nahay, 4 kuwa ah reer binu Israa'iil, oo leh carruur-ka-dhigidda, iyo ammaanta, iyo axdiyada, iyo sharciga siintiisa, iyo u-adeegidda Ilaah, iyo ballamada, 5 kuwa awowayaasha leh, oo xagga jidhka Masiixu ka yimid iyaga, kan wax walba ka sarreeya oo ah Ilaah ammaanta leh weligiis. Aamiin. 6 ¶ Laakiin mana aha sidii iyadoo ereygii Ilaah dhacay. Waayo, kuwa Israa'iil ka dhashay kulligood reer binu Israa'iil ma wada aha. 7 Farcankii Ibraahim oo ay yihiin aawadeed kulligood carruur kuma wada aha, laakiin waxaa la yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa. 8 Taas waxaa weeyaan, inaan carruurta jidhku ahayn carruurta Ilaah, laakiin carruurtii loo ballanqaaday ayaa farcan lagu tiriyaa. 9 Waayo, kanu waa hadal ballan ah, Wakhtigan oo kale ayaan kuu iman doonaa, oo Saarah waxay dhali doontaa wiil. 10 Oo taas oo keliyana ma ahee, laakiin Rebeqahna mid bay u uuraysatay, kaas oo ahaa aabbeheen Isxaaq. 11 Waayo, carruurta oo aan weli dhalan oo aan weli samayn wanaag iyo xumaan midna, in qasdiga Ilaah doorashada ku istaago, oo uusan ahaan xagga shuqullada, laakiin xagga kii dadka u yeedha,
  • Room 15:9-9 : 9 iyo in quruumuhu Ilaah u ammaanaan naxariistiisa, sida qoran, Sidaas daraaddeed waxaan kugu ammaani doonaa quruumaha dhexdooda, Oo magacaaga waan u gabyi doonaa. 10 Oo haddana wuxuu leeyahay, Quruumahow, la reyreeya dadkiisa. 11 Oo haddana, Rabbiga ammaana, quruumahoo dhammow, Dadkoo dhammuna ha ammaano isaga. 12 Oo haddana Isayos wuxuu leeyahay, Waxaa jiri doona xididkii Yesay, Iyo kan u kacaya inuu u taliyo quruumaha, Isagayna quruumuhu wax ku rajayn doonaan. 13 Ilaaha rajadu ha idinka buuxiyo farxad iyo nabad oo dhan, idinkoo rumaysan, si rajadiinnu ugu badato xoogga Ruuxa Quduuskaa. 14 ¶ Oo aniga qudhayduna waxaan idiin hubaa, walaalahayow, inuu wanaag idinka buuxo, oo laydinka buuxiyey aqoon oo dhan, oo aad kartaan inaad iswaanisaan. 15 Laakiinse siyaalaha qaarkood dhiirranaan badan baan idiinku soo qoray inaan idin xusuusiyo, nimcadii xagga Ilaah layga siiyey aawadeed, 16 inaan dadka aan Yuhuudda ahayn u noqdo midiidinkii Ciise Masiix, anigoo shuqulka wadaadnimada u qabanaya injiilka Ilaah, in sadaqada dadka aan Yuhuudda ahayn la aqbalo, iyadoo quduus lagaga dhigay Ruuxa Quduuskaa. 17 Haddaba xagga Ciise Masiix waxaan leeyahay wax aan ku faano, waana wax ku saabsan Ilaah. 18 Waayo, kuma dhici doono inaan waxba ka hadlo wixii Masiixii iga dhex shaqeeyey mooyaane, dadka aan Yuhuudda ahayn addeeciddooda aawadeed, oo uu igaga dhex shaqeeyey hadal iyo camal,
  • 1 Tes 2:16 : 16 Oo waxay noo diidaan inaannu dadka aan Yuhuudda ahayn la hadalno inay badbaadaan. Sidaasay mar walba dembiyadooda u dhammaystiraan, laakiin ugu dambaysta cadhada waa ku dul degtay.
  • Cib 2:3 : 3 sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen?
  • Cib 12:25 : 25 Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya; waayo, haddayan baxsan kuwii diiday kii dhulka ku waaniyey, si ka badan innaguna ma baxsan doonno haddaynu ka jeesanno kan jannada ka hadlaya,
  • Fal 28:8 : 8 Oo waxay noqotay in Bobliyos aabbihiis jiifsaday isagoo qandho iyo dabadhiig qaba. Markaasaa Bawlos isagii u galay oo intuu u duceeyey ayuu gacmihiisii saaray oo wuu bogsiiyey isagii.
