Matayos 3:17

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Sab 2:7 : 7 Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
  • Mat 17:5 : 5 Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga.
  • Ish 42:1 : 1 ¶ Bal eega addoonkayga aan tiiriyo, oo aan doortay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saaray. Wuxuu quruumaha u soo saari doonaa xukunka.
  • Luuk 9:35 : 35 Daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.
  • Mark 9:7 : 7 Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.
  • Yoox 12:28-30 : 28 Aabbow, magacaaga ammaan. Haddaba waxaa samada ka yimid cod leh, Waan ammaanay, waanan ammaani doonaa mar kale. 29 ¶ Haddaba dadkii badnaa oo ag taagnaa, way maqleen, oo waxay yidhaahdeen, Waa onkod. Qaar kale waxay yidhaahdeen, Malaa'ig baa la hadashay isaga. 30 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Codkaasu aawaday uma imanin, laakiin wuxuu u yimid aawadiin.
  • 2 But 1:17 : 17 Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.
  • Mat 12:18 : 18 Eeg midiidinkaygii aan doortay, Kan aan jeclahay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saari doonaa, Wuxuuna quruumaha u sheegi doonaa xukunka.
  • Ef 1:6 : 6 in la ammaano cisada nimcadiisa ee uu inagu siiyey kan uu jecel yahay.
  • Kol 1:13 : 13 Isagu waa inaga samatabbixiyey xoogga gudcurka, oo wuxuu inoo beddelay boqortooyadii Wiilka jacaylkiisa,
  • Luuk 3:22 : 22 oo Ruuxa Quduuska ah ayaa dushiisa ku soo degay isagoo muuqasho jidh leh oo qoolley u eg, waxaana samada ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay; ee waan kugu faraxsanahay.
  • Mark 1:11 : 11 Waxaa samooyinka ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.
  • Ish 42:21 : 21 Rabbigu wuxuu aad ugu farxay xaqnimadiisa aawadeed inuu sharciga weyneeyo oo aad u sharfo.
  • Yoox 5:37 : 37 Aabbihii i soo dirayna waa ii marag furay. Idinkuna codkiisa ma maqlin goornaba, mana aydnaan arkin muuqiisa.
  • Muj 14:2 : 2 Markaasaan samada ka maqlay cod u eg biyo badan codkood iyo onkod weyn codkiis; oo codkii aan maqlayna wuxuu u ekaa kataaraley ka dhawaajinaysa kataaradahooda;

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mark 1:8-12
    5 aayado
    93%

    8Anigu waxaan idinku baabtiisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

    9¶ Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasared tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii.

    10Markiiba intuu biyihii ka soo baxay wuxuu arkay samooyinkii oo kala dillaacay iyo Ruuxii oo sidii qoolley oo kale dushiisa ugu soo degaya.

    11Waxaa samooyinka ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.

    12¶ Oo markiiba Ruuxii baa xaggii cidlada u eryay.

  • Luuk 3:21-22
    2 aayado
    91%

    21¶ Markii dadkii oo dhan la baabtiisay, waxaa dhacay in Ciisena la baabtiisay, oo intuu tukanayay ayaa samadu furantay,

    22oo Ruuxa Quduuska ah ayaa dushiisa ku soo degay isagoo muuqasho jidh leh oo qoolley u eg, waxaana samada ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay; ee waan kugu faraxsanahay.

  • Mat 17:2-6
    5 aayado
    88%

    2Hortoodana ayuu ku beddelmay, wejigiisuna sida qorraxda oo kale ayuu u dhalaalay, dharkiisuna sida nuurka oo kale ayuu u caddaaday.

    3Oo bal eeg, waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo la hadlaya isaga.

    4Markaasaa Butros u jawaabay oo wuxuu Ciise ku yidhi, Sayidow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Haddaad doonayso saddex waab ayaan halkan ka dhisayaa, mid adaan kuu dhisayaa, midna Muuse, midna Eliyaas.

    5Intuu weli hadlayay, daruur dhalaalaysa ayaa hadhaysay, oo cod baa daruurtii ka soo baxay oo yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. Maqla isaga.

