Matayos 6:34

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaa darteed berrito ha ka welwelina, waayo, berrito iyadaa isu welwelaysa. Maalinta sharkeedu waa ku filan yahay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 6:25 : 25 Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka?
  • Yoox 14:27 : 27 Nabad baan idiinka tegayaa, nabaddaydana waan idin siinayaa, sida dunidu u siiso anigu idiin siin maayo. Qalbigiinnu yuusan murugoon, yuusanna biqin.
  • Yoox 16:33 : 33 Waxyaalahaas waxaan idiinkula hadlay inaad nabad igu haysataan. Dunida ayaad dhib kala kulantaan, laakiinse kalsoonaada, anaa ka adkaaday dunidaye.
  • Cib 13:5-6 : 5 Dabiicaddiinnu ha ahaato mid aan lacag jeclayn, oo waxaad haysataan raalli ku ahaada, waayo, isaga qudhiisu wuxuu yidhi, Sinaba kuu dayn maayo, oo sinaba kuu dayrin maayo. 6 Sidaas daraaddeed innagoo ku kalsoon waxaynu nidhaahnaa, Rabbigu waa kaalmeeyahayga, oo anigu cabsan maayo; Bal maxaa dad igu samayn doonaa?
  • Bar 3:23 : 23 Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay.
  • Bax 16:18-20 : 18 Oo markay comerkii ku qiyaaseen, kii wax badan soo gurtay waxba kama hadhin, kii wax yar soo gurtayna waxba kama dhinmin, oo nin waluba in cuntadiisa ugu filan buu soo gurtay. 19 Markaasaa Muuse wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna yuusan wax ka reebin ilaa subaxda. 20 Habase yeeshee Muuse ma ay dhegaysan, laakiinse qaarkood baa wax ka reebay ilaa subaxdii, kolkaasaa dirxi galay, oo ay urtay. Markaasaa Muusena iyagii u cadhooday.
  • Sharc 33:25 : 25 Kabahaagu waxay ahaan doonaan bir iyo naxaas, Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.
  • Mat 6:11 : 11 Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.
  • Luuk 11:3 : 3 Maalinba maalin kibistayada nagu filan na sii.
  • 2 Boq 7:1-2 : 1 ¶ Markaasaa Eliishaa yidhi, War maqla erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu leeyahay, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda koombo bur ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, oo laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel. 2 Oo sirkaalkii gacantiisa boqorku ku tiirsanaa wuxuu ninkii Ilaah ugu jawaabay, Rabbiga oo samada daaqado ka fura mooyaane, ee sidee baa waxanu ku noqon karaan? Oo isna wuxuu ku yidhi, Bal ogow, indhahaaga ayaad ku arki doontaa, laakiinse waxba kama cuni doontid.
  • Fal 14:22 : 22 iyagoo nafihii xerta ku xoogaynaya, kuna waaninaya inay iimaanka ku sii wadaan, iyagoo ku leh, Waa inaynu dhibaatooyin badan ku galnaa boqortooyada Ilaah.
  • 1 Tes 3:3-4 : 3 inaan dhibaatooyinkani ninna dhaqdhaqaajin, waayo, idinka qudhiinnuba waad ogsoon tihiin in tan lanoo doortay. 4 Waayo, markii aannu idinla joognay, horaannu idiinku sii sheegnay inaannu dhibtoonayno; waana sida ay noqotay, idinkuna waad og tihiin.
  • 1 Boq 17:4-6 : 4 Oo waxaad ka cabbi doontaa durdurka, oo tukayaashana waan ku amray inay halkaas kugu quudiyaan. 5 Sidaas daraaddeed wuu tegey, oo wuxuu yeelay sidii erayga Rabbigu ku yidhi, waayo, wuu tegey oo ag joogi jiray durdurka Keriid ee ku hor yaal Webi Urdun. 6 Oo tukayaasha ayaa subaxdii u keeni jiray kibis iyo hilib, fiidkiina kibis iyo hilib, oo biyona durdurkuu ka cabbi jiray.
  • 1 Boq 17:14-16 : 14 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo. 15 Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen. 16 Oo weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Mat 6:24-33
    10 aayado
    83%

    24¶ Ninna laba sayid uma shaqayn karo, waayo, mid buu nacayaa, kan kalena wuu jeclaanayaa, ama mid buu la jirayaa, kan kalena wuu quudhsanayaa. Uma wada shaqayn kartaan Ilaah iyo maal.