  • Laaw 26:14-46 : 14 ¶ Laakiinse haddaad i dhegaysan weydaan, oo aydaan amarradan oo dhan wada yeelin, 15 iyo haddaad qaynuunnadayda diiddaan, iyo haddii naftiinnu xukummadayda karahdo, oo aad amarradayda oo dhan wada yeeli weydaan, illowse aad igu axdi furtaan, 16 markaasaan aniguna waxyaalahan idinku samayn doonaa. Naxdin baan idinku soo dejin doonaa, taasoo ah baabbi'id iyo qandho indhaha idinka ridda oo naftana idinka dullaysa, oo abuurkiinnana waxtarla'aan baad u beeran doontaan, waayo, waxaa iska cuni doona cadaawayaashiinna. 17 Oo anna gees baan idinka noqon doonaa, oo cadaawayaashiinna hortooda baa laydinku layn doonaa, oo waxaa idiin talin doona kuwo idin neceb, waadna iska carari doontaan iyadoo aan ninna idin eryanayn. 18 Oo weliba haddaydnan waxyaalahaas daraaddood ii dhegaysan, haddana toddoba jeer oo kale ayaan dembiyadiinna aawadood idiin edbin doonaa. 19 Waanan jebin doonaa kibirka xooggiinna, oo samadiinnana waxaan ka dhigi doonaa sida bir oo kale, dhulkiinnana sida naxaas oo kale. 20 Oo xooggiinnuna waxtarla'aan buu idinkaga dhammaan doonaa, waayo, dhulkiinnu midho ma dhali doono, oo dhirta dalka ku taalna midho kama soo bixin doonaan. 21 Oo haddaad i sii caasisaan oo aydaan i dhegaysan, toddoba jeer oo kale ayaan belaayo idiinku soo dejin doonaa siday dembiyadiinnu yihiin. 22 Oo waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa dugaagga duurka, kuwaasoo carruurtiinna idinka dhifan doona, oo xoolihiinna baabbi'in doona, oo idin kala yarayn doona, oo jidadkiinnuna cidla bay noqon doonaan. 23 Oo weliba waxyaalahaas daraaddood haddaad edeb ku soo yeelan weydaan, laakiinse aad i sii caasisaan, 24 markaas aniguna gees baan idinka ahaan doonaa oo waan idin layn doonaa, xataa toddoba jeer ayaan dembiyadiinna aawadood idiin layn doonaa. 25 Oo waxaan idinku soo dejin doonaa seef idinka aargudda aanadii axdiga, oo magaalooyinkiinna waad ku soo wada ururi doontaan, oo anna belaayo waan idinku dhex ridi doonaa, markaasaad cadowga u gacangeli doontaan. 26 Oo markaan usha kibistiinna jebiyo, toban naagood ayaa kibistiinna isku foorno ku dubi doonta, oo haddana waxay kibistiina idinku siin doonaan miisaan, oo kolkaad cuntaanna kama dhergi doontaan. 27 ¶ Oo haddaad waxyaalahaas oo dhan igu dhegaysan weydaan, illowse aad i sii caasisaan, 28 markaasaan aniguna gees idinka ahaan doonaa, waanan xanaaqi doonaa, oo dembiyadiinna aawadoodna ayaan toddoba jeer oo kale idiin edbin doonaa. 29 Oo waxaad cuni doontaan hilibka wiilaashiinna, oo waxaad cuni doontaan hilibka gabdhihiinna. 30 Oo anigu meelihiinna sarsare waan dumin doonaa, oo sanamyadiinna qorraxdana waan wada baabbi'in doonaa, oo meydadkiinnana waxaan ku dul xoori doonaa meydka sanamyadiinna; oo naftayduna way idin karhi doontaa. 31 Oo magaalooyinkiinna baabba' waan ka dhigi doonaa, oo meeshiinna quduuska ahna cidla waan ka dhigi doonaa, oo weliba carafta fooxiinna udgoon ma aan ursan doono. 32 Oo weliba dalkana cidla baan ka dhigi doonaa, oo cadaawayaashiinna dalka dhex degganuna taas way la yaabi doonaan. 33 Oo waxaan idinku kala dhex firdhin doonaa quruumaha, oo seef gal la' waan idinla daba geli doonaa, dalkiinnuna cidla buu noqon doonaa, oo magaalooyinkiinnuna baabba' bay noqon doonaan. 