Matayos 27:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, wuxuu ogaa inay hinaaso ugu soo dhiibeen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 27:4 : 4 Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara?
  • Wacd 4:4 : 4 ¶ Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Ish 26:11 : 11 ¶ Rabbiyow, gacantaadu kor bay u taagan tahay, laakiinse iyagu ma ay arkaan illowse waxay arki doonaan dadaalkaaga aad dadka u dadaashid, wayna ceeboobi doonaan, oo cadaawayaashaadana dab baa baabbi'in doona.
  • Mark 15:10 : 10 Waayo, wuxuu ogaa wadaaddadii sare inay hinaaso ugu soo dhiibeen.
  • Fal 5:17 : 17 ¶ Laakiin waxaa kacay wadaadkii sare iyo kuwii la socday oo dhan, kuwaas oo ka mid ahaa dariiqada Sadukiinta; markaasay iyagoo aad u xanaaqsan,
  • Fal 7:9 : 9 ¶ Kuwii aan ka soo farcannayna intay Yuusuf ka masayreen ayay waxay ka iibiyeen Masar;
  • Fal 13:45 : 45 Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.
  • Yac 4:5 : 5 Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra?
  • Bil 37:11 : 11 Markaasay walaalihiis ka masayreen isagii; laakiinse aabbihiis maankuu ku haystay hadalkii.
  • 1 Sam 18:7-9 : 7 Oo dumarkiina midba midda kalay gabay u celisay, iyagoo cayaaraya, oo waxay yidhaahdeen, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun. 8 Saa'uulna aad buu u cadhooday, oo hadalkaas ayuu ka xumaaday, wuxuuna yidhi, Waxay Daa'uud ku sheegeen tobanyaal kun, laakiinse aniga waxay igu sheegeen kumanyaal; oo maxaa intaas ka badan oo uu heli lahaa boqortooyada mooyaane? 9 Oo Saa'uulna maalintaas dabadeed Daa'uud si xun buu u fiirin jiray. 10 ¶ Oo subaxdii dambe ruux xun oo xag Ilaah ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul, oo sidii nebi ayuu wax ugu sii sheegay guriga dhexdiisa. Markaasaa Daa'uud wuxuu gacanta ku dhuftay kataarad siduu maalin walba yeeli jiray; oo Saa'uulna gacantuu ku haystay warankiisii. 11 Oo wuxuu yidhi, Daa'uud derbigaan ku qodbi doonaa. Markaasaa Saa'uul warankii ku soo ganay. Daa'uudna laba jeer buu ka gabbaday.
  • Sab 106:16 : 16 Oo weliba waxay xerada dhexdeedii kaga hinaaseen Muuse Iyo Haaruun oo ahaa Rabbiga kiisii quduuska ahaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 15:9-11
    3 aayado
    93%

    9Bilaatos baa u jawaabay oo ku yidhi, Ma waxaad doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorka Yuhuudda?

    10Waayo, wuxuu ogaa wadaaddadii sare inay hinaaso ugu soo dhiibeen.

    11Laakiin wadaaddadii sare ayaa dadka kiciyey, oo waxay yidhaahdeen inay u roon tahay inuu Baraabbas u sii daayo iyaga.

  • Mat 27:15-17
    3 aayado
    76%

    15¶ Taliyihii waxaa caadadiisu ahayd inuu iidda dadka u sii daayo maxbuuskay doonayaan.

    16Markaasay waxay lahaayeen maxbuus caan ah oo la odhan jiray Baraabbas.

    17Haddaba goortay isu urureen, Bilaatos ayaa ku yidhi, Iyamaad doonaysaan inaan idiin sii daayo? Baraabbas ama Ciise kan Masiixa la yidhaahdo?

  • 75%

    24Markaasaa Bilaatos wuxuu xukumay in loo yeelo waxay weyddiisteen.

    25Wuuna sii daayay kii fallaagada iyo dilidda xabsiga loogu riday oo ay weyddiisteen, laakiin Ciise buu u dhiibay iyaga siday doonayeen.

  • Mat 27:1-2
    2 aayado
    74%

    1¶ Goortii aroortii la gaadhay wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka oo dhan ayaa Ciise wax ka gees ah ka wada hadlay si ay u dilaan.

    2Markaasay xidheen oo kaxeeyeen, oo waxay u dhiibeen taliyihii Bilaatos ahaa.

  • 16¶ Markaasuu haddaba u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

  • Mat 27:19-20
    2 aayado
    73%

    19Kolkuu kursiga xukumaadda ku fadhiistay ayaa naagtiisii farriin u soo dirtay oo waxay ku tidhi, Ha dhex gelin xaajada ninkaas xaqa ah, waayo, maanta anigoo ku riyoonaya isaga, ayaan aad iyo aad u xanuunsaday.

    20¶ Laakiin wadaaddadii sare iyo waayeelladii waxay dadkii badnaa oggolaysiiyeen inay Baraabbas weyddiistaan, Ciisena la dilo.

  • 73%

    17Waayo, waajib bay ahayd inuu iidda mid u sii daayo iyaga.

    18Markaasay wada qayliyeen, iyagoo leh, Wad kan, Baraabbas noo sii daa,

    19kan xabsiga loogu riday fallaagaduu magaalada ka riday iyo dilid aawadeed.

    20Mar kale Bilaatos ayaa iyaga la hadlay isagoo doonaya inuu Ciise sii daayo.

  • Mat 26:15-16
    2 aayado
    72%

    15oo ku yidhi, Maxaad doonaysaan inaad i siisaan? Anna waan idiin soo gacangelin doonaaye. Oo waxay bixiyeen soddon gogo' oo lacag ah.