    25Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, iyo waxaad cabbi doontaan, jidhkiinnana ha ugu welwelina waxaad u huwan doontaan. Naftu miyaanay ka roonayn cuntada, jidhkuna miyaanu ka roonayn dharka?

    26Shimbirraha cirka eega, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, maqsinnona waxba kuma urursadaan, oo Aabbihiinna jannada ku jira ayaa cunto siiya. Idinku miyaydnaan ka roonayn?

    27Midkiinnee intuu welwelo dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

    28¶ Maxaad dharka ugu welweshaan? Fiiriya ubaxyada duurka siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan.

    29Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtigii ammaantiisa oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.

    30Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysadyarayaalow?

    31Sidaa darteed ha ku welwelina, idinkoo leh, Maxaannu cunaynaa? ama, Maxaannu cabbaynaa? ama, Maxaannu huwanaynaa?

    32Waayo, quruumuhu waxaas oo dhan ayay doondoonaan. Aabbihiinna jannada ku jiraa waa og yahay inaad waxaas oo dhan u baahan tihiin.

    33Laakiin horta doondoona boqortooyadii Ilaah iyo xaqnimadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydinku dari doonaa.

  • Luuk 12:21-31
    11 aayado
    79%

    21Sidaas oo kale weeye kan maal urursada oo aan Ilaah u hodan ahayn.

    22¶ Markaasuu xertiisii ku yidhi, Sidaa darteed waxaan idinku leeyahay, Ha ugu welwelina naftiinna waxaad cuni doontaan, jidhkiinnana waxaad huwin doontaan.

    23Waayo, naftu waa ka roon tahay cuntada, jidhkuna waa ka roon yahay dharka.

    24Tukayaasha fiiriya, waayo, waxba ma beeraan, waxna ma gurtaan, mana haystaan maqsin ama meel ay wax ku urursadaan, oo Ilaah baa cunto siiya. Intee baad ka roon tihiin shimbirraha!

    25Midkiinee intuu welwelo, dhererkiisa dhudhun ku dari kara?

    26Haddaba haddii aanad samayn karin xataa waxa u yar, maxaad ugu welweshaan intii kale?

    27Fiiriya ubaxyada, siday u baxaan, ma ay shaqeeyaan, ma ayna miiqdaan. Weliba waxaan idinku leeyahay, Xataa Sulaymaan wakhtiga ammaantiisii oo dhan dhar uma uu gashan jirin sida kuwan midkood.

    28Laakiin haddii Ilaah sidaa u huwiyo cawska maanta duurka ku yaal oo berrito moofada lagu ridayo, sidee ka badan ayuu idiin huwinayaa, rumaysad yarayaalow?

    29Ha doondoonina waxaad cuntaan iyo waxaad cabtaan, oo ha shakiyina,

    30waayo, quruumaha dunidu waxaas oo dhan ayay doondoonaan; laakiin Aabbihiin waa og yahay inaad waxaas u baahan tihiin.

    31Laakiin doondoona boqortooyadiisa, oo waxaas oo dhan waa laydiinku dari doonaa.

  • 1Berrito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto.

  • Mat 6:19-21
    3 aayado
    73%

    19¶ Maal ha ku urursanina dhulka, meesha aboorka iyo miridhku ku baabbi'iyaan, iyo meesha tuugaggu jebiyaan oo ka xadaan,

    20laakiin maal jannada ku urursada, meesha aboorka iyo miridhku ayan ku baabbi'in iyo meesha tuugaggu ayan jebin oo ayan ka xadin.

    21Waayo, meesha maalkaagu ku jiro, meeshaasaa qalbigaaguna ku jiri doonaa.