34 Oo markaasaa dalku sabtiyadiisa ku raaxaysan doonaa intuu cidla yahay oo idinku aad joogtaan dalka cadaawayaashiinna oo dhan; oo wakhtigaas oo dhan dalku wuu iska nasan doonaa, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa. 35 Oo dalku intuu cidla yahay oo dhan wuu iska nasan doonaa, nasashadaas oo ah mid uusan sabtiyadiinna helin markaad degganaydeen. 36 Oo intii idinka hadhana waxaan qalbigooda ku ridi doonaa fulanimo, iyagoo dalalka cadaawayaashooda dhex jooga, oo sanqadha caleen dabaylu kaxaynayso ayaa iyaga eryan doonta, oo waxay uga carari doonaan sida qof seef uga cararo, oo iyadoo aan ninna eryanayn ayay iska daadan doonaan. 37 Oo iyagoo aan ninna eryanayn ayaa midkoodba midka kale ku turunturoon doonaa sidii iyagoo seef ka baqanaya. Oo innaba ma aad yeelan doontaan itaal aad cadaawayaashiinna isku hor taagtaan. 38 Waxaad ku dhex baabbi'i doontaan quruumaha, oo dalka cadaawayaashiinnuna waa idin dhammaysan doonaa. 39 Oo intii idinka hadhana iyagoo dalka cadaawayaashiinna jooga ayay xumaatadooda u dulloobi doonaan, oo weliba xumaatooyinkii awowayaashoodna ayay u dulloobi doonaan. 40 Wayna qiran doonaan xumaatadoodii iyo xumaatadii awowayaashood, iyo xadgudubkii ay igu xadgudbeen, iyo weliba caasinimadii ay igu caasiyeen 41 oo aan aawadeed iyaga gees uga noqday, oo aan dalkii cadaawayaashooda u geeyey. Markaas hadday qalbigooda buuryoqabka ah hoosaysiiyaan, oo ay aqbalaan taqsiirta xumaatadooda, 42 ayaan soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Yacquub la dhigtay, iyo weliba axdigaygii aan Isxaaq la dhigtay, oo weliba waxaan kaloo soo xusuusan doonaa axdigaygii aan Ibraahim la dhigtay, oo dalkana waan soo xusuusan doonaa. 43 Oo iyagu dalka way ka tegi doonaan, oo wuxuu ku raaxaysan doonaa sabtiyadiisa intuu cidla yahay oo iyagu ay ka maqan yihiin oo dhan; oo iyaguna way aqbali doonaan taqsiirta xumaatadooda, maxaa yeelay, way diideen xukummadaydii, oo naftooduna qaynuunnadayday karahday. 44 Laakiinse in kastoo ay saas sameeyeen anigu intay dalka cadaawayaashooda joogaan oo dhan iyaga diidi maayo, karhina maayo, wada baabbi'inna maayo, oo axdigaygii aan la dhigtay jebin maayo, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahooda ah. 45 Laakiinse iyaga daraaddood ayaan u xusuusan doonaa axdigii aan la dhigtay awowayaashood, kuwaasoo aan, iyadoo ay quruumuhu u jeedaan, dalkii Masar uga soo bixiyey si aan iyaga Ilaah ugu ahaado, waayo, aniga ayaa Rabbiga ah. 46 ¶ Kuwaasu waa qaynuunnadii iyo xukummadii iyo sharciyadii uu Rabbigu u dhexaysiiyey isaga qudhiisa iyo reer binu Israa'iil oo uu Muuse ugu soo dejiyey Buur Siinay.
  • Sharc 28:59-68 : 59 markaas Rabbigu wuxuu idinka iyo farcankiinnaba ku ridi doonaa belaayooyin yaab leh oo waaweyn oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga, iyo cudurro xunxun oo wakhti dheer idinku raaga. 60 Oo haddana wuxuu idinku soo dejin doonaa cudurradii Masar oo dhan oo aad ka cabsan jirteen, oo way idinku dhegi doonaan. 61 Oo weliba Rabbigu wuxuu kaloo idinku soo dejin doonaa ilaa aad wada baabba'daan cudur kasta iyo belaayo kasta oo aan ku qornayn kitaabka sharcigan. 