    16Markaas dabadeed wuxuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

  • 26Markaasuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

  • 30Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Ninkanu haddaanu ahayn xumaanfale, kuuma aannu soo gacangelinneen.

  • 23markii isaga lagu gacangeliyey taladii Ilaah goostay oo uu hore u ogaa, gacanta sharcilaawayaasha ayaad ku qabateen, waadna ku qodobteen iskutallaabta oo disheen.

  • 72%

    14Markaasaa Bilaatos ku yidhi, Waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ku qodob.

    15Bilaatos wuxuu doonayay inuu sameeyo waxa dadku raalli ka yahay, sidaa darteed ayuu Baraabbas u sii daayay, oo goortuu Ciise karbaashay ayuu u dhiibay in iskutallaabta lagu qodbo.

  • 20iyo sidii wadaaddada sare iyo taliyayaasheennii ugu dhiibeen in dhimasho lagu xukumo, oo iskutallaabta ayay ku qodbeen.

  • Fal 13:27-28
    2 aayado
    71%

    27Waayo, kuwii Yeruusaalem joogay iyo taliyayaashoodii waa garan waayeen isaga iyo codadkii nebiyada oo sabti walba la akhriyi jiray, sidaas daraaddeed ayay waxyaalihii dhammeeyeen markay xukumeen isagii.

    28Oo in kastoo ayan ka helin sabab lagu dilo, ayay waxay Bilaatos weyddiisteen in la dilo.

  • 7Goortuu ogaaday inuu ka mid ahaa kuwii Herodos xukumo, wuxuu u diray Herodos, kan qudhiisu Yeruusaalem joogay wakhtigaas.

  • Luuk 22:4-6
    3 aayado
    71%

    4Markaasuu tegey, oo wuxuu la hadlay wadaaddada sare iyo madaxdii askarta si uu ugu gacangeliyo.

    5Goortaasay farxeen oo kula heshiiyeen inay lacag siiyaan,

    6wuuna oggolaaday, oo wuxuu doonayay goor wanaagsan inuu u soo gacangeliyo intii dadka maqnaayeen.

  • 11Iyagu markay maqleen ayay farxeen oo waxay ka ballanqaadeen inay lacag siiyaan. Markaasuu doonayay goor wanaagsan oo uu u soo gacangeliyo.

  • Mark 15:6-7
    2 aayado
    70%

    6¶ Iiddaas wuxuu iyaga u sii dayn jiray maxbuuskay doonayeen.

    7Markaasaa waxaa jiray nin Baraabbas la odhan jiray oo ahaa mid lala xidhay kuwii kula kacay oo wax dilay markii fidmaddu dhacday.

  • 1¶ Aroortii kolkiiba wadaaddadii sare waxay la wada hadleen waayeelladii iyo culimmadii iyo shirkii oo dhan. Ciisena way xidheen oo kaxeeyeen oo waxay u dhiibeen Bilaatos.

  • Mat 27:22-23
    2 aayado
    70%

    22Markaasaa Bilaatos wuxuu ku yidhi, Haddaba maxaan ku sameeyaa Ciise kan Masiixa la yidhaahdo? Kulligood waxay wada yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

    23Oo wuxuu yidhi, Waayo, waa maxay sharkuu falay? Laakiin aad bay u sii qayliyeen oo yidhaahdeen, Iskutallaabta ha lagu qodbo.

  • 70%

    39¶ Laakiin waxaad leedihiin caado inaan mid idiin sii daayo Iidda Kormaridda. Haddaba ma doonaysaan inaan idiin sii daayo Boqorkii Yuhuudda?

    40Kolkaasay dhammaan mar kale qayliyeen iyagoo leh, Ninkan ma aha, laakiin Baraabbas. Baraabbas wuxuu ahaa waxdhace.

  • 35Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacangeliyeye. Maxaad samaysay?

  • 34Markaasaa Ciise wuxuu yidhi, Aabbow, iyaga cafi, waayo, garan maayaan waxay samaynayaan. Markaasay dharkiisii qaybsadeen, wayna saami riteen.

  • 2Markaasaa wadaaddadii sare iyo culimmadii waxay dooneen si ay u dilaan isaga, waayo, dadka ayay ka baqeen.

  • 11Ciise ayaa ugu jawaabay, Amarna iguma aad lahaateen haddaan xagga sare lagaa siin. Sidaa daraaddeed kii ii soo kaa gacangeliyey ayaa kaa dembi weyn.

  • 4Oo waxay ka wada hadleen si ay Ciise khiyaano ugu qabtaan oo ay u dilaan.

  • 26Waxaa lagu qoray meel ka korraysa isaga qorniinkii ashtakadiisii oo leh, BOQORKA YUHUUDDA.

  • 32Waayo, isaga waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, waana lagu kajami doonaa, oo la caayi doonaa, oo lagu tufi doonaa,

  • 32inuu ahaado hadalkii Ciise ku hadlay kolkuu sheegay siduu u dhiman doono.

  • 4oo wuxuu ku yidhi, Waan dembaabay markaan gacangeliyey dhiig eed la'. Laakiin waxay ku yidhaahdeen, Maxaa noogu jira? Yeelkaa.

  • 37Waxay meel madaxiisa ka korraysa ku qoreen ashtakadii lagu ashtakeeyey oo leh, KANU WAA CIISE BOQORKA YUHUUDDA.

  • 28Anigoo doonaya inaan ogaado sababtii ay ku dacwaynayeen, ayaan isagii shirkoodii hor keenay;