  • 34¶ Laakiin iska jira, yaan qalbiyadiinnu la cuslaan dhereg badan iyo sakhraannimo iyo ka welwelidda ifkan, oo yaan maalintaasu idiin soo kedin sida dabin oo kale.

  • 71%

    15Wuxuu iyaga ku yidhi, Fiiriya oo iska ilaaliya damacnimada oo dhan, waayo, qof goortuu maal badnaado, noloshiisu kama timaado maalkuu leeyahay.

    16Markaasuu masaal kula hadlay oo ku yidhi, Nin hodan ah dhulkiisa ayaa wax badan bixiyey.

  • 11Kibis maalin nagu filan, maanta na sii.

  • Yac 4:13-14
    2 aayado
    71%

    13¶ Bal kaalaya hadda, kuwiinnan yidhaahda, Maanta ama berri waxaannu tegi doonaa magaalo, oo halkaasaannu sannad joogi doonnaa, waannu baayacmushtari doonnaa oo faa'iidaysan doonnaa,

    14kuwiinnan aan garanaynin waxa berri dhici doona. Noloshiinnu waa maxay? Waayo, idinku waxaad tihiin ceeryaamo, tan wakhti yar muuqata dabadeedna libidha.

  • 8Laakiinse haddaynu haysanno dhar iyo dhuuni, way inagu filnaan doonaan.

  • 8Sidaa darteed ha ahaanina sidooda oo kale, waayo, Aabbihiin waa og yahay waxaad u baahan tihiin intaanad weyddiin.

  • 7Welwelkiinna oo dhan isaga saara, maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay.

  • 3Maalinba maalin kibistayada nagu filan na sii.

  • 69%

    33Iibiya waxaad leedihiin oo sadaqo bixiya. Samaysta kiishash aan duugoobaynin, oo maal aan dhammaanaynin ku urursada jannada, meesha aan tuug ku soo dhowaan oo aan aboor ku baabbi'in.

    34Waayo, meesha maalkiinnu ku jiro, meeshaasaa qalbigiinnuna ku jiri doonaa.

  • 31Maalintaas kii guriga fuushanu, oo alaabtiisu guriga ku jirto, yaanu u soo degin inuu soo qaato; kii beerta joogaana sidaas oo kale yaanu dib u noqon.

  • 19Laakiin goortay idin gacangeliyaan, ha ka welwelina sidaad u hadli doontaan ama waxaad ku hadli doontaan, waayo, waxaad ku hadli doontaan ayaa saacaddaas laydin siin doonaa.

  • 33Iska jira oo soo jeeda, waayo, ma ogidin wakhtigu goortuu yahay.

  • 19Xumaanfalayaasha aawadood ha isku dhibin, Kuwa sharka lehna ha ka masayrin,

  • 27Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey.

  • 8Cadhada ka joogso, oo dhirifka ka tag, Hana isku dhibin inaad shar samaysid.

  • 19oo waxaan naftayda ku odhan doonaa, Nafay, waxaad leedahay alaab badan oo sannado badan loo dhigay. Naso oo wax cun oo cab oo farax.

  • 17¶ Kuwa dunidatan haatan la joogo hodanka ku ah waani inayan iskibrin oo ayan maalka aan la hubin isku hallayn, laakiinse ay isku halleeyaan Ilaaha wax kasta si deeqsinimo ah inoo siiya si aynu ugu raaxaysanno.

  • 4Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.

  • 6Waxba ha ka welwelina, laakiinse wax kastaba baryadiinna Ilaah ku ogeysiiya tukasho iyo duco mahadnaqid la jirto.

  • 1Ha isku dhibin xumaanfalayaasha aawadood, Hana uga hinaasin kuwa xaqdarrada sameeya.

  • 24Ninna yuusan doonin waxa isaga qudhiisa u roon, laakiin mid kasta ha doono waxa kan kale u roon.

  • 11Oo goortii laydin wado oo laydin gacangeliyo, horta ha ka welwelina wixii aad ku hadli doontaan; laakiin wixii saacaddaas laydin siiyo, waxaas ku hadla, waayo, ma aha idinka kuwa hadlayaa laakiin waa Ruuxa Quduuska ah.