Matayos 26:28

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay dembidhaafkooda aawadiis.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 20:28 : 28 sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.
  • Bax 24:7-8 : 7 Markaasuu wuxuu qaaday kitaabkii axdiga, oo wuuna akhriyey iyadoo ay dadkii maqlayaan, oo waxay yidhaahdeen, Kulli wixii Rabbigu ku hadlay waannu yeeli doonnaa oo waannu addeeci doonnaa. 8 Markaasaa Muuse wuxuu qaaday dhiiggii, oo dadkii ku rusheeyey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega dhiiggii axdiga oo Rabbigu idinla dhigtay oo ku saabsan hadalladan oo dhan.
  • Muj 7:14 : 14 Oo waxaan ku idhi, Sayidkaygiiyow, waad taqaan. Markaasuu wuxuu igu yidhi, Kuwanu waa kuwii ka soo baxay dhibaatadii weynayd, oo waxay khamiisyadoodii ku maydheen oo ku caddeeyeen dhiiggii Wanka.
  • Laaw 17:11 : 11 Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed.
  • 1 Kor 11:25 : 25 Sidaas oo kalena cashada dabadeed ayuu qaaday koobkii, isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub ee dhiiggayga. Tan u sameeya inaad igu xusuusataan mar alla markaad cabtaan.
  • Cib 9:14-22 : 14 intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool? 15 ¶ Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore. 16 Waayo, meeshii dardaaran jiro waa lagamamaarmaan inuu kii dardaarmay dhinto. 17 Waayo, dardaaranka waa la fuliyaa meeshii dhimasho jirto, maxaa yeelay, waxba ma taro intii kii dardaarmay nool yahay. 18 Haddaba xataa axdigii hore laguma gelin dhiigla'aan. 19 Waayo, markii Muuse amar kasta kula hadlay dadka oo dhan sida sharcigu leeyahay, wuxuu qaaday dhiiggii weylalka iyo orgiyada, iyo biyo, iyo dhogor guduudan, iyo geed husob la yidhaahdo, oo wuxuu ku rusheeyey kitaabka qudhiisa iyo dadka oo dhanba, 20 isagoo leh, Kanu waa dhiiggii axdiga oo Ilaah idinku amray. 21 Sidaas oo kalena taambuugga iyo weelasha lagu adeego oo dhan ayuu ku rusheeyey dhiiggii. 22 Inta badan wax walba waxaa lagu nadiifiyaa dhiig sida sharcigu leeyahay, oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro.
  • Cib 9:28 : 28 sidaas oo kalena Masiix, isagoo mar loo bixiyey inuu qaado dembiyada kuwa badan, ayuu dembila'aan mar labaad badbaadin ugu muuqan doonaa kuwa isaga sugaya.
  • Cib 10:4-9 : 4 Waayo, ma suurtowdo in dibiyo iyo orgiyo dhiiggoodu dembiyo qaado. 5 Saas daraaddeed kolkuu Masiixu dunida soo galay wuxuu lahaa, Allabaryo iyo qurbaan ma aad doonaynin, Laakiin jidh baad ii diyaarisay. 6 Waxyaalo la bixiyo oo la gubo oo dhan iyo dembi allabaryadiis kuma aad faraxsanayn. 7 Markaasaan idhi, Bal eeg, waxaan u imid Inaan sameeyo doonistaada, Ilaahow. Kitaabka duudduuban wax igu saabsan baa ku qoran. 8 Siduu horay u yidhi, Allabaryo iyo qurbaan iyo waxyaalo la bixiyo oo la gubo iyo dembi allabaryadiis ma aad doonayn, kumana aad faraxsanayn, kuwaas oo loo bixiyo sida sharcigu leeyahay. 9 Markaasuu yidhi, Bal eeg, waxaan u imid inaan sameeyo doonistaada. Wuxuu rujiyey kii kowaad si uu ka labaad u taago. 10 Sida doonistaasu tahay, waxaa quduus laynagaga dhigay bixinta jidhka Ciise Masiix oo mar keliya la bixiyey. 11 ¶ Wadaad waluba maalin kastuu istaagaa isagoo adeegaya oo marar badan bixinaya allabaryo isku mid ah, kuwa aan marnaba dembiyo qaadi karin, 12 laakiin isagu kolkuu allabari keliya mar keliya dembiyo u bixiyey ayuu fadhiistay midigta Ilaah; 13 isagoo markaas dabadeed sugaya ilaa cadaawayaashiisa cagihiisa hoostooda la geliyo. 14 Maxaa yeelay, bixin keliya ayuu kaamil kaga dhigay weligood kuwa quduus laga dhigay.
  • Cib 13:20 : 20 ¶ Haddaba Ilaaha nabadda oo ka soo celiyey kuwii dhintay Rabbigeenna Ciise oo ah Adhijirka weyn ee idaha, oo ku soo celiyey dhiigga axdiga weligiis ah,
  • 1 Yoox 2:2 : 2 Oo isaguna wuxuu dembiyadeenna u yahay kafaaraggudka; oo kuweenna oo keliya uma aha ee weliba wuxuu u yahay dembiyada dunida oo dhan.
  • Muj 7:9 : 9 ¶ Oo bal eeg, waxyaalahaas ka dib waxaan arkay dad faro badan, oo aan ninna tirin karin, oo lagala soo baxay quruun kasta, iyo qabiil kasta, iyo dad kasta, iyo af kasta, oo taagan carshiga hortiisa iyo Wanka hortiisa, iyagoo qaba khamiisyo cadcad, gacmahana ku haysta caleemo timireed.
  • Ef 1:7 : 7 Isaga, sida ay hodantinimada nimcadiisu tahay, waxaynu dhiiggiisa ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafkeenna.
  • Kol 1:14 : 14 kaas oo aynu ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafka.
  • Kol 1:20 : 20 iyo inuu isaga wax kastaba xaggiisa kula heshiiyo, isagoo kula nabday dhiiga iskutallaabtiisa; hadday yihiin waxyaalaha dhulka jooga ama hadday yihiin waxyaalaha samooyinka ku jiraba.
  • Yer 31:31 : 31 ¶ Bal eega, maalmihii waa imanayaan, ayaa Rabbigu leeyahay, oo anigu axdi cusub baan la dhigan doonaa reer Israa'iil iyo reer Yahuudah,
  • Sak 9:11 : 11 Oo weliba adigana dhiiggii axdigaaga daraaddiis maxaabiistaadii waan ka soo bixiyey godkii aan biyuhu ku jirin.
  • Mark 1:4 : 4 Waxaa yimid Yooxanaa kan cidlada dadka ku baabtiisayay oo ku wacdiyeyey baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis.
  • Mark 14:24 : 24 Wuxuu ku yidhi, Kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay.
  • Luuk 22:19 : 19 Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh, Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya.
  • Room 5:15 : 15 Hadiyaddu ma aha sida dembiga, waayo, haddii nin keliya dembigiis kuwa badanu u dhinteen, de in ka sii badan waxaa kuwa badan u badatay nimcada Ilaah iyo hadiyadda nin nimcadiis ku timid, kan ah Ciise Masiix.
  • Room 5:19 : 19 Waayo, sida nin keliya caasinimadiisii kuwa badan dembilayaal looga dhigay, sidaas oo kalena nin keliya addeeciddiis ayaa kuwa badan xaq looga dhigi doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    22¶ Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo iyaga siiyey oo yidhi, Qaata, tanu waa jidhkaygiiye.

    23Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahadnaqay oo siiyey iyaga, oo kulli way ka wada cabbeen.

    24Wuxuu ku yidhi, Kanu waa dhiiggayga axdiga cusub kan kuwo badan loo daadshay.

    25Runtii waxaan idinku leeyahay, Mar dambe midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa maalinta aan boqortooyada Ilaah ka cabbi doono kan cusub.

  • 85%

    16Waayo, waxaan idinku leeyahay, Mar dambe tan ma cuni doono ilaa ay ku dhammaystiranto boqortooyada Ilaah dhexdeeda.

    17Markaasuu koob qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu yidhi, Kan qaata oo qaybsada,

    18waayo, waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu midhaha geedka canabka ah kama cabbi doono ilaa ay boqortooyada Ilaah timaado.

    19Kibisna wuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay, ayuu kala jejebiyey, oo iyaga siiyey, isagoo leh, Tanu waa jidhkaygii laydiin bixiyey. Waxan xusuustayda u sameeya.

    20Sidaas oo kale cashada dabadeed koobkuu qaaday isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub oo dhiiggayga aawadiin loo daadshay,

    21laakiin eega, gacanta kan i gacangelinaya miiskay ila saaran tahay,

  • 82%

    23¶ Waayo, Rabbigaan ka helay wixii aan idiin dhiibay, taasoo ah, in Rabbi Ciise habeenkii la gacangeliyey uu kibis qaaday,

    24oo markuu ku mahadnaqay ayuu jejebiyey oo yidhi, Tanu waa jidhkaygii laydiin jejebiyey, tan u sameeya inaad igu xusuusataan.

    25Sidaas oo kalena cashada dabadeed ayuu qaaday koobkii, isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub ee dhiiggayga. Tan u sameeya inaad igu xusuusataan mar alla markaad cabtaan.

    26Waayo, mar alla markaad kibistan cuntaan oo aad koobkan cabtaan, waxaad muujinaysaan dhimashada Rabbiga ilaa uu yimaado.

    27¶ Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan.

  • Mat 26:26-27
    2 aayado
    81%

    26¶ Oo intay wax cunayeen, Ciise ayaa kibis qaaday oo barakeeyey, wuuna jejebiyey oo xertii siiyey oo yidhi, Qaata oo cuna. Tanu waa jidhkaygiiye.

    27Kolkaasuu koobkii qaaday oo mahadnaqay oo siiyey iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Kulligiin ka cabba.