    6Xertiina goortay maqleen, ayay wejigooda u dhaceen, aad bayna u baqeen.

  • 88%

    17Waayo, isagu wuxuu xagga Ilaaha Aabbaha ah ka helay maamuus iyo ammaan markii cod sidaas ahu isaga uga yimid xagga ammaanta aad u weyn ee yidhi, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay.

    18Oo codkaas aannu maqalnay wuxuu ka yimid samada markii aannu buurta quduuska ah isaga la joognay.

  • Mat 3:15-16
    2 aayado
    84%

    15Laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday.

    16Ciise goortii la baabtiisay, ayuu markiiba biyaha kor uga baxay, kolkaasaa samooyinku furmeen, oo wuxuu arkay Ruuxa Ilaah oo sida qoolley oo kale u soo degaya oo dushiisa imanaya,

  • Luuk 9:35-36
    2 aayado
    83%

    35Daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.

    36Goortii codkii ahaaday Ciise keliya ayaa la arkay; markaasay iska aamuseen, oo maalmahaas ninna uma ay sheegin wixii ay arkeen.

  • 7Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga.

  • 13¶ Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.

  • Yoox 1:30-34
    5 aayado
    75%

    30Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.

    31Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa.

    32Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii.

    33Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.

    34Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.

  • Mat 12:17-18
    2 aayado
    72%

    17si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,

    18Eeg midiidinkaygii aan doortay, Kan aan jeclahay oo ay naftaydu ku faraxsan tahay. Ruuxayga ayaan dul saari doonaa, Wuxuuna quruumaha u sheegi doonaa xukunka.

  • 7Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.

  • Mat 3:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

    2Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay.

    3Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

  • 71%

    28Aabbow, magacaaga ammaan. Haddaba waxaa samada ka yimid cod leh, Waan ammaanay, waanan ammaani doonaa mar kale.

    29¶ Haddaba dadkii badnaa oo ag taagnaa, way maqleen, oo waxay yidhaahdeen, Waa onkod. Qaar kale waxay yidhaahdeen, Malaa'ig baa la hadashay isaga.

    30Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Codkaasu aawaday uma imanin, laakiin wuxuu u yimid aawadiin.

  • 26Haah, Aabbow, waayo, sidaas ayaa kaa farxisay.

  • 5¶ Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay? Oo weliba, Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe, Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil?

  • 9Markaasuu Yeruusaalem geeyey, wuxuuna saaray munaaraddii macbudka oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, halkan hoos iskaga tuur;

  • Mark 1:2-3
    2 aayado
    70%

    2Sidii Nebi Isayos u qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga diyaargarayn doona;

    3Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya.

  • 35Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey.

  • Mat 16:16-17
    2 aayado
    70%

    16Simoon Butros ayaa u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Waxaad tahay Masiixa ah Wiilka Ilaaha nool.

    17Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Waad barakaysan tahay Simoon ina Yoonis, waayo, bini-aadmi tan kuuma muujin, laakiin Aabbahayga jannada ku jira ayaa kuu muujiyey.

  • 11Oo jinniyada wasakhda lehna goortay arkeen, hortiisii ayay isku tuureen oo qayliyeen, oo waxay yidhaahdeen, Adigu waxaad tahay Wiilka Ilaah.

  • 1¶ Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu indhihiisii kor u qaaday xagga samada oo yidhi, Aabbow, saacaddii way timid. Ammaan Wiilkaaga inuu Wiilku ku ammaano,

  • 22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

  • 33Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.

  • 33oo ah sidii Ilaah ballankaas ugu oofiyey carruurteenna markuu Ciise sara kiciyey, sida ay Sabuurka labaadna ugu qoran tahay. Waxaad tahay Wiilkayga, maantaan ku dhalay.

  • 70Markaasay waxay wada yidhaahdeen, Haddaba miyaad tahay Wiilka Ilaah? Wuxuu ku yidhi, Waad tidhaahdeen inaan ahay.

  • 6markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • 3Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis,