Matayos 6:29

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Taar 9:20-22 : 20 Oo Boqor Sulaymaan weelashiisii wax lagu cabbi jiray oo dhammu waxay wada ahaayeen dahab, gurigii kaynta Lubnaan weelashiisii oo dhammuna waxay wada ahaayeen dahab saafi ah; wakhtigii Sulaymaan lacag waxba qiimo ma lahayn. 21 Maxaa yeelay, boqorku wuxuu lahaa doonniyo Tarshiish u dhoofa oo waxay raaceen addoommadii Xuuraam, oo saddexdii sannadoodba mar bay doonniyihii Tarshiish iman jireen, oo waxay keeni jireen dahab, iyo lacag, iyo foolmaroodi, iyo daayeerro, iyo daa'uusyo. 22 Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.
  • 2 Taar 9:4-6 : 4 iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray iyo dharkoodii, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin. 5 Markaasay boqorkii ku tidhi, Warkii aan dalkaygii ku maqlay ee ku saabsanaa falimahaaga iyo xigmaddaada run buu ahaa. 6 Habase yeeshee erayadoodii ma aan rumaysan jeeraan imid oo ay indhahaygu arkeen, oo weliba xigmaddaada weynaanteedii badhna la iima sheegin, haddaba waad ka sii weyn tahay warkii aan maqlay.
  • 1 But 3:2-5 : 2 markay arkaan dabiicaddiinna daahirsan ee cabsida leh. 3 Isqurxintiinnu yaanay ahaan tan dibadda ah, oo ah timo tidcan, iyo dahab layska lulo, amase dhar la xidho, 4 laakiinse ha ahaato inta qalbiga ee qarsoon, taasoo leh wax aan baabba'ayn ee ah ruuxa qabow oo aamusan, kaasoo Ilaah hortiisa qiimo badan ku leh. 5 Waayo, sidaasoo kalaa waagii hore dumarkii quduuska ahaa oo Ilaah wax ka rajayn jiray ay isu qurxin jireen, iyagoo nimankoodii ka dambeeya.
  • 1 Boq 10:4-7 : 4 Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay, 5 iyo cuntadii miiskiisa, iyo fadhigii addoommadiisa, iyo hawshii adeegayaashiisa, iyo dharkoodii, iyo kuwiisii cabniinka siin jiray, iyo wixii uu guriga Rabbiga ku fuuli jiray, naf dambe iyadii kuma hadhin. 6 Markaasay boqorkii ku tidhi, Warkii aan dalkaygii ku maqlay ee ku saabsanaa falimahaaga iyo xigmaddaadu run buu ahaa. 7 Habase yeeshee erayadaas ma aan rumaysan jeeraan imid oo ay indhahaygu arkeen; oo weliba badhna la iima sheegin. Xigmaddaada iyo barwaaqadaadu way ka sii badan yihiin warkii aan maqlay.
  • 1 Tim 2:9-9 : 9 Sidaas oo kalena naaguhu waa inay, iyagoo xishoonaya oo digtoon, isku sharraxaan dhar qof xishood leh ku habboon, oo ayan isku sharraxin timo tidcan, iyo dahab ama luul ama dhar qaali ah. 10 Laakiinse ha isku sharraxeen shuqullo wanaagsan oo u eg dumarka cibaadada qira.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Luuk 12:22-31
    10 aayado
    89%

    22¶ Markaasuu xertiisii ku yidhi, Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, jidhkiinnana waxaad huwin doontaan.

    23Waayo, naftu waa ka roon tahay cuntada, jidhkuna waa ka roon yahay dharka.

    24Tukayaasha fiiriya, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, mana haystaan maqsin ama meel ay wax ku urursadaan, oo Ilaah baa cunto siiya. Intee baad ka roon tihiin shimbirraha!

    25Midkiinee intuu welwelo, dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

    26Haddaba haddii aanad samayn karin xataa waxa u yar, maxaad ugu welweshaan intii kale?

    27Fiiriya ubaxyada, siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtiga ammaantiisii oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.

    28Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysad yarayaalow?

    29Ha doondoonina waxaad cuntaan iyo waxaad cabtaan, oo ha shakiyina,

    30waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin.

    31Laakiin doondoona boqortooyadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa.

  • Mat 6:30-34
    5 aayado
    84%

    30Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?

    31Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa?

    32Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin.

    33Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.

    34Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.

  • Mat 6:25-28
    4 aayado
    84%

    25Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka?

    26Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?

    27Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

    28¶ Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan.

  • 25Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka wanaagsan qaba oo hodan ku nool waxay joogaan guryaha boqorrada.

  • 8Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada.

  • Mat 6:19-20
    2 aayado
    70%

    19¶ Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan,

    20laakiin maal jannada ku urursada, meesha aboorka iyo miridhku ayan ku baabbi'in iyo meesha tuugaggu ayan jebin oo ayan ka xadin.

  • 9Kabo gashada, laakiin laba khamiis ha gashanina.

  • Yac 2:2-3
    2 aayado
    69%

    2Haddii nin kaatun dahab ah iyo dhar quruxsan qabaa shirkiinna soo galo, oo haddana haddii nin kale oo miskiin ah oo dhar uskag leh qabaa soo galo,

    3oo aad fiirisaan ka dharka quruxdasan qaba oo aad ku tidhaahdaan, Adigu kaalay oo halkan wanaagsan fadhiiso, oo aad ku tidhaahdaan ka miskiinka ah, Adigu xaggaas istaag ama halkan cagahayga ag fadhiiso,

  • Yac 1:10-11
    2 aayado
    69%

    10kii taajir ahuna ha ku faano hoosaysiintiisa, waayo, wuxuu u idlaan doonaa sida ubaxa cawska.

    11Qorraxdu waxay la soo baxdaa kulaylka, wayna engejisaa cawska, oo ubaxiisuna wuu daataa, quruxda midabkiisuna way ka luntaa; sidaas oo kale ayaa taajirku ugu lumi doonaa socodkiisa.

  • 10Waayo, wixii ammaan lahaan jiray, ammaan kama lahayn wixii kan ku saabsan, ammaanta ka sarraysa aawadeed.

  • Mat 10:29-31
    3 aayado
    68%

    29Laba shimbirrood miyaan beesad lagu iibin? Middoodna dhulka ku dhici mayso amarka Aabbihiin la'aantiis.

    30Timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin.

    31Sidaa darteed ha baqina, waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.

  • 10Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo, Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.

  • 13Sidaasaa dahab iyo lacag lagugu sharraxay, dharkaaguna wuxuu ahaa dhar wanaagsan, iyo xariir, iyo dhar daabac leh. Oo waxaad cuntay daqiiq wanaagsan, iyo malab iyo saliid. Oo aad iyo aad baad u qurux badnayd, oo boqorad baad noqotay.

  • Luuk 12:6-7
    2 aayado
    67%

    6Shan shimbirrood miyaan laba beesadood lagu iibin? Oo midna lagama illaawin Ilaah hortiisa.

    7Laakiin timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin. Ha baqina; waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan.

  • 3Dharkiisu aad buu caddaan ula dhalaalay sidii midka dhulka wax ku caddeeya aanu u caddayn karin.

  • 25Oo Rabbiguna Sulaymaan aad iyo aad buu ugu weyneeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda, oo wuxuu isaga siiyey boqortooyo haybad leh oo ayan lahaan jirin boqorradii reer binu Israa'iil oo isaga ka horreeyey oo dhammu.

  • 36Weliba wuxuu kula hadlay masaal isagoo leh, Ninna karriin kama jeexo dhar cusub inuu dhar duug ah ku tolo, haddii kale tan cusub ayuu jeexayaa, oo karriintii laga soo gooyay dharkii cusbaa la heshiin mayso kan duugga ah.

  • 24Waayo, Wax kasta oo jiidh lahu waa sida caws oo kale, Oo quruxdiisa oo dhammuna waa sida ubaxa duurka oo kale, Haddaba cawsku wuu engegaa, ubaxuna wuu dhacaa;

  • 22Sidaasuu Boqor Sulaymaan xagga maalka iyo xagga xigmaddaba ugaga hor maray boqorradii dunida oo dhan.

  • 8Laakiinse haddaynu haysanno dhar iyo dhuuni, way inagu filnaan doonaan.

  • 6Waxaan idinku leeyahay, Mid macbudka ka sarreeya ayaa halkan jooga.

  • 8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.

  • 12ayaa xigmad iyo aqoonba lagu siiyey, oo anna waxaan ku siinayaa maal, iyo hodan, iyo sharaf ayan lahaan jirin boqorradii kaa horreeyey oo dhammu, oo ayan kuwa kaa dambeeya oo dhammuna taasoo kale lahaan doonin.

  • 11Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega, Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa, Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.

  • 5¶ Oo qaar kolkay macbudka ka hadlayeen in dhagaxyo wanaagsan iyo hadiyado lagu qurxiyey, wuxuu yidhi,

  • 1¶ Iska jira inaydnaan xaqnimadiinna dadka ku hor samayn inay idin arkaan, haddii kale abaal kuma lihidin Aabbihiinna jannada ku jira.

  • 11Laakiin boqorkii kolkuu soo galay inuu martida eego, wuxuu meesha ku arkay nin aan dharkii arooska qabin,

  • 33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.