62 Oo in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen. 63 Oo sidii Rabbigu idiinku farxay inuu wanaag idiin sameeyo oo uu idin badiyo, ayuu sidaas oo kale ugu farxi doonaa inuu idin halligo oo idin baabbi'iyo, oo idinka waa laydinka rujin doonaa dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan. 64 Oo Rabbigu wuxuu idinku kala dhex firdhin doonaa dadyowga oo dhan, iyo tan iyo dunida geesteed iyo ilaa geesteeda kale, oo halkaas waxaad ugu adeegi doontaan ilaahyo kale oo qoryo iyo dhagax ah oo aydaan aqoon idinka iyo awowayaashiin toona. 65 Oo quruumahaas dhexdooda istareex kama heli doontaan, oo cagtiinnuna ma nasan doonto, laakiinse Rabbigu wuxuu halkaas idinku siin doonaa qalbigariir, iyo indhabbeel, iyo naf dulloobid. 66 Oo naftiinnana waad u shakiyi doontaan, oo habeen iyo maalinba waad cabsan doontaan, oo noloshiinnana ma aad hubi doontaan innaba. 67 Oo waaberigii waxaad odhan doontaan, Bal may fiid noqoto! Sababtuna waa cabsida aad qalbiga ka cabsan doontaan iyo xumaanta aad indhaha ku arki doontaan. 68 Oo Rabbigu mar dambe wuxuu Masar idinku celin doonaa idinkoo doonniyo ku jira, oo waxaad mari doontaan jidkii aan idinku idhi, Mar dambe ma aad arki doontaan, oo halkaasaad cadaawayaashiinna isugu iibin doontaan, inaad rag iyo dumarba addoommo u ahaataan, oo weliba ninna idinma iibsan doono.
  • Sab 2:4-5 : 4 Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa. 5 Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
  • Sab 2:9 : 9 Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
  • Ish 5:5-7 : 5 Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa, 6 oo iyada waxaan ka dhigi doonaa baabba' oo lama gooyn doono, lamana xagaafi doono, laakiinse waxaa ka soo bixi doona yamaarug iyo qodxan, oo weliba daruurahana waan ku amri doonaa inayan roob ku soo dayn. 7 Waayo, Rabbiga ciidammada beercanabkiisu waa dadka Israa'iil, oo dadka Yahuudahna waa geedkuu ku farxo, oo wuxuu ka sugayay caddaalad, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay dhiigdaadasho oo wuxuu ka sugayay xaqnimo, laakiinse bal eega, waxaa ka soo baxay qaylo.
  • Ish 49:5-7 : 5 Oo haddaba Rabbigii uurka hooyaday iga soo sameeyey inaan isaga addoon u noqdo si aan reer Yacquub isaga ugu keeno, oo reer binu Israa'iilna ay isaga ugu soo wada ururaan, wuu ila hadlay, (waayo, anigu Rabbiga hortiisa waan ku sharaf badnahay, Ilaahayguna wuxuu ii noqday xoog iyo itaal) 6 Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho. 7 Rabbiga ah Bixiyaha reer binu Israa'iil iyo Kooda Quduuska ah wuxuu ku leeyahay kan dadku quudhsado oo quruumuhu karhaan, oo ah taliyayaal addoonkood, Boqorraa arki doona oo sarajoogsan doona, oo weliba amiirraa sujuudi doona, waana Rabbiga aaminka ah, oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, oo ku doortay aawadiis.
  • Ish 65:15 : 15 Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa.
  • Ish 66:19-21 : 19 Oo waxaan dhexdooda ka taagi doonaa calaamad, oo kuwooda baxsan doonana waxaan u diri doonaa quruumaha, kuwaasoo ah Tarshiish, iyo Fuul iyo Luudka qaansada xooda, iyo Tubal iyo Yaawaan, iyo gasiiradaha fog, oo aan weligood warkayga maqal oo aan ammaantaydana arag, oo iyana ammaantayday quruumaha ka dhex sheegi doonaan. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay Rabbiga qurbaan ahaan ugu keeni doonaan walaalihiin oo dhan, oo waxay ka soo kaxayn doonaan quruumaha oo dhan, iyagoo fuushan fardo, iyo gaadhifardoodyo, iyo sariiro gacmeed, iyo baqlo, iyo rakuubbo dheereeya, oo waxay keeni doonaan buurtayda quduuska ah ee Yeruusaalem, sida reer binu Israa'iil ay weel nadiifsan qurbaankooda ugu keenaan oo ay guriga Rabbiga u soo geliyaan. 21 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Weliba waxaan iyaga kala dhex bixi doonaa wadaaddo iyo kuwa reer Laawi ah.
