Matayos 27:51

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo bal eeg, daahi macbudka ayaa kor ilaa hoos laba u kala dillaacay, dhulkiina waa gariiray, dhagaxyadiina waa kala dildillaaceen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 15:38 : 38 Markaasaa daahii macbudka kor ilaa hoos laba u kala dillaacay.
  • Cib 10:19-22 : 19 ¶ Taas daraaddeed, walaalayaalow, waxaynu haysannaa dhiirranaan inaynu meesha quduuska ah ku galno dhiigga Ciise, 20 oo ah waddo cusub oo nool oo uu inooga banneeyey daaha, kaas oo ah jidhkiisa. 21 Oo waxaynu haysannaa wadaad weyn oo ka sarreeya guriga Ilaah. 22 Taas daraaddeed aynu ugu soo dhowaanno qalbi run ah iyo hubaal rumaysad, iyadoo qalbiyadeenna laga nadiifiyey niyo shar leh, jidhkeennana lagu maydhay biyo daahir ah.
  • Luuk 23:45 : 45 Qorraxdu way madoobaatay, daahii macbudkuna dhexda ayuu ka kala dillaacay.
  • Mat 27:54 : 54 Boqol-u-taliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.
  • Mat 28:2 : 2 Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay.
  • Bax 26:31-37 : 31 ¶ Oo waa inaad ilxidh ka samaysaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan; hana lagu daabaco keruubiim. 32 Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah. 33 Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin. 34 Oo daboolka waa inaad saartaa sanduuqa maragga oo ku jira meesha ugu quduusan. 35 Oo miiskana waa inaad dhigtaa ilxidhka dibaddiisa, oo laambaddana waxaad dhigtaa miiska hortiisa oo ah dhanka koonfureed oo taambuugga, miiskana dhanka woqooyi dhig. 36 Oo waa inaad iridda Teendhada u samaysaa daah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh. 37 Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa.
  • Cib 6:19 : 19 tan aynu sida barroosinka nafta u haysanno, mid adkaan iyo hubaalba ah oo gelaysa waxa daaha ka shisheeya,
  • Cib 9:3 : 3 Daaha labaad shishediisa waxaa ku jiray taambuuggii la odhan jiray, Quduuskii Quduusyada,
  • Bax 40:21 : 21 markaasuu sanduuqiina taambuuggii soo geliyey, oo haddana sudhay ilxidhkii daaha, oo wuxuu ku qariyey sanduuqii maragga, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
  • Laaw 16:2 : 2 oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.
  • Laaw 16:12-15 : 12 Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa. 13 Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane. 14 Oo isagu waa inuu qaadaa dhiiggii dibiga qaarkiis, oo fartiisa ha kula saydhsaydho daboolka dhankiisa bari, oo daboolka hortiisana waa inuu dhiigga fartiisa kula saydhsaydhaa toddoba jeer. 15 Markaas waa inuu gowracaa orgigii dadka loogu bixinayo qurbaan dembi, oo uu dhiiggiisana ilxidhka soo geliyaa, oo orgiga dhiiggiisana waa inuu ku sameeyaa siduu ku sameeyey dhiiggii dibiga oo kale, oo uu ku saydhsaydhaa daboolka dushiisa iyo hortiisaba.
  • Laaw 21:23 : 23 Laakiinse waa inuusan meesha daaha leh gelin, ama uusan meesha allabariga u dhowaan, si uusan u nijaasayn meelahayga quduuska ah, maxaa yeelay, isagu iin buu leeyahay, oo aniga ayaa ah Rabbiga iyaga quduus ka dhiga.
  • 2 Taar 3:14 : 14 Oo haddana wuxuu ilxidhka ka dhigay buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo maro wanaagsan laga sameeyey, oo keruubiim lagu daabacay.
  • Sab 18:7 : 7 Markaasaa dhulku ruxmay oo gariiray, Oo buuraha aasaaskoodiina wuu dhaqdhaqaaqay, Oo wuu ruxmay, maxaa yeelay, Ilaah waa cadhaysnaa.