  • Mat 26:29-30
    2 aayado
    80%

    29Laakiin waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed anigu kama cabbi doono midhahan geedka canabka ah ilaa maalinta aan iyadoo cusub idinkula cabbayo boqortooyada Aabbahay dhexdeed.

    30¶ Goortay gabay ammaan ah ku gabyeen waxay u baxeen Buur Saytuun.

  • 20isagoo leh, Kanu waa dhiiggii axdiga oo Ilaah idinku amray.

  • 27Oo kanu waa axdigayga aan la dhigan doono iyaga, Markaan dembigooda ka qaadi doono.

  • Yoox 6:53-55
    3 aayado
    71%

    53Ciise haddaba wuxuu ku yidhi, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Haddaydnan jidhkii Wiilka Aadanaha cunin oo dhiiggiisa cabbin nolosha kuma lihidin gudihiinna.

    54Oo kii jidhkayga cuna oo dhiiggayga cabba wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, oo maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.

    55Waayo, runtii jidhkaygu waa cunto, dhiiggayguna runtii waa wax la cabbo.

  • 22Inta badan wax walba waxaa lagu nadiifiyaa dhiig sida sharcigu leeyahay, oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro.

  • 16Koobka barakada leh ee aynu u ducayno miyaanu ahayn islawadaagidda dhiigga Masiix? Kibistaynu jebinnaa, miyaanay ahayn islawadaagidda jidhka Masiix?

  • 28Runtii waxaan idinku leeyahay, Bini-aadmiga waa loo cafiyi doonaa dembiyadii oo dhan iyo caydii ay ku caytamaan;

  • 11Waayo, jiidhka noloshiisii waxay ku dhex jirtaa dhiigga; oo anna waxaan meesha allabariga dusheeda idiinku siiyey in nafihiinna loogu kafaaro gudo, waayo, waa dhiigga waxa loogu kafaaro gudaa nolosha daraaddeed.

  • 14kaas oo aynu ku leennahay madaxfurasho ah dembidhaafka.

  • 38Sidaas darteed, walaalayaalow, garta in ninkan xaggiisa dembidhaafka laydinkaga wacdiyey;

  • 28sida Wiilka Aadanahu uusan ugu iman in loo adeego laakiin inuu adeego iyo inuu naftiisa dad badan furashadooda u bixiyo.

  • 15¶ Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore.

  • 18Markii waxyaalahan la cafiyo, wax dambe oo dembi loo bixiyaa ma jiro.

  • 18Haddaba xataa axdigii hore laguma gelin dhiigla'aan.

  • 48Wuxuu iyada ku yidhi, Dembiyadaadii waa cafiyan yihiin.

  • 28sidaas oo kalena Masiix, isagoo mar loo bixiyey inuu qaado dembiyada kuwa badan, ayuu dembila'aan mar labaad badbaadin ugu muuqan doonaa kuwa isaga sugaya.

  • 25Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado.

  • 23Wuxuu ku yidhi, Runtii koobkayga waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa, laakiin inaad midigtayda iyo bidixdayda fadhiisataan anigu malihi inaan idin siiyo, laakiin waxaa la siin doonaa kuwa Aabbahay u diyaargareeyey.

  • 12Waxay cadarkan jidhkayga ugu shubtay inay aasniintayda ii diyaargarayso.

  • 39Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. Markaasaa Ciise ku yidhi, Koobka aan ka cabbayo waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa,

  • 25kan Ilaah u soo bixiyey inuu dhiiggiisa kafaaraggud ku noqdo xagga rumaysadka la rumaystay dhiiggiisa aawadiis, inuu xaqnimadiisa ku muujiyo dembidhaafka uu dembiyadii hore loo sameeyey ku dhaafay samirkii Ilaah;

  • 21oo intay wax cunayeen ayuu ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Midkiin ayaa i gacangelin doona.

  • 42isagoo leh, Aabbow, haddaad doonaysid, koobkan iga fogee, hase ahaatee, doonistaydu yaanay noqon, taaduse ha noqoto.

  • 11Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu Butros ku yidhi, Seefta galkeeda ku celi. Koobka Aabbuhu i siiyey miyaanan cabbayn?

  • 4oo wuxuu ku yidhi, Waan dembaabay markaan gacangeliyey dhiig eed la'. Laakiin waxay ku yidhaahdeen, Maxaa noogu jira? Yeelkaa.

  • 42Haddana mar labaad ayuu tegey oo tukaday isagoo leh, Aabbow, haddii aanay suurtoobin in koobkanu i dhaafo anigoo cabba maahee, sidaad doonaysid ha noqoto.

  • 34Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.

  • 31Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Dembi walba iyo cay walba waa loo cafiyi doonaa dadka, laakiin cayda Ruuxa Quduuska ah ka gees ah looma cafiyi doono.

  • 29Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin.

  • 8Sidaa darteed ilaa maanta dhulkaas waxaa loogu yeedhaa dhulkii dhiigga.