  • Daan 9:26 : 26 Oo laba iyo lixdanka toddobaad dabadood ayaa Kan subkan la gooyn doonaa waxbana ma haysan doono, oo dadka amiirka iman doona ayaa baabbi'in doona magaalada iyo meesha quduuska ah oo dhammaadkiisuna wuxuu ahaan doona mid daad leh, oo xataa ilaa ugu dambaysta waxaa jiri doona dagaal; baabba'na waa la goostay.
  • Sak 11:8-9 : 8 Oo saddexdii adhijirba isku bil baan baabbi'iyey, waayo, naftaydu way ka daashay, oo weliba naftooduna way iga neceen. 9 Markaasaan idhi, Anigu idin daajin maayo. Kii dhimanayaa ha dhinto, kii halligmayaana ha halligmo, oo intii hadhana mid waluba kan kale hilibkiisa ha cuno. 10 Oo waxaan soo qaatay ushaydii aan Raallinimo u bixiyey, oo waan kala jebiyey, si aan u jebiyo axdigaygii aan dadyowga oo dhan la dhigtay.
  • Sak 12:12 : 12 Oo dalkuna waa wada barooran doonaa, qoys kastaba gooni ahaantiisa, qoyska reer Daa'uud gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood, qoyska reer Naataanna gooni ahaantiis, naagahooduna gooni ahaantood,
  • Sak 13:8 : 8 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba'do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa.
  • Sak 14:2-3 : 2 Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono. 3 Markaasaa Rabbigu soo bixi doonaa, oo quruumahaas buu la diriri doonaa, siduu u diriray maalintii dagaalka.
  • Mal 4:1-6 : 1 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, maalintii waa imanaysaa oo waxay u qaxmaysaa sidii foorno oo kale, oo kuwa kibirka leh oo dhan iyo kuwa xumaanta ka shaqeeya oo dhammuba waxay ahaan doonaan jirrido jajab ah, oo maalinta imanaysa ayaa iyaga gubi doonta, taasuna iyaga uma reebi doonto xidid iyo laan toona. 2 Laakiinse kuwiinna magacayga ka cabsada waxaa idiin soo bixi doonta qorraxdii xaqnimada oo baallaheeda bogsiinta ku sidda, oo intaad baxdaan ayaad u boodboodi doontaan sida weylaha edegga ka baxa oo kale. 3 Oo waxaad ku tuman doontaan kuwa sharka ah oo dhan, waayo, maalinta aan saas sameeyo iyagu waxay ahaan doonaan sida dambas cagihiinna ka hooseeya, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay. 4 ¶ Xusuusta addoonkaygii Muuse sharcigiisii, kaasoo aan ku amray isagoo jooga Buur Xoreeb oo aan u siiyey reer binu Israa'iil oo dhan daraaddood, waxaana weeye qaynuunno iyo xukummo. 5 Bal eega, maalinta weyn oo cabsida badan oo Rabbigu intaanay iman waxaan idiin soo diri doonaa Nebi Eliiyaah. 6 Oo isagu aabbayaasha qalbigooda ayuu u soo jeedin doonaa carruurta xaggooda, oo carruurta qalbigoodana wuu u soo jeedin doonaa aabbayaasha xaggooda, si aanan u iman oo dhulka inkaar ugu dhufan.
  • Mat 3:12 : 12 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.
  • Mat 8:11-12 : 11 Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda, 12 laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 21:33-40
    8 aayado
    91%