  • Sab 18:15 : 15 Rabbiyow, canaantaadii aawadeed iyo dulalka sankaaga neefta ka soo baxaysa aawadeed Ayaa durdurradii biyuhu la muuqdeen, Oo aasaaskii duniduna wuu soo bannaan baxay.
  • Ish 25:7 : 7 Oo isagu wuxuu buurtan ku baabbi'in doonaa daboolka dadyowga oo dhan la dul saaray iyo indhashareerta quruumaha oo dhan lagu dul fidiyey.
  • Miik 1:3-4 : 3 ¶ Waayo, bal eega, Rabbigu meeshiisuu ka soo bixi doonaa, wuuna soo degan doonaa, oo dhulka meelihiisa sarsare mari doonaa. 4 Oo buuruhu hoostiisay ku dhalaali doonaan, dooxooyinkuna way u kala dildillaaci doonaan sidii shamac dab hor yaal, iyo sidii biyo ka daadanaya meel sare.
  • Nax 1:3-5 : 3 Rabbigu cadho wuu u gaabiya, waana xoog badan yahay, oo kii gardaran sinaba eedlaawe ugu haysan maayo. Rabbigu wuxuu jid ku leeyahay dabaysha cirwareenta ah iyo duufaanka, oo daruuruhuna waa boodhkii cagihiisa. 4 Isagu wuxuu canaantaa badda, oo weliba iyaduu engejiyaa, oo webiyaasha oo dhanna wuu wada qallajiyaa. Baashaan iyo Karmel way engegaan, oo ubixii Lubnaanna waa dhaday. 5 Buuruhu way ka gariiraan isaga, oo kuruhuna way dhalaalaan, oo dhulka xataa dunida iyo waxa deggan oo dhammuba way ku rogmadaan hortiisa.
  • Xab 3:10 : 10 Buurihii way ku arkeen, oo way cabsadeen. Biyaha xoogga lahuna way iska gudbeen, Moolkii codkiisuu ku hadlay, Gacmihiisiina kor buu u taagay.
  • Xab 3:13 : 13 Waad u soo baxday inaad dadkaaga badbaadiso daraaddeed, Iyo inaad badbaadiso kaaga subkan. Reerka sharrowga madaxiisa waad dhaawacday. Aasaaskiina waad soo bandhigtay. (Selaah)
  • Ef 2:13-18 : 13 Laakiinse kuwiinna mar hore fogaa, haatan waxaad ku jirtaan Ciise Masiix, oo waxaa laydinku soo dhoweeyey dhiigga Masiixa. 14 Waayo, isagu waa nabaddeenna, oo waa kan labada mid ka dhigay, oo dumiyey qoqobkii derbiga dhexe, 15 isagoo jidhkiisii ku buriyey cadownimadii taas oo ah sharciga amarrada ku jira qaynuunnada, inuu isaga qudhiisu labadii isugu abuuro nin cusub, isagoo saas nabad ku samaynaya, 16 iyo inuu labadooda oo isku jidh ah Ilaah kula heshiisiiyo xagga iskutallaabta, isagoo halkaas ku dilay cadownimada. 17 Oo markuu yimid ayuu nabad ku wacdiyey kuwiinnii fogaa, oo kuwii dhowaana nabad buu ku wacdiyey, 18 waayo, labadeennaba isagaynu Ruux keliya ugu galnaa Aabbaha.
  • Cib 12:25-27 : 25 Digtoonaada si aydnaan u diidin kan hadlaya; waayo, haddayan baxsan kuwii diiday kii dhulka ku waaniyey, si ka badan innaguna ma baxsan doonno haddaynu ka jeesanno kan jannada ka hadlaya, 26 kan codkiisii wakhtigaas gariiriyey dhulka; laakiin hadda wuu ballanqaaday isagoo leh, Weliba mar kale ayaan gariirin doonaa dhulka, dhulka oo keliyana ma aha ee xataa samadana waan gariirin doonaa. 27 Erayadii ahaa, Weliba mar kale, micnehoodu waxaa weeye in la qaadi doono waxyaalihii la gariiriyey sidii waxyaalo la sameeyey, si waxyaalihii aan la gariirinu u hadhaan.
  • Muj 11:13 : 13 Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada.
  • Muj 11:19 : 19 ¶ Markaasaa waxaa samada laga furay macbudkii Ilaah; oo waxaa macbudkiisa gudihiisa ka muuqday sanduuqii axdigiisa; markaasaa waxaa soo dhacay hillaac, iyo codad, iyo onkod, iyo dhulgariir, iyo roob dhagaxyaale oo weyn.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    37Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo ruuxii bixiyey.

    38Markaasaa daahii macbudka kor ilaa hoos laba u kala dillaacay.

    39Kolkaasaa boqol-u-taliyihii oo meel ku toosan taagnaa markuu arkay inuu sidaas ruuxiisii u baxshay, wuxuu yidhi, Runtii, ninkanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.

  • 85%

    44¶ Haddaba waxay ahayd abbaaraha saacaddii lixaad, dhulka oo dhammuna gudcur buu noqday ilaa saacaddii sagaalaad.

    45Qorraxdu way madoobaatay, daahii macbudkuna dhexda ayuu ka kala dillaacay.

    46Markaasaa Ciise cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Aabbow, gacmahaaga ayaan ruuxayga u dhiibayaa. Goortuu waxaas yidhi, ayuu ruuxii bixiyey.

    47Boqol-u-taliyihii goortuu arkay wixii dhacay, ayuu Ilaah ammaanay oo yidhi, Hubaal ninkanu xaq buu ahaa.

  • 50Markaasaa Ciise goortuu mar kale cod weyn ku dhawaaqay, ruuxii bixiyey.

  • Mat 27:52-54
    3 aayado
    75%

    52Xabaalihiina waa furmeen, oo quduusiin badan oo hurdayna meydadkoodii waa la kiciyey.

    53Sarakiciddiisa dabadeed ayay xabaalaha ka soo baxeen, oo waxay galeen magaalada quduuska ah, oo waxay u muuqdeen dad badan.

    54Boqol-u-taliyihii iyo kuwii la jiray oo Ciise dhawrayay, goortay arkeen dhulgariirkii iyo wixii dhacay, aad bay u baqeen oo yidhaahdeen, Runtii, kanu wuxuu ahaa Wiilkii Ilaah.

  • Mat 27:45-46
    2 aayado
    72%

    45¶ Hadda saacaddii lixaad ilaa saacaddii sagaalaad dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa.

    46Abbaaraha saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani, waxaa weeye, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?

  • 63Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay oo yidhi, Maxaannu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay?

  • 14Oo samadiina waxaa loo qaaday sidii kitaab la duubay oo kale, oo buur walba iyo gasiirad walbaba meeshoodii waa laga dhaqaajiyey.

  • 19Dhulkii dhammaantiis wuu dumay, oo dhulkii kulligiis wuu burburay, oo dhulkii aad iyo aad buu u dhaqdhaqaaqay.

  • Mat 28:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Sabtidii dabadeed goortii waagii beryayay maalintii ugu horraysay ee toddobaadka, Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxay u yimaadeen inay xabaashii arkaan.

    2Oo bal eeg, waxaa jiray dhulgariir weyn, waayo, malaa'igta Rabbiga ayaa intay samada ka soo degtay timid oo dhagixii ka giringirisay oo ku dul fadhiisatay.

  • Mat 27:59-60
    2 aayado
    70%

    59Yuusuf goortuu meydkii qaaday ayuu kafan nadiif ah ku duudduubay,

    60oo wuxuu geliyey xabaashiisii cusbayd, tan uu dhagax ka qoday, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn, wuuna ka tegey.

  • 70%

    33¶ Goortii saacaddii lixaad la gaadhay, dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa ilaa saacaddii sagaalaad.

    34Saacaddii sagaalaad Ciise ayaa cod weyn ku dhawaaqay oo yidhi, Eloy, Eloy, lama sabakhtani? taasoo micneheedu yahay, Ilaahayow, Ilaahayow, maxaad ii dayrisay?

  • 19¶ Markaasaa waxaa samada laga furay macbudkii Ilaah; oo waxaa macbudkiisa gudihiisa ka muuqday sanduuqii axdigiisa; markaasaa waxaa soo dhacay hillaac, iyo codad, iyo onkod, iyo dhulgariir, iyo roob dhagaxyaale oo weyn.

  • 4Oo cabsi aawadeed kuwii ilaalinayay waa gariireen, oo waxay noqdeen sida meydad.

  • 18Markaasaa waxaa dhacay hillaac iyo codad iyo onkod; oo waxaa dhacay dhulgariir weyn oo aan weligiis isagoo kale la arag intii dad dhulka joogay, oo wuxuu ahaa dhulgariir aad u weyn oo aad u xoog badan.

  • 68%

    45Goortuu ka gartay boqol-u-taliyihii, ayuu meydkii Yuusuf siiyey.