    33¶ Maqla masaal kale. Waxaa jiri jiray nin oday reer u ah, oo beer canab ah beertay, oo ood ku heeraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.

    34Oo goortii xilligii midhahu soo dhowaaday ayuu addoommadiisii u soo diray beerreydii inay midhihiisii u soo qaadaan.

    35Markaasaa beerreydu addoommadiisii qabatay, mid way garaaceen, mid kalena way dileen, mid kalena way dhagxiyeen.

    36Haddana wuxuu diray addoommo kale oo kuwii hore ka badan, iyagiina sidaas oo kalay ku sameeyeen.

    37Laakiin dabadeed wuxuu u soo diray wiilkiisii isagoo leh, Wiilkayga way maamuusi doonaan.

    38Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee.

    39Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen.

    40Haddaba sayidkii beerta canabka ah goortuu yimaado, muxuu beerreydaas ku samayn doonaa?

  • Mark 12:7-9
    3 aayado
    87%

    7Laakiin beerreydii waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee, dhaxalkiina innagaa lahaan doonna.

    8Way qabteen, wayna dileen, oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen.

    9Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu samayn doonaa? Wuu iman doonaa oo beerreyda dili doonaa, dad kalena ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa.

  • Luuk 20:9-17
    9 aayado
    87%

    9¶ Wuxuu bilaabay inuu masaalkan dadka kula hadlo. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo niman beerrey ah u kiraystay, markaasuu dal kale tegey, oo wax badan ku maqnaa.

    10Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inay isaga siiyaan midhaha beerta, laakiin beerreydii ayaa garaacday oo waxla'aan ku dirtay.

    11Haddana wuxuu diray addoon kale, kaasna way garaaceen, oo ceebeeyeen, oo waxla'aan ku direen.

    12Haddana mid saddexaad ayuu diray, kaasna way dhaawaceen oo iska tuureen.

    13Markaasaa sayidka beerta wuxuu yidhi, Maxaan sameeyaa? Waxaan dirayaa wiilkaygaan jeclahay, malaha way maamuusi doonaan.

    14Laakiin beerreydii goortay arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa; aan dilnee, si aynu dhaxalka u lahaanno.

    15Markaasay beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen. Haddaba sayidkii beerta canabka ah muxuu iyaga ku samayn doonaa?

    16Wuu iman doonaa oo beerreydaas dili doonaa, oo dad kale ayuu beerta canabka ah u dhiibi doonaa. Goortay taas maqleen waxay yidhaahdeen, Yaanay noqon.

    17Laakiin wuu eegay oo ku yidhi, Haddaba muxuu yahay waxan la qoray, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka?

  • Mark 12:1-3
    3 aayado
    81%

    1¶ Markaasuu wuxuu bilaabay inuu masaallo kula hadlo iyaga. Nin baa wuxuu beertay beer canab ah, oo ood ku heraaray, dabadeedna god macsareed ka dhex qoday, oo munaarad ka dhisay, oo niman beerrey ah u kiraystay, oo dal kale tegey.

    2Goortii xilligii yimid, ayuu addoon u soo diray beerreydii inuu beerreydii midhihii beerta ka soo qaado.

    3Markaasay qabteen oo garaaceen oo waxla'aan ku direen.

  • Mat 21:42-44
    3 aayado
    78%

    42Markaasaa Ciise ku yidhi iyaga, Miyaanaydin weligiin Qorniinka ka akhriyin, Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Wuxuu noqday madaxa rukunka. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga?

    43Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Boqortooyada Ilaah waa laydinka qaadi doonaa, oo waxaa la siin doonaa dad midhihii boqortooyada bixiya.

    44Oo kan dhagaxan ku dhacaa, wuu jejebi doonaa, oo kan uu ku dhaco, wuu burburin doonaa.

  • Ish 5:2-5
    4 aayado
    75%

    2Oo wuxuu hareereheeda ka qoday god, oo dagaxyadii ku jirayna wuu ka saaray, markaasuu ku dhex beeray geedcanabka ugu wanaagsan, oo dhexdeedana wuxuu ka dhisay munaarad, oo weliba wuxuu dhexdeeda ka sameeyey god macsareed, oo wuxuu ka sugayay in midho canab ka soo baxaan, laakiinse waxaa ka soo baxay kuwa xunxun.

    3Haddaba, dadka Yeruusaalem deggan iyo dadka Yahuudahow, waxaan idinka baryayaa inaad aniga iyo beertayda canabka ah noo kala gar qaybisaan.

    4Bal maxaa kaloo beertayda loo samayn karay oo aanan u samayn? Maxayse markaan ka sugayay inay midho canab ka soo baxaan kuwa xunxun uga soo baxeen?

    5Haddaba waxaan idiin sheegayaa waxaan beertayda canabka ah ku samayn doono: heeraarkeeda waan ka qaadi doonaa, oo dhammaanteed way baabbi'i doontaa, oo deyrkeedana waan dumin doonaa, oo waa lagu joogjoogsan doonaa,

  • Mat 22:5-7
    3 aayado
    74%

    5Laakiin way fududaysteen, oo iska tageen, mid beertiisuu aaday, mid kalena wuxuu aaday baayacmushtarigiisii.

    6Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen.

    7Laakiin boqorkii markuu maqlay wuu cadhooday, oo askartiisii buu u diray oo baabbi'iyey kuwaasoo dhiig qabay, magaaladoodiina wuu gubay.

  • 14Oo wuxuu idinka qaadan doonaa beerihiinna, iyo beerihiinna canabka ah, iyo beerihiinna saytuunka ah, iyo xataa meelaha ugu wada wanaagsan, oo wuxuu siin doonaa midiidinnadiisa.

  • 28¶ Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee.

  • 28Wuxuu ku yidhi, Nin cadow ah ayaa waxan sameeyey. Addoommadii waxay ku yidhaahdeen, Ma waxaad doonaysaa haddaba inaannu tagno oo ururinno?

  • 4oo wuxuu kuwaas ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga oo wixii xaq ah ayaan idin siin doonaa. Wayna tageen.

  • Luuk 13:6-8
    3 aayado
    73%

    6¶ Markaasuu masaalkan ku hadlay, Nin baa wuxuu lahaa geed berde ah oo beertiisii canabka ahayd lagu beeray. Waa u yimid isagoo midho ka doonaya, waxbana kama uu helin.

    7Wuxuu beer-ka-shaqeeyihii ku yidhi, Bal eeg, saddex sannadood ayaan imanayay oo berdahan midho ka doonayay, kamana helin. Jar, muxuu dhulka u khasaarinayaa?

    8Markaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sayidow, sannaddanna daa ilaa aan hareerihiisa qodqodo oo aan digeeyo.

  • 46addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn oo saacad aanu ogayn, oo waa kala jeexi doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela kuwa aan aaminka ahayn.

  • 7Waxay ku yidhaahdeen Maxaa yeelay, cidna nama kiraysan. Wuxuu ku yidhi, Idinkuna beerta canabka ah taga.

  • 30Oo addoonka aan waxtarka lahayn ku tuura gudcurka dibadda ah. Halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 13Laakiin wuu u jawaabay oo ku yidhi, Geed walba oo aan Aabbahayga jannada ku jiraa abuurin waa la rujin doonaa.

  • 51oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 21Markaasaa addoonkii yimid, oo waxaas ayuu sayidkiisii u sheegay. Kolkaasaa sayidkii gurigu cadhooday, oo wuxuu addoonkiisii ku yidhi, Dhaqso jidadka iyo surimmada magaalada u bax oo soo kaxee masaakiinta iyo kuwa laxaadka la' iyo indhoolayaasha iyo curyaannada.

  • 5Haddana mid kale ayuu u soo diray, wayna dileen; oo qaar kale oo badan ayuu diray. Qaar waa la garaacay; qaarna waa la dilay.

  • 42Oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka, halkaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.

  • 22Wuxuu ku yidhi, Waxaa afkaaga ka soo baxay ayaan kugu xukumayaa, addoon yahow sharka leh. Waad ogayd inaan ahay nin ba'an oo qaato wixii aanan dhigan oo gurto wixii aanan beeran.

  • 50oo waxay ku tuuri doonaan foornada dabka. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.