    46Markaasaa Yuusuf wuxuu soo iibsaday kafan, wuuna soo dejiyey isaga, oo kafantii ku duudduubay, oo wuxuu geliyey xabaal dhagax ka qodnayd, oo xabaashii afkeedii wuxuu ku soo giringiriyey dhagax weyn.

  • 19Ciisena waa u jawaabay oo ku yidhi, Macbudkan dumiya, oo saddex maalmood dabadeed ayaan kicin doonaa.

  • 30Haddaba markii Ciise khalkii qaatay ayuu yidhi, Waa dhammaatay, markaasuu madaxa foororshay oo ruuxii bixiyey.

  • 12¶ Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;

  • 67%

    23¶ Haddaba askartii markay Ciise iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaateen oo ay afar meelood ka dhigeen, askari waliba meel buu qaatay, khamiiskiina way qaateen. Khamiiskii meella kama tollayn dusha iyo hoosta.

    24Sidaa daraaddeed waxay isku yidhaahdeen, Yeynan kala jeexin, laakiin aan u saami ridanno kii heli doona, inuu noqdo Qorniinka oo leh, Iyagu waxay qaybsadeen dharkaygii. Khamiiskaygiina way u saami riteen. Haddaba waxyaalahaas askartii baa samaysay.

  • 21Isaguse wuxuu ka hadlayay macbudka jidhkiisa ah.

  • 65Markaasaa wadaadkii sare dharkiisii jeexjeexay isagoo leh, Wuu caytamay. Maxaynu markhaatiyaal weli ugu baahan nahay? Bal eega, haddeer waad maqasheen caytanka.

  • 35Oo goortay iskutallaabta ku qodbeen, dharkiisay qaybsadeen, wayna saami riteen si wixii nebigu ku hadlay u noqdaan, Dharkaygii bay qaybsadeen oo maradaydii bay saami u riteen.

  • 21si ay cabsida Rabbiga iyo sharafta haybaddiisa uga galaan qorrofyada dhagaxyada iyo qararka meelahooda dildillaacsan markii Rabbigu uu soo sara joogsado inuu dhulka si xun u gariiriyo.

  • 2Laakiin wuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan waxyaalahan oo dhan arkaynin? Runtii waxaan idinku leeyahay, Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

  • Cib 12:26-27
    2 aayado
    67%

    26kan codkiisii wakhtigaas gariiriyey dhulka; laakiin hadda wuu ballanqaaday isagoo leh, Weliba mar kale ayaan gariirin doonaa dhulka, dhulka oo keliyana ma aha ee xataa samadana waan gariirin doonaa.

    27Erayadii ahaa, Weliba mar kale, micnehoodu waxaa weeye in la qaadi doono waxyaalihii la gariiriyey sidii waxyaalo la sameeyey, si waxyaalihii aan la gariirinu u hadhaan.

  • 24Buurahaan fiiriyey, oo waxaan arkay inay gariirayeen, oo kurihii oo dhammuna way wada dhaqdhaqaaqayeen.

  • 6Waxaa imanaya maalmo goortii kuwaas aad arkaysaan aan dhagax dhagax kale dushiisa lagu dul dayn doonin oo aan la dumin doonin.

  • 25xiddiguhuna cirka waa ka soo dhici doonaan, xoogagga cirka ku jirana waa la gariirin doonaa.

  • 4Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa.

  • 54Waxay ahayd Maalintii Diyaargarayska, sabtidiina waa soo dhowaanaysay.

  • 2Ciise wuxuu ku yidhi, Guryahan waaweyn ma arkaysaa? Halkan lagu dul dayn maayo dhagax dhagax kale dushiisa oo aan la dumin doonin.

  • 31Oo kolkuu dhammeeyey waxyaalahaas uu ku hadlay oo dhan, ayaa dhulkii iyaga ka hooseeyey kala dillaacay,

  • 27Oo markii Samuu'eel ka jeestay oo uu damcay inuu tago, ayuu qabsaday darafkii khamiiskiisa, wuuna dillaacay.

  • 26Dadkuna waxay la suuxi doonaan baqdin iyo filasho waxa dunida iman doona, waayo, xoogagga cirka ayaa la gariirin doonaa.

  • 5¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxaan arkay macbudkii taambuugga markhaatifuridda oo samada ku jira oo la furay.

  • 37Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay ruuxaan arkeen.